reer_miyi
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reer_miyi
bw: reer guraa
de: rural people, country folk (e.g., nomads)
lx: reer miyi
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
syn: reer baadiye
key: reer_miyi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reermiyi
m.l.u Dadka miyiga ku nool.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reermiyi
m.l.u Dadka miyiga ku nool.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reermiyi
-ga: (magac, lab, keli) eeg reerbaadiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reer miyi
m. n., [collective] rural people, country folk (e.g., nomads)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
reer miyi
-ga: (n) 1. nomad (noo-maadh) ~ reer guuraa. 2. rural person; uncivilised person, regarded as crude; countryman; rustic (rastik) ~ reer baadiye, jangali
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badow
(Badow-ga)
Aan reer-magaal ahayn; reer-miyi; aan wax aqoon; aan ilbax ahayn; galti; khashiin; (ama Badwi).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoor
(Dhoor-ka)
Hab carruurta yaryar loogu xiiro - xagga reer-miyiga qaarki - oo daliig dheer oo timo ah oo is haysa foodda taniyo qadaadka loo reebo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Digaxaar
(Digaxaar-ka)
Qori yar oo xalleef ah oo reer-miyigu, xeryaha ariga digada kaga xaaraan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galti
(Galti-da)
1. Qof yimid ama soo galay dhul uusan dhaqankiisa aqoon.
2. Aan ilbax ahayn; aan galti bixin; reer-miyi; khashiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galtibbax
(Galtibbax-a)
Reer-miyinnimo iyo galtinnimo kabbax; ilbax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Galtibbixid
(Galtibbixid-da)
Reer-miyinnimo iyo galtinnimo ka bixid; reer-magaal noqosho; ilbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hangool
(Hangool-ka)
Qalab qori ah oo labo gantood iyo gar soo godan leh oo reer-miyigu xoolaha ku ootaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lool
(Lool-ka)
1. Dhigaha aqalka reer-miyiga jaad kamid ah.
2. Dhagax gaar ah oo mindiyaha iyo wixii la mid ah lagu afeeyo; lisin.
3. (cayaar) laal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tusmo
(Tusma-da)
1. Sida eg oo wanaagsan; abbaar; marin; daw.
2. Meel la isu tusmeeyey, la isu asteeyey.
3. Hab gaar ah oo beesha reer miyigu u degto.
4. Buugagga iyo kutubta qoran docdooda lagu dhigo qaybaha (baababka, fasallada) kitaabka iyo magacyadooda iyo bogagga laga helo; tus; fahraso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abxad
m.dh (-do, m.l) Shandad weyn, maqaar ka samaysan oo reer miyigu wax ku gurtaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawaxaar
m.dh Dawo xoolaad budo ah oo reer miyigu dadka uga daaweeyaan cudurrada caloosha, sida xundhurta, tiifaha iyo wixi lamida.

dheriggirgire
m.l Dheri weyn oo dhoobo ka samaysan oo reer miyigu marka ay alla bariga qabaan cuntada ku karsadaan. la-mid: dherigirgire.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
guurto
m.dh 1. Hantida qaybaheeda la rari karo, sida xoolaha nool. 2. G. ah: reer miyi xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii deegaan leh u guura.

maraykaan
m.dh Dhar cad, suuf ah, adag oo reer miyigu qaataan.

saddexdhudood
m.l (-dyo, m.dh) Maro weyn, cad oo haweenka reer miyigu xir-taan; saddexqayd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tusmo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Hab reer miyigu u dego meel cusub. 2. Calaamad la dhigo meel la degi rabo. 3. Taxanaha cinwaanada buug.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dawaxaar
m.dh Dawo xoolaad budo ah oo reer miyigu dadka uga daaweeyaan cudurrada caloosha, sida xundhurta, tiifaha iyo wixi lamida.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
guurto
m.dh 1. Hantida qaybaheeda la rari karo, sida xoolaha nool. 2. G. ah: reer miyi xoolo dhaqato ah oo hadba meeshii deegaan leh u guura.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maraykaan
m.dh Dhar cad, suuf ah, adag oo reer miyigu qaataan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
tusmo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Hab reer miyigu u dego meel cusub. 2. Calaamad la dhigo meel la degi rabo. 3. Taxanaha cinwaanada buug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reer_baadiye
bw: sp. reer baaddiye
de: country folk, rural people, nomads
lx: reer baadiye
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
syn: reer miyi
key: reer_baadiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeermi
* (Jeermi-ga)
Waxyaalo aad u yaryar oo miikroskoobka keliya lagu arki karo oo cudurro keena.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeermi
m.l.u Noole aad u yar, ili-maqabatay ah oo cudurrada keena.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeermi
m.l.u Noole aad u yar, ili-maqabatay ah oo cudurrada keena.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeermi
m. n., [collective] germ, germs
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeermi
-ga: (magac, lab, keli) noole aad u yar oo aan indhaha lagu arki karin oo dhaliya cudurrada qaarkood. Dh: mikroob.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeermi
cf: qaniin {It}
de: germ, germs
lx: jeermi
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: jeermi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reemid
(Reemid-da)
Reen soo saarid, ka imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reemid
m.f.dh eeg reen². la-mid: riimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reemid
-da: (magac, dhedig, keli) cod reen ah bixin; sida hal irmaan ah u ciyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reemin
-ta: (magac, dhedig, keli) cod reen ah kaga keenid oo ka dhawaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reemis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg reemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reersi
-ga: (magac, lab, keli) shinni muddo dheer meel degganayd oo kayd yeelatay; qoys muddo jirey oo isku digajebiyay oo xoolo tabcaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reeryo
(Reerya-da)
Heeryo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reeryo
m.dh la-mid: heeryo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reeryo
f. n. mat tied on a camel's back underneath the load
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reeryo
de: mat tied on a camel's back underneath the load
lx: reeryo
pd: (/da)
ps: n6-f
see: heeryo
key: reeryo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beermid
m.f.dh eeg beeran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beermid
-da: (magac, dhedig, keli) wax beermay oo baxay noqosho. Adu qod beermidda allaa hayee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceerigi
(fal) badda ka saar oo xeebta gee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heermid
(Heermid-da)
Wax heermay ama heeran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heermid
m.f.dh eeg heeran².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heermid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhibaatooday ama heeran noqosho, dhaawacmid. Dh: waxyeelloobid, dhaawacmid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeermis
-ka: (n) germ (jeerm)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeermis
-ka: (magac, lab, keli) eeg jeermi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reerayn
-ta: (magac, dhedig, keli) guursasho oo qoys oday iyo islaan ah samayn.
reerayn-ta: (magac, dhedig, keli) inan gudniin fircooni ah qudan furid oo dadabgal u diyaarin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reermaar
-ka: (magac, lab, keli) eeg reermaadh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reeryeyn
(Reeryeyn-ta)
Heeryo saarid; heeryeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reeryeyn
m.dh la-mid: heeryeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeermitir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax jeermi ka dhammayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jeermitir
f.g1 (-ray, -rtay) Wax jeermi ka dhammayn. m.f.dh, jeermitirid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeermitir
v. disinfect
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeermitir
(fal) dabargoo ilima'aragtayda xanuunnada ku dhalisa jidhka.
jeermitir -ka: (magac, lab, keli) dabargoynta ilima'aragtayda xanuunnada ku dhalisa jidhka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeermitir
de: disinfect
lx: jeermitir
pd: (jeermitiray)
ps: v1=tr
key: jeermitir
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
meel_mari
de: put into effect; find a place ~ solution for; make s.t. function; cause to come to pass; apply to
lx: meel mari
pd: (mariyey)
ps: v2a=idiom
key: meel_mari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reerbaadiye
-ha: (magac, lab, keli) qof ama dad baadiye degaankoodu yahay.