reerguuraa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reerguuraa
reerguuraa¹: m.l.u Dad xoola dhaqata ah ee hadba degaan cusub u guura.
reerguuraa²: m.l Dhaqanka beeraleyda daaqsatada ayaa in ay u kale kaxeeyaan kadimadooda iyo dhyohooda laba gobol oo cimiladoodu kala duwantahay. Gobollada buuraleyda ah xoolaha waxa laga kaxeeya daaq-buuredka jiilaalkii waxaana dib loogu soo celiyaa xagaaga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Reerguuraa
Transhumance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reerguuraa
-ga: (magac, lab, keli) dad xoola dhaqata ah ee hadba degaan cusub u guura.
reerguuraa -ga: (magac, lab, keli) dhaqanka beeraleyda daaqsatada ayaa in ay u kale kaxeeyaan kadimadooda iyo dhyohooda laba gobol oo cimiladoodu kala duwantahay. Gobollada buuraleyda ah xoolaha waxa laga kaxeeya daaq-buuredka jiilaalkii waxaana dib loogu soo celiyaa xagaaga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reer guuraa
m. n., [collective] nomads
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reer_guuraa
de: nomads
lx: reer guuraa
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: reer_guuraa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labadderyaale
(Labadderyaala-ha)
Aqallada reerguuraaga jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jidhi
m.dh (-iyo, m.dh) (botani) Nooc deegaan ah oo ka kooban geed qaab bixitaankiisu gaabiyo iyo dhir hagaastay (sfunted tress), inta badanna dhererkoodu waa 1-2 mitir, mar marna leh dhir dhaadheer. Waxa laga helaa gobollada roobku ku yaryahay ama leh carro aad ugu xun inay kaymo ka baxaan, sida dhulka oomane-u-eka ah ee cidhifyada lamadegannada; dadka dagganina waxa laga yabaa iney noqdaan reerguuraa, xoolo dhaqato.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jidhi
m.dh (-iyo, m.dh) (botani) Nooc deegaan ah oo ka kooban geed qaab bixitaankiisu gaabiyo iyo dhir hagaastay (sfunted tress), inta badanna dhererkoodu waa 1-2 mitir, mar marna leh dhir dhaadheer. Waxa laga helaa gobollada roobku ku yaryahay ama leh carro aad ugu xun inay kaymo ka baxaan, sida dhulka oomane-u-eka ah ee cidhifyada lamadegannada; dadka dagganina waxa laga yabaa iney noqdaan reerguuraa, xoolo dhaqato.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Nomadism
Reerguuraanimo
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Transhumance
Reerguuraa
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
nomade
agg. e s.m. - reerguuraa (ah).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ariile
-ha: (magac, lab, keli) reer adhi ma ahee, xoole kale an lahayn ama ay ku yaryihiin; reerguuraaga adhiga uun dhaqda. Dh: adhiile.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asiili
-da: (magac, dhedig, keli) dameeraha, jaad ka mid ah, oo aad loo jecel yahay oo feejignaan iyo karti badan. Inta badan waxa dhaqda reerguuraaga. Kuwa beeraleydu dhaqato wax la yidhaahdaa «humbanni». Dameer asiili ah baan soo gadannay.
asiili-ga: (magac, lab, keli) cidda sharafta leh ee gobta ah.
asiili-ga: (magac, lab, keli) asalkii ah oo aan u ekaysiis ahayn. Kani waa dahab asiili ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dharaarmaal
-ka: (magac, lab, keli) maalidda xoolaha dharaar cad la maalo. Reerguuraageennu dharaarmaalka ma yaqaanniin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaderyaale
-ha: (magac, lab, keli) aqal Soomaalida reerguuraagu dhisato; daso aad u weyn oo dhexda ku kala go'an. Hadduu diido calafku, in aqal laba daryaala ah, oon xariir ku daahniyo, inaan dadab wadaagno... Dh: daso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maguure
-ha: (magac, lab, keli) eeg maguuraan.
maguure-ha: (magac, lab, keli) reer aan meelihiisa ka guurin oo ku negi. Reer beeraley waa maguure. Li: reerguuraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xoolodhaqato
-da: (magacwadareed) dad dhaqaalohoodu ku tiirsan yahay xoolaha nool. Xoolodhaqato doog raac lagama waayo. Dh: reerguuraa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reerguuraraac
m.l la-mid: guuraraac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenguur
beenguur¹: m.l Guuridda loo guuro god aan kii tooska ahaa ahayn si qofka kale loo khiyaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iyo wixi lamida).
beenguur²: f.g1 (-ray, -rtay) God aan kii tooska ahaa ahayn u guurid si qofka kale loo khayaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfuur
m.l la-mid: beergooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deexguur
m.l Dadka dega dhulka badda u dhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deexguur
-ka: (magac, lab, keli) dadka dega dhulka badda u dhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurguurad
(Gurguurad-ka)
Socod labada low iyo labada gacnood lagu socdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurguurad
gurguurad¹: m.l la-mid: gurguurasho.
gurguurad²: m.l.kh G. ah: ilmo marxaladdii fadhiga iyo istaagga u dhexeeya oo jilbaha iyo labada gacmood ku socda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurguurad
m.l.kh G. ah: ilmo marxaladdii fadhiga iyo istaagga u dhexeeya oo jilbaha iyo labada gacmood ku socda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurguurad
-ka: (magac, lab, keli) gacmaha iyo jilbaha oo lagu socdo siiba carruurta aan socodka baran iyo dadka cagaha la' ama curyaansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenguurid
m.f.dh eeg beenguur². la-mid: beenguuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenguuris
m.dh la-mid: beenguurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerabuurid
m.dh la-mid: beerabuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerabuuris
m.dh la-mid: beerabuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beernuglaan
m.dh eeg beernugul. la-mid: beernugeyl (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beernuglaan
-ta: (magac, dhedig, keli) naxariis iyo calool dabacsanaan lahaan. Dh: beerjilayc. Li: qalbi'adayg.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
reer magaal
-ka: (n) 1. city people. 2. —reer magaal -ah: (adj) courteous (koor-tiyas); polite (po-laayt); urbane (ur-beeyn); civilized (siva-laayzidh)