rawixi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawixi
(fal) goob shaqo ama dugsi iyo wixii la mid ah, ka kexee oo xaafad gee. Dh: rawixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel mehered ah ka tagid oo hooygaad degganayd aadid. Dh: rawaxid, hoyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawixin
-ta: (magac, dhedig, keli) goob shago ama dugsi iyo wixii la mid ah, dad ka kaxayn oo guy hoodii gayn. Dh: rawixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawixis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel mehered ab ka tagis oo xaafad u hoyasho. Dh: hoyasho, rawixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawaxi
(fal) goob shaqo ama dugsi iyo wixi la mid ah ka kexee oo xaafad gee. li soo rawaxi ciyaa baabuurkii baa geerash iga yaallee. Dh; rawixi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawixid
m.f.dh eeg dawax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrixi
f.g2 (-iyay, -isay) Si tartiib ah u engejin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kawrixi
v. dry something out
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawrixi
(fal) kawrax ka dhig. Dh: kafafi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kawrixi
de: dry s.t. out
lx: kawrixi
pd: (kawrixiyey)
ps: v2a=tr
key: kawrixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rawaxid
m.f.dh eeg rawax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawaxid
-da: (magac, dhedig, keli) meel mebered ah ka tagid oo hooygaad degganayd aadid. Dh: rawixid, hoyad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawaxin
-ta: (magac, dhedig, keli) goob shaqo ama dugsi iyo wixii la mid ah, dad ka kaxayn oo guryohoodii gayn. Dh: rawixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawaxis
-ta: (magac, dhedig, keli) meel mehered ah ka tagis oo xaafad u hoyasho. Dh: hoyasho, rawixis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rawax
rawax¹: m.l (-xyo, m.dh) Dhul bannaan oo sarreeya dhagaxna leh.
rawax²: f.mg1 (-xay, -xday) Hawl-maalmeed wakhtigeedii dhamaaday ka nasasho tegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rawax
f.mg1 (-xay, -xday) Hawl-maalmeed wakhtigeedii dhamaaday ka nasasho tegid. m.f.dh, rawaxid.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rawax
Reg
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawax
(fal) hoygaaga u hoyo kolkaad shaqada dhammayso. Shaqadii waad dhammaysayerawat Dh: hoyo.
rawax-a: (magac, lab, keli) meel banaan quruurux leh oo dhulka kor uga saraysa. Rawaxi ayaan degney. Dh: barrin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kabixi
-yey / say: (v) 1. take out; remove (rimuuv); extract (ikis tarakt). 2. make a payment on behalf of someone
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barabixi
(fal) cid kale, barada uu ku soo koray ka saar. Dh: barakici, qixi. Li: deji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawrixid
(Kawrixid-da)
Kawrax noqosho; kafafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrixid
m.f.dh eeg kawrax².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawrixid
-da: (magac, dhedig, keli) kawrax noqosho. Dh: kafafid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kawrixin
(Kawrixin-ta)
Kawrax ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrixin
m.f.dh eeg kawrixi. la-mid: kawrixis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawrixin
-ta: (magac, dhedig, keli) kawrax ka dhigid. Dh: kafafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawrixis
m.l la-mid: kawrixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raawisid
(Raawisid-da)
(doon, markab) majare ku wadid, ku toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raawisid
m.f.dh eeg raawis³. ld. raawis¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raawisid
-da: (magac, dhedig, keli) doon ama mar kab majare toosan ku wadid oo ku toosin.
raawisid -da: (magac, dhedig, keli) saawir afdaran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawilid
m.f.dh la-mid: awaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawilid
-da: (magac, dhedig, keli) saadaasha iyo ifafaalaha wax soo socda ka warramid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baarixi
(fal) ka dhig wax baarixiyoobay ama la iibsan waayay. Baarixi badeecaddaada, berri bay qaaliyoobaysaaye.
baarixi -ga: (magac, lab, keli) wax la iibinayey oo habeen ka dumay; badeecad maalintii loogu talo galay iibsami weyday oo subaxii danbe la lib keeno. Dh: baari, baryood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barbixi
f.g2 (-yay, -say) Nafley, dhibaato xilli kulul ka samatabixin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barbixi
f.g2 (-yay, -say) Nafley, dhibaato xilli kulul ka samatabixin. m.f.dh, barbixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bawisid
m.f.dh eeg bawis². la-mid: bawis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la waayay, beddelkiisii keenid ama siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawimid
m.dh la-mid: caawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawimid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; caawimid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawinid
m.dh la-mid: caawinid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawirid
m.dh la-mid: cawarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawiyid
m.dh la-mid: caawiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawikhi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: dawakhi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dawikhi
v. cause someone to stagger; inebriate, make someone get drunk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawikhi
(fal) wareeri oo maanka iyo miyirka iskaga dar. Dh: wareeri.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dawikhi
de: cause s.o. to stagger; inebriate, make s.o. get drunk rw: dawakh
lx: dawikhi
pd: (dawikhiyey)
ps: v2a=tr
key: dawikhi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drawing
/droowing/ (n) sawir; sawiris.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
drawing
n., sawir, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasixid
(Fasixid-da)
Fasax siin; wax qabashadood ama yeeliddood oggolaansho; sii deyn; ruqsayn; aftixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasixid
m.f.dh eeg fasax². la-mid: fasaxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasixid
-da: (magac, dhedig, keli) oggolaansho iyo rukhsad siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaagixi
f.g2 (-iyay, -isay) la-mid: gaaggixi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaagixi
(fal) neef godladay, wax caanaha ku celiya, samee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin la isku hayo cid kala doodid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
garbixi
f.g2 (-iyay, -isay) Arrin la isku hayo cid kala doodid. m.f.dh, garbixin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garbixi
v. render justice (between two people)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garbixi
(fal) dad isdiiddan garta u qaybi oo caddaalad ku kala saar.
garbixi: (fal) qof wax diiddan xaqiisa sii oo in uu kula garramo u oggolow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garbixi
de: render justice (between two people) (with preposition compound kala)
lx: garbixi
pd: (garbixiyey)
ps: v2a=tr
key: garbixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hawirid
(Hawirid-da)
Wax liita ka dhigid; dhawrid la'aansho; xannaano-darrayn; laayicid; luggooyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hawirid
m.f.dh eeg hawir². la-mid: hawir¹ (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hawirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax liita oo aan macno ku fadhiyin ka dhigid. Dh: yasid; shilid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ibabixi
(fal) naaso dad ama duunyo u bannee marin caanood; naaso gufo ama furo ugubnimo ka saar. Qaalintayda waan ibabixinayaa oo farabarayaa. Dh: furabixi, ibabixi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ka nixi
v. frighten ~ startle someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ka_nixi
de: frighten ~ startle s.o.
lx: ka nixi
pd: (nixiyey)
ps: v2a=expr
key: ka_nixi
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabixin
vl. n. output
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabixin
cf: soosaarid; rw: bax ~ bixi
de: output
lx: kabixin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: kabixin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabixis
m.l.kh K. ah: nafley xoog yaraatay qabow awgiis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kawirid
m.f.dh eeg kawir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kawirid
-da: (magac, dhedig, keli) doon ama markab meeshii loo socday meel aan ahayn u weecin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kowrixi
f.g2 (-iyay, -isay) Hilib kowrax ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kowrixi
(fal) hilib kowrax ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masiixi
(Masiixi-ga)
Qof diinta Kiristaanka haysta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masiixi
m.l (-iyiin, m.dh) (dii.) Qof diintii nebi Ciise haysta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masiixi
m.l (-iyiin, m.dh) (dii.) Qof diintii nebi Ciise haysta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Masiixi
m. n. Christian man
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Masiixi
(n) see [eeg] kiristaan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masiixi
-ga: (magac, lab, keli) qof haysta diinta kiristaanka. Dh: kiristan. wa: masiixiyiin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Masiixi
bw: Arabic
cf: Kirishtaan, Nasraani
de: Christian man
lx: Masiixi
pd: (-ga Pl: Masiixiyiin (ta))
ps: n2a-m, n8-m
key: Masiixi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masixid
m.f.dh eeg masax². la-mid: masax¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Matixid
(Matixid-da)
(is matixid) Is-giriirixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
matixid
m.dh la-mid: mutuxid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
matixid
-da: (magac, dhedig, keli) qaawin oo mudh iyo gacan ka dhigid. Matixid ragbaa ku roon.
matixid -da: (magac, dhedig, keli) orod aad ah ordid. Matixid lagu tartamaa waa nin iyo taagtii.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mawlici
-ga: (magac, lab, keli) qof mowlac tegistiisa badsada ama inta badan u khidmeeya. Muruudku waa mawlici. Dh: saaxibmaqaam.
mawlici -ga: (magac, lab, keli) qof goobaha la wada fadhiisto u badan oo reermagaal ah. Ninka mawliciga ahi waa sheeka yagaan.
mawlici -ga: (magac, lab, keli) qof qaadka aad u cuna. Dh: muqayil, jaadqamax.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naajixi
f.g2 (-iyay, -isay) Wax naajax ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naajixi
(fal) arrin ama wax kale, guul ka dhig.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nawaaxi
m.l.u Dhulka ku xeeran hadba meesha laga hadlayo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
nawaaxi
m.l.u Dhulka ku xeeran hadba meesha laga hadlayo.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
nawaaxi
-da / ga: (n) surroundings (sa-rawndhingid); outskirts (awt-iskeerts);
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nawaaxi
-ga: (magac, lab, keli) baal iyo meel hareeraha ah oo dhow. Dh: agagaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
nawirid
m.f.dh eeg nawir². la-mid: nawir¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nawirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax nuuraya la dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qayixid
(Qayixid-da)
Wax qayaxan ka dhigid; diirid; caddayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qayixid
m.f.dh eeg qayax².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raajici
-yey /sey (v) give a fair measure on the balance
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raajici
(fal) arrin daba soco oo kolba halkay marayso ka warhay. Bar warraqahaygii ii raajici.
raajici: (fal) gabadh la furay dib u soo celi inta ay ciddada ka bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raarici
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel sare ka soo laallaadin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raarici
f.g2 (-iyay, -isay) Wax meel sare ka soo laallaadin. m.f.dh, raaricin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raarici
v. cause to dangle, dangle
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raarici
-yey / say: (v) hang down so as to make free of movement; suspend (saspeendh)-, dangle (dhaang-gel) ~ laallaadi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raarici
(fal) wax meel sare ka soo laallaadi. raarid: (fal) meel sare ka soo dhaadhici, Ciidanka malkada ka raarid.