robot
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
robot
/rowbot/ (n) mashiin sidii qof wax u qabta, (ootomaatik ah).
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Root
Xidid
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
root
/ruut/ roots;(n) 1. xidid 2. salka ama xididka wax ka soo unkamaan 3. xididka laba-jibbaaran ee xisaabta.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
root
n., jirid, -di, gun, -ti, xidid, -ki.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rabot
rabot, n.m. - raandada qoryaha ama looxaanta laguna xoqo laguna simo
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
portrait
portrait, n.m. - sawir la qurxiyey
portrait-robot - sawir mala'awaal ah oo gacanta lagu sameeyey
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rowboat
/row bowt/ (n) huuri (doonni- yar oo ulo lugu kexeeyo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rabiot
rabiot, n.m. - shaqo dheeri ah; ka baxsan shaqada wakhtiga u caadiga ah
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
robust
/rowbast/ (adj) xooggan oo caafimaad qaba.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rob
/rob/ (v) dhicid (boobid, sida xoolo la dhaco).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rob
v.tr., xad, boob, dhac; be robbed, dhacan, dhacanaw.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rot
/rot/ (v) qurmid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rot
rot, n.m. - daacada
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rôt
rôt, n.m. - solidda.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rot
v., (grow putrid) qudhun; v.c., (cause to rot) qudhmi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
boot
/buut/ (n) 1. kabaha buudka ah (ee dusha ka qafilan)(v) 2. shaqo ka fanishid (shaqo ka cayrin)(n) 3. gaariga gadaashiisa (wax lugu rarto)(v) 4. laadid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
boot
/buut/ (n) 1. koby, kopy buud eh. (v) 2. kompiyuutar daarow amy shithow.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
boot
n., kab, -ti.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dobo
f. n. puddle, pool
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Foot
Cag, Fuudh
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Foot
Cag
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
foot
(n) the lower part of the leg that is in direct contact with the ground in standing or walking.
cag
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
foot
/fuut/ (n) 1. lug (n) 2. hal-beeg dhererka lugu cabbiro oo la mid ah .305 meters ama 12 inji. (n) 3. hoosta, dhanka hoose 4. lugayn (lug ku bixid)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
foot
n., cag, -ti; from head to foot, cagtii ilaa madaxa; he walks barefooted, kaba la’aan buu ku socdaa; go on foot, caga ku soco; foot by foot, talaabo-talaabo; at the foot, cagta; put your feet in, illo; the feet of the mountain, buurta cagteeda; broad-footed, nin caga weyn; foot path, n., daw, -gi, jid, -ki, marin, -ki; sole of the foot, n., cagta cad, cagti cadayd; footstep, n., raad, -ki; sound of the footsteps, jaan, -ti.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gobo
-gobada: (n) a tiny drop of liquid, droplet (droop-let) ~ tifiq, dhibic
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hobo
/howbow/ (infl)(n) dowdar (qof aan hoy iyo camal toona lahayn oo iska wareega).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hoot
/huut/ (n) 1. dhawaqa hoonka gaariga. (n) 2. cida guumeysta. (v) 3. dhawaq-dheer yeerin, sida hoon gaari iwm. (v) 4. ku-qaylin, ku fooryid oo diidid ka macna ah. e.g. When she started to sing, we all hooted at her.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hoot
n., (clamour) qaylo, -adi, buuq, -i.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
loot
/luut/looting;(n) 1. bililiqo (v) 2. bililiqaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
oboc
m.dh la-mid: ubuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
oboc
-da: (magac, dhedig, keli) inta uurkujirta ah ee gudaha jidhka. Obocda ayaa waran lagaga taagay aarkii. Dh: ubuc.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qobo
m.dh Dhaxan aad u qabow oo habeenkii soo dhacda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabo
(Raba-ha)
(keli: rab) xiddigaha cirirka oo toddobada ah, tan shanaad (rab hore) iyo tan lixaad (rab danbe).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ribo
(Riba-da)
Faa'ido ama dulsaar xaaraan ah oo lacagta ama waxyaalaha kale oo lays amaahiyo la kor saaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ribo
ribo¹: m.dh Hanti dulsaar ah oo laga qaato hanti la is amaahiyay.
ribo²: f.mg3 (-btay, -batay) Nafley salka ku siqid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ribo
m.dh Hanti dulsaar ah oo laga qaato hanti la is amaahiyay.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ribo
Interest
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ribo
f. n., [collective] usury, illegal ~ high interest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ribo
ribada: (n) interest charged or paid on a loan or deposited money; interest (intarast); usury (yuu-shari) ~ dulsaar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ribo
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala iibsi diinta Islaamka aan ku bannaanayn oo ah in lacag la amaahdo kol kasta oo xilligii ay dib uga dhacdaba dulsaarkeeda la siyaadiyo ama laba wax oo isku mid ah si kala badan la isku dhaafsado. Dh: dulsaar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ribo
bw: Arabic
de: usury, illegal ~ high interest
lx: ribo
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: ribo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
riot
/rayat/ (n) 1. mudaharaad (siiba mudaharaad rabsho iyo qas wata) 2. xiisa leh (maad leh) 3. soo-jiidasho leh (midab indha-sarcaad ah).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ròba
s.f. - alaab, shey.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
robe
/rowb/ (n) qamiis (maro dheer oo la xirto).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
robe
robe, n.f. - kurdad; toob; cambuur; diric.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogo
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Wax dhiniciisa sarreeya hoos marsasho. 2. Qof la legday oo laga sarreeyo qofkii legday geddisasho. 3. Ka r.: alaab gaadiid saaran ka degsasho. 4. Ku r.: wax, wax qarin karo ku gambisasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rogo
f.g3 (-gtay, -gatay) 1. Wax dhiniciisa sarreeya hoos marsasho. 2. Qof la legday oo laga sarreeyo qofkii legday geddisasho. 3. Ka r.: alaab gaadiid saaran ka degsasho. 4. Ku r.: wax, wax qarin karo ku gambisasho. m.f.dh, rogasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rogo
v. turn something ~ someone around for oneself
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogo
(fal) wax meel yaal dhanka kale u geddiso. Dh: qallibo, gembiyo.
rogo: (fal) dejiso oo wax gaadiid saaran ama meel ku jiro faaruqiso. Raashinka ka rogo baabuurka.
rogo: (fal) wax af ku qoran tarjumo oo af ad garanayso ku qoro. Dh: turjumo.
rogo: (fal) beer inta aad shinniyayn qodo oo carrageddi ku samayso.
rogo: (fal) dib u cesho oo halkaad ka keentay gee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rogo
de: turn s.t. ~ s.o. around for oneself
lx: rogo
pd: (rogtay)
ps: v3b=tr
key: rogo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roob
(Roob-ka)
Biyo iyagoo dhibco ah dhiilka ku soo daata; waa biyaha, qiiqbiyood ahaan neecawda ugu jira, oo inta qabooba, dhibco iyo daruuro u rogmada, oo dabadeed kolkay cuslaadaan, oo heehaabi waayaan, soo daata.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roob
m.l (-bab, m.l) (fiisikis) Dhibco biyo ah oo kala baxsan oo ku da'a dhulka kana soo da'a daruuraha, waxaana sameeya qaboob-ka xarfadka ku dhaca uumi biyoodka gibilka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roob
m.l (-bab, m.l) (fiisikis) Dhibco biyo ah oo kala baxsan oo ku da'a dhulka kana soo da'a daruuraha, waxaana sameeya qaboobka xarfadka ku dhaca uumi biyoodka gibilka.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Roob
Rain
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roob
m. n., [collective] rain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
roob
-ka: (n) rain (reeyn); rainfall (reeyn-fool); shower (shaaw-er)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Roob
Pioggia
Rain
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roob
-ka: (magac, lab, keli) biyo dhibco ah oo dhulka ku soo daata; biyaha qiiqbiyood ahaan hawada ugu jira oo intay qaboobaan dhibco iyo daruuro noqda dabadeed markay cuslaadaan ee ay heehaabi kari waayaan soo daata oo dhulka ku da'a. Haddaan la kala roonaan roob ma da'o. Dh: raxmad, naxariis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roob
de: rain
lx: roob
pd: (-ka Pl: roobab (ka))
ps: n4-m-col
key: roob
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
roob
نَوْءٍ، مَطَرٍ، قَطْرِ، غَيْثٍ
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
roof
/ruuf/ (n) 1. saqaf (saqafka ama dedka kore ee guriga) (v) 2. saqaf saarid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
roof
n., saqaf, -ki.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
roog
-ga: (n) carpet (kaar-pit) ~ kaarbid, kadiifad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roog
-ga: (magac, lab, keli) gogol jilicsan oo guryaha lagu qurxiyo oo dhulka la dhigo. Dh: ruumi.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rook
/ruk/ (v) 1. khatalid (siiba lacag si dhagrid ah uga dhicid) (n) 2. tuke (shimbir madoow).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
room
/ruum/ (n) 1. qol (maqsin) 2. boos (meel bannaan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
room
n., aqal, -ki, makhsin, -ki, gurgur, -ki, qollad, -di, rar, -ti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roon
1. Weyn aan dhabse u weyneyn.
2. Iska wanaagsan, fiican; aan liidan; wax kale dhaama.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roon
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid aan dhibaato qabin ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roon
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid aan dhibaato qabin ahaansho. m.f.dh, roonaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roon
[adjective] better (off ~ than); good, excellent, superior (to)
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Roon
bon.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Roon
name-f better (off~ than); good, excellent, superior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
roon
-aa / ayd: (adj) 1. feeling better. Ex: iska waran?, waan roon-nahay; how are you? lam feeling better. 2. mild (maayldh); normal (noormal); clement (kala-ment)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roon
(tilmaame) san oo wanaagsan. wixii roon Rabbi baa og.
roon: (tilmaame) weyn oo inta kale ka muddakarsan. Wiilka roon magaciisa ii sheeg.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
roon
de: better (off ~ than); good, excellent, superior (to) With prepositions ka (than, to) ~ u (off)
lx: roon
pd: (roonaa)
ps: adj
key: roon
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roor
(Roor-ka)
1. Si socodka ka dheeraysa oo talaabooyinka loo qaado; orod.
2. Geel-dhugeeye; jirjirroole.
3. Cudur xooluhu la cararaan; bayr; shinbir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roor
roor¹: m.l 1. Orod. 2. Jirjiroole. 3. Cudur maskaxeed geela ku dhaca oo la rumaysanyahay in uu ka qaado qaniinyada jirjirroolaha.
roor²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Orod samayn. 2. Cinjir, xarig iyo wixi lamida isku soo ururid. 3. La r.: nin naag uu guur ka rabo la baxsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
roor
roor¹: m.l 1. Orod. 2. Jirjiroole. 3. Cudur maskaxeed geela ku dhaca oo la rumaysanyahay in uu ka qaado qaniinyada jirjirroolaha.
roor²: f.mg1 (-ray, -rtay) 1. Orod samayn. 2. Cinjir, xarig iyo wixi lamida isku soo ururid. 3. La r.: nin naag uu guur ka rabo la baxsasho. m.f.dh, roorid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
roor
v. run (away), rush, stampede
roor: m. n. disease which makes livestock rush about
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
roor
-ay -tay: (v) run (ran) ~ carar, orad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roor
(fal) aad u orod: cagaha wax ka day, taw dheh. Roor aabbo raggu yaanay ku soo gaadhine. Dh: orod, carar
roor -ka: (magac, lab, keli) cudur xooluhu la carcararaan. Dh: bayr, shinbir
roor-ka: (magac, lab, keli) noole kolba meesha uu joogo isu ekaysiiya. Dh: odayjirjirroole, maskax-geelkalabbax, geeldhugeeye, jirjirroole.
roor-ka: (magac, lab, keli) orodka xoogga ah. Roor buu gaadhiga ku soo koray: Dh: orod
roor-ka: (magac, lab, keli) gaadiid dad iyo bucshurad badan qaada oo ka kooban buudhiyaal badan oo isku xidhiidhsan oo matoor keli ahi jildo oo mara dhabbo laba birood oo isgarab yaal ah. Dh: tareen; qidaar, xadid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rout
/rawt/ (n) jebin (ka rayn).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
soot
m. n. vote; voice
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
soot
/suut/ (n) danbas (budada madow ee gubashada ka samaysanta).
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
soot
bw: Arabic
de: vote; voice
initial: s
lx: soot
pd: (-ka)
ps: n-m
key: soot
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
soot
n., madun, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
toot
/tuwt/ (v) dhawaajin (dhawaaq ka keenid firinbi, hoon iwm).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
abbot
/abat/ (n) wadaadka diinta ee madaxda u ah wadaadada kale.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
abbot
/abat/ (n) langky mathyghy ing eh soorooyingky amy widaadethy gaalathy.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cobol
(Cobo-sha)
Geed caleemo balballaaran oo aan qodax lahayn; wuxuu kamid yahay dhirta qayacatadu ka baxdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cobol
m.dh Geed abaareed, caleen ballaaran oo aan qodax lahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cobol
f. n. tree species, with large leaves but without thorns
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cobol
-ka: (magac, lab, keli) geed caleemo balbalaadhan oo aan qodax lahayn. Waxa uu ka mid yahay dhirta ay qayacatadu ka baxdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cobol
de: tree sp., with large leaves but without thorns
lx: cobol
pd: (/sha)
ps: n-f
key: cobol
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gobo'
m.dh 1. Shay ka samaysan qori ama maqaar oo gammuunada lagu rito; gabooyo; qulux; qonox. 2. Dhibic.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gobo'
f. n. drop, droplet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobo'
-da: (magac, dhedig, keli) tiix yar oo dareere ah; inyar oo dareere ah oo meel sare ka soo dhacda. Geelii wuu gudhoo malaha gobo'da caanoode. Dh: tifiq, dhibic.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gobo'
de: drop, droplet
lx: gobo'
pd: (-da)
ps: n2a-f
syn: dhibic
key: gobo'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gobol
(Gobol-ka)
1. Qaybaha dal u qaybsan yahay middood.
2. Gabal, qaar, cad, jeex.