reemis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reemis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg reemid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reemi
(fal) cod reen ah ka keen oo ka dhawaaqsii. Durbaanka qaado oo kaga reemi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemis
-ka: (magac, laab, keli) eeg heemin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reebis
(Reebis-ta)
Reebid; joojin; qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebis
m.dh la-mid: reebid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg reebid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reemid
(Reemid-da)
Reen soo saarid, ka imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reemid
m.f.dh eeg reen². la-mid: riimid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reemid
-da: (magac, dhedig, keli) cod reen ah bixin; sida hal irmaan ah u ciyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reemin
-ta: (magac, dhedig, keli) cod reen ah kaga keenid oo ka dhawaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aleemis
m.l la-mid: aleemin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeermis
-ka: (n) germ (jeerm)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeermis
-ka: (magac, lab, keli) eeg jeermi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
demis
m.l la-mid: demin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
demis
-ka: (magac, lab, keli) dab ama laydh dhidan bakhtiin.
demis-ka: (magac, lab, keli) qalab yar oo ilaaliya ama joojiya qulquldanabka maraya mareegta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedis
m.dh la-mid: eedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedis
-ta: (magac, dhedig, keli) fal qaldan oo la sameeyay wixii dhib ah ee ka dhashay dusha ku qaadasho oo ka qoomamayn. Dh: eedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eefis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg eefid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg eegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eexis
m.l la-mid: eexin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
eexis
vl. n. benevolence, favor, inclination
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eexis
-ka: (magac, lab, keli) eeg eexin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
eexis
de: benevolence, favor, inclination
lx: eexis
pd: (-ka)
ps: vn2-m
key: eexis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax ilaa dhibicda ugu dambaysa cabbid; gorori. 2. Wax heen ka qaadid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
heemi
v. skim fat from the top of broth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemi
(fal) caano iyo wixii la mid ah, dhammee oo wax ad cabbayso waxba ha reebin. Caanaha gorofka ka heemi. Dh: dammee. Li: hambee.
heemi: (fal) hilib ama lafo karsamaya, subagga dulsha uga soo baxa, ka dhur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
heemi
de: skim fat from the top of broth
lx: heemi
pd: (heemiyey)
ps: v2a=tr
key: heemi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebi
m.l Biyaqabatin weyn ku sameysma buuraha agtooda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebi
-ga: (magac, lab, keli) colka habeennimo wax weerara. Reebi baa reerka soo galay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reeci
f.g2 (-iyay, -isay) Waran, ul, fallaar iyo wixi lamida dalfin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reeci
(fal) waran, ul, fallaadh iyo wixii la mid ah, dalfi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reeme
(Reema-ha)
1. Durbaan yar oo cayaaraha lagu tunto.
2. Xuubka u dhexeeya dhegta soke iyo dhegta dhexe.
3. Wax kastoo reen ka yeero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reeme
m.l (-mayaal, m.l/dh) 1. (muus.) Durbaan weyn. 2. (cilmiga naflayda) Xuub yar oo u dhexeeya dhegta qaybteeda sare iyo midda hoose.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reeme
m.l (-mayaal, m.l/dh) 1. (muus.) Durbaan weyn. 2. (cilmiga naflayda) Xuub yar oo u dhexeeya dhegta qaybteeda sare iyo midda hoose.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reeme
m. n. kind of small drum; eardrum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reeme
-ha: (magac, lab, keli) durbaan yar oo ciyaaraha lagu tumo. Reeme u tuma dadku ha is wada ruxaane.
reeme-ha: (magac, lab, keli) wax kaste oo reen ka yeedho; wax kaste oo cod reen ka soo baxo.
reeme -ha: (magac, lab, keli) xuub qara yar oo u dhexeeya qaybta soke ee dhegta iyo qaybteeda dhexe. Dh: xuub, durbaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reeme
de: kind of small drum; eardrum
lx: reeme
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: reeme
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
remit
/rimit/ (v) 1. cafin (saamixid) 2. dirid lacageed (boosto ama bangi lugu diro) 3. ka khafiifin (yarayn muddo xabsi oo qof lugu xukumay).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
remit
(see forgive).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rimis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rimin.
rimis -ta: (magac, dhedig, keli) uur yeelasho; caloosha ilmo ku qaadid.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
semis
semis, n.m. - abuuridda
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beecis
m.l la-mid: biicin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beecis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg beecin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beegis
-ta: (magac, dhedig, keli) beegid samayn ama cabbiraad. Beegista raxee oo hagaaji.
beegis -ta: (magac, dhedig, keli) ku beegid. Dh: abbaaris.
beegis -ta: (magac, dhedig, keli) ku beegid oo liishaamid. Ku beegista waa lagaa yaqaannaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beelis
-ta: (magac, dhedig, keli) waayis waxaad lahayd ama haysatay. Hanti beelis buu ahaadaa ninkaa dhaqanin hayntiisa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenis
-ta: (magac, dhedig, keli) beenin wax horey loo sheegay. Wax beenis ah weli la nooma sheegin oo la xiriira dhimashada boqorka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeris
m.dh la-mid: beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeris
-ta: (magac, dhedig, keli) wax beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceejis
-ka: (magac, lab, keli) eeg ceejin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deemin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka shay la kululaynayo.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Dermis
Maqaar, harag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deymis
m.l la-mid: deymin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deymis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg deymin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feenis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg feenin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedmis
m.l la-mid: gedmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedmis
-ka: (magac, lab, keli) eeg gedmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heegis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg heegid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha qoyaan yar ka sii deyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heemin
(Heemin-ta)
Heenka ka dhurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heemin
m.f.dh eeg heemi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heemin
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere la cabbayo dhammayn, fuuqsasho.
heemin -ta: (magac, dhedig, keli) hilib ama lafo karsamaya, duffanka dusha soo mara, ka dhurid.
heemin-ta: (magac, dhedig, keli) heenka ka dhurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heeris
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg heerid. heeritaan-ka: (magac, lab, keli) naafo ka dhigitaan ama dhaawacitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heetis
(Heetis-ka)
Heetin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
heetis
m.l la-mid: heetin (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
heetis
-ka: (magac, lab, keli) eeg heetin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeelis
-ta: (magac, dhedig, keli) baahi ama rabitaan aad u qab wax ama qof.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeemid
-da: (magac, dhedig, kali) wax si siman u kala dhambalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jeexis
(Jeexis-ta)
Jeexid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jeexis
vl. n. act of tearing, splitting, slashing, dividing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jeexis
-ta: (n) the act of ripping; tearing apart
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jeexis
-ta: (magac, dhedig, kali) maro iyo wax la mid ah, in ka jeexid.
jeexis-ta: (magac, dhedig, kali) meel taag ah marid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jeexis
de: act of tearing, splitting, slashing, dividing
lx: jeexis
pd: (-ta)
ps: vn2a-f
key: jeexis
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
jeexis
تمزيق
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Keenis
(Keenis-ta)
Keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keenis
m.dh la-mid: keenid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
keenis
vl. n. bringing, act of bringing
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
keenis
de: bringing, act of bringing
lx: keenis
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: keenis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leefis
-ta: (magac, dhedig, keli) carrab ku tiris ama dul marin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
leexis
m.l la-mid: leexin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
leexis
-ka: (magac, lab, keli) eeg leexin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Meeris
(Meeris-ka)
1. Waxbarashada ardada, in kol la qaato oo la barto; cashar; dersi.
2. Wax la falkinayo ama la tolayo, wareeggii kol la soo meeriyoba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
meeris
meeris¹: m.l 1. Hal geeddi (xarig) oo raar, derin, haan iyo wixi lamida la sameeyo. 2. Dersi, cashar iyo wixi lamida. 3. la-mid: meerin.
meeris²: m.l (xisaab) Fogaanta ku wareegsan xood oodan oo kasta ama dhererka goobada oo la mid ah 2r, taas oo, r tahay gacanka goobada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
meeris
meeris¹: m.l 1. Hal geeddi (xarig) oo raar, derin, haan iyo wixi lamida la sameeyo. 2. Dersi, cashar iyo wixi lamida.
meeris²: m.l (xisaab) Fogaanta ku wareegsan xood oodan oo kasta ama dhererka goobada oo la mid ah 2r, taas oo, r tahay gacanka goobada.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Meeris
Circumference, Perimeter
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
meeris
vl. n. lesson, lecture, exercise
meeris vl. n. row of knitting ~ sewing; circumference
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
meeris
-ta: (n) recitation (ri-siteey-shin); recital (ri-saay-tal) ~ meeris
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
meeris
-ka: (magac, lab, keli) wareegyada masafaha dabaqda gorfaha iyo wixii la mid ah mid ka mid ah. Shan meeris kolkaad tosho xaradhka iyo naqshadaynta bilaw. Dh: wareeg.
meeris-ka: (magac, lab, keli) xadhig, hal geeddi ah oo raar, derin, haan iyo wixii la mid ah la sameeyo.
meeris -ka: (magac, lab, keli) dersi, cashar iyo wixii la mid ah. Dh: meerin.
meeris-ka: (magac, lab, keli) fogaanta ku wareegsan xood oodan oo kasta ama dhererka goobada oo lamid ah 2 r, taas oo, r tahay gacanka goobada.
meeris -ta: (magac, dhedig, keli) eeg meerin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
neefis
m.l la-mid: neefin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
neefis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg neefin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
permis
permis, n.m. - awood bixin; oggolaansho qoraal ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rarmis
(Rarmis-ka)
Rarmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rarmis
m.dh la-mid: rarmin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rarmis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rarmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reebid
(Reebid-da)
1. (ka reebid) Wax, waxay la socdeen inay raacaan u diidid, dib uga soo celin.
2. (ku reebid) a) Meel ku celin. b) Qof, in wax la siiyo ama wax loo dhiibo, ama uu wax hayo, ku talin, ka ballamid. c) Xaraf dhawaaqi ama yeerti, xaraf kale korkiisa ku joojin (sida: ereyga baal, dhawaaqa aa-du wuxuu ku kor joogsanayaa oo ku reebmayaa xarafka l).
3. Wax laga haro oo aan la samayn karin, ka dhigid; oggolaan waayid; diidid; mamnuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebid
m.f.dh eeg reeb². la-mid: reebis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebid
-da: (magac, dhedig, keli) cid dhaawac qabta buullada dabadeed wax uu ku hadho oo duunyo ah siin. Reebiddu waa xeer Soomaali soo jireen ah.
reebid -da: (magac, dhedig, keli) cid wixii ay la socotay ka soo soocid oo gooni u saarid: waxayla socdeen inay raacaan u diidid.
reebid -da: (magac, dhedig, keli) mamnuucid oo dadka ka reebid.
reebid -da: (magac, dhedig, keli) xaraf calaamad sukuun ah u yeelid; xaraf kale korkiisa ku joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reecin
m.f.dh eeg reeci.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
relais
relais, n.m. - meel lagu hakado marka socdaalka layahay
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
remise
remise, n.f. - lacag dirir: soo bandhigid
remise des diplômes - qalinjabin; marka wax barashada la dhammeeyo ee shahaado la qaato
réduction - yarayn
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
remiss
/rimis/ (adj) isku-lad (dayicid, ka sag-saagid).