rim
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rim
/rim/ (n) qar (daan, qarka ama geeska shay ama meel).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rim
n., (margin) girgir or jirjir, -ki; rim of a glass, qarqar, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baaqsi
(Baaqsi-ga)
(xoolo) Aan waqtigii uu rimi lahaa, rimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baarqab
(Baarqab-ka)
Awrka geela loogu daro inuu rimiyo oo aan la rarine baarkiisii qaba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashatab
(Cashatab-ka)
Hal, ama weli irmaan oo la maalo, ama gurtay oo tebisey, (kolkay rimi lahayd ka booddey).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayrrin
(Dayrrin-ka)
(xoolo) dayrta rimay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhays
(Dhays-ta)
Xoolaha rimman kolka candhadu soo weynaanta bilawdo; habaas; candhayn; qor; jimic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaysin
(Dhaysin-ta)
Candhada xoolaha rimman dhays ka muuqasho; habaasin; candhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galoof
(Galoof-ka)
Neef aan irmaanayn, rimanaynna; guran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Goojo
(Gooja-da)
(geel, kd.) dabada oo kor loo taago: waxay calaamo u tahay inuu rimman yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gor
(Gor-ka)
Wax danbar la moodo oo neefka rimman candhadiisa ku soo dhaca oo ku soo bata oo xididdada caanaha iyo qurxubta weyneeya; caanaha danbarka ka horreeya; danbar rib ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gorin
(Gorin-ta)
(neef rimman) gor yeelasho; candhadu soo weynaansho bilaabid; habaasin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurrin
(Gurrin-ka, Gurrin-ta)
Neef guga gudihiisa rimay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Guunfood
(Guunfood-ka)
Neef dheddig, kolka uu inta awr u baahdo waayo oo sidaas darteed u rimi waayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habaasin
(Habaasin-ta)
(xoolo: lo', kd.) neef rimman, kolka candhadiisa caano ku soo gurmaan oo soo weynaanteeda la gurto; jimic noqosho; gorin; xoomis; caris.
2. Siigo kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmaggaleen
(Ilmaggaleen-ka)
Ilmasideen; rimmay; min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilmasideen
(Ilmasideen-ka)
Xubin muruq ah oo gudo leh, oo nafleyda caanaha leh, kuwooda dheddigi lee yihiin: gudihiisa ugaxdaa ku samaysanta oo ku bacrimowda oo uurjiif ku noqota; ilmaggaleen; rimmay, min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kaltirin
(Kaltirin-ta)
Wax rimman sidkood u maalmo tirin; xoolaha, goorta la shuba hayo iyo intay hadba qada hayaan, tirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Malloolli
(Malloolli-ga)
Neef lab waxse aan rimin karin oo badanaa shilis; quble.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxal
(Maxal-ka)
Ilmasideen; ilmaggaleen; rimmay; min.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Min
(Min-ka)
1. Aqal; guri; hooy; (ama minan).
2. Ilmasideen; ilmaggaleen; rimmay.
3. Kolay weyn oo timir ah; labo goosaradood oo laysku daray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mulul
(Mulul-ka)
1. Qof dumar ah oo uur danbe yeeshay, isagoo weli ilmihii hore nuujina haya.
2. Naag sano walba dhasha.
3. Neef rimman oo haddana weli la maalayo.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
brim
/birim/ (n) 1. qar (meesha weelka u korraysa)(n) 2. koofiyadda inta dibadda u baxsan oo qorraxda celisa.(v) 3. buux-dhaafid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
brim
/brim/afky bukeerighy amy sunaathy.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
brim
n., (edge) girgir or jirjir, -ki.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
grim
/grim/ (adj) 1. qabiid-nimo ah, si kul-kulul. e.g. The principal gave the students a grim warning about writing on the walls (adj) 2. naxdin leh, aad u-daran (adj) 3. mintid ah, aan quusan.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
prim
/prim/ (adj) dhaqan toosan leh (ku ad-adag dhaqanka).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rime
rime, n.f. - qaafiyada gabayga
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rimi
f.g 2 (-iyay, -isay) Dheddig ilma galeenkeeda ilmo gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rimi
f.g2 (-iyay, -isay) Dheddig ilma galeenkeeda ilmo gelin. m.f.dh, rimin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rimi
v. make (animal) pregnant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rimi
-yey: (v) cause to be pregnant, refers especially to animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimi
(fal) saaro oo uur u yeel. Dh: uuree, saaro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rimi
de: make (animal) pregnant
lx: rimi
pd: (rimiyey)
ps: v2a=tr
key: rimi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
trim
/trim/ (v) 1. habayn (nidaamin) (v) 2. sharrixid (qurxin) (v) 3. gaabin (jarid, sida gaabinta timaha) (adj) 4. nidaamsan (habaysan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ri
(Ri-da)
Neef ari-cad ah oo dheddig.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Ri
(I) Capra in lattazione;
(E) Suckling Goat
(S) RI (S. g.: Ri).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
aim
/eeym/aims, aiming, aimed;(v) 1. ujeeddo, muraad, qasdi. e.g. He is aiming to be a doctor. 2. shiishid, ku abbaarid gori ama buntukh. e.g. You should aim your gun at the target.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Aim
Liishaan
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
aim
/eeym/ (v) 1. shiishow, abbaarow. (n) 2. toog, qesed, muraad.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
aim
n., qiyaas, -ti, dug, -ti, toog, ti, toogasho, -adi; (intention) damac, -i.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
dim
/dhim/ (adj) 1. nuxuus ah (v) 2. nuxuusid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
him
/him/ (pron) asaga (he oo la-fale ah). e.g. Have you seen him this morning?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lim
(fal) eeg lib.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ram
/raam/ (n) 1. wan (wanka sumalka ah ee idaha loo hayo) (v) 2. ku dhicid (xoog u hardiyid).
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Ram
(I) Montone;
(S) ALEN (S. c. m.; Alén); WAN (S. g.: Uàn)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ram
n., wan, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ri'
m.dh (-iyo, m.l) Neef aricad ah oo dheddig ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ri'
m.dh (-iyo, m.l) Neef aricad ah oo dheddig ah. rib m.dh.kh R. ah: hoore adag.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ri'
-da: (n) goat (gowt); female goat; nanny goat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ri'
-da: (magac, dhedig, keli) riyaha midda dhedig ee curadda ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ri'
de: nanny-goat, she goat
lx: ri'
pd: (-da)
ps: n1-f
xe: goat milk
xv: adhi ~ ari; Opp: orgi
key: ri'
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
ri'
عَنْزَة، مَاعِزَة
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ria
Riya
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rib
(wax shubma) aan khafiif ahayn; adag; culus; layiig; rasiin libiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rib
m.dh.kh R. ah: hoore adag.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rib
Feedh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rib
f. n., [abstract] (adj.): denseness, thickness; thick, heavy
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
rib
(n) one of a series of long, curved bones, occurring in 12 pairs in human beings and extending from the spin to or toward the sternum or breast plate.
feedho
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rib
/rib/ (n) 1. feer(v) 2. foor-jayn (xifaalayn).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rib
(tilmaame) dareere aan khafiif ahayn oo adag Khad rib ah baan looxa ku qoray. Dh: jaamud.
rib-ta: (magac, dhedig, keli) adkaan is haysta co dareeruhu yeesho marka biyuhu ku yaryihiin; wax shubmaaya oo aan khafiif ahayn. Dh: rasiin, libiq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rib
cf: layiig
de: denseness, thickness; [atr.] thick, heavy (of liquid, especially milk or yoghurt)
lx: rib
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: rib
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rib
n., feedh, -i.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rid
f.g1 (-day, -dday) 1 . Wax hoos u sii deyn. 2. Qof jago ama dhibco ka qaadid. 3. Xabbad, waran iyo wixi lamida gannid. 4. Wax wax kale dul saarnaa ka tuurid. 5. Ka r.: dugaag ama tuug wax uu sito ka dhigid. 6. Ku r.: xoolo ama dad jid ay maraan ku hagaajin. 7. U r.: meel ama weel gudihiisa wax gelin si wax ku jira loogala soo baxo. 8. Isha ka r.: arrin xalkeeda asiibid. 9. Dib u r.: arrin fulinteeda dib u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rid
f.g1 (-day, -dday) 1. Wax hoos u sii deyn. 2. Qof jago ama dhibco ka qaadid. 3. Xabbad, waran iyo wixi lamida gannid. 4. Wax wax kale dul saarnaa ka tuurid. 5. Ka r.: dugaag ama tuug wax uu sito ka dhigid. 6. Ku r.: xoolo ama dad jid ay maraan ku hagaajin. 7. U r.: meel ama weel gudihiisa wax gelin si wax ku jira loogala soo baxo. 8. Isha ka r.: arrin xalkeeda asiibid. 9. Dib u r.: arrin fulinteeda dib u dhigid. m.f.dh, ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rid
v. put (down), drop; throw; shoot, fire; remove
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rid
/ridh/ rid of;(v) ka takhalusid (ka bixid, iska-tuurid).
get rid of ~ ka takhalusid.
good riddance ~ ka takhalusid fiican, oraah muujisa ku farxidda wax laga takhaluso (baga).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rid
-ay/een/nay: (v) 1. shoot (shuut); fire (faayer). Ex: laba xabadood buu riday; he fired two shots. 2. drop (daroop). Ex: nalka dhulka ha ku ridin; don't drop the light-bulb on the floor. 3. put in (put in) Ex: boorsadayda iigu rid; put it in my bag. 4. make someone fail an examination
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rid
(fal) xabbad gan oo tuur.
rid: (fal) dawlad ama mas'uul xilka ka qaad. Dh: casil, dhaadhici.
rid: (fal) dugaag ama tuug wax qaatay ka reeb. Waraabaha laxda ka rid.
rid: (fal) dad ama duunyo sharci la'aan lagu haysto badbaadi.
rid: (fal) wax meel sare yaal shalaw oo meesha uu yaal hoos uga dhaadhici.
rid: (fal) raarici oo wax laalaada ka dhig. Go'a garbaha ka kala rid.
rid: (fal) shid oo dab ka dhali. Madagta innoo rid aan dab shidannee.
rid: (fal) wax gacanta ad ku hayso dhulka ku sii daa.
rid: (fal) wax meel taagan oo qotoma riix oo dhulka ku sii daa.
rid: (fal) ilig jebi oo meeshiisa ka faaruqi. ridaami: (fal) wax culus hore u tuur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rid
de: put (down), drop; throw; shoot, fire; remove
lx: rid
pd: (riday)
ps: v1=tr
key: rid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rid
v.tr., ka eri, ka badbadi; get rid of a boy, ambi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rif
f.g1 (-fay, -ftay) 1. Dhogor ama baal si xoog ah maqaar uga gurid. 2. Laf hilib ka dhammeyn. 3. Maro dun ka bixin. 4. Ka r.: qof ciidan ka tirsan garaaddo ka qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rif
f.g1 (-fay, -ftay) 1. Dhogor ama baal si xoog ah maqaar uga gurid. 2. Laf hilib ka dhammeyn. 3. Maro dun ka bixin. 4. Ka r.: qof ciidan ka tirsan garaaddo ka qaadid. m.f.dh, rifid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rif
v. pluck; pinch
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rif
-ay / tay: (v) pluck (palaak); pull out abruptly with the fingers ~ kidif, rif. Ex: digaaga baalasha ka rif; pluck the feathers from a chicken
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rif
(fal) baalal ama duno googoo oo mid, mid u siibsiib.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rif
de: pluck; pinch
lx: rif
pd: (rifay)
ps: v1=tr
key: rif
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Rig
Riig
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rig
n., (top of a mountain) jar, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rin
f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Nafley dheddig rimmay qaadid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rin
f.mg1 (-imay, -intay; -imi) Nafley dheddig rimmay qaadid. m.f.dh, rimid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rin
inch. v. become pregnant, conceive
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rin
rintay: (v) become pregnant, usually refers to animals
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rin
(fal) uur yeelo; oofo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rin
de: become pregnant, conceive (of animal only)
lx: rin
pd: (rimay)
ps: v1=inch
key: rin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rip
/rip/ (v) jeexid (dillaacin).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rip
v.tr., (tear, lacerate) dilaaci, jeex, jeexjeex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ris
(Ris-ka, Ris-ta)
Caws adag oo gaaban oo dhulka bannaan daboola; daris; guxud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ris
ris¹: m.l Caws gaaggaaban oo iduhu aad u jecel yihiin oo ka baxa meelaha biyo qabatinka leh.
ris²: m.dh Geed laamo dhaadheer, dhuudhuuban oo guryaha carshaanta ah lagu dhisto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ris
m. n. grass species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
RIS
Boerhavia sp 01
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ris
-ta: (magac, dhedig, keli) meel doog wanaagsan oo iswada haysta leh oo meelaha kale ka qoyaan dambaysa. Dh: guxud.
ris-ta: (magac, dhedig, keli) bur doog ah oo meel biyo mareen ah ka baxa oo dhulka badanaa wada qariya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ris
de: grass sp.
lx: ris
pd: (-ka ~ -ta)
ps: n2a-m/f
key: ris
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
riz
riz, n.m. - bariis
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rum
/raam/ (n) khamri saamays kulul oo laga sameeyo dheecaanka sonkorta.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
vim
/vim/ (n) tamar; dhaq-dhaqaaq, firfircooni.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
crime
/kraym/ (n) dambi.
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Crime
Denibi
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
crime
crime, n.m. - Dembi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
crime
n., xujad, -di, xujad xun, dembi, -gi.