roob-deyreed
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roob-deyreed
m.l (-roobab ..., m.l) (c.cimi.) Mid ka mid ah labada roob ee ugu badan roobabaka ka da'a Bariga Afrika, sannadkii, laga billaabo Oktoobar ilaa Disembar.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Roob deyreed
Milet Rains

Roob guyeed
Bolssomshowers
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roob-gu'eed
m.l (-bab ..., m.l) (c.cimi.) Mid ka mid ah labada roob ugu waaweyn midkood oo sannadkii laga helo Afrikada Bari, kaas oo da'a inta u dhexeysa bilaha Febraayo iyo May.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roob-gu'eed
m.l (-bab ..., m.l) (c.cimi.) Mid ka mid ah labada roob ugu waaweyn midkood oo sannadkii laga helo Afrikada Bari, kaas oo da'a inta u dhexeysa bilaha Febraayo iyo May.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqoon-beereed
m.dh (cilmi beereed) Sayniska beeridda dalagyada oo ay ka mid yihiin mashaakilka dalagyada soo go'a, ka hortagga cudurrada, horumarinta noocyo dalag oo kala duwan iyo maamulka, xanaanaynta, iyo bacrinta carrada.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nolol-duureed
-ka: (n) wildlife (waayldh-laayf)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Roo-b buureed
Orographic rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobgu'eed
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah labada roob ugu waaweyn midkood oo sannadkii laga helo Afrikada Bari, kaas oo da'a inta u dhexeysa bilaha Febraayo iyo Meey.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobkajeed
-da: (magac, dhedig, keli) meel celceliska roobka ay heshaa uu yaryahay maxaa yeelay silsillo buuro ah ayaa ka xira dabaylaha roobka keena ee meeshaas ka dhaca.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
COWS-JEEREED
(Os-jered) S Echinochloa crus-panvonis (Kunth) Schult. Gramineae.
S Cenchrus ciliaris L. Gramineae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hoos-carreed
m.l (jooloji) Lakab walxo ah oo hoos yaal carro rumeedka, ama carrada kore, walxa dhintayna way kaga yaryihiin kan ku xiga waxaana laga yaabaa in muxtawiyaadkiisa macdaneed kala duwan yahay, wuuna ka yare dahsoonyahay wakiillada ogsidhaynta iyo haydaraynta. Wuu ka bacrimin yaryahay carrada kore. Laakiin waxa hoos u gala xididdada dhirta iyo deegaanta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roob ka jeed
m.l (-bab ..., m.l) Meel celceliska roobka ay heshaa uu yaryahay maxaa yeelay silsillo buuro ah ayaa ka xira dabaylaha roobka keena ee meeshaas ka dhaca.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Roob ka jeed
Rain shadow
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aqoon beereed
Agronomy
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
goob-milixeed
m.l (-dyo, m.dh) (juqraafi) God, hore ay ugu jireen biyo, kaas oo tuullimaad cusbo ah looga tegay uumi baxa biyaha ku dhacay awgiis.