rat
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rat
/raat/ (n) jiir (doolli).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rat
rat, n.m. - jiir; dooli
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rat
n., jiir, -ki; a small rat, jiir yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awr
(Awr-ka)
Geela kan lab; Rati.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddaysimo
(Caddaysima-da)
1. Rati aan rar saarrayn.
2. (fallaar) aan dhobnayn; aan waabaayaysnayn; caddaysin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaan
(Dhaan-ka)
Rati ama gaadiid kale oo weel biyood saaran yahay, oo inta ceel ama webi ama meel kale, oo biyo ku jiraan la geeyo, biyo lagu soo qaato.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaansasho
(Dhaansasha-da)
Rati ama wax kale oo weel biyood saaran yahay, ceel ama webi ama meel kaloo biyo ku jiraan geyn oo biyo ku soo qaadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhibidhisasho
(Dhibidhisasha-da)
Ratiga qooqan kolka uu dhibida isku dhaama hayo: kolkuu carto oo uu dagaal maaggan yahay, buu wuxuu isku daraa doobbin iyo miciyo lisasho iyo isagoo kaadi isku dhaama: intuu kaadida kaleetiyo buu hadba dabada u dhigtaa oo iyadoo ka da'aysa kor isugu sayriyaa, oo haddana qooyaa oo isku sayriyaa. kd.; Ratigu kolkuu dhibidhisana hayo, wuxuu yeeshaa muuqaal aad looga argaggaxo; dhibilisasho (ama dhebidhisasho).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhoocil
(Dhoocil-ka, Dhooci-sha)
1. Wiil ama gabar aan guri ama dugsi edebta bara helin oo hadal xun iyo cay badan.
2. Rati weyn; xaaswalwaal; biyammaddaadshe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hayin
(Hayin-ka)
Rati la rarto oo aan layli ahayn; biyammaddaadshe; xaaswalwaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegan
1. Heeggan.
2. (rati, kd.) la heegey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Heegid
(Heegid-da)
Rati ama wax kale lugti iyo geed ama wax kaloo negi, xarig iskula xirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ju'in
(Ju'in-ta)
(rati) Ju! ku dhihid; fariisin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Koron
(Koron-ka)
Rati la dhufaanay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Layli
(Layli-ga)
1. Waxbarista hore; carbis; tababbar.
2. (rati) aan weli rarkii baran; buubaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maxmil
(Maxmil-ka)
Maro xariir madow ah oo tel iyo Quraan lagu qurxiyey, oo qaali ah oo Kacbada la huwiyo; Rati la garqaadayo baa Maka lagu keenaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qarqarsi
(Qarqarsi-ga)
1. Rati fadhiya oo jeenyihiisa iyo surkiisa xarig layskula qabto, si uusan u kicin inta la rarayo.
2. Hawaan; xoog; dirqi; khasab; sandulle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raatib
(Raatib-ka)
1. Wax weligood waqti go'an la sameeyo; joogto; rukun (ama ratib).
2. Iniinaha tusbaxa labo kamid ah oo iyagu dhuudhuuban, middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rakuub
(Rakuub-ka)
Ratiga la fuulo oo sida fardaha loo jareeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ratib
(Ratib-ka)
1. Wax waqti go'an (sano walba ama bil walba ama maalin walba, ...) la sameeyo, la yeelo.
2. Agaasin; nidaam.
3. Joogto; rukun, (ama raatib).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afbaro
f.mg3 (-rtay, -ratay) Ilmo yar, sida loo hadlo barasho.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
raft
/raaft/ (n) huuri (alwaaxyo laysku rakibay oo doon laga dhigto).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rant
/raant/ (v) si kulul u hadlid (si qiira leh u hadlid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rapt
/raapt/ (adj) qushuuc leh (niyaddoo dhan siin, si qushuuc ku jiro).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rapt
rapt, n.m. - geed midhihiisa saliidlaga helo
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
rata
s.f. - lacag in in loo bixiyo ama loo qaato, hafto.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rate
Dhakhso
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rate
/reyt/ (n) 1. sicir (siiba qiimaha lacageed ee laga bixiyo shaqo) 2. saami (nisbo, tiro marka la bar-bar dhigo tiro kale) 3. qadar (caddad) 4. dhaqso (dhaqsaha xawaaraha).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rate
rate, n.f. - beer yarada
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
raté
raté, adj. - saagid
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rate
n., ganac, -i.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rati
(Rati-ga)
Neef geel ah oo lab; awr.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rati
m.l Lab geel oo da'dii rarashada gaaray.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rati
m. n. male camel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rati
-ga: (n) male camel used to carry loads; dromedary (dharooma-dheey) ~ awr
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Rati
(I) Cammello maschio, generico;
(E) Male Camel, generic
(S) Ratti (S. g.: Ratti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rati
-ga: (magac, lab, keli) neef geel ah oo lab; awr la rarto. Rati rati eryaayo iyo nin naagi eryeyso midna kaama leexdo. Dh: awr.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rati
bw: hal, geel
de: male camel
lx: rati
pd: (-ga)
ps: n2-m
syn: awr
key: rati
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
rati
جمل، بعير
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
at
prp., ku; at sea, badduu kusoo jiraa or badduu soo socdaa; at home, aqalkii buu joogaa, at your house, aqalkaagi buu joogaa; at-hand, dhowyahay; at leisure, goortaanan hawl kale lahayn; at ease, barax; at a stand, waan werwersanahay; at a loss, waan raagsanahay; we are at odds, col baannu nahay, or xer baannu leenahay, or waannu is qoonsanaa, or qoonsimaad baa na dheḥ yaal; at this moment, iminkadaan, goortaan, haddataan, goorta tan oo kale; at this day, maalintan, dharaartan oo kale, caanamaalkan; at that time, goortaasaa, kolkaasaa; at one time or other, mar ama mar kale; at that time or the other, goortaa ama goorteedahan; at no time, kolla, kolna, hadna, goorna; at last, kolki dambese; at first, kolki horay; at the very first, goorti ugu horaysay; at the first coming of the governor, serkaalka imaadkiisii horay; at once, mar keli ah; all things are ordered at the will of God, wax waliba hawlka Eebbahay bay ku socdaan or baa hagaajiya.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-at
de: [AUTOBENEFACTIVE]
lx: -at
ps: v3-suf
xe: you slept
xv: -o ~ -an
key: -at
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bat
/baat/bats, bating, batted; (n) 1. ul lugu ciyaaro kubadda oo lugu tuur-tuuro. (beeysboolka). e.g. a baseball bat (n) 2. fiid-meerta. e.g. I saw a vampire bat last night. (n)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bat
/baat/ (n) 1. kibilly. 2. ully boloonighy beeysboolky lyky dheelaaw. (v) 3. ky dhowow.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
bât
bât, n.m. - saalada; dhiriqda; dhabcanta; xaarka xoolaha
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bat
n., (flitter mouse) fiidmeer, -ti.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
cat
/kaat/ (n) yaanyuur; mukulaal.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
cat
/kaat/ (n) mukulaal, gnaaw, gnaagnuury.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
cat
n., bisad, -di, dinnad, -di; male cat, curri, -gi; wildcat, dinnad habishi; civet cat, dinnad sabad, -di; small cat, dinnad yar.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
eat
/iit/ (v) cunid.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
eat
v.tr., cun; be eaten, lugu cun; it is eaten, la cun.
Qaamuuska Ereybixinta: Bayoolaji (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Fat
Dufan
Qaamuus-Yare Caafimaad: Ingiriis-Soomaali - Deeqa Cali [1999]
fat
(n) the main storage and source of energy in humans.
baruur
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fat
/faat/ (adj) 1. buuran, cayillan, shilis ah (n) 2. baruur, caddiin.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
fat
a., shiilis, buuran, naxsan; become fat, naax; n., baruur, -ti; dayi, -gi; the fat of the tail, badhi, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hat
/haat/ (n) koofiyad, koofi.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
hat
n., koofiyad, -di.
Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
mat
derin
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
mat
/maat/ (n) salli; sajaayad; derin (dermo yar).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mat
mat, adj. - aan dhalaalin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
mất
mất, nam. - Dakhal; Baalo; tiir weyn.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
mat
n., dermo, -adi, xarar, -ki, kebed, -di.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pat
/paat/ (n) 1. dharbaaxo khafiif ah (dharbaaxo fudud, badanaa gacal cun ah) 2. gobol yar (xoogaa xabag ah oo kale).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
pat
v.tr., salaax; n., (light blow) salaaxid, -di.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ra'
de: R [letter of the Somali alphabet] Voiced alveolar roll or trill; can be double
lx: ra'
pd: (-da)
ps: n-f
key: ra'
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rab
(Rab-ta)
Meel kooban; kob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rab
rab¹: m.l Qarka meesha ugu sarreysa oo aan la fuuli karin.
rab²: m.dh Meel; kob.
rab³: f.g1 (-bay, -btay) Wax niyadda ka jeclaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rab
rab¹: m.dh Meel; kob.
rab²: f.g1 (-bay, -btay) Wax niyadda ka jeclaysasho. m.f.dh, rabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rab
v.aux: want, desire; be about to
rab [feminine] n. narrow place; place
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rab
-ay / tay / een / nay: (v) want (waant); wish for (wiish foor); need (niidh); desire (di-zaayer). Ex: maxaad rabtaa? what do you want?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rab
(ereycodeed) lagu tusmeeyo jabaqda bootinta. Bood oo rab dheh.
rab: (fal) niyadda wax ka doon, qalbiga ka jeclaw. Wanaagga rab xumaantana diid. Dh: doon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rac
m.l Kooxo nafley ah oo si nidaam leh isu dabajooga middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rad
f.mg1 (-day, -dday) 1. Badar wax la qooyay oo jilcay noqosho. 2. Maro muddo biyo ku dhex jirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rad
f.mg1 (-day, -dday) 1. Badar wax la qooyay oo jilcay noqosho. 2. Maro muddo biyo ku dhex jirid. m.f.dh, radid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rad
v. get soaked (of something like grain, cereal)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rad
-ay / day: (v) become soft by soaking up moisture, fade (feeydh)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rad
(fal) aad u qoy oo in badan biyo ku dhexjir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rad
de: get soaked (of s.t. like grain, cereal)
lx: rad
pd: (raday)
ps: v1=intr
key: rad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raf
-ka: (magac, lab, keli) waddo ciid ah oon daamur lahayn. Waddo raf ah ayaan soo marnay Dh: gorfe, qarfe.
raf-ka: (magac, lab, keli) khaanaadaha mafrashka middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rag
(Rag-ga)
Dadka intiisa lab oo waaweyn; niman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rag
m.l.u 1. Koox dad ah oo lab. 2. R. ah: qof karti iyo awood dheeraad ah leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rag
m.l.u 1. Koox dad ah oo lab. 2. R. ah: qof karti iyo awood dheeraad ah leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rag
m. n., [collective] men, mankind (males only), male people
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rag
/raag/ (n) 1. calal (istiraasho). (v) 2. foorjayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rag
-ga: (n) [plural of nin] men (meen) ~ niman-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rag
-ga: (magacwadareed) magac guud oo koobsada dadka inta lab. Wuxuu rag u kaco, Rabbina aqbalo, miyuu raagaa. Dh: niman. Li: dumar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rag
cf: nin
de: men, mankind (males only), male people
lx: rag
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: rag
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rag
n., calal, -ki, harqad, -di, suuf,-ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rah
(Rah-a)
Bahal yar oo birriga korkiisa iyo biyaha gudohoodaba ku nool; wuxuu lee yahay afar addin, labo lugood oo aad u xoog badan iyo labo jeeni oo gaaggaaban, iyo oogo qoyan oo jilicsan. Markuu rah dhab ah noqdo oo lullumannimada dhaafo, dabo ma leh. Itaalki waa booddo dheer yahay; rake.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rah
m.l.u (cilmiga naflayda) Berribiyood aan lahayn dabo, leh laba lugood oo ka dhaadheer kuwa hore, boodboodka ku socda, marka uu biyo ku dhex jirana sameeya dhawaaq badan, xubno cad oo adagna qawlallada ku yeesha. la-mid: rake.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rah
m.l.u (cilmiga naflayda) Berribiyood aan lahayn dabo, leh laba lugood oo ka dhaadheer kuwa hore, boodboodka ku socda, marka uu biyo ku dhex jirana sameeya dhawaaq badan, xubno cad oo adagna qawlallada ku yeesha. la-mid: rake.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rah
m. n. frog, toad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rah
-a: (n) frog (faroog)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rah
-a: (magac, lab, keli) noole yar oo berribiyood ah oo leh afar addin iyo ubuc jilicsan oo aad u qabaw oo jillaalkii dhoobada isku qariya xareeddana soo baxa oo ci' dheer leh. Rah hadduu biyo waayo dhoobaduu ku raftaa. Dh: rake.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rah
de: frog, toad
lx: rah
pd: (-a Pl: rahah (a))
ps: n4-m, n2a-m
key: rah
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
rah
ضفدع
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ram
/raam/ (n) 1. wan (wanka sumalka ah ee idaha loo hayo) (v) 2. ku dhicid (xoog u hardiyid).
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Ram
(I) Montone;
(S) ALEN (S. c. m.; Alén); WAN (S. g.: Uàn)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ram
n., wan, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ran
(Ran-ka)
Waraaqaha turubka intooda midabka leh.