rayrrayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rayrrayn
(Rayrrayn-ta)
Farxid; riyaaqid; (ama reyrreyn).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rayrrayn
f. n. enjoyment; joy; rejoicing; pleasure
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rayrrayn
de: enjoyment; joy; rejoicing; pleasure Alt sp: rayrayn, reyrreyn
lx: rayrrayn
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: rayrrayn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rayrayn
-ta: (n) intense joy or delight (di-laayt); rapture (raapjar); ecstasy (ekis-tasi); thrill, happiness (hapi-nes) ~ farxad
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Rayrayn
Felicità
Happiness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raynrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raynrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) farxad iyo niyadsami lala birinbirgoodo. Raxmaddii Allaa da'doo raynrayn ayaa lagu jiraa.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rayrraysan
der. [adjective] happy; joyous; exultant
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rayrraysan
de: happy; joyous; exultant Alt sp: rayraysan
lx: rayrraysan
pd: (rayrraysnaa)
ps: adj-der
key: rayrraysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bogid
(Bogid-da)
1. Wax qabyo ahaa dhammaystirid; ebyid.
2. (u bogid) jeclaysasho; ku farxid; ku rayrrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dheelaas
(Dheelaas-ka)
Cayaaraha faraxa iyo rayrraynta badan darteed loo sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyaaqid
(Riyaaqid-da)
Farxid; rayrrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef muur ah raro saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Carrayn
(Carrayn-ta)
Carro ku shubid; ciideyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carrayn
m.f.dh eeg carree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciid ku shubid; ciideyn; carrays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayrayn
(Cayrayn-ta)
Cayr ka dhigid; sabool ka dhigid; dhicid; mooradduugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayrayn
m.f.dh eeg cayree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) caydh ka dhigid; caydhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarrayn
(Jarrayn-ta)
Wax ka filasho; cuquulayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarrayn
m.f.dh eeg jarree. la-mid: jarraysimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) marti subax hore in yar oo martisoor ah siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Sarrayn
(Sarrayn-ta)
Wax meel sare ku sugan ama darajo sare gaarey ahaan; korrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarrayn
m.f.dh eeg sarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kor marid; meel sare ku suganaan. Li: hoosayn.
sarrayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof darajo sare gaarey ahaan; sarreyn; korrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayiyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ra'yi ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reyrreyn
(Reyrreyn-ta)
Rayrrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bayuurayn
m.f.dh eeg bayuuree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bayuurayn
-ta: (magac, dhedig, keli) fadeexadayn oo ceeb weyn ku sheegid. Dh: ceebayn, fadeexadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nabarrayn
m.f.dh eeg nabarree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabarrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhawacyo badan gaadhsiin. Dh: qoonqoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ra'yiyayn
(Ra'yiyayn-ta)
Ra'yi bixin, soo jeedin; talin; arrimin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ra'yiyayn
m.f.dh eeg ra'yiyee. la-mid: ra'liyayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
racracayn
m.f.dh eeg racracee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yaryarayn
(Yaryarayn-ta)
Yaryar ka dhigid; jarjarid; dhuudhuubid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaryarayn
m.f.dh eeg yaryaree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaryarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax yaryar ka dhigid. Hilib geel yaryarayn baa lagu ligaa. Dh: yaryarays. Li: waaweynayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gallayrrayn
(Gallayrrayn-ta)
Habka gallayrka yeelid; gallayr isu ekayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gallayrrayn
m.f.dh eeg gallayrree. la-mid: gallayryayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Array
Teed
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Array
Teed
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
array
/arrey/arrays, arraying, arrayed; (n) 1. wax tiro badan oo il gabato leh. 2. wax meel lugu sharraxay ama lugu waray si ay dadka u soo jiitaan. e.g. She looked in the window at the array of jewellery.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
array
v.tr., (attire) xarrago.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raran
1. Rar saaran yahay.
2. (Raran-ka) Ciidda dabku kululeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raran
raran¹: m.l Ciid kulul.
raran²: f.mg1 (-rmay, -rantay) Gaadiid wax culaab la saaray noqosho.
raran³: f.mg4 (-naa, -nayd) Gaadiid wax culaab la saaray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raran
raran¹: m.l Ciid kulul.
raran²: f.mg4 (-naa, -nayd) Gaadiid wax culaab la saaray ahaansho. m.f.dh, rarnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raran
der. [adjective] loaded, packed full
raran: m. n. embers, burning coals; hot sand; baked soil
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raran
-ramaa / ramayd: (adj) loaded (loow-dhidh) carrying a load
raran -ka: (n) hot ashes; hot soil ~ danbas kullul
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raran
(tilmaame) rar iyo cundadi saaran tahay.
raran -ka: (magac, lab, keli) ciid kululaatay, dambas hoosta ka kulul. Raranka ayay ridu raafka la gashay Dh: halase, roomi.
raran -ta: (magac, dhedig, keli) bur inta la ballaadhiyo danbas ama ciid kulul la dhexgeliyo oo sidaas lagu bisleeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raray
-ga: (magac, lab, keli) awr la rarto, awr laylyan. Baarqab iyo raray ayaa geela la socda. Dh: karinle.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax saddex ah mid ku darid oo afar ka dhigid. Saddexdoodu way isku filan yihiin oo afrayn uma baahna. Dh: afrays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awrran
(tilmaame) mid buurni ama awoodi ka muugato. Kala awrran labaduye, edebtiyo aqoontiyo, asluubtay iksu dhaafeen.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carayn
m.f.dh eeg caree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carayn
-ta: (n) an act of daring; a challenge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale 'car!' ku dhihid oo u digid. Dh: carays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
carray
(fal) ciid mari; ciidee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayray
(fal) caydh ka dhig: cayree; caydhee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darayn
(Darayn-ta)
(legdan) daro ku qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darayn
m.f.dh eeg daree.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dar u yeelid. Darayn la'aan ceel duunyo lagama waraabiyo. Dh: darays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Farayn
(Farayn-ta)
Faro ku taataabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farayn
m.f.dh eeg faree. la-mid: farays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
farayn
-ta: (n) the act of fingering
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faro ku taabtaabasho.
farayn -ta: (magac, dhedig, keli) is le'ekeysiinta iyo habaynt maydhaxda iyo wixii la mid ah ah ee kebdaha laga sameeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garran
garran¹: m.l 1. Dood loogu xaqsooray laba dhinac oo arrin isku haaya. 2. la-mid: garramid.
garran²: f.mg1 (garramay, garrantay; garrami) Garsheegasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garran
garran¹: m.l 1. Dood loogu xaqsooray laba dhinac oo arrin isku haaya. 2. la-mid: garramid.
garran²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami)
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garran
v. accuse, bring a case (against)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garran
(fal) gartaada sheego; garnaqso oo cadkaaga soo dhacso; dacwi oo dood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garran
de: accuse, bring a case (against) (with preposition la); rw: gar
lx: garran
pd: (garramay)
ps: v1=intr
key: garran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harayn
m.dh la-mid: harin.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
harayn
blocking
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel, hoos u samayn, hadh u eyelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harray
m.l Orgi markaas hooyadii goysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jarayn
(Jarayn-ta)
1. Fardo jarabbarid; jebin.
2. Shaxda, jare helid.
3. Gariirid; jarcayn; burunjiyeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jarayn
m.f.dh eeg jaree.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jarayn
-ta (n) tremble (tarambel); shiver (shivar); convulsion (konvalshen) ~ jarco, jarcayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaarta shaxda, jare, saddex dhagax oo isku toosta ah diyaarin.
jarayn-ta: (magac, dhedig, keli) faras iyo wixii la mid ah, jare ku xidhid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jarray
(fal) ardaa martisoor habeen ku cun oo aroortiina ku bariiso oo aqool subxeed ku sug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayran
La mayray; qasaalan; xalan; dhaqan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayran
mayran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Wax la mayray noqosho. 2. Dhar iyo wixi lamida midab bixid.
mayran²: f.mg4 (-rnaa, rnayd) Wax la mayray ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mayran
mayran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay; -rmi) 1. Wax la mayray noqosho. 2. Dhar iyo wixi lamida midab bixid. m.f.dh, mayrmid. la-mid: maydhan.
mayran²: f.mg4 (-rnaa, rnayd) Wax la mayray ahaansho. m.f.dh, mayrnaan. la-mid: maydhan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mayran
der. [adjective] washed, cleaned
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mayran
name-f washed; cleansed
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mayran
-mayrnaa: (adj) washed (wooshidh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Mayran
magac loo bixiyo gabadh wax turxaan ah lagu arag ama la rajaynayo inay noqoto gabadh dul iyo dabeecadba macaan oo fiican.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayran
(tilmaame) maydhan; uskag aan lahayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mayran
de: washed, cleaned
lx: mayran
pd: (mayrnaa)
ps: adj-der
key: mayran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarayn
(Qarayn-ta)
(weel, kd.) qar u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarayn
m.dh eeg qaree. la-mid: qirayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qar u yeelid. Qaraynta weelasha waxa taqaan islaanta jaarka ah. Dh: qarays.
qarayn -ta: (magac, dhedig, keli) qaro u yeelid. Qarayn ku samee oo asal geli qarbidka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaran
1. Raar laga kor dhisay, loo yeelay.
2. Meel kore lagu raaray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaran
raaran¹: f.mg1 (-rmay, -rantay) Wax la raaray noqosho.
raaran²: f.mg4 (-rnaa, -rnayd) Wax meel sare saaran ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raaran
der. [adjective] stored on a shelf
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaran
(tilmaame) meel kore saaran oo is dul yaalyaalla ah.
raaran: (tilmaame) raar laga dul dhisay. Gaadhi aad u raaran ayaa rogmaday.
raaran: (tilmaame) weeday oo meeshiisii meel aan ahayn ka soo baxay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raaran
de: stored on a shelf
lx: raaran
pd: (raarnaa)
ps: adj-der
key: raaran
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
racayn
racayn¹: m.dh Kooxayn ama xulid tiro waxyaaleed iyada oo aan loo eegin orsa-naan.
racayn²: m.dh Hormo urur kasta ee uu urur walxood iyada oo aan la tixgelin horsanaanta sida loo kala xushay. Haddii 'r' walxood laga xushay urur 'n' kutirsane leh oo weliba walax kastana la xulan karo mar keliya. Tirada racaymaha kaladuwan waa: n!/[r!(n-r)!] loona qoro nCr ama C(n,r)[r!(n-r)!]Tusaale ahaan, haddi fasal ay ku jiraan 15 arday ay ka dhexeeyaan 5 buug oo keliya, marka buug kasta waa in ay saddex arday wadagaan, inta siyaalo ee loo ratibi karo waa: 15!/[3!(15-3)!] ama 455.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Racayn
Permutation
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajayn
(Rajayn-ta)
(ilmo) rajo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajayn
m.f.dh eeg rajee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rąjayn
m.f.dh eeg rąjee. la-mid: rejeyn.