raysmagaadho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raysmagaadho
(Raysmagaadha-da)
Cagta cad inteeda korraysa oo aan dhulka taaban; (ama raysmaggaarto).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raysmagaadho
-da: (magac, dhedig, keli) cagta hoose ee dadka inta godan een dhulka taaban. Raysmagaadhada ayaa i cuncunaysa. Dh: raysmagaarto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raysmaggaadho
m.dh la-mid: raysmaggaarto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raysmaggaadho
f. n., [compound] instep
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raysmaggaadho
de: instep
lx: raysmaggaadho
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: raysmaggaadho
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
arch
(n) a curved portion of the bottom of the foot.
raysmagaadho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raysmaggaarto
m.dh Cagta hoose meesheeda godan ee aan dhulka taaban marka qofku soconayo. la-mid: raysmag-gaadho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raysmaggaarto
m.dh Cagta hoose meesheeda godan ee aan dhulka taaban marka qofku soconayo. la-mid: raysmaggaadho.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Salmagaadho
Furnaata u dhexaya labada qal ee keenada oo dhuumaha lagu qabbiro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramagaadho
-da: (magac, dhedig, keli) cadho dhowaan ama samir iyo adkaysi yari. Dh: faramagaarto, dulqaadyari.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farammaggaadho
(Farammaggaadha-da)
1. Wax sugi karid la'aan; iyadoo aan weli lays taaban ama aan layskuba soo dhoweyn oo la fadhiyi kari waayo ama la sugi waayo oo wax la sameeyo; sida dadku u badan yahay oo wax u sugo si ka yar oo ka dhaqso badan.
2. Taabasho yari ku filan tahay; car-i-taabo; (ama farammaggaarto).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farammaggaadho
m.dh Caro dhawaan; sabirdarro. la-mid: farammaggaarto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
farammaggaadho
f. n., [compound] anticipation, impatience
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
farammaggaadho
de: anticipation, impatience
lx: farammaggaadho
pd: (/da)
ps: n6-f-cmp
key: farammaggaadho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aflagaado
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cay iyo afxumo ah cid kale ku dheh; wax xun qof kale ku sheeg. Aflagaado kuma odhan, abidkay na kuma xaman. Dh: afxumo, gardarro, cay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ashahaado
(Ashahaada-da)
Shahaado.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ashahaado
ashahaado¹: m.dh Qiritaanka in Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo direy yahay.
ashahaado²: f.mg3 (-aatay, -aadatay) In Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo diray yahay qirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ashahaado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) In Ilaah mooye, Ilaah kale uusan jirin, Maxamedna (n.n.k.) nebigii uu soo diray yahay qirid. m.f.dh, ashahaadasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ashahaado
v. say the profession of the Muslim faith, recite the Islamic credo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ashahaado
-ashahaatay / ashahaadatay: (n) say the first essential duty in Islam. The Muslim must say, “There is no God but God, and Muhammad is His prophet.”
ashahaado: -ashahaadada: (n) declaration of faith. A person must recite the shahadah to convert to Islam. The shahadah in Islam is:: “I testify that there is no god but Allah and I testify that Muhammad is the Messenger of Allah.”
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ashahaado
(fal) qiro kelinimada Ilaahay iyo rasuulnimada Maxamed, naxariista Ilaahay iyo nabadgelyadiisu ha kor ahaatee. Ashahaado waa taan ku idhi ina Israa'iile.
ashahaado -da: (magac, dhedig, keli) qiritaanka in uu Ilaahay keli yahay Maxamed na Rasuulkiisa yahay; tiirka koowaad ee arkaanta Islmaamka.
ashahaado -da: (magac, dhedig, keli) caddaynta waxbarsho ee laga qaato dugsiyada iyo jaamacadaha. Axmed sadeex ashahaado ayuu haystaa. Dh: shahaado.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ashahaado
a: ashahaado (/da) [n6-f]
de: say the profession of the Muslim faith, recite the Islamic credo (i.e., to say 'There is no God except one God and Mohammed is his messenger.')
lx: ashahaado
pd: (ashahaatay)
ps: v3b=
key: ashahaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagsasho
(Raagsasha-da)
Wax raagey la noqosho; daahsasho; dhererid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagsasho
m.f.dh eeg raagso. la-mid: raagsad, raagsi, raagsiino, raagsiinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raagsasho
vl. n. impatience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dherersasho oo sugiddiisa ka daalid. Wax gacan la hubo ku jiraa raagsasho ma leh. Dh: daahsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raagsasho
de: impatience
lx: raagsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: raagso
key: raagsasho
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tamaandho
f. n. tomato ~ tomatoes
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
TAMAANDHO
(Tamando) N, Og Lycopersicum esculentum Mill. Solanaceae.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tamaandho
-tamaandhada: (n) tomato (ta-meeytow); tomatoes ~ yaanyo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaandho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tamaad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tamaandho
de: tomato ~ tomatoes
initial: t
lx: tamaandho
pd: (/da)
ps: n6-f-enum
key: tamaandho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaagsasho
m.f.dh eeg asaagso. la-mid: asaagsad, asaagsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid aad isku fil iyo da' tihiin u arkid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baysaqasho
m.f.dh eeg baysaqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Karmaandho
(Karmaandha-da)
Kalluunka badda jaad kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karmaandho
m.dh Kalluunka badda nooc ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
karmaandho
f. n., [collective] very small saltwater fish species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karmaandho
-da: (magac, dhedig, keli) kalluunka badda jaad ka mid ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
karmaandho
de: very small saltwater fish sp. {E}
lx: karmaandho
pd: (/da)
ps: n-f-col
key: karmaandho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ragragasho
(Ragragasha-da)
Digasho xeel dheer, cid ku digasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragragasho
m.f.dh eeg ragrago².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragragasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku digasho aad ah oo faan ku jiro. Iga daa ragragashada, rag miyaanad aqoonin. Dh: rigrigasho, digasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramaalasho
m.f.dh eeg ramaalo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysasho
m.f.dh eeg rasayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax rasaysan ka dhigasho; taallaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasnaansho
m.l/dh la-mid: rasnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysaqaado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) Salaad ka hor weysaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
weysaqaado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) Salaad ka hor weysaysasho. m.f.dh, weysaqaadasho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
af lagaaddo
-af lagaaddada: (n) insult (insalt) ~ caytin, cay —Syn. offence, affront, outrage
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Af lagaaddo
Offesa
Offence
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farmagaarto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faramagaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
malmalaaddo
m.dh (-ooyin, m.l) Macmacaan laga sameeyo qudaar kala duwan siiba babbay, tufaax, cananaas iyo wixi lamida oo la cuno.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
malmalaaddo
m.dh (-ooyin, m.l) Macmacaan laga sameeyo qudaar kala duwan siiba babbay, tufaax, cananaas iyo wixi lamida oo la cuno.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
malmalaaddo
f. n. marmalade, jelly, jam
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
malmalaaddo
-malmalaaddada: (n) jam (jaam); marmalade (maar-maleeyd) ~ malmalaato
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
malmalaaddo
-da: (magac, dhedig, keli) wax sida malabka ah oo khudrad kala jaadjaad ah laga sameeyo oo furunka la dhexmarsado. Malmalaaddo ayaan rootida dhexmarsadaa. Dh: jaam, murabbe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
malmalaaddo
de: marmalade, jelly, jam
lx: malmalaaddo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: malmalaaddo
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Miyomagaalo
Urban-rural
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamaysasho
m.f.dh eeg raamayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reermagaalo
m.l la-mid: reermagaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagsaagasho
m.f.dh eeg sagsaago.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sayrmawaydo
-da: (magac, dhedig, keli) xilli gu'gu aad u do'o. Dh: dirir, cawl.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faramagaarto
-da: (magac, dhedig, keli) eeg faramagaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farasmagaalo
m.dh Bartamaha magaalada. la-mid: farasmagaale.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
farasmagaalo
m.dh Bartamaha magaalada. la-mid: farasmagaale.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farasmagaalo
-ha: (magac, lab, keli) suuq caan ah oo dadku iskugu yimaaddaan oo magaalo kasta u ah badhtanka, inteeda ugu gacansi badan ama dhismo ahaan ugu qurxoon oo dhinacyada oo dhan laga xigo. Fooxdoon haddaad tahay tukaan furan ma weydeene, maxaa farasmaagalaha ku dhigay fiidka laga hoyday. Dh: suuq.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radsanaansho
m.l/dh la-mid: radsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rahmanaansho
m.l/dh la-mid: rahmanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rahmanaansho
-da: (magac, dhedig, keli) wax la rahmadeeyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sagsaagnaansho
m.l/dh la-mid: sagsaagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baysadhabasho
m.f.dh eeg baysadhabo. la-mid: baysadhabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraysnaansho
m.l/dh la-mid: caraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caraysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) qof xanaaqsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caynsanaansho
m.l/dh la-mid: caynsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caynsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax caynsan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayuumaysasho
m.f.dh eeg cayuumayso. la-mid: cayuumaysad, cayuumaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayuumaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhabataysasho iyo ilayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daashadaashoo
(fal) tamashlee oo iska dalxiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayrsanaansho
m.l/dh la-mid: dayrsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haraysnaansho
m.l/dh la-mid: haraysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaydsanaansho
m.l/dh la-mid: kaydsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaydsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax meel la dhigtay oo la kaydsaday ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laylyanaansho
m.l/dh la-mid: laylyanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laylyanaansho
vl. n., stative v. state of being trained, exercised ~ tamed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laylyanaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la layliyey ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laylyanaansho
a: laylyanaan (ta) [n0-f-abs]
de: state of being trained, exercised ~ tamed
lx: laylyanaansho
pd: (/ha)
ps: vn6-m-st
key: laylyanaansho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaybsanaansho
m.l/dh la-mid: qaybsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaysadhabasho
m.f.dh eeg qaysadhabo. la-mid: qaysadhabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacsanaansho
m.l/dh la-mid: raacsanaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacsanaansho
-ha: (magac, lab, keli) eeg raacsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysnaansho
m.l/dh la-mid: rasaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax la raseeyey ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumaysnaansho
m.l/dh la-mid: rumaysnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
weysaqaadasho
m.f.dh eeg weysaqaado.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
weysaqaadasho
-da: (magac, dhedig, keli) weyseysi lagu weysaysto biyo daahir ah. Weysaqaadasho la'aan salaadi kuma ansaxdo. Li: waysojab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaagaysasho
m.f.dh eeg xasaago. la-mid: xasaagaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xeraysnaansho
m.l/dh la-mid: xeraysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xeraysnaansho
-ha: (magac, lab, keli) wax xeraysan oo xero ku oodan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshaysnaansho
m.l/dh la-mid: rabshaysnaan.