ribnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ribnaan
m.dh (kiimika) Xaddi walax ah oo ku jira halbeeg-muggeed milan ah. Halbeegga ribnaantu waa mool dm(-3). Ribnaan cufeedku waa cufka milmaha ku jira halbeeg-muggeed kasta. Ribnaanta mool-lani waa inta mool ee milmaha ku jirta halbeeg-muggeed kasta. Ribnaanta moolal waa xaddi walaxeedka ku jira hal kiiloo-garaam oo milaha ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ribnaan
m.dh (kiim.) Xaddi walax ah oo ku jira halbeeg-muggeed milan ah. Halbeegga ribnaantu waa mool dm(-3). Ribnaan cufeedku waa cufka milmaha ku jira halbeeg-muggeed kasta. Ribnaanta moollani waa inta mool ee milmaha ku jirta halbeeg-muggeed kasta. Ribnaanta moolal waa xaddi walaxeedka ku jira hal kiiloogaraam oo milaha ah.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Ribnaan
Concentration
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ribnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) xaddi walax ah oo ku jira halbeeg-muggeed milan ah. Halbeegga ribnaantu waa mool dm(-3). Ribnaan cufeedku waa cufka milmaha ku jira halbeegmuggeed kasta. Ribnaanta mool-lani waa inta mool ee milmaha ku jirta halbeegmuggeed kasta. Ribnaanta moolal waa xaddi alaxeedka ku jira hal kiiloogaraam oo milaha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifnaan
m.f.dh eeg rifan³. la-mid: rifnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asiidh-cabirid
m.dh (kiimika) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhakhso-horsiimo-kowaad
m.l (kiimika) Falgalka dhakhsihiisu saamigal ku yahay ribnaanta mid ka mid ah walxaha falgalayaasha ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dheelitiran-kiimikeed
m.l (kiimika) Falgal kiimikaad oo gedisme ah oo ribnaanta falgaleyaasha iyo maxsuulladuba aanay isla beddelin amminta sababta oo ah habdhiska ayaa ku sugan xaalad teermoodaynamik ahaan dheelitiran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gudbin-firfircoon
m.l (baayoloji) Socodka walxahu ay kaga gudbiyaan xuubabka unugyo nool, inta badan wuxuu ka soo horjeedaa ribnaanta tiro: waa dariiqad u baahan tamar dheefsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxsuul-aayooneed
m.l (-yo, m.dh) (kiimika) Taranta ribnaannada: kw = [ H+ ] [ OH- ] ee biyaha oo ka dhalatay ayoonoobidda xaddi yar oo biyo ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milan sare
m.l (-rayaal, m.l/dh) (baayoloji) Marka laga hadlayo habdhiska siimowga, milanka ka ribnaanta badan milanka kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
milan-hoose
m.l (-sayaal, m.l/dh) (baayoloji) Marka laga hadlayo habdhiska siimowga, milanka ka ribnaanta yar milanka kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
moolal
m.l (kiimika) Ribnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mug-saafid
m.dh (kiimika) Hab ka mid ah xeeladihii u horreeyey saafid xaddiyeedka. Waa hab u salaysan cabbiridda mugga milan ribnaantiisa la yaqaano, muggaas oo ah inta looga baahanyahay in uu la falgalo milanka walaxda la raadinayo. Milanka ribnaantiisa la yaqaan (milan beegal ah) waxa si tartiib ah looga soo daayaa mitimiye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ribmidab
m.l (fiisikis) Qiyaasta tayada muuqaalka midab. Midabbada caddaan, madow ma laha ribnaan midab, waxana la yiraahdaa waa midabyo haydh leh. Ribmidab waa astaanta midab ka dhigta casaan, buluug, cagaar iyo wixi lamida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saafid-kolorimitrieed
m.dh (fiisikis) Saafid xaddiyeed oo lagu cabbiro ribnaanta milmeyaasha midabaysan iyada oo la kaashanayo itaalka midabka. Milanka la hubinayo waxa loo eegaa milanno ribnaantooda la yaqaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddiditaanka PH
m.l (xisaab) Logaridamka sal 10 ee rogaalka ribnaanta ayoonnada haydarojiinta ku jirta milan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeer fal-cuf
m.l (-rar ..., m.l) (kiimika) Marka heerkulku ma doorsoome yahay, dhakhsaha falgalka kiimikaad wuxuu saamiggal qumman ku yahay cufka firfircoon ee falgalayaasha, cufka fifircoon waxaa loo qaatay ribnaanta mool/dm.3 falgalka soo saara A+B, xeerka fal cuf wuxuu sheegayaa in dhakhsasha = K A iyo B halkaas oo A iyo B ay u taaganyihiin ribnaanta A iyo B ee mool/dm.3.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asiidhcabirid
m.dh (kiim.) Saafid-mugeed ama mitimis asiidh-beys halkaas oo milan caadi ah oo asiidh ah lagu daro milan ribnaantisi dahsoontahay oo ah beys tilmaame ku jiro. Alkalicabiridduna waa roganka asiidhcabiridda. Eeg alkalicabirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dhakhso-horsiimokowaad
m.l (kiim.) Falgalka dhakhsihiisu saamigal ku yahay ribnaanta mid ka mid ah walxaha falgalayaasha ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dheelitirankiimikeed
m.l (kiim.) Falgal kiimikaad oo gedisme ah oo ribnaanta falgaleyaasha iyo maxsuulladuba aanay isla beddelin amminta sababta oo ah habdhiska ayaa ku sugan xaalad teermoodaynamik ahaan dheelitiran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gudbinfirfircoon
m.l (baay.) Socodka walxahu ay kaga gudbiyaan xuubabka unugyo nool, inta badan wuxuu ka soo horjeedaa ribnaanta tiro: waa dariiqad u baahan tamar dheefsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maxsuul-aayooneed
m.l (-yo, m.dh) (kiim.) Taranta ribnaannada: kw = [ H+ ] [ OH- ] ee biyaha oo ka dhalatay ayoonoobidda xaddi yar oo biyo ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milanhoose
m.l (-sayaal, m.l/dh) (baay.) Marka laga hadlayo habdhiska siimowga, milanka ka ribnaanta yar milanka kale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
milansare
m.l (-rayaal, m.l/dh) (baay.) Marka laga hadlayo habdhiska siimowga, milanka ka ribnaanta badan milanka kale.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakibnaan
m.f.dh eeg rakiban. la-mid: rakibnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakibnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax rakiba ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ratibnaan
m.f.dh eeg ratiban. la-mid: ratib-naansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ratibnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la ratibay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
niibnaan
m.f.dh eeg niiban. la-mid: niibnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reebnaan
(Reebnaan-ta)
Wax la reebay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebnaan
m.f.dh eeg reeban. la-mid: reebnaan-sho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reebnaan
f. n., [abstract] state of being left, reserved
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Reebnaan
Divieto
Interdiction
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebnaan
(tilmaame) wax la reebay ahaan.
reebnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax reeban ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reebnaan
a: reebnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being left, reserved
lx: reebnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: reebnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riiqnaan
m.f.dh eeg riiqan². la-mid: riiqnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riiqnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la riiqay ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riirnaan
m.f.dh eeg riiran. la-mid: riirnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax riiran ahaan; cayilnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riixnaan
(Riixnaan-ta)
Wax la riixay ama riixan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riixnaan
m.f.dh eeg riixan². la-mid: riixnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
riixnaan
f. n., [abstract] state of being pushed; being postponed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
riixnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la riixay oo halkiisii ka durugsan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
riixnaan
de: state of being pushed; being postponed
lx: riixnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: riixnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
siibnaan
m.f.dh eeg siiban². la-mid: sibnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
siibnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax siibsan ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
inaan
conj., vl. pron. that I ...
inaan [conjunction], neg. that ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
inaan
[pronoun Ifollowed by action verb]. Ex: inaan waxbartaan rabaan; I want study
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
libaan
f. n. success, prosperity, blessing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
libaan
-ka: (magac, lab, keli) xabag udgoon oo geedka beeyada la yidhaa uu bixiyo oo la uunsado. Geeska Afrika wuxu caan ku yahay dhoofinta libaanka. Dh: foox, beeyo, maydi, lubaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
libaan
de: success, prosperity, blessing
lx: libaan
pd: (-ta)
ps: n0-f
see: liibaan
key: libaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ribayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof wax uuna falin ama uu ahayn ku masabidid. Dh: qadaf.
ribayn-ta: (magac, dhedig, keli) dareere jaamid is haysta ka dhigid. Malmalku qayb ayuu ka yahay ribaynta tawaadda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bilnaan
m.f.dh eeg bilan. la-mid: bilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax bilan oo qurxoon ahaan. Qof walba bilnaanta qaabkiisa wuu jecel yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cidnaan
m.f.dh eeg cidan³. la-mid: cidnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cignaan
m.f.dh eeg cigan³. la-mid: cignaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cubnaan
m.f.dh eeg cuban². la-mid: cubnaansho, cugnaan, cugnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabnaan
(Dabnaan-ta)
Wax daban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabnaan
m.f.dh eeg daban. la-mid: dabnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabnaan
f. n., [abstract] state of being hunted ~ trapped
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax dabin ku jira ahaan. Dabnaan baannu ku qabannay sagaarada.
dabnaan -ta: (magac, dhedig, keli) neef aayar loo dabray ahaan.
dabnaan -ta: (magac, dhedig, keli) neef neef ku xidhiidhsan ahaan.
dabnaan -ta: (magac, dhedig, keli) timo tidcan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabnaan
de: state of being hunted ~ trapped
lx: dabnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dabnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dihnaan
(Dihnaan-ta)
Ahaanta la yahay wax dihin oo aan weli la maalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dihnaan
m.f.dh eeg dihin. la-mid: dahnaan, dahnaansho, dihnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dihnaan
f. n., [abstract] state of (animal) not having been milked; (soil) never being cultivated; being incomplete, untouched ~ unstarted
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dihnaan
de: state of (animal) not having been milked; (soil) never being cultivated; being incomplete, untouched ~ unstarted
lx: dihnaan
pd: (-ta)
ps: n2-f-abs
key: dihnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dilnaan
m.f.dh eeg dilan³. la-mid: dilnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dirnaan
(Dirnaan-ta)
1. (qof) ku la diray ahaan; diran.
2. (ku dirnaan) ku jaadnaan, ku qaybsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dirnaan
m.f.dh eeg diran. la-mid: dirnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dirnaan
f. n., [abstract] state of being sent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dirnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la diray ahaan. Ergada dirnaanta lagu ogaa weli way joogaan.
dirnaan -ta: (magac, dhedig, keli) (ku ~) wax ku nabnaan oo deyn kari waayid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dirnaan
de: state of being sent
lx: dirnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dirnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dubnaan
(Dubnaan-ta)
Dubnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dubnaan
dųbnaan: m.f.dh eeg dųban². la-mid: dųbnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dubnaan
f. n., [abstract] stated of being baked ~ fried
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dubnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax la dubay oo dab lagu bisleeyey ahaan. Xasiidda dubnaan iyo karsanaanba waa lagu cunaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dubnaan
a: dubnaansho (/ha) [vn6-f-st]
de: stated of being baked ~ fried
lx: dubnaan
pd: (-ta)
ps: n0-f-abs
key: dubnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
filnaan
m.f.dh eeg filan. la-mid: filnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
filnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) mid deeqaya oo ku filan ahaan.
filnaan -ta: (magac, dhedig, keli) wax wax kale deeqsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gibbaan
(Gibbaan-ka)
Neef guriddiisii dhowdahay oo caano yareeyey; (ama gabbaan).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gibbaan
m.l la-mid: gabbaan².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gibbaan
m. n. livestock giving little milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gibbaan
-ka: (magac, lab, keli) neef wakhtigii uu gudhi lahaa ay dhowdahay oo soo caanayaraynaya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gibbaan
a: gabbaan
de: livestock giving little milk
lx: gibbaan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gibbaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gignaan
(tilmaame) dhaqdhqaaq la'aan; quturnaan. Bukaanka gignaanta waxaa u dhaama jiifka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gubnaan
(Gubnaan-ta)
Gubnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gubnaan
m.f.dh eeg guban. la-mid: gubnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gubnaan
f. n., [abstract] state of being burnt
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gubnaan
a: gubnaansho (/ha) [vn6-f-st]
de: state of being burnt
lx: gubnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: gubnaan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hilnaan
m.f.dh eeg hilan. la-mid: hilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hilnaan
-ka: (magac, lab, keli) wax hilan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jabnaan
(Jabnaan-ta)
Wax jaban ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jabnaan
m.f.dh eeg jaban. la-mid: jabnaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jabnaan
f. n., [abstract] state of being broken; cheapness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jabnaan
-ta: (magac, dhadig, kali) wax aan qaali ahayn. Li: qaali.
jabnaan -ta: (magac, dhedig, keli) walax labo ama in ka badan u kala go'day ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jabnaan
a: jabnaansho (/ha) [vn6-m-st]
de: state of being broken; cheapness
lx: jabnaan
pd: (-ta)
ps: n-f-abs
key: jabnaan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Jibraan
name-m raised; elevated
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jilnaan
m.f.dh eeg jilan. la-mid: jilnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jilnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaqaale iyo xannaano qabid.
jilnaan -ta: (magac, dhedig, keli) hagaagsanaan oo wacnaan.