rimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimi
f.g 2 (-iyay, -isay) Dheddig ilma galeenkeeda ilmo gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rimi
f.g2 (-iyay, -isay) Dheddig ilma galeenkeeda ilmo gelin. m.f.dh, rimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rimi
v. make (animal) pregnant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rimi
-yey: (v) cause to be pregnant, refers especially to animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimi
(fal) saaro oo uur u yeel. Dh: uuree, saaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rimi
de: make (animal) pregnant
lx: rimi
pd: (rimiyey)
ps: v2a=tr
key: rimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimci
f.g2 (-iyay, -isay) Qof jug la siiyay darteed isku laabasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rimci
v. bend, fold with a single movement
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rimci
de: bend, fold with a single movement
lx: rimci
pd: (rimciyey)
ps: v2a=tr
key: rimci
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rimic
(Rimic-a)
1. Wax 16 meelood loo qaybshey, meeshood, (1/16); meesha 16d.
2. Dheeraad; suubbis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimic
m.l.t (-cyo, m.dh) 1. Wax lix iyo toban meelood loo qaybiyay meeshood, “1/16”. Tusaale: Hasha la shireystey rimic iga sii. 2. Dheeraad; suubis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rimic
num: one sixteenth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimic
-a: (magac, lab, keli) cabbir wax 16 meelood loo qaybshey meesha 16aad; 1/16.
rimic-a: (magac, lab, keli) in dheeraad ah. Dh: suubis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rimic
de: one sixteenth
lx: rimic
pd: (-a)
ps: num-m
key: rimic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rimid
(Rimid-da)
(xoolo) uur yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimid
m.f.dh eeg rin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimid
-da: (magac, dhedig, keli) uur yeelasho; oofasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rimin
(Rimin-ta)
(xoolo) uur u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimin
m.f.dh eeg rimi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimin
-ta: (magac, dhediq, keli) saarasho oo uur u yeelid, Dh: uurayn; rimis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rimin.
rimis -ta: (magac, dhedig, keli) uur yeelasho; caloosha ilmo ku qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimmi
(fal) eeg rimi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqsi
(Baaqsi-ga)
(xoolo) Aan waqtigii uu rimi lahaa, rimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baarqab
(Baarqab-ka)
Awrka geela loogu daro inuu rimiyo oo aan la rarine baarkiisii qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashatab
(Cashatab-ka)
Hal, ama weli irmaan oo la maalo, ama gurtay oo tebisey, (kolkay rimi lahayd ka booddey).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guunfood
(Guunfood-ka)
Neef dheddig, kolka uu inta awr u baahdo waayo oo sidaas darteed u rimi waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malloolli
(Malloolli-ga)
Neef lab waxse aan rimin karin oo badanaa shilis; quble.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Orgood
(Orgood-ka)
1. (xoolo) Orgi ama dibi u baahasho, doonid.
2. Rimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quble
(Qubla-ha)
1. Roob aan kicinna dhabna u di'in.
2. Neef tuman oo aan wax rimin; malloolli.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shishiyid
(Shishiyid-da)
1. (idaha) baraar ku rimid.
2. Shishi noqosho, (ama shishibbaraarid, baraarshishiyid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tebin
(Tebin-ta)
1. Gudbin; dawin; gaarsiin.
2. Xoolihii rimi lahaa oo aan rimin ama beer waqtigii ay bixi lahayd aan la beerin; waqti ka boodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tumid
(Tumid-da)
1. Wax la dhicid; garaacid.
2. (cayaar) sacabbada isla dhicid; jaamayn; dheelid.
3. (wan, ...) xiniinyaha ka garaacid si uusan wax danbe u rimin, una cayilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aalo
m.dh.u Lo'da inteeda aan weli gaarin da'dii ay rimi ama wax rimin lahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaran
m.l.u 1. Geela intiisa aan weli gaarin da'dii uu ku rimi ama wax ku rimin lahaa. 2. Doog iyo barwaaqo badan. 3. Aa. ah: meel doog badan leh. 4. Aa. ah: waqti doog iyo barwaaqo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abeer
m.dh.u 1. A. ah: qaalin geel ama lo'aad oo waqtiigii ay rimi lahayd gaartay laakiin aan dhowr da'ood dhalin. 2. A. ah: neef dhaddig oo aad u shilis; gool. la-mid: ameer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baarqab
m.l (-byo, m.dh) Awrka geela loogu daro in uu rimiyo oo aan la rarine baarkiisa qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baatir
m.dh (-rro, m.dh) Qaalin geel ah oo aan rimin waqtigii ay rimi lahayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bacrin-la'an
m.dh (daawo) Awood la'aan in naagtu uur qaaddo ama ninku wax rimin kari waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baraarshishi
baraarshishi¹: m.l 1. Sabeen asooshay iyadoo aan gaarin da'dii ay ku rimi lahayd. 2. la-mid: baraarshishiyid.
baraarshishi²: f.mg1 (-iyay, -iday; -iyi) Sabeen iyadoo aan gaarin da'dii ay ku rimi lahayd asoolid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
imi
v., sg., simple past tense: I came
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
imi
de: I came
lx: imi
ps: v4b-1sg-past
key: imi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rim
/rim/ (n) qar (daan, qarka ama geeska shay ama meel).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rim
n., (margin) girgir or jirjir, -ki; rim of a glass, qarqar, -ki.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
nimi
v., pl., simple past tense: we came
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
nimi
de: we came
lx: nimi
ps: v4b-1pl-past
key: nimi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rami
-da: (magac, dhedig, keli) eeg rarnaansho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rime
rime, n.f. - qaafiyada gabayga
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
timi
v., sg., simple past tense: she / you came
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
timi
de: she / you came
initial: t
lx: timi
ps: v4b-2sg/3f-past
xe: When did you arrive in Mogadishu?
xv: Goormaad timi Muqdisho?
key: timi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ximi
f.g2 (-iyay, -isay) Si xin ku jiro cid ula dhaqmid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ximi
f.g2 (-iyay, -isay) Si xin ku jiro cid ula dhaqmid. m.f.dh, ximin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ximi
v. be spiteful (towards) ~ jealous (of)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ximi
-yey I say: (v) spite (ispaayt)-, show spite because of jealousy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ximi
(fal) xasad iyo xinnis kula kac. Ximi dangaladaada ha is odhan. Dh: xinni.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ximi
cf: filfili, fiindhee
de: be spiteful (towards) ~ jealous (of)
initial: x
lx: ximi
pd: (ximiyey)
ps: v2a=tr
key: ximi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yimi
v., simple past tense: he came
yimi: v., subject case, simple past tense: it was ... who came
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arrimi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka a.: arrin, talo ka dhiibid. 2. U. a.: cid u talin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arrimi
f.mg2 (-iyay, -isay) 1. Ka a.: arrin, talo ka dhiibid. 2. U. a.: cid u talin.D1534. m.f.dh, arrimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arrimi
v. make a decision about, look after, come up with an idea, counsel, lead
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arrimi
-yey I say: (v) make an advice or guidance; counsel (kown sel)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arrimi
(fal) talo keen; guddoomi. Arrimi adiguu shacbigu kii idmaday hawle. Dh: tali.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arrimi
de: make a decision about, look after, come up with an idea, counsel, lead rw: arrin
lx: arrimi
pd: (arrimiyey)
ps: v1=
key: arrimi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ridmid
m.f.dh eeg ridan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rifmid
(Rifmid-da)
Wax rifma ama la rifay, noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifmid
m.f.dh eeg rifan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riimid
m.f.dh eeg riin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riimid
-da: (magac, dhedig, keli) cod reen ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimcin
m.f.dh eeg rimci.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimmid
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo uur yeelasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimmin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef dhedig rimin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimmis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arami
(Arami-da, Arami-ga)
Lahan qarsoon oo cudur reebay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arami
m. n., [collective] suffering (from wound, sickness etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arami
-da: (n) pain or distress; suffering (safering)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arami
-da: (magac, dhedig, keli) nabar qarsoon oo ay fallaadh ama jug hore sabab u tahay; nabar waayo hore kugu dhacay oo soo kacdoomay. Dh: eelo, doog.
arami-da: (magac, dhedig, keli) lahan qarsoon oo cudur ama wax hore oo la soo maray ay reebeen; wax waxyeelladiisu dib u soo bixi karto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
arami
cf: lahan
de: suffering (from wound, sickness etc.)
lx: arami
pd: (-ga ~ -da)
ps: n2-m/f, n7-m/f
key: arami
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cilmi
(Cilmi-ga)
Aqoon hab wanaagsan ku dhisan oo lagu gaarey barasho iyo fiiro iyo tijaabo; aqoon ku dhisan raadin iyo helid, wax walba runtooda; kasmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cilmi
cilmi¹: m.l (culuun, m.dh) 1. Aqoon habeysan oo waayo aragnimo iyo daalacasho lagu kasbaday. 2. Qeyb ka mid ah aqoonta oo la xiriita maaddo gaar ah. la-mid: culuun.
cilmi²: m.l (naxwe) C. afeed: daraasad cilmi ku dhisan oo u gaar ah afafka aadamiga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cilmi
cilmi¹: m.l (culuun, m.dh) 1. Aqoon habeysan oo waayo aragnimo iyo daalacasho lagu kasbaday. 2. Qeyb ka mid ah aqoonta oo la xiriita maaddo gaar ah. la-mid: culuun.
cilmi²: m.l (naxwe) C. afeed: daraasad cilmi ku dhisan oo u gaar ah afafka aadamiga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Cilmi
name: Ilmi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cilmi
m. n. learning, science, knowledge, education
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Cilmi
name-m science, knowledge, education; lit: sacred, holy, divine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cilmi
-ga: (n) [Pl. culuun-ta] knowledge (noolij); learning, erudition, lore, scholarship ~ aqoon
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Cilmi
Conoscenza
Knowledge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Cilmi
magac loo baxsho wiil loo rajaynayo in uu noqdo mid aqoon iyo cilmi badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cilmi
-ga: (magac, lab, keli) aqoon ku salaysan. baadhitaan, barasho iyo bilkeedin; kasmo lagu gaadhay barasho, fiiro iyo tijaabo. Dh: aqoon.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cilmi
علم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cimil
(Cimil-ka)
1. Waab yar oo awdan oo dugaagga la dila hayo loo dhisto oo loo galo: waxaa laga dhisaa kob bahal wax ku diley agteeda oo laga toogan karo.
2. * Meelaha colka dagaallamaa dhisto oo daloollo yaryar oo cadowga laga toogto loo yeelo; kuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimil
m.l (-llo, m.dh) 1. Meel loogu dhuunto ugaarta marka la doonaayo in gaadmo lagu dilo. 2. Dhismo yar oo dulduleelo wax laga toogto leh, oo cadawga loogu gabbado.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimil
m.l (-llo, m.dh) 1. Meel loogu dhuunto ugaarta marka la doonaayo in gaadmo lagu dilo. 2. Dhismo yar oo dulduleelo wax laga toogto leh, oo cadawga loogu gabbado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cimil
m. n. shelter, parapet, rampart; bunker; trap
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimil
-ka: (magac, lab, keli) meel colka dagaallamayaa dhisto oo daldaloolo yaryar oo cadawga laga toogto loo sameeyo; dhufays iyo meel lagu gabbado. Dh: kuur.
cimil-ka: (magac, lab, keli) waab jiq ah oo awdan oo dugaagga la rabo in la dilo loo dhisto oo gudihiisa loo galo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cimil
de: shelter, parapet, rampart; bunker; trap
lx: cimil
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: cimil
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cimri
(Cimri-ga)
Dhalashada taniyo dhimashada waqtiga u dhexeeya; fil; da'; da'aad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cimri
m.l Inta sano ee wax jiraan. la-mid: cumri.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cimri
m.l Inta sano ee wax jiraan. la-mid: cumri.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Cimri
Lifetime
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cimri
m. n. (adj.): time of life, age; aged, old
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cimri
-ga: (n) great duration of life; state of being old; age (eeyj); old age ~ da', cumri
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cimri
-ga: (magac, lab, keli) inta u dhaxaysa dhalashada iyo dhimashada ee uu makhluuq jiro. Cimri tegey ceeb laguma sagootiyo. Dh: ged, fil, da', da'aad.