rimmayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimmayo
m.dh la-mid: rimmay².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rimmay
1. (Rimmay-da) Xoolaha inta rimman.
2. (Rimmay-ga) Ilmasideen; min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimmay
rimmay¹: m.l (-yo, m.dh) Ilmaggaleen; min.
rimmay²: m.dh.kh Geela ama xoolaha inta rimman. la-mid: rimmayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rimmay
m. n. womb
rimmay: [feminine] n., [collective] pregnant animals
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rimmay
-ga: (n) uterus (yuu taras); womb (wuum); reproductive organ ~ min, rixim
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
RIMMAY
(I) Vacca gravida;
(E) Pregnant Cow
(S) RIMMAY (S. c. m.; Rimmai); Urpki (S. c. m.: Urrei)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimmay
-da: (magac, dhedig, keli) xoolaha ama geela inta kolkaa rimman.
rimmay-ga: (magac, lab, keli) ilmaggaleen; min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummayo
f.mg3 (-yday, -yatay) Qof rummay ilkaha ku nadiifsasho. la-mid: rum-mayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rummayo
v. brush ~ clean one's teeth (with a twig)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rummayo
-rummayday / rummayatay: (v) brush your teeth ~ cadayo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rummayo
de: brush ~ clean one's teeth (with a twig)
lx: rummayo
pd: (rummayday)
ps: v3b=intr
key: rummayo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rimmay_1
de: womb
hm: 1
lx: rimmay
pd: (-ga)
ps: n-m
syn: ilmaggaleen, ilmasideen, maxal, min
key: rimmay_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rimmay_2
de: pregnant animals
hm: 2
lx: rimmay
pd: (-da)
ps: n-f-col
key: rimmay_2
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummayso
f.mg3 (-stay, -satay) la-mid: rum-mayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rummayso
f.mg3 (-stay, -satay) Qof rummay ilkaha ku nadiifsasho. m.f.dh, rummaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimay
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo inta rimman ee dhali doonta. Geelu sannadkan rimay buu u badan yahay.
rimay-ga: (magac, lab, keli) minka haweenka ee ilmuhu ku abuurmo. Dh: ilmagaleen, makaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rimman
(xoolo) uur leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimman
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley dheddig wax rimay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rimman
f.mg4 (-naa, -nayd) Nafley dheddig wax rimay ahaansho. m.f.dh, rimmanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rimman
der. [adjective] pregnant (animals only)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rimman
-ayd: (adj) pregnant (parag-nent); usually refers to animals ~ uur leh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimman
(tilmaame) caloosha ilmo ku sidda; uur leh. Qaalin rimman lama gawraco.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rimman
cf: dhays, uur
de: pregnant (animals only)
lx: rimman
pd: (rimmanayd)
ps: adj-der
key: rimman
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumayo
(fal) ilkahaaga rumay ama caday ku nadiifi. Dh: cadayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rummay
(Rummay-ga)
Qori caday ama geed kale ah oo bul loo yeelo, ama buraash ilkaha lagu nadiifiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummay
m.l (-yo, m.dh) Qori qoyan oo dhirta qaarkeed laga goosto oo ilkaha lagu sifaysto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rummay
m.l (-yo, m.dh) Qori qoyan oo dhirta qaarkeed laga goosto oo ilkaha lagu sifaysto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rummay
m. n. twig used to clean the teeth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rummay
-ga: (n) toothbrush (tuuth-braash); especially made from a tree branch or root tree ~ caday
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rummay
-ga: (magac, lab, keli) eeg rumay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rummay
de: twig used to clean the teeth
lx: rummay
pd: (-ga)
ps: n2-m, n7-m
syn: caday {C & S}
key: rummay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ximaayo
(Ximaaya-da)
Xifaalo; xin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ximaayo
m.dh Xifaalo; xin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ximaayo
f. n. spite, hostility, sarcasm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ximaayo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ximaayad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ximaayo
cf: xin; xifaalo
de: spite, hostility, sarcasm
initial: x
lx: ximaayo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ximaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimrayso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: cumrayso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cimrayso
v. perform the minor pilgrimage of the 'cumro'
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cimrayso
-cimraystay / cimraysatay: (v) 1. make a small or short pilgrimage to Mecca. 2. live long; get older
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimrayso
(fal) xaramka teg oo cibaadada cimrada soo gudo. Dh: cumrayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cimrayso
a: cumrayso
de: perform the minor pilgrimage of the 'cumro'
lx: cimrayso
pd: (cimraystay)
ps: v3b=intr
key: cimrayso
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimcayso
(fal) ayaan jimce ah, ka naso shaqadii toddobaadka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Kismaayo
pr. n., loc. Kismayo [coastal city in south Somalia.]
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Kismaayo
(n) Kismayo; port city of southern Somalia
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Kismaayo
cf: caasimad
de: Kismayo [coastal city in south Somalia] Capital of Jubbada Hoose region;
lx: Kismaayo
ps: n0-loc
key: Kismaayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limmasho
m.f.dh eeg limmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiimayso
(fal) inta shey la siinayo, adigu dejiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamayso
f.mg3 (-stay, -satay) 1. Raan yeelasho (qof ama geed). 2. Qof maskaxda wax uga dhimanyihiin noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamayso
(fal) raan yeelo; adigu madaxa timo isku ur'urursan oo raamo ah yeelo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riiraxyo
(Riiraxya-da)
Qufac badan oo isdabajoog ah; marawaxad; dhigdhiko.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiraxyo
m.dh Qufac badan oo isdabajoogo oo ka dhasha xadanto ku dhacda hunguri cadka. la-mid: riiraxanyo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riiraxyo
m.dh Qufac badan oo isdabajoogo oo ka dhasha xadanto ku dhacda hunguri cadka. la-mid: riiraxanyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riiraxyo
f. n., [collective] tickling sensation in the throat prior to coughing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
riiraxyo
-riiraxyada: (n) tingling sensation in the throat; throat irritation, which produces cough
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiraxyo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg riiraxanyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riiraxyo
de: tickling sensation in the throat prior to coughing
lx: riiraxyo
pd: (/da)
ps: n6-f-col
syn: dhigdhiko, marawaxad
key: riiraxyo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummayan
f.mg4 (-ynaa, -ynayd) Wax rummay lagu nadiifiyey ahaansho (ilko).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rummayan
der. [adjective] brushed, cleaned (of teeth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rummayan
(tilmaame) rummay lagu nadiifiyay ah. Dh: cadaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rummayan
de: brushed, cleaned (of teeth)
lx: rummayan
pd: (rummaynaa)
ps: adj-der
key: rummayan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummaysi
m.l la-mid: rummaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammayro
f.mg3 (-rtay, -ratay) la-mid: faraxalo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farammayro
v., [compound] wash one's hands
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farammayro
-farammayrtay / farammayratay: (v) -faradhaqday / faradhaqatay: (v) wash or cleanse hands ~ faradhaqo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farammayro
de: wash one's hands
lx: farammayro
pd: (farammayrtay)
ps: v3b=cmp
syn: faradhaqo, faraxalo
key: farammayro
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rummayasho
m.f.dh eeg rummayo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rummayasho
-da: (magac, dhedig, keli) rummay ilkaha ku nadiifsasho; cadayasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayo
-da: (magac, dhedig, keli) bukhaar hawada ku samaysma oo biyaha roobku ka soo baxaan oo marka uu da'ayo hillaac iyo onkad sameeya. Dh: daruur, fad, guulaamo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyo
(Riya-da)
Waxyaalo run la moodo oo qofka hurda maankiisa ku soo dhaca ama u muuqda ama uu dareemo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyo
m.dh (-ooyin, m.l) Wax qofku hurddada ku arko.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riyo
m.dh (-ooyin, m.l) Wax qofku hurddada ku arko.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riyo
f. n. dream
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
riyo
-riyada: (n) dream (di-riim)
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Riyo
(I) Capra, generico;
(E) Goat, generic
(S) Riyo (S. g. Rio)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riyo
-da: (magac, dhedig, keli) dhacdooyin run u eg oo hurdada dhexdaada lagu arko; qofku marka uu hurdo waxyaabaha maankiisa ku soo dhaca, Dh: dholol, hawaawi, qaraw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riyo
bw: Arabic
de: dream
lx: riyo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: riyo
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
riyo
رؤيا، حُلْم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
himmo
m.dh Niyad rabitaan oo wax loo hayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
himmo
m.dh Niyad rabitaan oo wax loo hayo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
himmo
f. n. good will; energy, vivacity, activity, interest
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
himmo
-himmada: (n) ambition (aambishin); enthusiasm (in-thuu ziyaasim); motivation ~ himmad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
himmo
-da: (magac, dhedig, keli) niyad iyo haloosi in meel sare la gaadho. Dh: niyo, hammo.
himmo -da: (magac, dhedig, keli) shahwo iyo rabitaan galmood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
himmo
a: himmad
de: good will; energy, vivacity, activity, interest
lx: himmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: himmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
limmo
f.mg3 (-imtay, -immatay) Dhiiqo darteed la socon waayid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
limmo
(fal) biyo ku dhex qarsoon. Limmo galka biyaha ah. Dh: muquuro, limo, quus.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maayo
v-aux, sg., neg.-prp: I am not doing (X) / he is not going to do (X)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maayo
(pronoun plus negative) I ... not; he ... not. Ex: waxba arki maayo; I don't see anything
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maayo
-da: (magac, dhedig, keli) sakaarada dhedig. Maayo orod laguma gaadho. Dh: maanyo, yac. Li: atoor.
maayo-da: (magac, dhedig, keli) suugaan gabraaratada (ugaarsatada) berriga u gaar ah waana sida geeraarka ama salsalka awrta kolka la rarayo jiibteeduna waa: ood roon ma gooyoow, ajaa rarayee hoo, yalax yalax u rooroow, ma yal roobaad baa ee hoo. Ninkaasi wuxu yaqaan sida maayo loogu luuqeeyo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maayo
de: I am not doing (X) / he is not going to do (X) With infinitive verb form
lx: maayo
ps: v-aux-1sg/3m-neg-prpg
xe: I am not going to loan out any money.
xv: Anigu lacag amaahin maayo.
key: maayo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raayo
(Raaya-ha)
(weligi koox) xiniinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raayo
m.dh 1. Daruur yar oo markaas di'id bilaabaysa. 2. Xiniiniyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raayo
m. n., pl. testicles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raayo
-raayaha: (n) testicles (tas-tikalis); scrotum (iskaroow-tam) ~ xaniinyo, qooro
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raayo
-ha: (magac, lab, keli) labada dhikilood ee labka. Dh: xiniinyo, dhikilo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raayo
de: testicles
lx: raayo
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl
syn: qooro, xaniinyo ~ xiniinyo
key: raayo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ribay
(fal) cid kale dembi aanay lahayn saar Hadduu been kaa sheego adna ribay. Dh: masabid.
ribay: (fal) dareere jaamud rib ah ka dhig. Dh: rasiini.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ridmo
m.dh Dhabaq la'aanta iyo isku dubbadhaca cod, muusig iyo wixi lamida.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ridmo
-da: (magac, dhedig, keli) dhabaq la'aanta iyo isku dubbadhaca cod, muusig iyo wixii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimmi
(fal) eeg rimi.