riirriijin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riirriijin
(Riirriijin-ta)
Liilliijin; dhaqdhaqaajin; ruxruxid; ligligid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiriijin
-ta: (magac, dhedig, keli) ruxid oo dhaqdhaqaaq ku samayn. Dh: liilliijin, ruxruxid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riirriiji
v. shake (up)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riirriiji
de: shake (up)
lx: riirriiji
pd: (riirriijiyey)
ps: v2a=pl
key: riirriiji
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiriiji
(fal) dhaqdhaqaaq ku samee. Dh: ruxrux.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiriijis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg riiriijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riijin
(Riijin-ta)
(badanaa: riirriijin) dhaqdhaqaajin; liilliijin; ruxruxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rijin
-ta: (magac, dhedig, keli) riirriijin; liilliijin; dhaqdhaqaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mirrijin
(Mirrijin-ta)
Neef xoolo ah oo aan candhadiisa caano danbe ku harin, naasihiisa daldaliigid bal in wax ka soo dhacaan; dharqin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirrijin
m.f.dh eeg mirriji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirrijin
-ta: (magac, dhedig, keli) burburin faraha lagu burburiyo noole yar oo jilicsan. Dh: murrujin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirrijin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax isku laallaabnaa, kala saarid oo sigibtirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xiirriin
vl. n. shaving (one's beard ~ the head)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xiirriin
-ka: (n) the act of shaving ~ xiirasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirriin
-ka: (magac, lab, keli) xiirniin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xiirriin
de: shaving (one's beard ~ the head)
initial: x
lx: xiirriin
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: xiirriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barriijin
(Barriijin-ta)
Neef aad u orda haya si kedo ah oo xoog leh u joojin ama dhinac ugu leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barriijin
m.f.dh eeg barriiji. la-mid: barriijis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriijin
-ta: (magac, lab, keli) neef aad u ordaya oo si degdeg ah loo leexiyo. Dh: majiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarriijin
(Sarriijin-ta)
1. Wax sariigtu diideyso ku jirrabid, badid.
2. Dhogorta ama wax kale ka murxin, ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriijin
m.f.dh eeg sarriiji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriijin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhogorta ama wax kale ka mudhxin, ka qaadid.
sarriijin -ta: (magac, dhedig, keli) xishood iyo xushmo, wax sarriigtu diidayso ku jirrabid, badid. sarriirgasho -da: (magac, dhedig, keli) diirashada laamaha geedaha kolka ilkaha lagu qabto, ayada oo aan la sii daynin, la dhufto oo sidaa lagu. murxiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarriijin
(Xarriijin-ta)
Daliig; jiitin; xarriiq; (ama xarriiqin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarriijin
m.dh la-mid: xarriiq¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarriijin
Common N. line; slash, hyphen, dash
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xarriijin
-ta: (n) line (laayri) ~ xarriiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarriijin
-ta: (magac, dhedig, keli) xagasho yar oo dubka dushiisa gaadha. Dh: xagasho.
xarriijin -ta: (magac, dhedig, keli) xarriiq dheer oo taagan ama jiifa oo meel ku dul dhereran ama maanka laga yaqaan. Dh: daliig, jiitin, xarriiqin.
xarriijin -ta: (magac, dhedig, keli) labo barood oo xariiq ku yaalla iyo dhammaan baraha ku yaalla xariiqa ee u dhaxeeya labada barood; xubin xarriiqeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarriijin
de: line; slash, hyphen, dash
initial: x
lx: xarriijin
pd: (-ta)
ps: n2(c)-f
key: xarriijin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirdiirin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax badan dabka saarsaarid oo qabawga ka bi'in. waxqabad diirdiirran: (tilmaame) mid firfircoon oo leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiirfiirin
(Fiirfiirin-ta)
Dhawr jeer fiirin; fiiro u yeelasho; eeg'eegid; baarid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirfiirin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer fiirin; fiiro u yeelasho. Dh: eeg'eegid, fiirfiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Liilliijin
(Liilliijin-ta)
Marmaarriyid; dhaqdhaqaajin; ruxruxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilliijin
m.f.dh eeg liilliiji. la-mid: liilliijis, liiqliiqin, liiqliiqis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilliijin
(magac, dhedig, keli) wax meel ku dhidban dhaqdhaqaajin oo nuglayn. Dh: marmaarriyid, dhaqdhaqaajin, nunujin, ruxruxid, liilliijis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riixriixid
(Riixriixid-da)
Riixid badan; tuutuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ribinriibid
m.f.dh eeg ribinriib.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Diirrin
(Diirrin-ta)
Wax diirran ka dhigid; (ama diirin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirrin
m.dh la-mid: diirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jirriin
m.l la-mid: jirniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mirijin
-ta: (magac, dhedig, keli) naas aan caana lahayn oo gudhay jiidjiidid. Dh: goofadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mirriji
f.g2 (-iyay, -isay) Neef la maalay candhadiisa jiidjiidid si ay mar labaad caano ugu soo dhacaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mirriji
v. squeeze something in order to make something come out
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mirriji
de: squeeze s.t. in order to make s.t. come out (udder of an animal, a tube of toothpaste, etc.)
lx: mirriji
pd: (mirrijiyey)
ps: v2=tr
key: mirriji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rarriin
(Rarriin-ka)
Waxraridda (ama rarniin).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rarriin
m. n. act of loading
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rarriin
-ka: (n) shipping (shiip-ing); the act of shipping or loading goods ~ rarniin
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rarriin
a: rarniin
de: act of loading
lx: rarriin
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: rarriin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barriiji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax xawli ku ordaya si kedis ah u hakin ama u weecin. 2. Ku b.: wax jilicsan ballaarin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barriiji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax xawli ku ordaya si kedis ah u hakin ama u weecin. 2. Ku b.: wax jilicsan ballaarin. m.f.dh, barriijin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
barriiji
v. turn ~ halt (a running animal) abruptly; push into a sitting position
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriiji
(fal) si qaab daran oo kadis ah u leexi qof ama neef xawli ku ordaya. Barriiji hasha ha innaga leexatee. Dh: du', waabi, majiir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
barriiji
de: turn or halt (a running animal) abruptly; push into a sitting position
lx: barriiji
pd: (barriijiyey)
ps: v2a=
key: barriiji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriirin
m.f.dh eeg biriiri. la-mid: biriiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciriirin
m.dh la-mid: ciriiryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiirsiin
(Jiirsiin-ta)
Xoog ku dhexmarsiin; jibaaxsiin; marsiin; qaadsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirsiin
m.f.dh eeg jiirsii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof ama wax, wax kale, dul marin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
liiliiji
-yey / say: (v) wiggle (wigel); move back and forth or from side to side; rock (rook) ~ liglig, gilgil
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miirniin
-ka: (magac, lab, keli) dareere weel uu wax kula jiro ka shubid oo ku kale inta saafiga ah ku xawilid. Miirniinka subaggu waa muhiim.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiqniin
-ka: (magac, lab, keli) eeg riqitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riixniin
-ka: (magac, lab, keli) riixitaan wax la riixo. Riixniin baan halkan ku keennay gaadhiga.
riixniin -ka: (magac, lab, keli) cadaadis wax hoos loo riixo.
riixniin -ka: (magac, lab, keli) duugitaan wax lagu sameeyo. Riixniin ma lagu dayey bararka lugta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riixriix
v. move around, push around; massage
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riixriix
de: move around, push around; [ext.] massage
lx: riixriix
pd: (riixriixay)
ps: v1=pl
key: riixriix
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarriiji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax sharafta iyo haybadda ku xun qof ku qasbid. 2. Wax dhogorta ka murxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarriiji
(fal) dhogorta ama wax kale ka murxi; ka diir.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xariijin
Segment, line
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiirniin
(Xiirniin-ka)
Timaha oo mandiil lagu xiiro (ama xiirriin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiirniin
m.l la-mid: xiirid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirniin
-ka: (magac, lab, keli) xiirid, tima gurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiirsiin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid timaha ka xiirid. Dh: xiirid, xiirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xiriirin
(Xiriirin-ta)
1. Midba midka ka horreeya ku xirid, ku dabid; tixid.
2. (dad) waxtarid; dhaqaalayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xiriirin
m.f.dh eeg xiriiri.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiriirin
-ta: (magac, dhedig, keli) xiriirjoogto ah la yeelasho, cilaaqo wanaagsan la samayn. Xiriirinta garaabadu waa sharci. Dh: xidhiidhin.
xiriirin -ta: (magac, dhedig, keli) isku aaddin co is daba joojin. Xiriirinta awrta waan agaan.
xiriirin -ta: (magac, dhedig, keli) cilango wanaagsan la samayn. Dh: xidhiidhin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barriijis
m.dh la-mid: barriijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barriijis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg barriijin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fiirfiiri
v. keep on looking at, examine, browse
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fiirfiiri
-yey say: (v) look around, look through something casually; browse (baraaws)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirfiiri
(fal) eeg oo kolba eeg; wax yaabo badan kolba mid eeg. Dh: jaljalleec, indha'indhee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fiirfiiri
de: keep on looking at, examine, browse
lx: fiirfiiri
pd: (fiirfiiriyey)
ps: v2a=pl
key: fiirfiiri
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilliiji
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel suran oo adag ruxruxid. la-mid: liiqliiqi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
liilliiji
v. shake
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilliiji
(fal) wax meel ku dhidban, dhaqdhaqaaji oo, nuglee. Iligga lilliyi oo rid hadduu dhacayo. Dh: dhaqdhaqaaji, lilliji, nunuji, nuuxnuuxi. Li: adkee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
liilliiji
a: liglig
de: shake
lx: liilliiji
pd: (liilliijiyey)
ps: v2a=tr
key: liilliiji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rarriibid
m.f.dh eeg rarriib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax la tolayo afafka dhuudhdhuuban ka jeexjeexid oo serjiyadooda simid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarriiqin
m.dh la-mid: xarriiq¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarriiqin
-ta: (magac, dhedig, keli) xarriiq dheer oo taagan ama jiifa oo meel ku dul dhereran ama maanka laga yaqaan. Dh: xarriiq, khad, jiitin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciirciirid
m.f.dh eeg ciirciir.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciirciirid
-da: (magac, dhedig, keli) hadba dhinac u ciirid ama u dheeliyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiirfiiris
-ka: (magac, lab, keli) eeg fiirfiirin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirgiiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la giirgiiray ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirgiirid
m.f.dh eeg giirgiir². la-mid: giirgiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirgiiris
m.dh la-mid: giirgiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liilliijis
m.l la-mid: liilliijin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liilliijis
-ka: (magac, lab, keli) eeg liilliijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liiqliiqin
m.dh la-mid: liilliijin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riiqriiqsi
(Riiqriiqsi-ga)
Dhaqdhaqaaq yar; nuuxnuuxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiqriiqsi
m.l la-mid: riiqriiqsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiqriiqsi
-ga: (magac, lab, keli) dhaqdhaqaaqis yar samayn. Dh: nuuxnuuxsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiqriiqso
f.mg3 (-saday, -satay) Nafley salka nuuxnuuxin si fadhigu ugu hagaago.