riibi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riibi
(Riibi-ga)
Bahal duula oo xoolaha cuna; dhuug; gendi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riibi
m.l.u Dhuug; gendi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riibi
m.l.u Dhuug; gendi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riibi
m. n., [collective] tse-tse fly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riibi
-ga: (magac, lab, keli) cayayaan duula oo xoolaha cuna. Dh: dhuug, dhuu, gendi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riibi
de: tse-tse fly
lx: riibi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
syn: dhuug, gendi
key: riibi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iibi
f.g2 (-iyay, -isay) Lacag badeeco ku beddelid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iibi
f.g2 (-iyay, -isay) Lacag badeeco ku beddelid. m.f.dh, iibin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iibi
v. sell, trade off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iibi
-yey / say: (v) sell (seel) ~ gad, sii iibi
soo iibi -yey / say: (v) purchase (peerjas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iibi
(fal) wax aad haysato lacag ku bedelo ama ka ganacso. Dh: gad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iibi
de: sell, trade off
lx: iibi
pd: (iibiyey)
ps: v2a=
key: iibi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiibi
f.g2 (-iyay, -isay) Jiib tirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jiibi
f.g2 (-iyay, -isay) Jiib tirin. m.f.dh, jiibin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jiibi
v. join in a chorus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiibi
(fal) qofka ciyaarta ku jira jiibta u hoori ama heesta u qaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jiibi
de: join in a chorus
lx: jiibi
pd: (jiibiyey)
ps: v2a=
key: jiibi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiji
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax liiliijin ama gilgilid. 2. Nafley nafaqo siin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riiji
v. shake, agitate
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiji
(fal) liilliiji; ruxrux; dhaqdhaqaaji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riiji
de: shake, agitate
lx: riiji
pd: (riijiyey)
ps: v2a=tr
key: riiji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhuug
(Dhuug-ga)
Cayayaan duula oo qaniinyo kulul oo geela cuna; gendi; riibi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riibibixid
m.f.dh eeg riibibax².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riibisheex
m.l Neef xoola ah oo cudurka riibiga guri ka ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagaalaad
sagaalaad¹: m.l 1. Maalinta bisha Arrafo sagaalka tahay oo muslimiintu xajinaysaa banka carrafo taaganyihiin. 2. Roob da'ay maalintiisa sagaalaad ee riibigu kaco.
sagaalaad²: m.l.t. j Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma sagaalka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
sagaalaad
sagaalaad¹: m.l 1. Maalinta bisha Arrafo sagaalka tahay oo muslimiintu xajinaysaa banka carrafo taaganyihiin. 2. Roob da'ay maalintiisa sagaalaad ee riibigu kaco.
sagaalaad²: m.l.t.j Tirada jagaalaha ah, kan u dhigma sagaalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhuug
(fal) nuug. Dhuug naaska. Dh: jaq.
dhuug-ga: (magac, lab, keli) cayayaan diqsiga waaweyn u eg oo waxa uu qaniino dhiigga ka jaqa. Dh: gendi, riibi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riibisheex
-xa: (magac, lab, keli) neef xoola ah oo cudurka riibiga guri ka ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dhuug_1
de: tse-tse fly
hm: 1
lx: dhuug
pd: (-ga Pl: dhuugag (ga))
ps: n-m-col
syn: gandi, riibi
key: dhuug_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gendi
de: tse-tse fly
lx: gendi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
syn: dhuug, riibi
key: gendi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariibi
f.g2 (-iyay, -isay) Qof qariib ah dhoweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biibii
biibii! (ereycodeed) tusmeeya codadka hoonka ee isdabajoogga ah ama codka ka soo baxa biiqiiqda. Dh: dhiidhii, biiqbiiq, biibiib!
biibii-da: (magac, dhedig, keli) dhuun yar oo laga bixiyo qudaxda dhammaajada xilliga ay curdinka tahay. Biiqbiiqda adhijirtu afuufayso bartan baa laga maglaa. Dh: biiqbiiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhiibi
f.g2 (-iyay, -isay) Maro, harag iyo wixi lamida togid si jactadku uga ba'o.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhiibi
(fal) deri isku yeel oo dhabarka hoos u dhig oo sidii wax dhabarka lagu dhiftay u soco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diibsi
m.l la-mid: diibsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
diibsi
-ga: (magac, lab, keli) habka loo udgooneeyo timaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jiibin
(Jiibin-ta)
Cayaar la tumayo ama hees la qaadayo jiibkood wax ka qaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jiibin
m.f.dh eeg jiibi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiibin
-ta: (magac, dhadig, kali) marka erey qof yidhi laga daba dhaho ama loo nacamleeyo.
jiibin -ta: (magac, dhedig, keli) habka la iskula helo jiibta codka miisaaman.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiibis
-ka: (magac, lab, kali) habka la iskula helo aadu jiibta oo farshaxan leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jijibi
(fal) wax calaacasha ku cacami oo ku xuruud.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Niibid
(Niibid-da)
Wax meel aad ugu dhejin, ugu nabid, ugu malaasid;.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niibid
m.f.dh eeg niib².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibid
-da: (magac, dhedig, keli) nabid oo si adag meel wax ugu dhejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niibis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg niibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riijin
(Riijin-ta)
(badanaa: riirriijin) dhaqdhaqaajin; liilliijin; ruxruxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riijin
m.f.dh eeg riiji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riimid
m.f.dh eeg riin².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riimid
-da: (magac, dhedig, keli) cod reen ah samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riiqid
(Riiqid-da)
1. Dhuxul budlin oo khad ka samayn.
2. Burburin; budlin; budayn.
3. Baabbi'in; xasuuqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiqid
m.f.dh eeg riiq³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiqid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u layn oo xasuuqid. Dh: xasuugid, baabbi'in.
riiqid-da: (magac, dhedig, keli) budo ka dhigid: riigis ku samayn. Dh: budlin, burburin, budayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiqis
-ta: (magic, dhedig, keli) eeg riigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riirid
(Riirid-da)
1. Afka ka jarriimid; af sinsiman u yeelid.
2. Cayilid; naaxid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riirid
m.f.dh eeg riir³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riirid
-da: (magac, dhedig, keli) simid oo maro la tolayo haylaaqyada dhuudhdhuuban ka jeexjeexid oo serjigooda isku sigibtirid; riiris ku samayn.
riirid -da: (magac, dhedig, keli) naaxid oo wax shilis noqosho. Riirid buu ratigani la socon la yahay. Dh: cayilid, naaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiris
-ta: (magac, dhedig, keli) riirid weel afkii ama maro ku samayn.
riiris -ta: (magac, dhedig, keli) aad u naaxid. Dh: riirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riixid
(Riixid-da)
1. (wax) inta xoog gadaal lagaga keeno, horay u wadid, u dhaqaajin, u durkin.
2. Tuujin; duugid; qabqabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixid
m.f.dh eeg riix². la-mid: riixis.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
riixid
-da: (n) pushing (pushing); the act of pushing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riixid
-da: (magac, dhedig, keli) horay u harbin oo u dhaqaajin, horay u durkin. Dh: riixis.
riixid-da: (magac, dhedig, keli) hoos u diisin; u buusid. Dh: riixis, tuujin, duugid.
riixid-da: (magac, dhedig, keli) duugidda muruqyada si loo debciyo. Dh: duugid, riixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riixis
(Riixis-ta)
Riixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixis
m.dh la-mid: riixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riixis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg riixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Siibid
(Siibid-da)
Wax salkiisa ama docdiisu meel ku aasan tahay ama ay ku jirto, xoog u soo jiidid taniyo intuu ka soo wada baxo isagoo aan kala go'in; bixin; rujin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibid
m.f.dh eeg siib².
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Siibid
Smontatura
Dismantlement
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibid
-da: (magac, dhedig, keli) shey wax kale ku dhexjira, in ka soo saarid; wax docdiisa kale ay meel ku aasan tahay ama ay ku jirto, xoog u soo jiidid tan iyo intuu ka soo wada baxayo isagoon. kala go'in. Dh: bixin, saaris, siibis, miiqid.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
siibid
نَزَعَ (تَوْبًا حِذَاءَ قُبَّعَةً إِلحَ)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibis
-ta: (magac, dhedig, keli) siibid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiimbi
f.lg2 (-iyay, -isay) Wax biyo quusin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tiimbi
f.lg2 (-iyay, -isay) Wax biyo quusin. m.f.dh, tiimbin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiimbi
(fal) biyo dhexgal; quus; dhunbo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiinbi
(fal) qof ama wax kale, biyo dhex geli oo muquursii. Tiinbi wadaanta biyaha ceelka. Dh: kunbi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariibid
qariibid¹: m.l 1. Cunidda badar, sonkor iyo wixi lamida iyadoo aan la karin la cuno. 2. Q. ah: xoogaa badar, sonkor iyo wixi lamida ah oo aan la karin.
qariibid²: m.f.dh eeg qariib³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qariibid
-ka: (magac, lab, keli) cunidda badar, sonkor iyo wixii la mid ah, oo aan la karin.
qariibid -ka: (magac, lab, keli) xoogaa badar, sonkor iwm ah oo aan la karin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariibin
m.f.dh eeg qariibi. la-mid: qariibis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qariibis
m.l la-mid: qariibin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riibibax
riibibax¹: m.l Qaxidda laga qaxo meelaha riibigu ka kaco.
riibibax²: f.g1 (-xay, -xday) Meel riibi leh ka qaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riibibax
-xa: (magac, lab, keli) qaxidda laga qaxo meelaha riibigu ka kaco.
riibibax: (fal) Meel riibi leh ka qaxid.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Tajriibi
Heuristic
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tariibid
m.f.dh eef tariib².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tartiibi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax si aan degdeg lahayn u samayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tartiibi
v. proceed with something slowly, make someone go calmly; do moderately
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tartiibi
-yey / say: (v) make slow or slower; slow down
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tartiibi
(fal) si tartiib ah ama tartiibsan wax u wad; wax u qabo. Dh: aayar, qunyar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tartiibi
de: proceed with s.t. slowly, make s.o. go calmly; do moderately
initial: t
lx: tartiibi
pd: (tartiibiyey)
ps: v2a=tr
key: tartiibi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ibi
m.dh (-byo, m.l) (cilmiga naflayda) Mandheerta haweenka. la-mid: ebi¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ibi
m.dh (-byo, m.l) (cilmiga naflayda) Mandheerta haweenka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Iib
(Iib-ka)
Ganacsi; geddis; rogrog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
iib
m.l Kala gadashada laba wax ama ka badan la kala gato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
iib
m.l Kala gadashada laba wax ama ka badan la kala gato.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iib
m. n. trade, sale; something for sale, price
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iib
-ka: (n) 1. purchase (peer)as). Ex: iibka qaranka; national purchasing agency. 2. sale (seeyl) ~ beec, gadasho Ex: alaabtaan iib miyaa? is this article for sale?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
iib
-ka: (magac, lab, keli) alaab, xoolo iyo wixii la mid ah, lacag ku beddelid. Dh: ganacsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iib
de: trade, sale; something for sale, price
lx: iib
pd: (-ka Pl: iibab (ka))
ps: n4-m
key: iib
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rib
(wax shubma) aan khafiif ahayn; adag; culus; layiig; rasiin libiq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rib
m.dh.kh R. ah: hoore adag.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rib
Feedh
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rib
f. n., [abstract] (adj.): denseness, thickness; thick, heavy