riibisheex
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riibisheex
m.l Neef xoola ah oo cudurka riibiga guri ka ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riibisheex
-xa: (magac, lab, keli) neef xoola ah oo cudurka riibiga guri ka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshee
f.g2 (-sheeyay, -sheysay) la-mid: ra-bash².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rabshee
f.g2 (-sheeyay, -sheysay) la-mid: rabash².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rabshee
-yey / rabsheysay: (v) cause trouble (tarabal); annoy (a-nooy); bother (baath ‘er); disturb (dis-teerb); harass (ha-raas); irritate (iri-teeyt) ~ dhib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshee
(fal) xiisad iyo quiqulato geli. Dh: fidnee, rabshadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riibibax
riibibax¹: m.l Qaxidda laga qaxo meelaha riibigu ka kaco.
riibibax²: f.g1 (-xay, -xday) Meel riibi leh ka qaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riibibax
-xa: (magac, lab, keli) qaxidda laga qaxo meelaha riibigu ka kaco.
riibibax: (fal) Meel riibi leh ka qaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sibidhee
(fal) samayso sibidh ama shamiitee. Sibidhee daarada aqalka. Dh: sabadee, sibdhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biibiilee
(fal) sida gammaanka labada lugood ee dambe oo wada jira wax ku harraati. Carruurta la ciyaar oo la biibiilee. Dh: biqlee, harraati.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiqdheer
(tilmaame) aan hore u daalin oo aan xiiqin. Faras riigdheer ah ayaa lagu dagaalgalaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qiimasheeg
m.dh (-gyo, m.dh) Warqad ay ku qoran tahay kharashka ku baxay badeeco meel loo diray, qaa'imad.