rimic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rimic
(Rimic-a)
1. Wax 16 meelood loo qaybshey, meeshood, (1/16); meesha 16d.
2. Dheeraad; suubbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimic
m.l.t (-cyo, m.dh) 1. Wax lix iyo toban meelood loo qaybiyay meeshood, “1/16”. Tusaale: Hasha la shireystey rimic iga sii. 2. Dheeraad; suubis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rimic
num: one sixteenth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimic
-a: (magac, lab, keli) cabbir wax 16 meelood loo qaybshey meesha 16aad; 1/16.
rimic-a: (magac, lab, keli) in dheeraad ah. Dh: suubis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rimic
de: one sixteenth
lx: rimic
pd: (-a)
ps: num-m
key: rimic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimi
f.g 2 (-iyay, -isay) Dheddig ilma galeenkeeda ilmo gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rimi
f.g2 (-iyay, -isay) Dheddig ilma galeenkeeda ilmo gelin. m.f.dh, rimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rimi
v. make (animal) pregnant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rimi
-yey: (v) cause to be pregnant, refers especially to animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimi
(fal) saaro oo uur u yeel. Dh: uuree, saaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rimi
de: make (animal) pregnant
lx: rimi
pd: (rimiyey)
ps: v2a=tr
key: rimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jimic
(Jimic-a)
1. Turaal; naxariis; jixinjix.
2. (xoolo) sidkiisii dhammaad ku dhow yahay; habaasiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jimic
m.l 1. Naxariis; kaalmo; turaal; jixinjix. 2. Sidkiisa dhammaad ku dhowyahay (xoolo); habaasiyey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jimic
m.l 1. Naxariis; kaalmo; turaal; jixinjix. 2. Sidkiisa dhammaad ku dhowyahay (xoolo); habaasiyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jimic
m. n., [abstract] mercy, compassion, pity, alms giving
jimic vl. n. stretching; workout
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jimic
-a: (magac, lab, keli) naxariis u suubbin. Dh: tudhaale.
jimic-a: (magac, lab, keli) neef sidkiisii dhawyahay.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mimic
/mimik/ (n) qofka dadka canjila (qofka ku fiican dhaajinta iyo matalaadda dadka).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rimid
(Rimid-da)
(xoolo) uur yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimid
m.f.dh eeg rin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimid
-da: (magac, dhedig, keli) uur yeelasho; oofasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rimin
(Rimin-ta)
(xoolo) uur u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimin
m.f.dh eeg rimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimin
-ta: (magac, dhediq, keli) saarasho oo uur u yeelid, Dh: uurayn; rimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rimin.
rimis -ta: (magac, dhedig, keli) uur yeelasho; caloosha ilmo ku qaadid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
cimice
s.f. - dhiqle, kutaan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
critic
/kritik/ (n) 1. ceeb-raadiye (cillad-baare) (n) 2. faallo ka-bixiye (qofka arin ka ra'yi bixiya).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ridmid
m.f.dh eeg ridan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rifmid
(Rifmid-da)
Wax rifma ama la rifay, noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifmid
m.f.dh eeg rifan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riimid
m.f.dh eeg riin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riimid
-da: (magac, dhedig, keli) cod reen ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimcin
m.f.dh eeg rimci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimmid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo uur yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimmin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef dhedig rimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimmis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shimic
(Shimic-a)
Ulo ka samaysan xanjada shinnidu waxayso, oo inta dhexda dun ama wax u eg laga geliyo, la daaro oo shidma; (ama shamac).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shimic
m.l la-mid: shamac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
shimic
m. n. candle; wax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shimic
-a: (magac, lab, keli) ulo ka samaysan xanjada shinnidu waxayso, oo inta dhexda dun ama wax u eg laga geliyo la shido; shamac.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
shimic
a: shamac ~ shumac
de: candle; wax
initial: s
lx: shimic
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: shimic
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imi
v., sg., simple past tense: I came
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imi
de: I came
lx: imi
ps: v4b-1sg-past
key: imi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rim
/rim/ (n) qar (daan, qarka ama geeska shay ama meel).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rim
n., (margin) girgir or jirjir, -ki; rim of a glass, qarqar, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biic
(Biic-a)
Wax kala gadad; ganacsi; wax gadasho; iib; geddis; rogrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biic
m.l 1. la-mid: beec. Qiimaha wax lagu iibinayo. 2. B. ah: wax iib u yaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
biic
m.l 1. la-mid: beec. Qiimaha wax lagu iibinayo. 2. B. ah: wax iib u yaal.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biic
m. n. sale, business, commerce
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biic
(fal) qof aan kuu jeedin daandaanso, ka gardarraw.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biic
de: sale, business, commerce
lx: biic
pd: (-a)
ps: n2a-m
see: beec
key: biic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiic
(Fiic-a)
Qof wax gaar ah aqoon weyn u leh; qof wax ku fiican.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiic
m.l.kh F. ah: qof karti iyo hufnaan ku sifoobey.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fiic
m.l.kh F. ah: qof karti iyo hufnaan ku sifoobey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiic
m. n. skilled person, expert
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiic
-a: (magac, lab, keli) qof wax ku fiican oo aqoon gaar ah u leh; wax gaar ah aqoon weyn u leh. Fiic ayaad ku tahay suugaanta.
fiic -a: (magac, lab, keli) qof xumo ka dhawran; qof wanaagsan ama suubban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiic
de: skilled person, expert
lx: fiic
pd: (-a)
ps: n2a-m
key: fiic
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imid
v., sg., simple past tense: I came
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
imid
(v) I came. Ex: dhawaan baan magaaladda imid; I came recently in the city ~ imi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imid
de: I came
lx: imid
ps: v4b-1sg-past
xe: I came but you were absent!
xv: Waan imid oo waad maqnayd!
key: imid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiic
(Jiic-a)
Geed-abaareed aad u dheeraada oo aan qodax lahayn oo xooluhu daaqaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiic
m.l (jiic, m.dh) (botani) Geed abaareed dhirta dhaadheer ka mid ah oo aan qodax lahayn qoryahiisana wax lagu shito.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiic
m.l (jiic, m.dh) (botani) Geed abaareed dhirta dhaadheer ka mid ah oo aan qodax lahayn qoryahiisana wax lagu shito.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiic
m. n., [collective] tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
JIIC
[JE] Acacia seyal 01, Cadaba baccarinii 01, Maerua sessiliflora 01
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
JIIC
(Chieh) All Som. Maerua sessiliflora Gilg. Capparidaceae.
NFD, N, S Boscia angustifolia A.Rich. Capparidaceae.
C Cadaba longifolia DC. Capparidaceae.
C,N Maerua crassifolia Forsk. Capparidaceae.
C Cadaba baccararinii Chiov. Capparidaceae.
NFD Cadaba farinosa Forsk. Capparidaceae.
May, C, S Maerua angolensis DC. Capparidaceae.
S Maerua triphylla A.Rich. Capparidaceae.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiic
de: tree sp.
lx: jiic
pd: (-a)
ps: n2a-m-col
key: jiic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liic
liic¹: m.l Foorar; janjeer.
liic²: f.mg1 (-cay, -cday) Wax dhinac u janjeerid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
liic
f.mg1 (-cay, -cday) Wax dhinac u janjeerid. m.f.dh, liicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liic
v. bend, be bent (over), lean, tilt
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liic
-ay / day: (v) bend or slant away from the vertical; tilt (tilt); lean (liin) ~ janjeer
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liic
(fal) jilayc daraaddii qalloocsan; doc u dheelli. Dh: qalloocsan, janjeedhso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liic
de: bend, be bent (over), lean, tilt
lx: liic
pd: (liicay / liicday)
ps: v1=intr
key: liic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miic
(fal) wax niyadda ka doon oo inaad hesho aad u jeclaw. Inaad xajka tegto aad u miic. Dh: jamo, mililic.
miic-a: (magac, lab, keli) qori cas aad u adag oo ay guduntu ku dhibaatooto goyntiisa. Loox mic ah oo musbaarku mari waayay ayaad ii keentay Dh: oog.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niic
-da: (magac, dhedig, keli) hadal jilicsan oo aan ujeedo laga garto lahayn. Arrin laga heshiiyay nic lagama dambaysiiyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nimi
v., pl., simple past tense: we came
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nimi
de: we came
lx: nimi
ps: v4b-1pl-past
key: nimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qiic
(Qiic-a)
Qiiq; qaac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiic
qiic¹: m.l la-mid: qaac¹.
qiic²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: qaac².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qiic
m. n., (mass n.): smoke
qiic v. smoke, give off smoke
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qiic
-a: (n) smoke (ismook) ~ qiiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qiic
-a: (magac, lab, keli) uumi daruur u eg oo ishu qabato oo waxa qubanaya ka baxa. Dh: qiiq, qaac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rami
-da: (magac, dhedig, keli) eeg rarnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riig
riig¹: m.l (-gag, m.l) Mishiin culus oo ceelasha dhaadheer lagu qodo si biyo, macdan iyo wixi lamida looga soo saaro.
riig²: m.dh.kh R. ah: hilib dhaylo ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riig
m.l (-gag, m.l) Mishiin culus oo ceelasha dhaadheer lagu qodo si biyo, macdan iyo wixi lamida looga soo saaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riig
m. n. rig, oil rig; drill, borer
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RIIG
(Rig) S Acacia reficiens Wawra. Mimosaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
riig
-ga: (n) rig (riig); rig for boring into the earth; drill (diriil); auger (oo-ger)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riig
-ga: (magac, lab, keli) qalab dhulka lagu qodo oo lagaga soo saaro biyaha, shidaalka iyo wixii la mid ah; matoor dhulka dalooliya oo lagu soo saaro biyo ama shiidaal.
riig-ga: (magac, lab, keli) ceel riig lagu qoday oo biyo badan leh.
riig-ta: (magac, dhedig, keli) neef aad u shilis oo ido ah oo ummul loo qalo; lax barraaqo ah oo ummul lugu buulleeyo. Dh: waqlal.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riig
de: rig, oil rig; drill, borer {Eng}
lx: riig
pd: (-ga Pl: riigag (ga))
ps: n4-m
key: riig
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riin
riin¹: m.l la-mid: reen¹.
riin²: f.mg1 (-iimay, -iintay; -iimi) la-mid: reen².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riin
-ka: (magac, lab, keli) giraan biraha matoorka ka mid ah oo bastoonnada madaxooga ku jirta.
riin-ka: (magac, lab, keli) xidhmo waraaqaha wax lagu daabaco ah. Dh: raam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riiq
(Riiq-da)
Inta la ordi karo iyadoo aan la xuurtoon, iyadoo aan la xiiqin; karasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiq
riiq¹: m.l (-qyo, m.dh) 1. Iligga intiisa cirridka ku dhex-jirta. 2. Birta faaska inteeda dhuuban ee daabka la dhex-geliyo.
riiq²: m.dh Adkeysiga loo yeesho orodka muddo dheer. la-mid: riir².
riiq³: f.g1 (-qay, -qday) 1. Badar cajiimid. 2. Dhuxul budlin si khad looga dhigo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riiq
riiq¹: m.l (-qyo, m.dh) 1. Iligga intiisa cirridka ku dhex-jirta. 2. Birta faaska inteeda dhuuban ee daabka la dhex-geliyo.
riiq²: f.g1 (-qay, -qday) 1. Badar cajiimid. 2. Dhuxul budlin si khad looga dhigo. m.f.dh, riiqid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riiq
m. n. roots of the teeth
riiq: [feminine] n. stamina, distance an individual is able to run without exhaustion
riiq: v. grind (up)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
riiq
-ay/day: (n) grind to produce an ink
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiq
(fal) wax baabi'i: dad xasuuq. Dh: laa.
riiq: (fal) budo ka dhig: badar jiriir ka dhig. Dh: budli, budee.
riiq: (fal) dhuxul qoyan oo meel ku xoq oo khad ka dhig.
riiq-a: (magac, lab, keli) meel kooban oo sida gombiska u dhisan oo hadhuudhka aan la jallayn lagu shubo.
riiq-a: (magac, lab, kelli) iligga intiisa cirridka ku dhex jirta.
riiq-a: (magac, lab, keli) birta faaska inteeda dhuuban ee daabka la dhex geliyo.
riiq-da: (magac, dhedig, keli) inta la ordi karo iyadoo aan la xuurtoon ama la xiiqin. Dh: karasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riir
(Riir-ka)
1. Waxa la tolayo, jarriinka ama afafka dhuudhuuban oo laga jeexo, si waxa serjigoodu u sinnaado.
2. Cayil; shishlaan; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riir
riir¹: m.l 1. Googo' laga jaro weel, maro si afkeedu u sinnaado. 2. Cayil ay keento dhalid la'aantu.
riir²: m.dh la-mid: riiq².
riir³: f.g1 (-ray, -rtay) Weel, maro iyo wixi lamida afkooda wax ka jarjarid si uu u sinnaado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riir
m. n. scrap fabric (in sewing, after cutting along a pattern); fat, fatness
riir: v. cut along a pattern (in sewing); get fat