raxaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raxaabo
f.mg3 (-btay, -batay) Wax hadba dhan u liicid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raxaabo
(fal) wax hadba dhan u liic.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxaabo
(fal) kaxayso neef fardo ah; adiga oo aan fuushanayn xadhig ku hogaanso..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxajabo
m.dh la-mid: maxajabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaabso
f.g3 (-saday, -satay) 1. Rakaab gaadiid ku rarasho. 2. Qof gaadiid fuulid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaabso
(fal) rakaab gaadiid raaca ururso. Intuu roobku iman rakaabso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
waxyaabo
m.l.w eeg wax.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
waxyaabo
m. n., pl. things, substances
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
waxyaabo
-waxyaabaha: (n) [plural of wax] things (thingis); items (aay-temis) ~ sheyyaal, walxo. Ex: ... iyo waxyaabo kale... and other things
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waxyaabo
-ha: (magacwadareed) shay yaal badan oo kala duwan. Dh: waxyaalo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waxyaabo
de: things, substances Sg: wax
initial: w
lx: waxyaabo
pd: (/ha)
ps: n8-m-pl
key: waxyaabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabo
-da: (magac, dhedig, keli) koox, qayb. Dhawr raabo oo kala danbeeyay ayaa i dhaafay: Dh: kook, raxan, horin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xaabo
(Xaaba-da)
1. Qoryaha qallalan oo dabka lagu shido; qoryo; shidaal.
2. Wax kasta oo la shito.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaabo
m.dh 1. Qoryo qallalan oo shidaal gala. 2. Qoryo qallalan, jilicsan oo xorshosh ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaabo
m.dh 1. Qoryo qallalan oo shidaal gala. 2. Qoryo qallalan, jilicsan oo xorshosh ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xaabo
f. n. firewood, kindling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xaabo
xaabada: (n) firewood (faayer-woodh); brushwood (buraash-wuudh) qoryo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaabo
(fal) ururso wixii xaab meelahaa yaal. Orod madbakha soo xaabo hadaad hambo ka hesho.
xaabo -da: (magac, dhedig, keli) qoryo qallalan oo dabka lagu shidan karo. Dh: qoryo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xaabo
a: jaabo ~ jabo
de: firewood, kindling
initial: x
lx: xaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: xaabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaabo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aba'abayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
alaabo
m.dh.u la-mid: alaab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaxaab
qaxaab¹: m.l (-byo, m.dh) Nin saani ah oo macsida aad u jecel; dhilley.
qaxaab²: m.dh.u (-bo, m.l) 1. la-mid: qaxaabad. 2. Godad bahala galeen ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaxaab
f. n. grotto, big hole ~ hollow place (in a mountain)
qaxaab [feminine] n. prostitute
qaxaab n. rake, man who consorts with many prostitutes
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaxaab
-ta: (n) [Plural boholo-ha] 1. a large cave: cavern (kaaven); ditch (dhish); trench (tareenji) ~ bohol 2. qaxaab -ka: (n) male prostitute ~ dhillay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaxaab
-ka: (magac, lab, keli) hog weyn oo buur ku yaal oo dadka iyo xooluhuba galaan. Dh: god.
qaxaab -ta: ( magac, dhedig, keli ) bohol ama god weyn oo dhinac u hulan ama hoos u go'an.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rakaab
(Rakaab-ka)
1. Biraha kooraha labadiisa dhinac ka kala lusha, oo cagaha la geliyo kolka wax la fuulayo.
2. Dad socoto ah; cabbir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaab
m.l (-byo, m.dh) 1. Bir ka lalmata kooraha labadiisa dhinac midkood. 2. Qoryo ceelasha afkooda lagu sameeyo si loogu shubo ama loogu galo. 3. Dad gaadiid raacay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rakaab
m.l (-byo, m.dh) 1. Bir ka lalmata kooraha labadiisa dhinac midkood. 2. Qoryo ceelasha afkooda lagu sameeyo si loogu shubo ama loogu galo. 3. Dad gaadiid raacay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rakaab
m. n. stirrup; passenger, traveler
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rakaab
-ka: (n) passenger (paasan-jar); back-seat driver ~ rakuub, rukuub
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaab
-ka: (magac, lab, keli) in baabuur ama gaadiid kali uu mar qaado. Rakaabka diyaaraddu waa wada dalxiis. Dh: cabbir
rakaab -ka: (magac, lab, keli) biro kooraha labadiisa dhinac ka laalaada oo cagaha la geliyo kolka faraska la fuulayo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rakaab
bw: Arabic
de: stirrup; [ext. col.] passenger, traveler
lx: rakaab
pd: (-ka)
ps: n2a-m
syn: cabbir, socoto
key: rakaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rataab
(fal) wax kala daadsanaa habee oo isku ratib. Dh: habee..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saxaab
m.l (-byo, m.dh) Daruur.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
saxaab
m.l (saxaabyo, m.dh) Daruur.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taxaab
v. lead a horse by a rope; take by force, drag
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
taxaab
-ay -tay: (v) take hostage; capture (kap-jar); take captive ~ qafaal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxaab
(fal) cid kale, meel ku xeree oo xorriyadda ka qaad. Tuuggtii jeelka ayaa loo taxaabay.
taxaab: (fal) xadhig ku qabo oo la soco. Ha fuuline taxaab faraska.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taxaab
de: lead a horse by a rope; take by force, drag Alt sp: taxow
initial: t
lx: taxaab
pd: (taxaabay)
ps: v1=tr
key: taxaab
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaabo
-da: (magac, dhedig, keli) kolka qaadka curubka laga cuno inta ka hadha ee la daadiyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
janaabo
m.dh la-mid: jinaabo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabaabo
-da (magac, dhedig, keli) diirdiirinta dhiigga qof muruq hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladaabo
f.mg3 (-btay, -batay) Xoolo maalin walba biyo cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ladaabo
v. drink water every day (of livestock)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladaabo
(fal) maalin walba biyo ku noqo; maalin walba biyaha cab. Dh: durduuro.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ladaabo
bw: durduuro
de: drink water every day (of livestock)
lx: ladaabo
nt: ladaabad (ka) [vn-m], ladaabasho (/da) [vn-f]
pd: (ladaabtay)
ps: v3b=
key: ladaabo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
magaabo
-da: (magac, dhedig, keli) cantuugo caano ah oo mar afka aad looga buuxiyo. Magaabo geel maalin gellinkeed bay ku waddaa. Dh: kabbasho, cantuugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraabo
m.dh Dheeldheelliga uu sameeyo markab doon iyo wixi lamida oo badsaaran. la-mid: maraabe, maraame, maraamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maraabo
f. n. roll, rolling (with the waves)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraabo
-da: (magac, dhedig, keli) dheeldheelliga uu sameeyo markab doon iyo wixii la mid ah oo badsaaran. Dh: maraabe, maraame, maraamo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maraabo
a: maraabe
de: roll, rolling (with the waves)
lx: maraabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: maraabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxabbo
(Maxabba-da)
Jacayl; kalgacal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maxabbo
m.dh Jacayl. la-mid: muxubbo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maxabbo
m.dh Jacayl. la-mid: muxubbo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maxabbo
f. n., [abstract] love, affection
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maxabbo
-maxabbada: (n) love (laav); affection (affakshin); fondness (foondhnes) ~ kalgacaltooyo, kalgacayl; kalgacal
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maxabbo
-da: (magac, dhedig, keli) jacayl xoog ah. Dh: muxubbo, kalgacal, muxibbo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maxabbo
a: muxubbo
de: love, affection
lx: maxabbo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: maxabbo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaraabo
(Qaraaba-da)
Dad isu dhow oo abtirsiino ka dhexayso; xigto; sokeeye; cashiiro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraabo
qaraabo¹: m.dh.u Dad xagga hooyo ama aabbe xiriir dhalasho ka wadaaga.
qaraabo²: f.mg3 (-btay, -batay) 1. Miro, xabag iyo wixi lamida doonasho ama gurasho. 2. Wax aan la haysan oo loo baahan yahay dibadda ka doonasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaraabo
m.dh.u Dad xagga hooyo ama aabbe xiriir dhalasho ka wadaaga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaraabo
f. n., [collective] blood, relative form, ations, relatives, kin
qaraabo v. forage (for food); work to acquire; look for something one doesn't have
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaraabo
-qaraabada: (n) extended family; relatives (rela-tivis); kin (kin) ~ ehel, xigaalo, rixin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraabo
-da: (magac, dhedig, keli) dad xag aabbo ama xag hooyo wax iskaga ah oo nasab ahaan isku dhaw. Ninkaa qaraabo ma nihin. Dh: xigto, sokeeye, cashiiro, casabo..
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
qaraabo
أقرباء
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaado
f.mg3 (-aatay, -aadatay) Xoolo biyo ka kamiin jabiyey mar labaad cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rakaado
v. quench one's thirst for water after drinking for the second time in the same day (of livestock)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaado
(fal) ku nogo oo biyo mar kale cab intaanad ambabixin. Biyadiidka yaa rakaadada ku cabba. Dh: durduurad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rakaado
de: quench one's thirst for water after drinking for the second time in the same day (of livestock)
lx: rakaado
pd: (rakaatay)
ps: v3b=intr
key: rakaado
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramaalo
f.mg3 (-aashay, -aalatay) Dhul ku gurguurasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ramaalo
(fal) dhulka dushiisa ku gurguuro.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Raydabo
name-f tall tree (taller)
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
saxaabi
صحابي
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tagaabo
(Tagaaba-da)
Waxtar; kaalo; macaawino; taageero.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tagaabo
m.dh 1. Kaalmo; waxtar; taageero; macaawino. 2. la-mid: tagaabeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tagaabo
f. n. support, help
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tagaabo
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmo iyo waxtar cid loo sameeyo, tagaabo Alle ayaa lagu taajiraa. Dh: kaalmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tagaabo
de: support, help
initial: t
lx: tagaabo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: tagaabo
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
talaabo
pace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
talaabo
-da: (magac, dhedig, keli) kala bixinta labada lugood, kolka la soconayo, iyadoon orod ahayn. Alla hebel talaabo wacanaa. Li: orod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Taxaabe
(Taxaaba-ha)
Fardaha oo taxaabid lagu wado.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
taxaabe
m. n. rope used to lead a horse; person who leads a horse
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taxaabe
-ha: (magac, lab, keli) fardaha oo taxaabid lagu wado. Taxaabe ayaan fardaha ku kexeeyaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
taxaabe
de: rope used to lead a horse; person who leads a horse
initial: t
lx: taxaabe
pd: (/ha)
ps: n7-m
key: taxaabe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taxambo
m.dh Taabashada gacan furan si tartiib ah ruux loogu taabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xayaabo
(Xayaaba-da)
Lakab xalleefsan oo biyaha fadhiya iyo wixii la mid ah, korkooda ku samaysma.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xayaabo
m.dh Lakab qira yar oo fuula hooreyaasha, badanaa dabayshu xarfiso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xayaabo
f. n., (mass n.): scum
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xayaabo
-da: (magac, dhedig, keli) lakab xalleefsan oo doogo ah oo ku dul samaysma biyaha meel ku raaga ama durdur aan gu'in. Dh: saaruq.
xayaabo -da: (magac, dhedig, keli) xayaab ama dahaadh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xayaabo
de: scum
initial: x
lx: xayaabo
pd: (/da)
ps: n6-f-mass
key: xayaabo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raxaabasho
m.f.dh eeg raxaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araxdaaco
m.dh Deri.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
araxdaaco
f. n. lordosis, anterior curvature of the lower spine
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
araxdaaco
-araxdaacada: (n) an abnormal curvature of the spine in the lumbar region; lordosis (loodowsas)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
araxdaaco
de: lordosis, anterior curvature of the lower spine
lx: araxdaaco
pd: (/da)
ps: n-f
key: araxdaaco
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
majaxaabo
m.dh la-mid: manjaxaabin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majaxaabo
-da: (magac, dhedig, keli) hab wax lagu legdo oo inta qofka labada lugood la iskugu dhifto dhulka la dhigo. Nin kaa itaal roon majaxaabo ku legdi kari maysid. Dh: mijaxaabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mijaxaabo
m.dh la-mid: manjaxaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baxnaano
m.dh Ka dhursugidda wax sida ay ku dambeeyaan. la-mid: baxnaanin.