reer baadiye
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reer baadiye
m. n., [collective] country folk, rural people, nomads
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reerbaadiye
-ha: (magac, lab, keli) qof ama dad baadiye degaankoodu yahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reer_baadiye
bw: sp. reer baaddiye
de: country folk, rural people, nomads
lx: reer baadiye
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
syn: reer miyi
key: reer_baadiye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
reer-baaddiye
-reer-baaddiyaha: (n) 1. nomad (noo-maadh) ~ reer guuraa. 2. rural person; uncivilised person, regarded as crude; countryman; rustic (ras tik) ~ reer miyi, jangali, badwi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reerbaaddiye
m.l.u Dad miyiga ku nool ee aan reer magaalaha ahayn; reermiyi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reerbaaddiye
m.l.u Dad miyiga ku nool ee aan reer magaalaha ahayn; reermiyi.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
galti
-da: (n) uncivilized, inexperienced, uncultured or primitive person ~ badow, reer-baadiye
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jengeli
-ga: (n) rural person; bushman (bush-man)-, rustic (rastik) ~ badwi, reer baadiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baadiyee
(fal) xoolo cad ilaalinaysay lumi; wax aad baysay bacdi ka chig. Dh: baadiyec, lumi, faki, dayac, hallee.
baadiyee: (fal) qof, reer baadiye ka dhig. S wiilku soo adkaado baadiyee.
baadiyee: (fal) lumi oo daw qaldan mari baadi ha noqdee. Dh: baadihaller
baadiyee: (fal) dawga hanuunka ka leexi oo jidka shaydaanka mari.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badowtinimo
-da: (magac, dhedig, keli) mid reer baadiye ahaan. Dh: badawtinimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reer_miyi
bw: reer guraa
de: rural people, country folk (e.g., nomads)
lx: reer miyi
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
syn: reer baadiye
key: reer_miyi
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xeerilaaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof sharci yaqaan oo u xil saaran ilaalinta qaanuunka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xeerilaaliye
m. n., [compound] public prosecutor
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xeerilaaliye
-xeerilaaliyaha: (n) prosecutor (poros-kiyuu-ter); prosecuting attorney (poros-kiyuut-ing a-tooni); public prosecutor
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeerilaaliye
-ha: (magac, lab, keli) qofka u sarreeya hay'adda caddaaladda ee u xilsaaran xaqdhawrka iyo ilaalinta qawaaniinta iyo sharciga dalka u deggen.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xeerilaaliye
de: public prosecutor
initial: x
lx: xeerilaaliye
pd: (/ha)
ps: n7-m-cmp
key: xeerilaaliye
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
miyi, baadiye
ريف
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeer-ilaaliye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof sharci yaqaan oo u xil saaran ilaalinta qaanuunka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reer miyi
m. n., [collective] rural people, country folk (e.g., nomads)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
reer miyi
-ga: (n) 1. nomad (noo-maadh) ~ reer guuraa. 2. rural person; uncivilised person, regarded as crude; countryman; rustic (rastik) ~ reer baadiye, jangali
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reermaadh
-ka: (magac, lab, keli) reerka inta aan rag iyo geel ahayn: geela iyo ragga mooyee, reerka intiisa kale. Reermaadh haddaydaan ahayn maydin rarateene. Dh: reermaar.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badbaadiye
m. n. savior
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badbaadiye
badbaadiyaha: (n) one who saves; saver (saay var) also savour; savior
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badbaadiye
-ha: (magac, lab, keli) cid wax nabad-gelisa ama dhib iyo dhimasho ka soo badbaadisa. Badbaadiyaha dhabta ahna waa Boqorka Weyn ee Alle.
badbaadiye -ha: (magac, lab, keli) qalab yar oo koronto oo ilaaliya qulqul ku jirka mareegta, waxaanu iska hortaagaa kor u kaca aadka isku soo tara ee awoodda danabka ama hadii cilladi dhacdo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
badbaadiye
de: savior
lx: badbaadiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: badbaadiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbaariye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof aqoon u leh barbaarinta dhallaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barbaariye
m.l (-yayaal, m.l/dh) Qof aqoon u leh barbaarinta dhallaanka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barbaariye
-ha: (magac, lab, keli) qof u xilsaaran korinta iyo carbinta ubadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beerqaadid
m.f.dh eeg beerqaad². la-mid: beerqaad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerqaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabow dartii la gariirid. Beerqaadid baa na haysiyo, dhaxanti dayreede.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerqaadis
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaxan la beer qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beerqariye
-ha: (magac, lab, keli) dirac khafiif ah oo jidhka qofka laga arkayo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
warbaahiye
-warbaahiyaha: (n) reporter (ri-poor-tar); journalist (joor-na-liist) ~ wariye, joomaaliist
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warbaahiye
-ha: (magac, lab, keli) qalabka idaacadaha iyo telefishannadu ay u adeegsadaan lalinta barnaamijyada ay sii daayaan. RTD waxay keentay warbaahiye casri ah. Dh: warfidiye.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
beeldaajiye
m. n. chief, leader
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
beeldaajiye
-beeldaajiyaha: (n) community leader or clan leader; chief (jiif) ~ beeldaaje
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeldaajiye
-ha: (magac, lab, keli) eeg beeldaaje.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
beeldaajiye
de: chief, leader
lx: beeldaajiye
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: beeldaajiye
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Heer badeed
Sea level
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reernagaadi
-ga: (magac, lab, keli) nooc jinaca ka mid ah oo jidhacduullaanka ka yaryar oo midabkiisu yahay madow casuus xiga godkiisa wuxu ku wareejiyaa ciid iyo biilaha cawska kolka uu socdana wuu is wada dabagalaa oo dhabbe uu maro ayuu samaystaa.
reernagaadi-ga: (magac, lab, keli) godka reernagaadigu dego. Reernagaadi ku dul kuf.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Weedhaamiye
Centrifuge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeebilaaliye
-ha: (magac, lab, keli) maraakiib dagaal oo ilaalisa xeebaha.
xeebilaaliye -ha: (magac, lab, keli) cidda u xilsaaran ilaalinta xeebaha iyo badda.