rejen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rejen
m.l la-mid: rajab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rejeyn
(Rejeyn-ta)
Wax rejo ka qabid; filasho; sugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rejeyn
m.dh la-mid: rąjayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reen
(Reen-ka)
1. Cod farax ama xanuun ku yimaada; guux; jibaad; talal.
2. (aqal, kd.) fooq; dabaq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reen
reen¹: m.l 1. Cod ay samayso hal dhashay marka ay ilmaheeda nuujin la rabto; dunuunuc. 2. Cod ka soo baxa qof sad u buka; jibaad; taah; talal. 3. Dhawaaq weyn oo libaaxu sameeyo. la-mid: riin¹.
reen²: f.mg1 (-eemay, -eentay; -eemi) Hal dhashay, qof buka, libaax iyo wixi lamida reen samayn. la-mid: riin².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reen
reen¹: m.l 1. Cod ay samayso hal dhashay marka ay ilmaheeda nuujin la rabto; dunuunuc. 2. Cod ka soo baxa qof sad u buka; jibaad; taah; talal. 3. Dhawaaq weyn oo libaaxu sameeyo. la-mid: riin.
reen²: f.mg1 (-eemay, -eentay; -eemi) Hal dhashay, qof buka, libaax iyo wixi lamida reen samayn. m.f.dh, reemid. la-mid: riin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reen
v. grunt, groan
reen: m. n. story ~ floor (of a building)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reen
(fal) sida hal dhashay u ci'; cod reen ah bixi. reen: (fal) xanuun daraaddii cod taah ah sii daa. Iska reen oo hoos u dhiq. Dh: taah.
reen -ka: (magac, lab, keli) olol gaar ah oo hasha dhashay ay samayso gaar ahaan kolka ilmaheeda ay rabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rejee
f.g2 (-jeeyay, -jeysay) la-mid: rąjee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rejee
v. hope for, expect, wish
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rejee
a: rajee
de: hope for, expect, wish
lx: rejee
pd: (rejeeyey)
ps: v2b=
key: rejee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rejet
rejet, n.m. - diamo; ka saarida; ku gacan saydhida
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajab
m.l/dh Bisha toddobaad ee bilaha carabiga, kana mid ah afarta bilood oo xurmada ku leh diinta Islaamka. la-mid: rejen.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rajab
m.l/dh Bisha toddobaad ee bilaha carabiga, kana mid ah afarta bilood oo xurmada ku leh diinta Islaamka. la-mid: rejen.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rejeton
rejeton, n.m. - geedo yaryar oo cusub; ubad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajeyn
(Rajeyn-ta)
Rajo qabid; filasho; (ama rejeyn).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
recent
/riisant/ (adj) waqti aan dheerayn (waqti dambe, oo aan fogeyn).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
récent
récent, adj. - wakhti aan fogayn
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
recent
a., (new) cusub; recently, ad., goor dhoweyd.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
redden
/redan/ (v) guduudasho (casaan).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
redden
v.tr., casay.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
régent
régent, n.m. - qof si ku meel gaar ah meel madax ka ah
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reject
/rijekt/ (v) qaadicid (diidid).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
reject
v.tr., ceeri, nac, iska nac, iska tuur.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rejoin
/ri jooyn/ (v) 1. jawaab celin 2. dib-isugu xirid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
relent
/rilent/ (v) soo dabcid (u beer- jileecid).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
relent
relent, n.m. - ur qudhmuun
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
relent
v.., dhiman; the heat relents, hurki waa dhinmayaa.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
repent
/ripent/ (v) 1. ka toobad keenid (tawbad keenid) 2. ka shallaayid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
repent
v.r., is xanuuji, u calaacal, calaacalsanaw.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
resent
/risent/ resentful; (v) ka xanaaqid ( ka dhirfid).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
revenu
revenu, n.m. - dakhliga (lacag); dakhli; wax ku soo gala (xisaab)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
derejeyn
m.dh la-mid: darajayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
derejeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) marka qof lagu abaalmarinayo wanaag uu sameeyey.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ree
v. win, beat
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ree
(fal) libin gaadh, cid ka badi. Dh: libayso, jebi, guulayso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ree
de: win, beat
lx: ree
pd: (reeyey)
ps: v2b=
key: ree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Been
(Been-ta)
Wax aan jirin oo la sheego; aan run ahayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
been
m.dh War aan run ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
been
m.dh War aan run ahayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Been
False.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
been
f. n. (adj.): lie; false
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
been
-ta: (n) lie (laay); hoax (howkis); fake (feeyk); false
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Been
Falso; bugia
False; lie
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
been
/biin/ (v) be oo fal laha moothi eh.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
been
-ta: (magac, dhedig, keli) sheegid wax aan jirin, aan dhab ahayn. Been iyo berri toona ma dhammato. Li: run.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
been
de: lie; [atr.] false
lx: been
pd: (-ta)
ps: n1-f
xe: Dont listen to their lies!'; Opp: run
xv: Beentooda ha dhageysan!
key: been
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
been
كَذِب، زور، إِفَكَ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deen
m.dh.kh D. ah: ceel ama daaqsin aan dad badan joogin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deen
-ta: (magac, dhedig, keli) amaah la isku leeyahay. Dh: dayn, deyn, amaah.
deen-ta: (magac, dhedig, keli) ceel ama daaqsin aan dad badan joogin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
éden
éden, n.m. - barwaaqo; janno aduun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
emen
m.dh Meel jiq ah oo dhirtu ku badantahay kuna fiican ku dhuumashada, badanaana dugaagga aan laga waayin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
emen
m.dh Meel jiq ah oo dhirtu ku badantahay kuna fiican ku dhuumashada, badanaana dugaagga aan laga waayin.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Even
Dhaban, siman
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
even
/iivan/ (adv) 1. xataa. e.g. Even one dollar will be sufficient. (n) 2. simman (is-le'eg) (n) 3. dhaban (tiro-dhaban).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feen
(Feen-ka)
Hilibka yar oo lafaha ku dhegsan oo raaca.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feen
m.l/dh Cadad yaryar oo ku hara laf hilib laga cunay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
feen
m. n., [collective] scraps of meat adhering to bones
feen v. gnaw meat off the bone
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
feen
-ka / ta: (n) the act or an instance of nibbling, especially nibbling the meat off the bone; nibble (nib-bal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feen
-ka: (magac, lab, keli) hilib yar oo lafaha ku dhegsan ama inta lafta u xigta. Daliigahana kurisbaa ku yiil duudka feensamaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heen
(Heen-ka)
Fuudka dufankiisa kore; dufanka lafaha geela.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heen
heen¹: m.l 1. Dufanka kor fuula fuudka, hilib la karinayo. 2. Hoore yar oo weel salkiis ku haray.
heen²: m.dh Subagga fuudka ama maraqa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
heen
m.l 1. Dufanka kor fuula fuudka, hilib la karinayo. 2. Hoore yar oo weel salkiis ku haray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heen
m. n., (mass n.): fat floating on top of broth
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
heen
-ka: (n) the fat floating on the surface of a cooking pot
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heen
-ka: (magac, lab, keli) qoyaanka ka soo baxa weel dhawaan la tolay oo dareere lagu shubay. Qorofku ma daloolee waxa ka qoyani waa heen.
heen -ka: (magac, lab, keli) dufanka lafaha geela marka la kariyo ka soo baxa ee cuntada lagu iidaanto. Dh: dufan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeen
(fal) mindi hilibka kaga gooso laf. Cadka bowdada ka jeen baruurta.
jeen-ka: (magac, lab, keli) baruur fuushay noole. Dh: shilays, cayil.
jeen -ta: (magac, dhedig, keli) birta dheer ee afarta shaag ee baabuurka isku xidha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keen
keen¹: mu.dhm.ly Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa ay ku jiraan. Tusaale: “Cali baa isugu keen yeeray”.
keen²: f.g1 (-nay, -ntay) 1. Wax meel durugsan yaal meel dhow u soo qaadid. 2. Cid wax u dhiibid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
keen
keen¹: mu.dhm.ly Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa ay ku jiraan. Tusaale: Cali baa isugu keen yeeray.
keen²: f.g1 (-nay, -ntay) 1. Wax meel durugsan yaal meel dhow u soo qaadid. 2. Cid wax u dhiibid. m.f.dh, keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keen
v. bring
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
keen
/kiin/ (adj) 1. aad u danaynaya; usoo jeeda (niyad fiican u haya). e.g. Most girls are not keen on football. 2. af wax gooya leh; fiiqan (mindida, sakiinta iwm).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
keen
-ay / tay: (v) bring (hiring); fetch (fef); bring back
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keen
(magacuyaal) magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka koowaad ee wadarta ah oo kuwa lala hadlayaa ay ku jiraan.
keen: (fal) gacantayda soo geli ama agtayda soo dhig; ii soo dhiib.
keen -ta: (magac, dhedig, keli) su'aasha iyo baahida joogtada ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reeb
reeb¹: m.l (-bab, m.l) 1. la-mid: reebe. Fargashi dhumuc yar oo kaatumada waaweyn lagu xannibo; marwad. 2. la-mid: reebe. Ilmo dhashay xilli ku aaddan xiddigga reebanti oo dadku sharaysto. 3. Hambo.
reeb²: f.g/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Nafley ama wax kale wax ay la socdeen raaciddooda u diidid. 2. (f.mg) U r.: farriin, lacag iyo wixi lamida cid meel u dhigid. 3. (f.mg) Ka r.: cid fal xun oo ay samaysay ka celin. 4. (f.mg) Laba xaraf shaqal iskula xirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reeb
f.g/mg1 (-bay, -btay) 1. (f.g) Nafley ama wax kale wax ay la socdeen raaciddooda u diidid. 2. (f.mg) U r.: farriin, lacag iyo wixi lamida cid meel u dhigid. 3. (f.mg) Ka r.: cid fal xun oo ay samaysay ka celin. 4. (f.mg) Laba xaraf shaqal iskula xirid. m.f.dh, reebid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reeb
inch. v. exclude, leave (behind ~ out); reserve
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
reeb
-ay / tay: (v) keep out; put aside
ka reeb -ay / tay: (v) separate (sapareeyt) from others; strike out, cross out; leave out; exclude (ekis-kuluudh) ~ ka saar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reeb
(fal) nafley ama wax kale wax ay la socdeen raaciddooda u diid.
reeb: (fal) cid wixii ay la socatay ka soo sooc oo gooni u soo saar, ka jooji inuu raaco cid, u diid inuu raaco. Dh: hadhsii. Li: raaci.
reeb: (fal) xaraf xarako la'aan ku akhri oo sukuunsii.
reeb: (fal) cid buullo ama dhagar kugu sheeganaysa wax ay ku hadho sii. Ninku buullada wuu dhammaystee iska reeb.
reeb: (fal) (ka ~) cid fal xun oo ay samaysay ka celi.
reeb: (fal) «u ~» farriin, lacag iyo wixii la mid ah, cid meel u dhig.
reeb-ka: (magac, lab, keli) neef ama lacag buullada lagu soo afjaro oo bixintiisa ay isku saamaxaan labada dhan ee nabarka is gaadhsiisay.
reeb -ka: (magac, lab, keli) xarakada aamusan ee xarfaha af-Carbeedka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reeb
de: exclude, leave (behind ~ out); reserve
lx: reeb
nt: reebid (da) [vn-f], reebis (ta) [vn-f]
pd: (reebay)
ps: v1=inch
key: reeb
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reed
m.dh (-do, m.l) Dhinac; gees; baal; dhan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reed
f. n., loc. side, flank
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reed
de: side, flank
lx: reed
pd: (-da)
ps: n1-f-loc
syn: dhinac, hareer {S}
key: reed
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
reed
n., dur, -ki, -ti; a white reed, caws salool, -ki, jarac, -i.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Reef
Shacaabi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reef
/riif/ (n) qar jabalo ah (qar ama taag badda ku yaal).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reek
/riik/ reek of;(n) ur qurmuun (ur aad u daran).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reel
/riil/ (n) 1. shay wareeg dhuubni ah leh oo bir ama alwaax ah, labada afna garangarro ku leh oo lugu duubo dunta, kaawada korontada iwm. 2. dhic-dhicid (gar-gariirid).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
réel
réel, adj. - run ah; xaqiiq ah; jira
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reer
(Reer-ka)
1. Nin iyo naag isu dhaxa iyo carruurtood; xaas.
2. Cid meel deggan; qoys; jees.
3. Cid laga tirsan yahay; hayb.
4. Jilib; qolo; tol.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reer
m.l (-ro, m.l) 1. Laba qof oo isqaba iyo ubadkood; qoys. 2. Dhawr qoys oo wadaaga dhalasho ama degaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reer
m.l (-ro, m.l) 1. Laba qof oo isqaba iyo ubadkood; qoys. 2. Dhawr qoys oo wadaaga dhalasho ama degaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reer
m. n. family, household; home; lineage, clan, tribe, nationality, ethnic group, folk
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
reer
-ka: (n) family (faamili); clan (kalaan); tribe (tareeyb)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Reer
Famiglia
Family
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reer
-ka: (magac, lab, keli) qoys; xaas: raas, qoys.
reer -ka: (magac, lab, keli) dad qoysas badan ka kooban oo meel wada deggan; hal jabad wada deggan. Reerkii Raaso yaallay xalay roob baa ku da'ay. Dh: jees.
reer -ka: (magac, lab, keli) dad isku hayb ah: dad abtir wada wadaaga; qabiil lagu abtirsado. Dh: qolo, qabiil, jilib, tol.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reer
de: family, household; home; lineage, clan, tribe, nationality, ethnic group, folk
lx: reer
pd: (-ka)
ps: n1-m
xe: Did you come from a large family?
xv: xaas
key: reer
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
reer
أُسْرَة
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rein
/reyn/ (n) xakame (bir iyo suuman faraska afka iyo gafuurka loo galiyo si loogu hago).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rein
rein, n.m. - kelli; qaybta hoose ee dhabarka inta u dhexeysa feedhaha iyo miskaha
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rein
n., xakamay, -ihi, caynaan, -ki.