rayfal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rayfal
m.l (-llo, m.dh) Buntukh dheer oo qaada 11 (kow iyo toban) xabbadood oo markiiba ay ka dhacdo hal rasaas.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rayfal
-ka: (n) rifle (raayfat); shotgun (shaat-gan) ~ qori, buntukh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayfal
-ka: (magac, lab, keli) qori xabbad keliyaadle ah oo khasnaddiisu qaaddo 11 xabbadood. Rayfal baad wadataaye haddaanad ridaynin iska raar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reyfal
-ka: (magac, lab, keli) qori halkeliyaale ah oo waagii hore la adeegsan jiray. Dh: rayfal.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rifle
/rayfal/ (n) 1. rayfal (qori siddo dheer leh, oo asagoo garabka suran la shiisho) 2. xadid (siiba meel inta la baarto wax laga xado).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gidhligaan
-ka: (magac, lab, keli) nooc buduqyadii hore ka mid ah gidhligaanka iyo rayfal baa gaydha dirireed leh. Dh: bunduq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaarabiin
-ka: (magac, lab, keli) qori ka mid ah qoryihii hore oo la adeegsanayay bilawgii qarnigii 20aad oo 10 rasaasood qaada. Waxa lagu samayn jiray dalka jarmalka. Dh: rayfal, halle.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
carabine
carabine, n.f. - Bunduq yar; Kaarabiin; Rayfal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Rayaale
magac loo bixiyo wiil dhashay iyada oo la oomman yahay dabadeed na uu roob da'ay; waxa kale oo loo bixiyaa wiil meeshii uu ku dhashay Ilaahay rayo ku hadheeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reyfali
m.l Quful weyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jafal
(Jafal-ka)
Iniinaha bunka, kolka ay dhan yihiin oo beerkii ku gudajiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafal
m.l Iniinaha bunka, kolka ay dhanyihiin oo beerkii ku gudajiro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jafal
m. n., (mass n.): coffee that has been pounded
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafal
-ka: (magac, lab, keli) iniinta bunka oo ku dhex dhan qolofta mudhaha.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jafal
cf: bun
de: coffee that has been pounded
lx: jafal
pd: (-ka)
ps: n0-m-mass
key: jafal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafal
(fal) wax adiga kugu lumay bixi, wax aad baabi'iisa sababtay iska bixi. Dh: magdhaw, bed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayal
(Mayal-ka)
Meesha gaashaanka la qabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayal
m.l (-llo, m.dh) Siddada gaashaanka.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mayal
m.l (-llo, m.dh) Siddada gaashaanka.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mayal
m. n. handle of shield
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Mayal
name-m the handle of the sheild
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayal
-ka: (magac, lab, keli) meesha gaashaanka la qabto. Dh: gacan.
mayal-ka: (magac, lab, keli) hoggaan; majare. Waa in madaxweyne dalka mayalka u qabta la doorto. Dh: suti.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mayal
de: handle of shield
lx: mayal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: mayal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qafal
f.g1 (-alay, -ashay) Ciyaar dubno labada dhinac ka xirid iyada oo dhagax kale la gelin karin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qafal
-ka: (magac, lab, keli) basar xumo; muuqaal iyo malo xumo. Qafalka iska daa oo is habee. Dh: baxaalli, gurrac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafac
f.g1 (-cay, -cday) Hawl socotay joojin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rafac
f.g1 (-cay, -cday) Hawl socotay joojin. m.f.dh, rafacid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafac
(fal) alaab shaqo lagu waday ururi oo meel hagaagsan dhig. Rafac alaabta oo midh ha ka tegin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafad
m.l la-mid: rafasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafad
-ka: (magac, lab, keli) xanuun daran la galgalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajal
(Raja-sha)
Bilaha dayaxa oo Soomaalida oo Rajallada la yiraahdo, (Rajal hore, Rajal dhexe iyo Rajal danbe ama Sabbuux), middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajal
m.dh (-llo, m.l) Bil dayaxeedda saddexaad ee taariikhda Soomaaliga ee u dhexeysa Mowliid iyo Sabbuux.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rajal
m.dh (-llo, m.l) Bil dayaxeedda saddexaad ee taariikhda Soomaaliga ee u dhexeysa Mowliid iyo Sabbuux.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Rajal
f. n. one of three months of the Somali lunar calendar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rajal
-ka: (magac, lab, keli) mid ka mid ah bilaha dayaxa ee Soomaalida. Rajal baan doonayaa inaan tego reerkii. Dh: rajar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Rajal
de: month of the Somali lunar calendar (there are three of them: Rajal Hore, Rajal Dhexe and Rajal Dambe or Sabbuux)
lx: Rajal
pd: (/sha)
ps: n2-f
key: Rajal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ramal
(Ramal-ka)
Banbiiro; cinjir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramal
m.l (-llo, m.dh) 1. Qori weyn oo la shito. 2. Cinjir; rabar. 3. Faalka dhulka lagu dhigo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ramal
m.l (-llo, m.dh) 1. Qori weyn oo la shito. 2. Cinjir; rabar. 3. Faalka dhulka lagu dhigo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ramal
m. n., (mass n.): rubber; plastic
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ramal
-ka: (magac, lab, keli) qori weyn oo la shito.
ramal -ka: (magac, lab, keli) faalka dhulka lagu dhigo.
ramal -ka: (magac, lab, keli) eeg rabadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ramal
de: rubber; plastic
lx: ramal
pd: (-ka)
ps: n2-m-mass
syn: banbiiro, cinjir, goome
key: ramal
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rayad
m. n. civilian, unarmed person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rayad
-ka: (n) civilian (si-vil-yan); ordinary citizen; noncombatant (nan-kom-baatant) ~ rayid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayad
-ka: (magac, lab, keli) dad shacab ah oo aan askar ahayn; dad caadi ah oo aan hubaysnayn. Dh: shicib, rayid. Li: ciidan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rayad
de: civilian, unarmed person
lx: rayad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: rayad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rayfe
(Rayfa-ha)
Curyaan; jiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rayfe
m.l Diifta qof ka muuqato nafaqo xumo awgeed.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rayfe
m. n. cripple, lame person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayfe
-ha: (magac, lab, keli) qof lugo la'; qof aan laxaadka lugaha lahayn. Rayfe ma roori karo, runna lama diidi karo. Dh: cagoole, laangadhe.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rayfe
cf: curyaan, jiis
de: cripple, lame person
lx: rayfe
pd: (/ha)
ps: n-m
key: rayfe
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
royal
/royal/ (adj) ee boqoreed (boqortooyo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayaal
-ka: (magacwadareed) carruurta yaryar. Dh: carruur, ciyaal, dhallaan. Li: cirroole.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falfal
(Falfal-ka)
1. Hilib garowkaris ah.
2. Fal; Sixir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falfal
falfal¹: m.l 1. Hilib cad, ama cadad waaweyn oo biyo lagu kariyey. 2. Jid laangooyo lagu sameeyey. 3. Sixir.
falfal²: m.dh.sh.r Dhaqdhaqaaqa hore karkaraya.
falfal³: f.g1 (-alay, -ashay) 1. (f.g) Cid sixir ku samayn. 2. (f.mg) Hoore wax karkaray noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
falfal
m.l 1. Hilib cad, ama cadad waaweyn oo biyo lagu kariyey. 2. Jid laangooyo lagu sameeyey. 3. Sixir.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falfal
m. n., [collective] boiled meat
falfal m. n., [abstract] black magic, sorcery, voodoo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falfal
-ka: (magac, lab, keli) hilib biyo keliya lagu karshey.
falfal -ka: (magac, lab, keli) hilib daray ah oo isla markii la qalay la karsho, hilib karis ah oo cad cusub ah. Dh: karis, falfali.
falfal -ka: (magac, lab, keli) fal iyo sixir.
falfal -ka: (magac, lab, keli) saansaanka abuureed ee qof leeyahay. Dh: dabci.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Faysal
name-m arbitrator, decisive; criterion
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafal
(Gaafal-ka)
(bad: beden, kd.) qoryaha babcan oo ragga saayibta wadaa ku fariisto, midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaafal
m.l (-llo, m.dh) Bedenka gudihiisa kuraasi ku rakiban ragga seebinaya ku fadhiistaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gaafal
m. n. thwart (of a boat)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaafal
(fal) dhammaystir hawlaha arooska. Gaafal arooska ayeyna ceebi kaa raacine.
gaafal -ka: (magac, lab, keli) qoryaha babcan oo ragga saayibka wadaa ku fariisto, midkood.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gaafal
de: thwart (of a boat) (crosspiece on which the oarsman sits)
lx: gaafal
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: gaafal
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydal
haydal¹: m.l h. ah: neef ido ah oo caato ah.
haydal²: f.mg1 (-lay, -ashay) Neef ido ah caatoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haykal
-ka: (magac, lab, keli) harag qardhaasaha lagu jaxaaso si uskagga iyo biyaha looga ilaaliyo. Dh: jaldi.
haykal-ka: (magac, lab, keli) qaabdhismeedka uu maamul u dhisan yahay. Dh: qaabdhismeed.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxfal
-ka: (magac, lab, keli) goob shir ama ciyaar loo yimid oo cid walba u furan. Dhalliishaada maxfal lagama sheego. Dh: fagaare, goob, gego.
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Maydal
(I) Cavallo grigio;
(E) Grey Horse
(S) MAYDAL (S. c. m.: Maidàl)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maydal
magac loo bixiyo wiil madaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maydal
-ka: (magac, lab, keli) midab madaw dhalaala ah. Dh: meydal, magaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabaal
m.l (-llo, m.dh) Meel taag ah ama kur ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
racial
/reyshal/ (adj) ee jinsiyadeed (jinsiyad la xiriira, sida ummadda midabadooda, dhaqamadooda iwm).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
racial
racial, adj. - la xidhiidha jinsiga
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radial
radial, adj. - xidhiidhsan.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rafale
rafale, n.f. - dabayl xoog leh oo aan caadi ahayn; rasaas aad u badan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragaal
m.dh Xilli roob dhamaaday, geedi-hiina caleen dhacsadeen, xooluhuna bilaa-been biya cabid ama bilaabayaan. la-mid: rag-gaal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ragaal
m.dh Xilli roob dhamaaday, geedihiina caleen dhacsadeen, xooluhuna bilaabeen biya cabid ama bilaabayaan. la-mid: raggaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaal
-ka: (magac, lab, keli) nin aan isagu talo keenin oo laakiin talaraac ah. Ama rakaal ahaw ama arrinkeen ahaw
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rascal
/raaskal/ (n) 1. khaa'in (khayaanalow) 2. fadaq (rabshoole, siiba cunugga yar).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rascal
n., tuug, -gi, nejis, -ki, nin bayaano leh, xaaraami, -gi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Rayaan
magac hableed oo laga soo qaatay albaab Jannada ku yaal oo dadka soomaa ay ka galaan.
Rayaan -ka: (magac, lab, keli) albaabbada Jannada mid ka mid ah oo dadka soo soomay gaar u ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayaan
(tilmaame) qof cokan ah. Dh: dheregsan.
rayaan -ka: (magac, lab, keli) dhereg buuxa oo gaajo u dhawayn; calooshu u buuxdo. Dh: dhereg. cokanaan, dheregsanaan.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rayaax
name-f aroma, fragrance
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raydab
(Raydab-ka)
Reydab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raydab
m.l Geed weyn, toos u baxa, oo aan qodax lahayn oo udbaha iyo tiirarka laga goosto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raydab
m.l Geed weyn, toos u baxa, oo aan qodax lahayn oo udbaha iyo tiirarka laga goosto.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raydab
m. n. tall tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
RAYDAB
[RAIDAP] Albizia anthelmintica 01
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Raydab
name-m tall tree (taller)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raydab
-ka: (magac, lab, keli) geed kor u baxa oo udbaha iyo tiirarka laga goosto, qodaxna aan lahayn. Meeshan raydab baa ka bixi jirey
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raydab
a: reydab
de: tall tree sp.
lx: raydab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: raydab
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raysad
(Raysad-ka)
Raysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raysad
m.l la-mid: raysasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raysad
vl. n. getting well, healing; being better off
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raysad
-ka: (n) healing (hiiling); recovering (ri-kaver-ing) or recovery
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raysad
-ka: (magac, lab, keli) wax hore ka badhaadhi. Li: darsad.
raysad -ka: (magac, lab, keli) si hore si ka fiican noqosho. Dh: doorsasho, caafimaadid, roonaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raysad
a: raysasho (/da) [vn-f]
de: getting well, healing; being better off
lx: raysad
pd: (-ka)
ps: vn-m
key: raysad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Riyaal
(Riyaal-ka)
Lacag dhulal badan lagaga dhaqmo, badanaa cadadideeda lacagta (qalinka) ka tuman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
riyaal
m.l (dhaq.) Lacag waddamada Sucuudiga, Yaman, Imaaraadka iyo kuwo kale laga adeegsado.