raydabo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Raydabo
name-f tall tree (taller)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raydab
(Raydab-ka)
Reydab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raydab
m.l Geed weyn, toos u baxa, oo aan qodax lahayn oo udbaha iyo tiirarka laga goosto.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raydab
m. n. tall tree species
Magacyada Dhirta Ceel-Dheere iyo Buula-Burte (Soomaali-Laatiin) - D. Herloker, B. Kujar [1985]
RAYDAB
[RAIDAP] Albizia anthelmintica 01
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Raydab
name-m tall tree (taller)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raydab
-ka: (magac, lab, keli) geed kor u baxa oo udbaha iyo tiirarka laga goosto, qodaxna aan lahayn. Meeshan raydab baa ka bixi jirey
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raydab
a: reydab
de: tall tree sp.
lx: raydab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: raydab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baydhabo
pr. n., loc. Baidobow,
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Baydhabo
(n) Baidobo; capital city of Somali southern region of Bay
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Baydhabo
cf: caasimad
de: Baidobow, Baydhaba [city in south central west Somalia] Capital of Jubbada Sare region;
lx: Baydhabo
pd: (Baydhaba)
ps: n0-loc
key: Baydhabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabo
-da: (magac, dhedig, keli) koox, qayb. Dhawr raabo oo kala danbeeyay ayaa i dhaafay: Dh: kook, raxan, horin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Reydab
(Reydab-ka)
Geed weynaada oo aan qodax lahayn; wuxuu u eg yahay hareeriga, xabagna waa lee yahay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
reydab
m.l Geed hareeriga u eg, qodax lahayn, ubax cad oo udgoon leh, oo laga goosto udbaha aqallada.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
reydab
m.l Geed hareeriga u eg, qodax lahayn, ubax cad oo udgoon leh, oo laga goosto udbaha aqallada.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
reydab
m. n., [collective] tall tree species
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
reydab
-ka: (magac, lab, keli) geed weynaada oo aan qodax lahayn; wuxuu u eg yahay hareeriga, xabagna waa leeyahay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
reydab
a: raydab
de: tall tree sp.
lx: reydab
pd: (-ka)
ps: n2a-m-col
key: reydab
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Caynabo
pr. n., loc. Aynabo [town in north Somalia.]
Caynabo pr. n., [feminine] Aynaba
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Caynabo
name-f black. Cf: Caynab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawdabo
-da: (magac, dhedig, keli) hadal ama fal boob isdaba jooga. Nin kastaa ha dawdabo, sida roobka haw da'o.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daydayo
(fal) doondoono wax aad rabto helistiisa; wax aad raadinayso, meel kaste ka fiirfiiri. Dh: baadhbaadho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daynabo
m.dh (-ooyin, m.l) (fiisikis) Dhaliye danab oo gaar ahaan loogu talagalay in uu dhaliyo qulqul quman.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daynabo
m.dh (-ooyin, m.l ) (fiisikis) Dhaliye danab oo gaar ahaan loogu talagalay in uu dhaliyo qulqul quman.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Daynabo
Dynamo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Daynabo
name-f dark, black
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Daynabo
magac loo baxsho gabadh madaw ama xilli mugdi ah dhalatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daynabo
-da: (magac, dhedig, keli) habdhiska mishiinku ka dhaliyo qulqulka danabka oo ah winiinin iyo weehadsiin duubi gudbiye ah iyo birlabo awood badan oo iyagu dhankooda sameeya bedbirlabeed.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
handabo
m.l/dh Xaalad nafsaani ah oo qofka ku qasabta waxa uu jecelyahay in uu falo. Tusaale: “Cali naaguhuu handabo ku qabaa”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
handabo
m.l/dh Xaalad nafsaani ah oo qofka ku qasabta waxa uu jecelyahay in uu falo. Tusaale: Cali naaguhuu handabo ku qabaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqdabo
(Laqdaba-da)
Mardabo; dhagar; sir; (ama ladqabo).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqdabo
m.dh 1. Qiyaano; dhagar. 2. la-mid: ladqabo (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqdabo
m.dh 1. Khiyaano; dhagar. 2. la-mid: ladqabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqdabo
f. n. deceit, deception, act of misleading
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laqdabo
-laqdabada: (n) deceit (disiit), trick (tiriik), fraud (faroodh), deception (disapshin) ~ khiyaamo
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Laqdabo
Disonestà
Dishonesty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqdabo
-da: (magac, dhedig, keli) mardabayn cid kale; dhagridda cid kale. Dh: sirid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqdabo
a: ladqabo
de: deceit, deception, act of misleading
lx: laqdabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: laqdabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mardabo
(Mardaba-da)
Dhagar; sir; khatal; xeelad; khayaano.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardabo
m.dh (-ooyin, m.l) Khiyaamo waqti lumin iyo luggooyo ku jirto; dhagar. la-mid: mardaddabaan, mardaddabo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
mardabo
m.dh (-ooyin, m.l) Khiyaamo waqti lumin iyo luggooyo ku jirto; dhagar. la-mid: mardaddabaan, mardaddabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
mardabo
f. n. betrayal, treachery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mardabo
-mardabada: (n) deceit (disiit), trick (tiriik), fraud (fa-roodh), deception (disapshan) ~ khiyaamo, laqdabo, khayaano
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardabo
-da: (magac, dhedig, keli) xeelad ay khiyaamo ku jirto oo lagu sameeyo cid ku aammintay. Dh: dhagar, khiyaano.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
mardabo
de: betrayal, treachery
lx: mardabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: mardabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardabo
(Qardaba-da)
1. Waxyeello; hargaamo; luggooyo.
2. Kalluun magaci.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardabo
m.dh 1. Nooc mallayga badda ka mid ah oo aan jurmi weynayn, lehna midab cad iyo dhibco yar yar oo madmadow. 2. Dhibaato qarsoon oo cid loo geysto. 3. la-mid: qartabyo. 4. la-mid: qardabeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardabo
f. n. trouble, distress
qardabo [feminine] n. medium-sized fish species
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qardabo
nickname-m trouble, distress. Lit: troublemaker
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Qardabo
magac loo bixiyo wiil dhiblaw ah oo hooyadii qardabo iyo gujo ku qaaday kolkuu caloosha ku jiray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardabo
kalluun magacii.
qardabo -da: (magac, dhedig, keli) dhaqdhaqaaq ama gugujin loo geysto qof hurda ama meel iska fadhiya oon diyaar u ahayn. Qoodhi gardabo iska ma dayso. Dh: qardoofo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raxaabo
f.mg3 (-btay, -batay) Wax hadba dhan u liicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raxaabo
(fal) wax hadba dhan u liic.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayaabo
(Xayaaba-da)
Lakab xalleefsan oo biyaha fadhiya iyo wixii la mid ah, korkooda ku samaysma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaabo
m.dh Lakab qira yar oo fuula hooreyaasha, badanaa dabayshu xarfiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayaabo
f. n., (mass n.): scum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaabo
-da: (magac, dhedig, keli) lakab xalleefsan oo doogo ah oo ku dul samaysma biyaha meel ku raaga ama durdur aan gu'in. Dh: saaruq.
xayaabo -da: (magac, dhedig, keli) xayaab ama dahaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayaabo
de: scum
initial: x
lx: xayaabo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: xayaabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydaro
-da: (magac, dhedig, keli) midho shumburada la bah ah oo kuus Kuusan lana cuno inta la karsho. Dh: atar, catar.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayndaabo
(fal) deyro oo miir ama derbi ku wareejiso. Buutada lagu siiyay xayndaabo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Baydhaba
[city in south central west Somalia.]
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faydasho
-da: (magac, dhedig, keli) marada jidhka intiisa hoose qarisa kor u soo qaadid. Dh: xaydasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habdhabo
(fal) erey duca ah oo carruurta lagu yidhaa kolka ay higgoonayaan. Habdhabo hooyoy habdhabo. Dh: higgoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haydaaro
m.dh 1. Dhib, luggooyo iyo wixi lamida oo cid loo geysto. 2. Weyddiin badan oo cid aan wax hayn la weyddiiyo. la-mid: haydaarto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haydaaro
-da: (magac, dhedig, keli) eeg haydaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
magdhabo
f.mg3 (-btay, -batay) Qof khasaare uu geystay qiimaheeda ka qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magdhabo
(fal) wax waxyeello la gaadhsiiyay mag ka qaado oo waxyeellada gaadhay beddelkeedii hel. Ninka aqalka kaa jiidhay ka magdhabo. magdhane: magac loo bixiyo wiil magtiisu buuxdo oo aanay dhinnayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaldhabo
(fal) sakaraad oo wax mawtulgargaro ku jra ahaw. Iska qaldhabo oo tawxiidka ha illoobin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qardhabo
(Qardhaba-da)
Qalab manqaska u eg.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qardhabo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qalab yar oo bir ah oo ka kooban laba af oo is qabsata marka la isku riixo oo timaha iyo wixi lamida lagu siisiibo. 2. Nooc ka mid ah kelbadaha. 3.Manqas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qardhabo
m.dh (-ooyin, m.l) 1. Qalab yar oo bir ah oo ka kooban laba af oo is qabsata marka la isku riixo oo timaha iyo wixi lamida lagu sii-siibo. 2. Nooc ka mid ah kelbadaha. 3.Manqas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qardhabo
f. n. scissors, shears; tweezers, pincers
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qardhabo
-da: (magac, dhedig, keli) qalab manqaska u eg. Qardhabo ku qabo oo ku soo jiid. Dh: qabato.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qardhabo
Maqas-bireed, birhayle.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qardhabo
cf: manqas {S}
de: scissors, shears; tweezers, pincers
lx: qardhabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: qardhabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaydasho
m.f.dh eeg qaydo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadgado
f.mg3 (-atay, -adatay) Cid si aan raadkeeda loo arkin u socosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raadgado
v. cover up one's traces
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadgado
(fal) raadkaaga farsamo ku qari.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raadgado
de: cover up one's traces
lx: raadgado
pd: (raadgatay)
ps: v3b=intr
key: raadgado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaabso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Rakaab gaadiid ku rarasho. 2. Qof gaadiid fuulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaabso
(fal) rakaab gaadiid raaca ururso. Intuu roobku iman rakaabso
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
randàgio
agg. - meereysanaya.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raysasho
(Raysasha-da)
1. Sidii hore si ka roon oo dhaanta noqosho.
2. Fayoobi helid; bogsasho; doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raysasho
m.f.dh eeg rayso. la-mid: raysad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raysasho
-da: (n) recovery (ri-ka-vari) ~ ladnaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ka soo kabasho; dhib ama xanuun ku hayey ka soo roonaansho. Dh: raysad, bogsasho, doorsasho..
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayswalo
-da: (magac, dhedig, keli) roob qaaday qabowga ka dambeeya. Dh: qayood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxyaabo
m.l.w eeg wax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxyaabo
m. n., pl. things, substances
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxyaabo
-waxyaabaha: (n) [plural of wax] things (thingis); items (aay-temis) ~ sheyyaal, walxo. Ex: ... iyo waxyaabo kale... and other things
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxyaabo
-ha: (magacwadareed) shay yaal badan oo kala duwan. Dh: waxyaalo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxyaabo
de: things, substances Sg: wax
initial: w
lx: waxyaabo
pd: (/ha)
ps: n8-m-pl
key: waxyaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaydaamo
f.g3 (-aantay, -aamatay) Wax xaydaan u samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydaamo
-da: (magac, dhedig, keli) dayr ku wareejiso. Aqalka xaydaamo. Dh: deyro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaydasho
-da: (magac, dhedig, keli) marada jiilasho oo tafaha bannayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baysadhabo
f.mg3 (-btay, -batay) Socod cabsi ku jirto socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mardaddabo
m.dh la-mid: mardabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mardaddabo
-da: (magac, dhedig, keli) seelad ay khiyaamo ku jirto oo lagu sameeyo cid ku aammintay. Dh: dhagar, khatalaad, xeelad.