rigrigan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrigan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Wax rigrig lagu tolay ahaansho (weel).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigan
(tilmaame) wax la rigrigay ah.
rigrigan: (tilmaame) ah arrin murugsan oo si loo furdaamiyaa dhib badan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rigrigo u yeelid. Rigrigayn adag baan ku sameeyey gorofka afkiisa Dh: rigrigays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrignaan
m.f.dh eeg rigrigan. la-mid: rigrignaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigays
-ka: (magic, lab, keli) rigrigayn ku samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rigrigeyn
(Rigrigeyn-ta)
Rigrigo u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrigeyn
m.f.dh eeg rigrigee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rigrigayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrig
rigrig¹: m.l Tolmo lagu celceliyo, la adkeeyo. la-mid: rigrigo.
rigrig²: f.g1 (-gay, -gtay) Weel rigrigo afka kaga tolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrig
(fal) rigrig u samee.
rigrig-ga: (magac, lab, keli) tolmo tidic ah oo weel geerkii lagu sameeyo. Rigrig adag u samee afka dhiisha si daboolku u qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rigrigo
(Rigriga-da)
Tolmo isdhaafdhaaf ah oo weelasha afkooda ama alaabo serjigeed lagu sameeyo oo dillaaca ka dhawrta; daruur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrigo
rigrigo¹: m.dh 1. la-mid: rigrig 1. Tolmo isdhaafdhaafsan oo weelka afkiisa lagu sameeyo si dilaaca looga ilaaliyo. 2. Dagaal weyn oo lagu hoobtay.
rigrigo²: f.g3 (-gtay, -gatay) Weel rigrig ku tolasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rigrigo
f. n. hem, bound edge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigo
-da: (magic, dhedig, keli) tolmo is dhaafdhaaf ah oo weelasha afkooda ama alaabo kale serjigeeda lagu sameeyo oo dilclillaacca iyo rifanka lagaga ilaasho. Dh: daruur, rigrig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rigrigo
de: hem, bound edge
lx: rigrigo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: rigrigo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifrifan
rifrifan¹: f.mg1 (-fmay, -fantay) Timo, dhogor, derin, xaashi iyo wixi lamida, wax rifrifmay noqosho.
rifrifan²: f.mg4 (-fnaa, -fnayd) Timo, dhogor, waraaqo iyo wixi lamida, wax la rifrifay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrigee
f.g2 (-geeyay, -geysay) Weel rigrigo u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rigrigee
v. hem; bind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigee
(fal) rigrigo u yeel.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rigrigee
de: hem; bind
lx: rigrigee
pd: (rigrigeeyey)
ps: v2b=tr
key: rigrigee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrigid
m.f.dh eeg rigrig².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigrigid
-da: (magac, dhedig, keli) walax ama weel afkiisa tolmo tidic ah ku samayn; afka ka adkayn tolmo afka kaga tolid. Masaftani rigrigid bay u baahan tahay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogrogan
(tilmaame) kolba dhan u maroorsan ah; waxyaalo badan oo wada gembisan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tigtigan
La tigtigay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tigtigan
f.mg4 (-gnaa, -gnayd) Weel wax la tigtigay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tigtigan
der. [adjective] cinched, tied tightly; lock-stitched
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tigtigan
-tigtignaa / tigtignayd: (adj) pulled tight; stiffened (istifanidh); drew tight ~ togtogan, giigsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigtigan
(tilmaame) ah wax dhaqdhaqaaq loo diiday. Alaabbtu way tigtigan tahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tigtigan
de: cinched, tied tightly; lock-stitched
initial: t
lx: tigtigan
pd: (tigtignaa)
ps: adj-der
key: tigtigan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigrigasho
m.f.dh eeg rigrigo².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiritaan
-ka: (magac, lab, keli) wax la tolayo afafka dhuudhdhuuban ka jeexjeexid oo serjiyadooda simid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirrigsan
(tilmaame) kala baxsan oo engegan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gigan
(tilmaame) wax tirrigsan oo giijisan. Warkan gobo'na laga la'yihiyo xaajadaa gigantay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riiqan
La riiqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiqan
riiqan¹: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Wax riiqmay noqosho (badar, dhuxul iyo wixi lamida). 2. Neef xoolaad wax caato la socon waayey noqosho.
riiqan²: f.mg4 (-qnaa, -qnayd) Wax la riiqay ahaansho (badar, dhuxul iyo wixi lamida).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riiqan
der. [adjective] ground up (of charcoal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiqan
(tilmaame) la laayay co curdaaduqaha laga dhigay ah.
riiqan: (tilmaame) budaysan ah; ridqan oo jidhiidh laga dhigay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riiqan
de: ground up (of charcoal)
lx: riiqan
pd: (riiqnaa)
ps: adj-der
key: riiqan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riiran
La riiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Weel, maro iyo wixi lamida wax la riiray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riiran
der. [adjective] patterned, cut (according to a design); fat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiran
(tilmame) mid la riiray.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riiran
de: patterned, cut (according to a design); [fig.] fat
lx: riiran
pd: (riirnaa)
ps: adj-der
key: riiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riixan
La riixey; meeshii hore laga durkiyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixan
riixan¹: f.mg1 (-xmay, -xantay; -xmi) Wax, wax la riixay noqosho.
riixan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la riixay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
riixan
riixan¹: f.mg1 (-xmay, -xantay; -xmi) Wax, wax la riixay noqosho. m.f.dh, riixmid.
riixan²: f.mg4 (-xnaa, -xnayd) Wax la riixay ahaansho. m.f.dh, riixnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riixan
der. [adjective] pushed; put off
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riixan
(tilmaame) la riixay ah; meeshii hore laga durkiyey ah.
riixan: (tilmaame) hoos u riixan; u diisan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riixan
de: pushed; put off
lx: riixan
nt: riixan (riixmay) [v1=inch]
pd: (riixnaa)
ps: adj-der
key: riixan
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
siiriga
whistle
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xiritan
-ka: (magac, lab, keli) eeg xidhitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digiiran
(Digiiran-ka)
Shinbiro dibadjoog iyo gurijoogba leh oo aan dhab u duulin; midabkoodu waa beymadow (lafcir) xarriiqo iyo dhibco yaryar oo cadcadi ku dhafan yihiin; (ama digirin).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
digiiran
m.l.u Nooc shimbiraha ka mid ah oo digaagga ka weyn, aan meel fog u duulin, leh midab baraashirix qurxoon, oo hilibkiisa la cuno. la-mid: digirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
digiiran
m.l.u Nooc shimbiraha ka mid ah oo digaagga ka weyn, aan meel fog u duulin, leh midab baraashirix qurxoon, oo hilibkiisa la cuno. la-mid: digirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
digiiran
m. n. guinea-fowl, partridge, pheasant
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
digiiran
-ka: (n) pheasant (fesant); guinea fowl (gini-fowl); partridge (paar-tarij)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
digiiran
a: dagiiran
de: guinea-fowl, partridge, pheasant
lx: digiiran
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: digiiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gigtiran
La gigtiray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gigtiran
f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax la gigtiray ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gigtiran
der. [adjective] laid out, spread, displayed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gigtiran
-aa: (adj) stretched out tightly ~ giigsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gigtiran
(tilmaame) mid aad loo dhuujiyey. Dh: giigsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gigtiran
de: laid out, spread, displayed
lx: gigtiran
ps: adj-der
key: gigtiran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
higaagan
higaagan¹: f.mg1 (-gmay, -gantay; -gmi) Wax fuursan ama dibbirsan noqosho.
higaagan²: f.mg4 (-gnaa, -gnayd) 1. Wax higaag ku xiran ahaansho. 2. Wax fuursan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
higaagan
der. [adjective] fastened with a security strap; swollen, inflated
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
higaagan
(tilmaame) wax dibbirsan oo fuursan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
higaagan
de: fastened with a security strap; [ext.] swollen, inflated
lx: higaagan
pd: (higaagnaa)
ps: adj-der
key: higaagan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagiigan
(tilmaame) awdan oo meel daloosha lahayn ah. Dh: dhababan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nigérian
nigérian, adj. - Reer Nayjeeriya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifrifad
m.l la-mid: rifrifasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rigaaxan
(tilmaame) ah wax burbursan oo aad loo jejebiyay. Dh: jajaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rigaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ciidan wax meel ku safan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rigaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Ciidan wax meel ku safan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riirnaan
m.f.dh eeg riiran. la-mid: riirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax riiran ahaan; cayilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rinjiyan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax rinji la mariyey ahaansho. la-mid: rinjiyaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rinjiyan
(tilmaame) ranji leh; ranjiyeysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogrogad
(Rogrogad-ka)
Rogrogasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogrogad
m.l la-mid: rogrogasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogrogad
-ka: (magac, lab, keli) alaabo ama wax laga ganacsado ka shaqaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirigsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Xarig si tirjis ah loo sameeyay ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bigbiglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg bidhbidhlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifrifnaan
m.f.dh eeg rifrifan². la-mid: rifrifnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rifrifnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) taagtaagnaan oo wax la rifrifay ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rugruglayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta codka rugrugta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tigtignaan
(Tigtignaan-ta)
Wax tigtigan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tigtignaan
m.f.dh eeg tigtigan. la-mid: tigtignaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tigtignaan
vl. n. state of being tied up tight ~ cinched
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tigtignaan
(tilmaame) wax tigtigan ahaan. Dh: xidhxidhnaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tigtignaan
de: state of being tied up tight ~ cinched
initial: t
lx: tigtignaan
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: tigtignaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
biiritaan
-ka: (magac,lab, keli) ku darsamitaan. Isku biiritaan meeshii laga sugayey miyey kala tageen. biirjeex -a: (magac, lab, keli) qof aan dhibta ka cabsoonin oo ka waaban, wax kastana u birdhiga. Biirjeex geesiyoo wacan, Allaw yaanu baas dilin. Dh: birjeex, hawlkar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ciiritaan
-ka: (magac, lab, keli) liicitaan; dheelliyitaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fiddigsan
(tilmaame) qof ama wax si buuxda u dhintay; qof naftii ka baxday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
girligaan
m.l (-nno, m.dh) Qori boobe ah oo waayadii hore lagu dagaallami jirey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hinnigsan
f.mg1 (-naa, -nayd) Qof hinnig ahaansho.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
intrigant
intrigant, adj. - la yaab leh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jiriigaan
-ka: (magac, lab, keli) weel caag ka samaysan oo lagu shubto dareeraha. Dh: shirikaan, jirikaan. Wa: jirigaanno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magiigane
faal oo wuxuu ku irmaanaadaa dhul iyo dhagax waa afar qolo oo kala ah: Arliya, Hawaa'i, Naari, iyo Maa'i. Arliyo iyo Naari' way is dhaxalgalaan oo waa isku dhan, Hawaai' iyo Maai' dhan bay isku raacaan, dhamaantood Arliya baa dhaxalka leh oo uu Faalku ku hoydaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mihiigaan
m.l la-mid: mahiigaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
miiritaan
-ka: (magac, lab, keli) dareere wax kale oo uu ku jiro ka nadiifitaan oo ka shubitaan; wax miiran ka dhigitaan.