riyannuug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyannuug
riyannuug¹: m.l 1. Orgi yar oo hooyadii nuuga. 2. Nin hungurixumo lagu dhalii-layo.
riyannuug²: m.dh.u Abeeso-lugalay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riyannuug
m.dh.u Abeeso-lugalay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyannuug
-ga: (magac, lab, keli) orgi yar hooyadii nuuga.
riyannuug-ga: (magac, lab, keli) nin hungurixumo lagu dhaliilayo.
riyannuug-ga: (magac, lab, keli) qof ariga aan caadi u maalane toos naasaha uga nuuga. Riyanuug xoolo looma diro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abeeso-lugaley
(Abeeso-lugaley-da)
Jaad halaqa ka mid ah oo qallajisaha waaweyn lagu tirsho oo afar addin iyo dabo dheer iyo harag adag leh; masolugaley, riyannuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cirrannuug
m.l Yaraan; guridambays; sug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garannuug
(Garannuug-ta)
Ugaarta jaad kamid ah oo sur aad u dheer leh (ama gerennuug).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garannuug
m.dh Jaad ugaarta waaweyn ka mid ah oo geeso iyo sur dheer leh. la-mid: gerennuug, gerinnuug.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garannuug
m.dh Jaad ugaarta waaweyn ka mid ah oo geeso iyo sur dheer leh. la-mid: gerennuug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garannuug
f. n., [collective] Waller's gazelle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
garannuug
-ta: (n) gazelle (gazaal) ~ deero
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garannuug
a: gerennuug
cf: liig
de: Waller's gazelle
lx: garannuug
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: garannuug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanannuug
m.l/dh (-gyo, m.dh) Ubad naasley oo aan weli naaska hooyadii ka go'in; naasnuug.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caanannuug
m.l/dh (-gyo, m.dh) Ubad naasley oo aan weli naaska hooyadii ka go'in; naasnuug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanannuug
m. n. baby that is still breast feeding
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caanannuug
-ga: (n) an unweaned mammal; suckler (sak-lar)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanannuug
de: baby that is still breast feeding
lx: caanannuug
pd: (-ga ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: caanannuug
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
trisannuel
trisannuel, adj. - saddexdi sanaba mar dhaca
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Isnuug
(Isnuug-ga)
1. Nafley caano leh, oo meeshii laga maali lahaa ama dhashoodu ka nuugi lahayd, iyagu isnuuga.
2. Inta isnuugta (irmaanka iyo dhashooda).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
isnuug
m.l (isnuug, m.dh) 1. Nafley caano leh, oo meeshii laga maali lahaa ama dhashoodu ka nuugi lahayd, iyagu isnuuga. 2. Inta isnuugta (irmaanka iyo dhashooda).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
isnuug
m. n. animal that sucks itself while nursing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
isnuug
(fal) neef irmaan, naasahaaga intaad laacdo adigu nuug.
isnuug -ga: (magac, lab, keli) neef irmaan oo naasaheeda inta ay laacdo iyadu nuugta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
isnuug
bw: Nin isfaanshay waa ri
de: animal that sucks itself while nursing
lx: isnuug
nt: isnuug (isnuugay) [v1=cmp]
pd: (-ga Pl: isnuug (ta))
ps: n2a-m, n5-m
xv: isnuugtay. One who boasts is like a goat that sucked itself.' [proverb]
key: isnuug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yanuun
(tilmame) gun dheer ah oo hoos u qodan. Dacawaa ku dhacday ceel yanuun ah. Dh: yaloon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
binnuur
m.l (-rro, m.dh) Koob yar oo qaxwada lagu cabbo. la-mid: binnuuri.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cantuug
f.g1 (-gay, -gtay) Cunto ama cabitaan, hal mar afka ka buuxin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cantuug
f.g1 (-gay, -gtay) Cunto ama cabitaan, hal mar afka ka buuxin. m.f.dh, cantuugid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cantuug
v. take a bite; take a mouthful of something, gulp
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cantuug
-ay / tay: (v) take or test [food] with a mouthful; gulp (golp)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cantuug
(fal) cunto, biyo iyo wax la mid ah, in canka muggii ah, mar keliya afka geli.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cantuug
cf: maggaabi
de: take a bite; take a mouthful of s.t., gulp
lx: cantuug
pd: (cantuugay)
ps: v1=
key: cantuug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mansuug
(fal) cunto ama wax kale oo lagu siiyay saluug oo in laguu biiriyo doon. Mansuug waa laguu biirine. Dh: saluug.
mansuug: (fal) wax ad hayso cid u diid oo kala bakhayl. Lacag la mansuug.
mansuug-ga: (magac, lab, keli) saluug ama yaraysi wax la isa siiyay ama cunto la yaraysto oo biro la doono. Dh: saluug.
mansuug-ga: (magac, lab, keli) lexjeclo iyo bakhaylnimo darteed oo cid wax loogu diido. Mansuuggu waa dhagan aan fiicnayn. Dh: bukhli Li: deeqsinimo.
mansuug-ga: (magac, lab, keli) qof bakhaylah oon waxba ka dhicin. Mansuug miyir wax ugma baxaan. Dh: dhabcaal, bakhayl.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyaanu
question word, neg., v: is he not ...?, did he not ...?
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyaanu
[interrogative word] isn't he..? is he not..? ~ miyuuna, miyuusan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyaanu
de: is he not ...?, did he not ...?
lx: miyaanu
pd: (miyuusan)
ps: qw + focus + neg + vpro
xe: Is he not a teacher?
xv: Isagu macallin miyaanu ahayn?
key: miyaanu
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sanguug
-ga: (magac, lab, keli) bud ama ul. Sanguug adag haddaad qaadatood sooman kaga jeexdo. Dh: ul.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xannuun
-ka: (magac, lab, keli) ubax ka baxa geedka cillaanka. Xannuun gooso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabuuf
-ka: (magac, lab, keli) labada xidid ee waawayn ee hunguriga labadiisa dhinac mara.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Gaaxnuug
nickname-m sucker of the milk tank
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Gaaxnuug
magac loo baxsho wiil hooyadii caruurtu ka noqon jirtay ama aanay sannado badan dhalin. gaaxsan: (tilmaame) neef aan goortii la lisi jiray aan la lisine goor kale oo danbe la liso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garanuug
-ta: (magac, dhedig, keli) ugaadh u gaar ah geeska afrika oo u eg deerada kase waaweyn oo aad u qurux badan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iskunuug
(Iskunuug-ga)
Ilmihii hore oo weli nuugaya oo ilmo kale dhasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iskunuug
m.l Neef xoolo ah ama haweenay dhashay iyadoo la nuugayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iskunuug
m.l Neef xoolo ah ama haweenay dhashay iyadoo la nuugayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iskunuug
-ga: (magac, lab, keli) ilmihii hore oo weli nuuga oo ilma kale dhasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
miyaannu
question word, vl. pron. did we? / do we? / are we? [excl.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
miyaannu
[interrogative word] are we not..? ~ miyeynaan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
miyaannu
de: did we? / do we? / are we? [excl] = ma + ayaa + aannu
lx: miyaannu
pd: (maannu)
ps: qw + vpro
key: miyaannu
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naasnuug
-ga: (magac, lab, keli) wax yar oo naaska hooyadii nuuga. Dh: caananuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taanbuug
* (Taanbuug-ga)
Teendho; khaymad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taanbuug
m. n. tent
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taanbuug
-ga: (n)tent (tent) ~ teendho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taanbuug
-ga: (magac, lab, keli) khaymad; teendho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taanbuug
bw: taambuug {N}
de: tent
initial: t
lx: taanbuug
pd: (-ga)
ps: n2a-m
syn: teendho
key: taanbuug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tukanuug
m.l Hal hebed ah oo qof kasta iska maali karo; hayaaye. la-mid: tukenuug.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caananuug
-ga: (magac, lab, keli) cunug naaska jaqa oo aan wali hooyadii ka go'in.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daganduug
daganduug¹: m.l la-mid: daganduugid.
daganduug²: f.g1 (-gay, -gtay) 1. Wax qarin. 2. Wax baabi'in.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daganduug
(fal) wax dagan dabada ka mar oo dhac ama wada laa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gerennuug
(Gerennuug-ta)
Garannuug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gerennuug
m.dh la-mid: garannuug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gerennuug
f. n., [collective] Waller's gazelle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gerennuug
-ta: (n) see [eeg] garannuug
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gerennuug
a: garannuug
de: Waller's gazelle
lx: gerennuug
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: gerennuug
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gerinnuug
m.dh la-mid: garannuug.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iskunnuug
m. n. second offspring born before the first is weaned
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iskunnuug
de: second offspring born before the first is weaned (also the relationship between the two siblings)
lx: iskunnuug
pd: (-ga Pl: iskunnuugag (ga))
ps: n4-m, n2a-m
key: iskunnuug
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sidignuug
-ga: (magac,lab, keli) neef, neef kale oo aan dhalin oo lagu sidkay nuuga. Nirigta hashu ma dhaline waa sidignuug. Dh: sidig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyakudduul
m.dh Dabayl qafiif ah oo dhaxan leh oo diraacda dhacda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyakudduul
-ka: (magac, lab, keli) Dabayl qafiifah oo dhaxan leh oo diraacda dhacda.