rasaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasaysan
La raseeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la raseeyay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rasaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la raseeyay ahaansho. m.f.dh, rasaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rasaysan
der. [adjective] stacked
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rasaysan
-rasaysnaa / rasaysnayd: (adj) shelved (shaalvidh); piled (paaylidh)-, stacked (istaakidh) ~ rasan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysan
(tilmaame) la is dul saaray oo la raseeyay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rasaysan
de: stacked
lx: rasaysan
pd: (rasaysnaa)
ps: adj-der
key: rasaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasaysan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax gaso la geliyay ahaansho (xoolo).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masaysan
(tilmaame) isku mid ah; siman oo waxba is dheerayn ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xasaysan
Meel xas ah la geliyey, lagu qariyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xasaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la xaseeyey ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xasaysan
der. [adjective] hidden
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xasaysan
-xasaysnaa / xasaysnayd: (adj) buried (beeridh); concealed (kon-siilidh); hidden (hi-dhen)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaysan
(tilmaame) qarsoon oon la arkayn ah. Lacag meel ku xasaysan ayaan helay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xasaysan
de: hidden
initial: x
lx: xasaysan
pd: (xasaysnaa)
ps: adj-der
key: xasaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nafley rabsho la kulantay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rabshaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nafley rabsho la kulantay ahaansho. m.f.dh, rabshaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshaysan
(tilmaame) xiisad lagu kiciyay amala fidneeyay ah. Nin rabshaysani ra'yi ma keeno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasadaysan
(tilmaame) wax rasad ku xidhan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysnaan
m.f.dh eeg rasaysan. la-mid: rasaysnaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax rasaysan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waddaysan
La waddeeyey; korka iska saarsaaran; rasaysan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rasan
-rasnaa / rasnayd: (adj) piled (paaylidh); stacked (istaakidh) ~ rasaysan
rasan -rasnaa / rasnayd: (adj) sloppy (islaapi); untidy (an-taaydhi) ~ kala-daadsan,, aan hufnayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax rasaysan ka dhigasho; taallaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasee
(fal) is dul dhigdhig oo wax rasaysan ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waddaysan_2
cf: rasaysan
de: piled up, stacked
hm: 2
initial: w
lx: waddaysan
pd: (waddaysnaa)
ps: adj-der
key: waddaysan_2
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
accumulated
a.v., tulan, rasaysan, urursan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
heapy
a., tulan, rasaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawsaysan
(tilmaame) meel caws lagu goglay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
khasaysan
der. [adjective] ashamed, embarrassed
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
khasaysan
cf: khaso
de: ashamed, embarrassed
lx: khasaysan
pd: (khasaysnaa)
ps: adj-der
key: khasaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masayrsan
Masayr hayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masayrsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid masayr hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
masayrsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Cid masayr hayo ahaansho. m.f.dh, masayrsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masayrsan
der. [adjective] jealous
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masayrsan
-aa: (adj) jealous (jel'as) envious (enviyas)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masayrsan
(tilmaame) hinaase hayo oo maan rogan ah. Dh: hinaasan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masayrsan
de: jealous
lx: masayrsan
pd: (masayrsanaa)
ps: adj-der
key: masayrsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax raaxo ku jiro ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raaxaysan
der. [adjective] at ease, comfortable, pleased, delighted
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxaysan
(tilmaame) mid raaxo ku jira ah. raaxaysi -ga: (magac, lab, keli) eeg raaxaysad
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raaxaysan
de: at ease, comfortable, pleased, delighted
lx: raaxaysan
pd: (raaxaysnaa)
ps: adj-der
key: raaxaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaysan
rabbaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Ubad si habboon u barbaarid. 2. Xayawaan rabbaayad noqosho.
rabbaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Ubad si habboon u barbaaray ahaansho. 2. Xayawaan rabbaayad ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rabbaysan
rabbaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Ubad si habboon u barbaarid. 2. Xayawaan rabbaayad noqosho. m.f.dh, rabbaysmid.
rabbaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Ubad si habboon u barbaaray ahaansho. 2. Xayawaan rabbaayad ahaansho. m.f.dh, rabbaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysan
(tilmaame) qof dhaqan wanaagsan lagu soo barbaariyey ah. Dh: edbisan.
rabbaysan: (tilmaame) xayawaan carbisan ah. Ey rabbaysan waa lagu ugaadhsan karaa. Dh: laylyan, jabsan, tababbaran.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rablaysan
(tilmaame) timo rable u xidhan ah. Gabadh timo rablaysan baa daaradda fadhida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasaasayn
(Rasaasayn-ta)
1. Rasaas ka dhigid.
2. Xabbado ama saanad ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaasayn
m.f.dh eeg rasaasee. la-mid: risaasayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rasaas ku aa'id. Rasaasayn baa libaaxii lagu dilay. Dh: xabbadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rushaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Dhul wax biyo si habaysan loogu bilbilay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rushaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Dhul wax biyo si habaysan loogu bilbilay ahaansho. m.f.dh, rushaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rushaysan
der. [adjective] sprayed, sprinkled
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rushaysan
(tilmaame) biyo ku biifasan ah.
rushaysan: (tilmaame) hub lagu garaacay ah. Magaalo rushaysan oo burbursan baan aragnay. Dh: bilbilan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rushaysan
de: sprayed, sprinkled
lx: rushaysan
pd: (rushaysnaa)
ps: adj-der
key: rushaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasayn
(Rasayn-ta)
Raso ka dhigid; is kor saarsaarid; taallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasayn
m.f.dh eeg rasee. la-mid: rasays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si habaysan isku dul dhigdhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasays
m.l la-mid: rasayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasays
-ka: (magac, lab, keli) eeg rasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afaysan
Af leh; soofaysan; lisan; looshan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysan
afaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax af leh noqosho.
afaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax af leh ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
afaysan
der. [adjective] sharp, sharpened
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Afaysan
aigu.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afaysan
(tilmaan) af wax jara leh; wax soofaysan ahaan. Waran afaysan baad soo iibsatay. Dh: lisan, looshan, soofaysan. Li: saawir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
afaysan
de: sharp, sharpened
lx: afaysan
pd: (afaysnaa)
ps: adj-der
syn: soofaysan
key: afaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajaysan
(tilmaame) biyo walaaqan oo dhooqaysan; biyo wasakhaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasan
asaasan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax asaasan noqosho. Tusaale: “Dhismihii dugsiga cusub weli ma asaasmin”. la-mid: aasaasan¹.
asaasan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la asaasay ahaansho. la-mid: aasaasan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asaasan
asaasan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) Wax asaasan noqosho. Tusaale: Dhismihii dugsiga cusub waa asaasmay. m.f.dh, asaasmid. la-mid: aasaasan¹.
asaasan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la asaasay ahaansho. Tusaale: Dhismihii dugsigu waa asaasan yahay. m.f.dh, asaasnaan. la-mid: aasaasan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasan
(tilmaame) wax bilaaban oo hor leh. Hawl iska asaasan uun baan dhexda kaga soo dhacay, dabadeed na waan sii waday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacsan
f.g4 (-naa, -nayd) 1. Ku r.: qof, cid kale la fikrad ahaansho. 2. Wax meel ama wax kale ka tirsan ahaansho. 3. Wax wax kale ku dhinac samaysan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raacsan
f.g4 (-naa, -nayd) 1. Ku r.: qof, cid kale la fikrad ahaansho. 2. Wax meel ama wax kale ka tirsan ahaansho. 3. Wax wax kale ku dhinac samaysan ahaansho. m.f.dh, raacsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raacsan
der. [adjective] following
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raacsan
-aa / ayd: (adj) 1. associated (a-soo-shiyeeytidh); associate with; 2. next; following, subsequent
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacsan
(tilmaame) ayidsan oo maamul ama nidaam jira taageersan. Shicib Hoggaankooda raacsan lama jebiyo.
raacsan: (tilmaame) ka tirsan oo qayb ka ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raacsan
de: following
lx: raacsan
pd: (raacsanaa)
ps: adj-der
key: raacsan
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Raagsan
name-f to be durable; live long. Lit: the long-staying one (may you live long!)
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasayso
f.g3 (-stay, -satay) Alaab si habaysan isu dul saarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasayso
(fal) alaabo ama wax kale taallayso; is dul dhigdhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabaysan
(tilmaame) wax habaysan oo wanaagsan ahaan. Eebbe taladeenna mid aabaysan ha ka yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafaysan
(tilmaame) qof ama wax kale oo cillad iyo dhib gaar ah qaba. Dh: ibtilaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasaasan
aasaasan¹: f.mg1 (-smay, -santay) la-mid: asaasan¹.
aasaasan²: f.mg4 (-snaa,-snayd) la-mid: asaasan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasaasan
(tilmaame) wax unkan oo an ebyanayn. Xisbi aasaasan ayuun baa lagu hawlgali karayaa. Dh: billaaban, anbaqaadan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqsaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: asqaysan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqsaysan
der. [adjective] very thirsty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqsaysan
(tilmaame) qof aad u oomman. aqsaysan: (tilmaame) qof dayoobay oo jahadu ka luntay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aqsaysan
a: asqaysan
de: very thirsty
lx: aqsaysan
pd: (aqsaysnaa)
ps: adj-der
key: aqsaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asmaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax asma lagu gamay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asmaysan
der. [adjective] cursed
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asmaysan
(tilmaame) mid la asmeeyey; mid asmo qaba.
asmaysan: (tilmaame) ilmo sancaysan; ilmo la xoqay. Ilmo asmaysan baad dhakhtarka keenaysaan!
asmaysan: (tilmaame) meel ama wax kale oo leh calaamo lagu garto.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asmaysan
de: cursed
lx: asmaysan
pd: (asmaysnaa)
ps: adj-der
key: asmaysan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asqaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Nafley jahawareersan ahaansho. 2. Qof aqso hayso ahaansho. la-mid: aqsaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asqaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Nafley jahawareersan ahaansho. 2. Qof aqso hayso ahaansho. m.f.dh, asqaysnaan. la-mid: aqsaysan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asqaysan
(tilmaame) qof aad u oomman. Nin asqaysan biyo looma tilmaamo. Dh: harraadan.
asqaysan: (tilmaame) qof jahadu ka lusan tahay: hallawsan oo jidka garamarsan. Dad asqeysan lama loodiyoo waa inkaar qaba e. Dh: dhama'san, dayeysan, dayowsan, hallawsan.
asqaysan: (tilmaame) qof wareersan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Astaysan
Asto loo yeelay; calaamaysan; suntan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) la-mid: astaamaysan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
astaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la asteeyay ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
astaysan
der. [adjective] marked, branded, stamped, symbolized
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astaysan
(tilmaame) mid calaamadaysan oo asto loo yeelay. Dh: suntan, astaamaysan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
astaysan
de: marked, branded, stamped, symbolized
lx: astaysan
ps: adj-der
key: astaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bacaysan
(tilmaame) wax la baceeyay ah; wax bac ku jira ah. Alaabtu way bacaysan tahay.
bacaysan: (tilmaame) cid sas ama cabsi qabta ah; noqday qof haad ka carar ah.