rodh
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rodh
m.l (-dhyo, m.l) (cilmiga naflayda) Nooc ka mid ah qaabile unug oo xasaasi u ah ilayska oo laga helo retiinaha lafdhabarleyda. Rodhisku waxay ka koobanyihiin midabsidaha rodhobsiin, waxaanay muhin u yihiin wax ku aragga ilayska daciifka ah. Rodhisku si saami ah uguma qaybsana ratiinaha, sababta oo ah waxay ka maqanyihiin foofaha, waxaanay ka buu-xaan liidka ratiinaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rodh
m.l (-dhyo, m.l) (cilmiga naflayda) Nooc ka mid ah qaabile unug oo xasaasi u ah ilayska oo laga helo retiinaha lafdhabarleyda. Rodhisku waxay ka koobanyihiin midabsidaha rodhobsiin, waxaanay muhin u yihiin wax ku aragga ilayska daciifka ah. Rodhisku si saami ah uguma qaybsana ratiinaha, sababta oo ah waxay ka maqanyihiin foofaha, waxaanay ka buuxaan liidka ratiinaha.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rod
/rodh/ (n) ul bir ama geed ka samaysan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rod
m., ul, -shi, laan, -ti, denged, -di, sergad, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rode
/rowdh/ (v) fuulay (ride, oo fal tagay ah).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudh
f.g1 (-udhay, -uddhay) la-mid: rud.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudh
(fal) in mar ilkaha lagu goosto, gooso, qam ka sii. Dh: rud, hudh.
rudh -ka: (magac, lab, keli) in mar ilkaha lagu goosto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xodh
-a: (magac, dhedig, kel) maro la xidho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
korodh
m. n. increment, increase
korodh [inchoative] v. increase, grow, be added to, develop
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
korodh
-ay I tay: (v) increase (inkiriis); multiply (moltipalaay); expand (ikispaandh) ~ siyaado
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
korodh
-ka: (magac, lab, keli) wax biiro yeesha ama siyaada.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roodhi
-ga: (magac, lab, keli)) furun la quuto oo qooshka daqiiqda laga dubo. Roodhi wacan, oo nin loo dubay, oo ninkii duday oon ka daba tegay, uu i soo dilay. Dh: rooti, furun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
boodh
m.l (-dho, m.dh) (baayoloji) Unug taran oo keligii kobci kara iyada oo aanu la kulmin unug kale oo taran b.ka waxa soo saara dhirta, fangiga, bakteeriyada iyo qaar ka mid ah borotosoowaha. B.ku wuxuu noqon karaa noole u eg waalidkii ama wuxuu mari karaa heer kale oo meerta nololeed.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
boodh
m.l (-dho, m.dh) (baay.) Unug taran oo keligii kobci kara iyada oo aanu la kulmin unug kale oo taran b.ka waxa soo saara dhirta, fangiga, bakteeriyada iyo qaar ka mid ah borotosoowaha. B.ku wuxuu noqon karaa noole u eg waalidkii ama wuxuu mari karaa heer kale oo meerta nololeed.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Boodh
Dust
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
boodh
m. n., (mass n.): dust
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
boodh
-ka: (n) dust (dhast) ~ boor, bus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
boodh
-ka: (magac, lab, keli) ciid budo ah oo dabaysho qaadqaaddo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
boodh
de: dust
lx: boodh
pd: (-ka Pl: boodhadh (ka))
ps: n4-m-mass
key: boodh
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
bròdo
s.m. maraq, fuud.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
broth
/brooth/ (n) fuud (kusaar).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
broth
n., fuud, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
erode
/irowd/ (v) carra-guurid, nabaad guurid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
fròde
s.f. - khiyaamo, dhagar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
froth
/froth/ (n) 1. abur, xunbo (v) 2. abur-yeelasho, xunbayn
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
froth
v.i., doobi, qooq; that camel froths, awrkaasi waa doobinayaa or waa qooqayaa; n., xumbo, -adi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hodhi
(fal) ciyaar, oo sacabka aad ha u garaac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hoodh
-ka: (magac, lab, keli) maqaar yar oo qudhmuun. Dh: xoodh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kodhe
-ha: (magac, lab, keli) harag laga saaray neef yar oo inta la hagaajiyo caanaha lagu lusho.
kodhe-ha: (magac, lab, keli) daayeer aad u fudfudud. Dh: korow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kodho
m.dh Harag waxar yar oo haamaha caanaha lagu lulo loo hoos dhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kodho
-ha: (magac, lab, keli) harag waxar yar oo haamaha caanaha lagu lulo la hoos dhigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
koodh
m.l (-rar, m.l) la-mid: koor¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
koodh
m. n. coat
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
koodh
-ka: (n) coat (kowt); overcoat (ooverkowt); jacket (jaaket)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
koodh
a: koor {N}
de: coat
lx: koodh
pd: (-ka Pl: koodhadh (ka))
ps: n4-m
key: koodh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
loodh
-ka: (magac, lab keli) hal jawaan oo buuxa; jawaan mudho ah oo buuxa. Loodh bariis ah dukaanka ka qaado. Dh: kiintaal, loor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
noodh
m.l la-mid: nood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
noodh
-ka: (magac, lab, keli) lacagta inteeda warqadaha ah. Dh: noor. Li: qaddaadiic.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qoodh
f. n., [collective] stud animals [col.] ; uncastrated male animal
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qoodh
-a: (n) adult and strong male animals that have not been castrated ~ qoor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodh
-a: (magacwadareed) lab aan la dhufaanin oo xiniinyo qaba waxna saran kara. Qoodhi gardabo iskama dayso. Dh: qoor, qoodhqab.
qoodh-ka: (magac, lab, keli) shey badhkii. Qoodh sonkor ah ayaan carruurta u keenay. Dh: badh, nus.
qoodh -ka: (magac, lab, keli) candhada xoolaha ishinka ah afartooda kurximood ee naasaha ka korreeya. Dh: kurxin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qoodh
a: qoor
de: stud animals [col]; uncastrated male animal
lx: qoodh
pd: (-dha Pl: qoodhadh (ka))
ps: n4-f-col
key: qoodh
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
roach
/rowj/ (bre) cockroach; (ame) (n) baranbaro
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
roche
roche, n.f. - dhadhaab
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rôder
rôder, v. - warwareegis (socod) aan ujeeddo lahayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rodol
(Rodol-ka)
Cabbir culayskiisu le'eg yahay 16 wuqiyadood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rodol
m.l (-llo, m.dh) Halbeeg culayseed u dhigma 16 wiqiyadood (habka ingiriiska).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rodol
m.l (-llo, m.dh) Halbeeg culayseed u dhigma 16 wiqiyadood (habka ingiriiska).
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rodol
Pound
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rodol
m. n. pound (measure of weight)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rodol
-ka: (n) pound (paawndh); unit of measurement equal to 16 ounces or 453.592 grams ~ hal-beeg lugu cabbiro culayska, siiba nidaamka Ingiriiska
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Rodol
Libbra
Pound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rodol
-ka: (magac, lab, keli) cabbir culayskiisu le'eg yahay 16 wiqiyadood. Rodol sonkor ah ii soo miis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rodol
bw: Arabic
cf: wuqiyad (ounce)
de: pound (measure of weight)
lx: rodol
pd: (-ka Pl: rodaal (/sha))
ps: n2-m, n8-m
key: rodol
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Rooda
pr. n., [feminine] Rhoda
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Rooda
de: Rhoda
lx: Rooda
ps: name-f
key: Rooda
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
rough
(adj) having a bumpy, uneven surface; not smooth or even.
waxaan isku sinayn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rough
/raf/ (adj) 1. qalleyf ah (aan sulub ahayn) 2. xun (liita).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rough
a., camal hun, ba'an, xun, qalafsan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rowdy
/rawdhi/ (adj) buuq badan (qaylo iyo sawaxan badan).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
soodh
-ka: (magac, lab, keli) bir dilaaya oo qoryaha afka hore lagaga xidho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoodh
-ka: (magac, lab, keli) xumbo uu dareere xoog u shubmaa kiciyo. Hadhuub gaallo xoodhliyo xunbada halab ma weydeen e. Dh: bas, galax, balax, sulux, xoor, xooj.
xoodh -ka: (magac, lab, keli) harag qudhmay oo ura. Xoodhbaa urayee naga tuura. Dh: xoor.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
rikoodh
record
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rikoodh
m. n. tape recorder; magnetic tape; record {sports}
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rikoodh
-ka: (n) 1. record player; tape recorder ~ rikoor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rikoodh
-ka: (magac, lab, keli) qalab codka lagu duubo ama lagu dhagaysto. Dh: shiriig, rikoor.
rikoodh-ka: (magac, lab, keli) halka u sarraysa ee tartan laga gaadho een cid kali weli gaadhin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rikoodh
a: rikoor
cf: naastro {N < Eng}
de: tape recorder; magnetic tape; record (sports)
lx: rikoodh
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: rikoodh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimoodh
-ka: (magac, lab, keli) gaadhiga isjiidka ah intiisa dambe ee uu jiido.