reebtoomid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebtoomid
m.f.dh eeg reebtoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reebtoomid
-da: (magac, dhedig, keli) «ka ~ fal ka hadhid oo iska dayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
deeqtoomid
m.f.dh eeg deeqtoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
deeqtoomid
-da: (magac, dhedig, keli) wax horay loogu baahnaa ka maarmid. Dh: kaaftoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ebyoomid
m.dh la-mid: ebyamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ebyoomid
-da: (magac, dhedig, keli) mid dhamaystirmay ahaan. Dh: dhamaysni.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reebtoon
f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Ka r.: cid fal xun oo ay samayn jirtay ka waantoobid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reebtoon
f.mg1 (-oomay, -oontay; -oomi) Ka r.: cid fal xun oo ay samayn jirtay ka waantoobid. m.f.dh, reebtoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ceeboobid
(Ceeboobid-da)
Ceeb falid; ceeb yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ceeboobid
m.f.dh eeg ceebow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ceeboobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ceeb ah falid; ceeb samayn. Dh: khashifmid, kashifmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeryoomid
(Geeryoomid-da)
Naftu ka bixid; dhimasho; go'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeryoomid
m.dh la-mid: geeryood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reerood
(tilmaame) cid kale ka soo jeeda oon reeraha ahayn ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
eedoobid
m.f.dh eeg eedow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
eedoobid
-da: (magac, dhedig, keli) geysashada gef la hubo oo lagu qabsado. Eedoobid bay doonayeen innamadiinniiye. Dh: ceeboobid, qaldamid, eedgal, gaboodfalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
metoorid
-ka: (magac, lab, keli) walaxcireed yar o ka timaadda bahqorraxeedkeenna oo gubata kolka ay soo gasho gibildhuleedka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tatoomid
m.dh la-mid: tantoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tatoomid
-da: (magac, dhedig, keli) tantoomo ku dhufasho; tantoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beeloobid
m.f.dh eeg beelow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beeloobid
-da: (magac, dhedig, keli) tarmid oo dad beel ah noqosho. Guueku waa asaaska beeloobidda. Dh: neeloobis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
beenoobid
m.f.dh eeg beenow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
beenoobid
-da: (magac, dhedig, keli) been noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fartoomid
(Fartoomid-da)
Wax lays faray yeelid, qaadasho; (ama farmid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fartoomid
m.f.dh eeg fartoon. la-mid: farmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fartoomid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, amarkeega fulin.
fartoomid -da: (magac, dhedig, keli) wax la is faray in la qabto. Dh: xilqaadasho, farmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Feertamid
(Feertamid-da)
Cayaarta feerka cayaarid; feer isla dhicid; is feerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
feertamid
m.f.dh eeg feertan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
feertamid
-da: (magac, dhedig, keli) feedh iskala hor tegid; feedh ku ciyaarid ama ku dagaallamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabtoolid
m.dh la-mid: gabloolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabtoolid
-da: (magac, dhedig, keli) 'naas' aan caano kusoo dhicin; gabloolid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddoomid
(Geddoomid-da)
1. Dhinaca kale u rogmasho.
2. Dib u noqosho, isu laabid.
3. Beddelmid; doorsoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddoomid
m.f.dh eeg geddoon². la-mid: gaddoomid, gaddoon¹, geddoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddoomid
-da: (magac, dhedig, keli) dhanka kale u rogmasho. Dh: qalibmid.
geddoomid-da: (magac, dhedig, keli) halkii aad ka timid ku laabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geedoobid
m.f.dh eeg geedow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geedoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caleen yaryarayd, geedo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabsoomid
m.f.dh eeg qabsoon.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabsoomid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl hore loo qorsheeyay hirgelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tantoomid
(Tantoomid-da)
Tantoonyo ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tantoomid
m.f.dh eeg tantoon. la-mid: tantoonyeyn, tatoomid, tatoonyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tantoomid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, tantoomo ku dhufasho. Tantoomida ka daa inanka yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaaftoomid
m.f.dh eeg kaaftoon².
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kaaftoomid
Valency
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaaftoomid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysatay, kugu filaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabatoomid
m.f.dh eeg qabatoon².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Roobdoonid
(Roobdoonid-da)
Roobdoon samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
roobdoonid
m.f.dh eeg roobdoon².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
roobdoonid
-da: (magac, dhedig, keli) roobdoon samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weydhoomid
m.f.dh eeg weydhoon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gedgeddoomid
m.f.dh eeg gedgeddoon². la-mid: gadgaddoomid, gadgaddoon¹, gedgeddoon¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gedgeddoomid
-da: (magac, dhedig, keli) dhawr jeer kolba dhinac u rogmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geeltoosiye
(Geeltoosiya-ha)
Gorgorka waaweyn jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeltoosiye
m.l Nooc gorgorka waaweyn ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
geeltoosiye
m. n., [collective] vulture species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeltoosiye
-ha: (magac, lab, keli) jaad haadda waaweyn ka mid ah ee hilibka ku nool. Dh: gorgor.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
geeltoosiye
de: vulture sp.
lx: geeltoosiye
pd: (/ha)
ps: n7-m-col
key: geeltoosiye
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
keeratoosis
m.l (daawo) Wax walba sidii gees, maqaarka ka baxa.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
keeratoosis
m.l (daaw.) Wax walba sidii gees, maqaarka ka baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
keeratoosis
-ka: (magac, lab, keli) wax walba sidii gees, maqaarka ka baxa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
seeflabboodid
-da: (magac, dhedig, keli) dagaalamid aan wax ba hubsan, dagaal iyo dirir ku degdegid.