riixasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixasho
m.f.dh eeg riixo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riixasho
-da: (magac, dhedig, keli) alaab inta aad gadaal ka marto adoon qaadin horay u wadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiqasho
m.f.dh eeg riiqo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riixo
f.g3 (-xday, -xatay) 1. Qof dhan wax u iidasho. 2. Wax dilindilleysasho. m.f.dh, riixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dixasho
(Dixasha-da)
(biyo, kd.) ciidda ka dusid; habyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dixasho
m.f.dh eeg dixo. la-mid: dixad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dixasho
vl. n. digging for water in sand (of a streambed)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dixasho
-da: (magac, dhedig, keli) dareere, si aayar ah meel ugu duxid. Dixashada subagga waa la dareemaa. Dh: duxid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dixasho
a: dixad (ka) [vn2-m]
de: digging for water in sand (of a streambed)
lx: dixasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: dixasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iilasho
(Iilasha-da)
Doc u dheelliyid; liicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iilasho
m.f.dh eeg iilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iilasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato ama hagardaamo. Dh: guuldarro. Li: guul.
iilasho-da: (magac, dhedig, keli) waddadii dhabta ahayd, ka baydhid; xaqa weydaarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iiqasho
(Iiqasha-da)
Ciriiri gelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ribasho
m.f.dh eeg ribo². la-mid: ribad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ridasho
(Ridasha-da)
Ganasho; tuurasho; legdasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ridasho
m.f.dh eeg rido.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ridasho
f. n. throwing, shooting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ridasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto soo gurasho.
ridasho-da: (magac, dhedig, keli) wax tuurasho; ganasho
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ridasho
de: throwing, shooting
lx: ridasho
pd: (-da)
ps: n6-f
key: ridasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rifasho
(Rifasha-da)
Qof, kd., iskiis, wax u rifid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifasho
m.f.dh eeg rifo. la-mid: rifad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ribbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruxasho
(Ruxasha-da)
Wax la gilgiley dhaqdhaqaaqood; lulasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruxasho
m.f.dh eeg ruxo. la-mid: ruxad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruxasho
-ruxashada: (n) swinging or shaking; movement back and forth; pendular motion
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxasho
-da: (magac, dhedig, keli) wadhaamis xoog ah iyo dhaqdhaqaaqid. Jiritaanka laydha waxa lagu gartaa ruxashada laamaha. Dh: lulmasho.
ruxasho-da: (magac, dhedig, keli) walax iskaa u wadhaamin oo kolba dhan u lulid. Ruxashada Jaantaada cidi kuuma diidin. Dh: lulasho,
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sixasho
m.dh la-mid: saxasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sixasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunaha oo wax kaagaleen darteed qufac badan samayn. Sixasho badan waa halis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biilasho
m.f.dh eeg biilo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biilasho
-da: (magac, dhedig, keli) cunto siisasho. Biilashada reerkii sii baa lagu kari waayey. Dh: masruufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciiqasho
m.f.dh eeg ciiqo².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diilasho
m.f.dh eeg diilo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirasho
dįirasho: m.f.dh eeg diiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirasho
-da: (magac, dhedig, keli) diirka ka qaadasho; dubka sare ka xoodhin. Dh: hoolasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiiqasho
m.f.dh eeg fiiqo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiiqasho
-da: (magac, dhedig, keli) indho araggoog naaqusmay, daaweysasho.
fiiqasho-da: (magac, dhedig, keli) waran iyo war la mid ah, caaradiisa yuubasho.
fiiqasho-da: (magac, dhedig, keli) meel, qushaashka ka xaaqasho.
fiiqasho -da: (magac, dhedig, keli) aale iyo war mid ah, diirka ka qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Firxasho
(Firxasha-da)
Wax badan oo orda haya oo haddana kala firirsan; kala yaacid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
firxasho
m.f.dh eeg firxo. la-mid: firxad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
firxasho
-da: (magac, lab, keli) eeg firxad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirasho
m.f.dh eeg giiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giirasho
-da: (magac, dhedig, keli) wajiga giir ka kicin oo ururin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiigasho
m.f.dh eeg hiigo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiidasho
(Jiidasha-da)
1. Docdiisa u jiidid.
2. Wax la tegid, iyadoo dhulka lagu jiida hayo.
3. Meel fog aadid, tegid.
4. Dhimasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiidasho
m.f.dh eeg jiido. la-mid: jiidad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiidasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax kale ku dhegid oo qabsasho.
jiidasho -da: (magac, dhedig, keli) xoogdanabeedka ama birlabeedka ka dhexdhaca labo walxood oo leh labo danab oo kala duwan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirasho
(Jiirasha-da)
(oogada nafleyda) xoog wax isaga keenid; docosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirasho
m.f.dh eeg jiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoog wax iskaga keened. Dh: ducasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kiilasho
m.f.dh eeg kiilo. la-mid: kiilad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kiilasho
-da: (magac, dhedig, keli) beegasho oo miisaamasho. Dh: cabbirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liidasho
(Liidasha-da)
Qof ama wax liid ah, ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liidasho
m.f.dh eeg liido.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liidasho
-liidashada: (n) weakness (wiiknes); feebleness (fiibalnes); lack of strength, —liitay / liidatay: (v) be in poor health or condition; be weak or feeble
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liidasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax tabar yar ahaan. Dh: daciifnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miigasho
(Miigasha-da)
Wax aan dhab u jilicsanayn oo liqiddoodu dhib tahay, liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miigasho
m.f.dh eeg miigo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miigasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg miigad.
miigasho -da: (magac, dhedig, keli) aad uu buuxsasho. Qarbidka miigasho ayuu ku fiican yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miilasho
m.dh la-mid: miileysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miiqasho
m.f.dh eeg miiqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Miisasho
(Miisasha-da)
Beegasho: miisaamasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miisasho
m.f.dh eeg miiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miisasho
-da: (magac, dhedig, keli) galaan iyo wax la mid ah wax ku miismiisasho. Miisasho ayaan ku mashquulay. Dh: beegasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niibasho
(Niibasha-da)
(dhegaha niibasho) dhegaha aad u nabasho, orod badan oo lagu jiro, darti.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niibasho
m.f.dh eeg niibo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibasho
-da: (magac, dhedig, keli) dheerayn oo orod isa sii dayn. Faras niibasho laguma gaadho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ribbasho
-da: (magac, dhedig, keli) dib u gurasho oo wax jiray ka noqosho. Ribbashadu niyadjab ayay abuurtaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ridqasho
m.f.dh eeg ridqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibasho
(Siibasha-da)
Wax siibmey noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibasho
m.f.dh eeg siibo. la-mid: siibad¹.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
siibasho
sliding tackle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibasho
-da: (magac, dhedig, keli) iyadoon la arkayn dhuumasho. Dh: fikasho, dusid, siibad.
siibasho -da: (magac, dhedig, keli) wax siibmay noqod, wax aad gacanta ku haysay oo si aanad filayn u dhaca.
siibasho -da: (magac, dhedig, keli) siibad; sinbiriiraxasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siisasho
m.f.dh eeg siiso².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siisasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato wax kale ku baddalasho. Dh: baddalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tiigasho
(Tiigasha-da)
(ku tiigasho) Xoog aan loo baahnayn saarid, ka badin; talaxtegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiigasho
m.f.dh eeg tiigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiigasho
-da: (magac, dhedig, keli) «ku ~» xoog aan loo baahnayn oo dheeraad ah saarid, ka badin. Tiigasho ayuu kula kacay. Dh: ku talaxtegid.
tiigasho -da: (magac, dhedig, keli) foofka ama soofka xooluhu ugu daaq tagaan meel dheer.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tiilasho
vl. n. leaning position
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tiilasho
de: leaning position
initial: t
lx: tiilasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: tiilasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiirasho
(Xiirasha-da)
Timaha iska xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiirasho
m.f.dh eeg xiiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirasho
-da: (magac, dhedig, keli) timo iska xiirid. Dh: timajarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixnaansho
m.l/dh la-mid: riixnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riixnaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg riixnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bariisasho
m.f.dh eeg bariiso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) subaxdii oo dib loo dhigo dareerinta xoolaha siiba xilliyada barwaaqada ah, gaar ahaan adhiga iyo lo'da. Bariisashada hore ku gaadha reerka. Bariisashada ayaan kuu iman. Dh: bar barqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fariisasho
(Fariisasha-da)
1. Dhulka ama wax kale korkood salka dhigid ama saarid.
2. Degid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fariisasho
m.f.dh eeg fariiso. la-mid: fadhiisad, fadhiisasho, fariisad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fariisasho
-fariisashada: (n) the act of sitting
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fariisasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg fadhiisad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Finixsasho
(Finixsasha-da)
Dood ama hadal hore oo la qaadan waayey, dabasocosho; cariiqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
finixsasho
m.f.dh eeg finixso. la-mid: finixsad, finixsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
finixsasho
vl. n. continuing to argue in order to get one's own way
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
finixsasho
-da: (magac, dhedig, keli) dood ama hadal hore oo laga samri waayey, dabasocosho oo tixraacid. Dh: finixsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
finixsasho
a: finixsad (ka) [vn2-m], finixsi (ga) [vn2a-m]
de: continuing to argue in order to get one's own way
lx: finixsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: finixsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifrifasho
m.f.dh eeg rifrifo. la-mid: rifrifad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrigasho
m.f.dh eeg rigrigo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riqriqasho
-da: (magac, dhedig, kell) dhaqdhaqaaaq uu wax dhagdhaqaago. Dh: rugrugaansi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sariigasho
-da: (magac, dhedig, keli) sharafta oo la ilaaliyo lagana durko waxa ceebta ah. Dh: dhowrsanaan, xishood, sheex.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sariirasho
m.f.dh eeg sariiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxiixasho
m.f.dh eeg saxiixo.