riigbixid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riigbixid
(Riigbixid-da)
Wax riigbaxay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riigbixid
m.f.dh eeg riigbax². la-mid: riigbax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riigbixid
-da: (magac, dhedig, keli) wax rigbaxay noqosho. Dh: cashibax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhiigbixid
(Dhiigbixid-da)
Dhiig badani oogada ka bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiigbixid
m.f.dh eeg dhiigbax³. la-mid: dhiigbax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiigbixid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibiibyid oo wax dhiig baxay ahaan. Dh: dhibiibyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riibibixid
m.f.dh eeg riibibax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ciilbixid
m.f.dh eeg ciilbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
liinbixid
m.f.dh eeg liinbax². la-mid: dhiinbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liinbixid
-da: (magac, dhedig, keli) maydhmid oo fasaqmid. Dharka asalka ahi liinbixid ma yeesho. Dh: fasakhmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiinbixid
m.dh la-mid: liinbixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiitobixid
-da: (magac, dhedig, keli) mid laga adkaaday oo loo dhammeeyay ahaan. Dh: fiitobax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riixriixid
(Riixriixid-da)
Riixid badan; tuutuujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ribxid
(Ribxid-da)
Ribix helid; faa'idid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ribxid
m.f.dh eeg ribix².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ribxid
-da: (magac, dhedig, keli) ribix helid; faalidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riixid
(Riixid-da)
1. (wax) inta xoog gadaal lagaga keeno, horay u wadid, u dhaqaajin, u durkin.
2. Tuujin; duugid; qabqabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixid
m.f.dh eeg riix². la-mid: riixis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
riixid
-da: (n) pushing (pushing); the act of pushing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riixid
-da: (magac, dhedig, keli) horay u harbin oo u dhaqaajin, horay u durkin. Dh: riixis.
riixid-da: (magac, dhedig, keli) hoos u diisin; u buusid. Dh: riixis, tuujin, duugid.
riixid-da: (magac, dhedig, keli) duugidda muruqyada si loo debciyo. Dh: duugid, riixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ifbixid
m.f.dh eeg ifbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifbixid
-da: (magac, dhedig, keli) shaacbixid; caan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ilbixid
(Ilbixid-da)
Ilbax gaarid; galtinnimo ka bixid; nolol reer-magaalnimo ah ku dhaqankeed gaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbixid
m.f.dh eeg ilbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel halkii hore ka wanaagsan gaadhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riigbax
(Riigbax-a)
1. Xoog iyo tabar aan hor loo lahayn oo la yeesho; cashibbax.
2. Buurnaan; cayil.
3. (weel) gocoyokabbax; xoolaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riigbax
riigbax¹: m.l 1. R. ah: weel gaaray waqtigii uu hooraha lagu shubo ceshan lahaa. 2. la-mid: riigbixid.
riigbax²: f.mg1 (-xay, -xday; -bixi) Weel waqtigii uu hooraha lagu shubo ceshan lahaa gaarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riigbax
v., [compound] acquire energy, regain strength
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riigbax
-a: (magac, lab, keli) weel, gocoya ka bax. Dh: xoolaysamid.
riigbax -a: (magac, lab, keli) wax shilis noqosho. Dh: buurnaan, cayilnaan, naaxsanaan.
riigbax-a: (magac, lab, keli) xoog iyo tamar cusub oo aan hore loo lahayn oo lagu faltamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riigbax
de: acquire energy, regain strength
lx: riigbax
nt: riigbax (a) [vn-m], riigbixid (da) [vn-f]
pd: (riigbaxay)
ps: v1=cmp
key: riigbax
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bixbixid
-da: (magac, dhedig, keli) kolba dibadda aadid; kolba meel u socosho. Shaqadu bixbixidda badan kuma fiicna.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filbixid
m.f.dh eeg filbax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lingixid
m.dh la-mid: ningixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lugbixid
m.f.dh eeg lugbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niggixid
m.dh la-mid: ningixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ningixid
(Ningixid-da)
Ningax u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ningixid
m.f.dh eeg ningax². la-mid: lingixid, niggixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigaaxid
m.f.dh eeg rigaax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigaaxid
-da: (magac, dhedig, keli) burburin ku samayn; aad u jejebin oo abshax ka dhigid. Dh: jejebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrigid
m.f.dh eeg rigrig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigid
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama weel afkiisa tolmo tidic ah ku samayn; afka ka adkayn tolmo afka kaga tolid. Masaftani rigrigid bay u baahan tahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sirgixid
m.f.dh la-mid: sirgaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sirgixid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin iyo wixii la mid ah, qalloocin oo murug galin. Dh: siragaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xilbixid
(Xilbixid-da)
Arrin ama wax kale oo xil leh, ama xil ka imaan karo, si wacan oo sharaf leh u qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xilbixid
m.f.dh eeg xilbax². la-mid: xilbax¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biyabixid
-da: (magac, dhedig, keli) qarbid iyo wax la mid ah, biyo sii dayn. Dh: biyabixis.
biyabixid-da: (magac, dhedig, keli) shahwada lab ama dhedig soo baxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diirnixid
m.f.dh eeg diirnax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diirnixid
-da: (magac, dhedig, keli) naxariis iyo dareen darteed cid ugu nixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiirnixid
m.f.dh eeg jiirnax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ferdibbixid
m.f.dh eeg ferdibax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Argaggixid
(Argaggixid-da)
Cabsi weyn oo kedo ah, qabasho; naxdin la gariirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
argaggixid
m.f.dh eeg argaggax². la-mid: argaggax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
argaggixid
-da: (magac, dhedig, keli) cabsi kedis ah, darteed la gariirid; baqdin la ashqaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arradbixid
(Arradbixid-da)
Arrad ka bixid; arratirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arradbixid
m.f.dh eeg arradbax². la-mid: arradbax¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arradbixid
-da: (magac, dhedig, keli) arrad ka bixid; arradtirasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biligbilig
m.dh 1. Dhimbilayn. 2. Babbinta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biligbilig
-ta: (magac, dhedig, keli) hillaac meel fog ka soo baxaya si isdaba joog ah. Dh: wacwac. biligbilig-ta: (magac, dhedig, keli) muuqaal meel fog socda ama bildhaan muuqaalkeedu dhab u muugan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biriirixid
m.f.dh eeg biriirix.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Biyabbixid
(Biyabbixid-da)
Shahwo ka imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
biyabbixid
m.f.dh eeg biyabbax². la-mid: biyabbax¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
biyabbixid
vl. n. ejaculation, having an orgasm
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
biyabbixid
a: biyabbax (ka)
bw: sp: biyabixid
de: ejaculation, having an orgasm
lx: biyabbixid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: biyabbixid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciddabixid
-da: (magac, dhedig, keli) ciddo ka bixid; ciddo dhammaysasho. Dh: cuddadbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dibadbixid
(Dibadbixid-da)
Dibadbax samayn; bannaan bixid; banbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dibadbixid
m.f.dh eeg dibadbax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dibadbixid
-da: (magac, dhedig, keli) dibadbax samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiitobixin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, ciyaar kula tartamid, ka adkaansho oo ciyaarta ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giirgiirid
m.f.dh eeg giirgiir². la-mid: giirgiiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jixinjixid
(Jixinjixid-da)
Jimic u gelid; u turid; naxarisasho; arxamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jixinjixid
m.f.dh eeg jixinjix². la-mid: jixinjix¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiibixad
-ka: (magac, lab, keli) sibiibixasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sibiibixin
m.f.dh eeg sibiibixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibiibixin
-ta: (magac, dhedig, keli) meel sare ama sibiqsibiq ah ka soo dayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biibii
biibii! (ereycodeed) tusmeeya codadka hoonka ee isdabajoogga ah ama codka ka soo baxa biiqiiqda. Dh: dhiidhii, biiqbiiq, biibiib!
biibii-da: (magac, dhedig, keli) dhuun yar oo laga bixiyo qudaxda dhammaajada xilliga ay curdinka tahay. Biiqbiiqda adhijirtu afuufayso bartan baa laga maglaa. Dh: biiqbiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiigid
(Fiigid-da)
(xoolo; kd.) cabsi la madaxwareerid oo la cararid, iyadoo meel loo socdo aan la aqoon; baydadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiigid
m.f.dh eeg fiig². la-mid: fiig¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiigid
-da: (magac, dhedig, keli) cararid iyo baxsad aan loo meel dayin. Dh: baydadid, fiigis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fiixid
(Fiixid-da)
Fiix noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fiixid
m.f.dh eeg fiix³. la-mid: fiix¹ (4).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Giigid
(Giigid-da)
1. Ka joogsasho; iska qabasho; iska buusid; ka jigasho.
2. Aad u dhergid; ka dibbirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
giigid
m.f.dh eeg giig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
giigid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka ~» ka giigid; ka hadhid kolkii la kari waayay dabadeed; ka caagid; ka maagid; ka joogsasho baqdini ku jirto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiigid
(Hiigid-da)
Harag ama tahar ama wax la mid ah, ruugid, cunid; sarriigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hiigid
m.f.dh eeg hiig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hiigid
-da: (magac, dhedig, keli) si baahi ka muuqato, harag ama tahar ama wax la mid ah, ruugid oo afka ula dhicid. Dh: diirasho, hiigis, sarriigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ifbixi
v., [compound] put something into the light; make someone famous
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ifbixi
(fal) qof iyo wax la mid ah, bulshada bar; shaacbixi. Dh: shaaci.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ifbixi
de: put s.t. into the light; make s.o. famous
lx: ifbixi
pd: (ifbixiyey)
ps: v2a=cmp
key: ifbixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibxir
-ka: (magac, lab, keli) eeg iibxidh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ilbixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ilbax ka dhigid. 2. Meseggo iyo wixi lamida il ka saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ilbixi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Qof ilbax ka dhigid. 2. Meseggo iyo wixi lamida il ka saarid. m.f.dh, ilbixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ilbixi
v. civilize; urbanize; acculturate someone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ilbixi
-yey / say: (v) educate (ejukeeyt); make someone civilized
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ilbixi
(fal) cid kale, bar wax aanay hore u aqoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ilbixi
de: civilize; urbanize; acculturate s.o.
lx: ilbixi
pd: (ilbixiyey)
ps: v2a=tr
key: ilbixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
liigid
-da: (magac, dhedig, keli) weel dareere ku jiro oo xidhan oo haddana wax ka socdaan oo wixii ku jiray wax ka sii deynaya. Dh: liigis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
miigid
m.f.dh eeg miig².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niibid
(Niibid-da)
Wax meel aad ugu dhejin, ugu nabid, ugu malaasid;.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niibid
m.f.dh eeg niib².