reer guuraa
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reer guuraa
m. n., [collective] nomads
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reerguuraa
reerguuraa¹: m.l.u Dad xoola dhaqata ah ee hadba degaan cusub u guura.
reerguuraa²: m.l Dhaqanka beeraleyda daaqsatada ayaa in ay u kale kaxeeyaan kadimadooda iyo dhyohooda laba gobol oo cimiladoodu kala duwantahay. Gobollada buuraleyda ah xoolaha waxa laga kaxeeya daaq-buuredka jiilaalkii waxaana dib loogu soo celiyaa xagaaga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Reerguuraa
Transhumance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reerguuraa
-ga: (magac, lab, keli) dad xoola dhaqata ah ee hadba degaan cusub u guura.
reerguuraa -ga: (magac, lab, keli) dhaqanka beeraleyda daaqsatada ayaa in ay u kale kaxeeyaan kadimadooda iyo dhyohooda laba gobol oo cimiladoodu kala duwantahay. Gobollada buuraleyda ah xoolaha waxa laga kaxeeya daaq-buuredka jiilaalkii waxaana dib loogu soo celiyaa xagaaga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reer_guuraa
de: nomads
lx: reer guuraa
pd: (-ga)
ps: n-m-col
key: reer_guuraa
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daraawiish
m.dh.u 1. Urur wadaaddood (dariiqo) oo shiikh u taliyo, nabaddiyo colaaddaba. 2. Qayb ka mid ah Ciidanka booliiska oo qaabilsan amniga reer guuraaga. 3. eeg darwiish.

raacato
m.dh.u Dad reer guuraa ah oo miyiga ku nool oo xoolo dhaqda.

xooladhaqato
m.dh.u Dad reer guuraa ah oo hawshoodu ku kooban tahayn dhaqaalaynta xoolaha kuna nool wax-soosaarka xoolahooda. la-mid: xoolaley.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daraawiish
m.dh.u 1. Urur wadaaddood (dariiqo) oo shiikh u taliyo, nabaddiyo colaaddaba. 2. Qayb ka mid ah Ciidanka booliiska oo qaabilsan amniga reer guuraaga. 3. eeg darwiish.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raacato
m.dh.u Dad reer guuraa ah oo miyiga ku nool oo xoolo dhaqda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xooladhaqato
m.dh.u Dad reer guuraa ah oo hawshoodu ku kooban tahayn dhaqaalaynta xoolaha kuna nool wax-soosaarka xoolahooda; xoolaley.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
nomad
/nowmaadh/ (n) reer miyi (reer guuraa).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
reer miyi
-ga: (n) 1. nomad (noo-maadh) ~ reer guuraa. 2. rural person; uncivilised person, regarded as crude; countryman; rustic (rastik) ~ reer baadiye, jangali
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
reer-baaddiye
-reer-baaddiyaha: (n) 1. nomad (noo-maadh) ~ reer guuraa. 2. rural person; uncivilised person, regarded as crude; countryman; rustic (ras tik) ~ reer miyi, jangali, badwi
Eraybixinta Af Soomaaliga ee Hawlaha Wasaaradaha (Soomaali-Ingiriis-Talyaani) - Guddiga Af Soomaaliga [1972]
Pastoral Nomadic
Reer Guuraa
Qaamuus-Yare Ingiriis-Jiiddu-Soomaali - Saalim Caliyow Ibro [1998]
nomad (n)
hiir baqan
reer guuraa
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaddiye
-ha: (magac, lab, keli) deegaanka reer guuraaga ee nolosha aan qaab magaalo ku salaysnayan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bersad
-da: (magac, dhedig, keli) qolka fadhiga; qolka lagu sheekaysto ee lagu nasto ee martida la fadhiisiyo. Bersadda fadhiisi martidada. Dh: fadhi.
bersad -da: (magac, dhedig, keli) shir madaxdii maamullada gumaysigu miyiga ku qaban jireen, oo lagu gorfeyn jirey arrimaha amniga iyo is dhex marka bulshooyinka reer guuraaga.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaynaan
-ka: (magac, lab, keli) geeddiyo dhaahdeer oo is dabada joog ah oo reer guuraagu galo. Dh: hayaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qoodaysi
-ga: (magac, lab, keli) hab reer guuraagu ceelasha uga wada cabbaan oo ah in goloba maalin ku soo aroorto maalin ama labana ka qatanaato. Shaqada qoodaysi ayaan ku qabanayna Dh: kaltamid, kaayaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xooladhaqato
-da: (magacwadareed) dad reer guuraa ah oo noloshoodu ku xidhan tahay xoolo ay dhaqdaan. Soomaalidu waa xooladhaqato.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
nomade
nomade, adj. et n. - Reer guuraa.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
pastorale
pastorale, n.f. - heesa ka sheekeeya nolosha reer guuraaga.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
peuplade
peuplade, n.f. - dad ama dadweyne oo aan si buuxda u habaysnayn (reer guuraa).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reerguuraraac
m.l la-mid: guuraraac.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Reerguuraanimo
Nomadism
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Xeeb guracan
Transverse caost
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenguur
beenguur¹: m.l Guuridda loo guuro god aan kii tooska ahaa ahayn si qofka kale loo khiyaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iyo wixi lamida).
beenguur²: f.g1 (-ray, -rtay) God aan kii tooska ahaa ahayn u guurid si qofka kale loo khayaameeyo (ciyaarta shaxda, jarta iyo wixi lamida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerfuur
m.l la-mid: beergooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deexguur
m.l Dadka dega dhulka badda u dhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deexguur
-ka: (magac, lab, keli) dadka dega dhulka badda u dhow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gurguurad
(Gurguurad-ka)
Socod labada low iyo labada gacnood lagu socdo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gurguurad
gurguurad¹: m.l la-mid: gurguurasho.
gurguurad²: m.l.kh G. ah: ilmo marxaladdii fadhiga iyo istaagga u dhexeeya oo jilbaha iyo labada gacmood ku socda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
gurguurad
m.l.kh G. ah: ilmo marxaladdii fadhiga iyo istaagga u dhexeeya oo jilbaha iyo labada gacmood ku socda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gurguurad
-ka: (magac, lab, keli) gacmaha iyo jilbaha oo lagu socdo siiba carruurta aan socodka baran iyo dadka cagaha la' ama curyaansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenguurid
m.f.dh eeg beenguur². la-mid: beenguuris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenguuris
m.dh la-mid: beenguurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerabuurid
m.dh la-mid: beerabuur.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerabuuris
m.dh la-mid: beerabuur.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
reer magaal
-ka: (n) 1. city people. 2. —reer magaal -ah: (adj) courteous (koor-tiyas); polite (po-laayt); urbane (ur-beeyn); civilized (siva-laayzidh)
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Beer quudasho
Farming subsistence
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Qodaal guuraa
Shifting cultivation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeerka Kuulam
m.l (fiisikis) Xoogga ka dhexeeya saldanabka laba barood oo isku jira fogaan r (mitir) ahi waxa uu saamiggal qumman ku yahay tarenta saldanabyada q_1q_2 iyo rogaalka labajibbaarka fogaanta u dhexeysa.