rasays
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasays
m.l la-mid: rasayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasays
-ka: (magac, lab, keli) eeg rasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasayso
f.g3 (-stay, -satay) Alaab si habaysan isu dul saarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasayso
(fal) alaabo ama wax kale taallayso; is dul dhigdhigo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masays
-ka: (magac, lab, keli) isku mid ka dhigid; is barbar dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasaas
(Rasaas-ta)
1. Macdan ka samaysan naxaas iyo maar.
2. Saanad; xabbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaas
m.dh 1. Xabbad. 2. Macdan ka samaysan naxaas iyo maar. la-mid: risaas.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rasaas
f. n., [collective] ammunition, bullet, cartridge; brass
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rasaas
name-m ammunition, bullet, cartridge; brass. Cf: Xabad (Arb)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rasaas
-ta: (n) ammunition (am-yuni-shin); bullets (bulitis) ~ xabado, saanad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Rasaas
magac loo baxsho wiil laga filanayo geesinimo oo rasaas ama gumuc sidoodii ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaas
-ta: (magac, dhedig, keli) walax ka samaysan naxaas, bir iyo baaruud qarxisa oo lagu dagaallamo oo wax disha. Dh: xabbad.
rasaas-ta: (magac, dhedig, keli) biro yaryar oo macdan ah oo lagu taxo qaybta hoose ee shabaagta si ay hoos ugu jiiddo dhinaca ay ku taxan tahay una kala baxsanaato.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rasaas
bw: Arabic
de: ammunition, bullet, cartridge; brass
lx: rasaas
pd: (-ta)
ps: n-f-col
key: rasaas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasayn
(Rasayn-ta)
Raso ka dhigid; is kor saarsaarid; taallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasayn
m.f.dh eeg rasee. la-mid: rasays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si habaysan isku dul dhigdhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasays
-ka: (magac, lab, keli) xas ama meel qarsoon oo kale ku qarin. Dh: xasayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Waddaysan
La waddeeyey; korka iska saarsaaran; rasaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysasho
m.f.dh eeg rasayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysnaan
m.f.dh eeg rasaysan. la-mid: rasaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysnaansho
m.l/dh la-mid: rasaysnaan.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rasan
-rasnaa / rasnayd: (adj) piled (paaylidh); stacked (istaakidh) ~ rasaysan
rasan -rasnaa / rasnayd: (adj) sloppy (islaapi); untidy (an-taaydhi) ~ kala-daadsan,, aan hufnayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax rasaysan ka dhigasho; taallaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysnaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax rasaysan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasee
(fal) is dul dhigdhig oo wax rasaysan ka dhig.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waddayn
-ta: (magac, dhedig, keli) korka iska saarsaarid. Dh: rasayn, rasays.
waddayn -ta: (magac, dhedig, keli) dariiqyo samayn; jidad la maro jeexid. Waddaynta wanaagsani waa halbawlaha isgaadhsiinta iyo hurumarka.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
waddaysan_2
cf: rasaysan
de: piled up, stacked
hm: 2
initial: w
lx: waddaysan
pd: (waddaysnaa)
ps: adj-der
key: waddaysan_2
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
accumulated
a.v., tulan, rasaysan, urursan.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
accumulation
n., tul, -ki, rasays, -ki, urur, -ki.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
heap
n., tul, -ki, rasays, -ki; v.tr., tul, rasay, moos.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
heapy
a., tulan, rasaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasaysan
La raseeyey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la raseeyay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rasaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax la raseeyay ahaansho. m.f.dh, rasaysnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rasaysan
der. [adjective] stacked
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rasaysan
-rasaysnaa / rasaysnayd: (adj) shelved (shaalvidh); piled (paaylidh)-, stacked (istaakidh) ~ rasan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaysan
(tilmaame) la is dul saaray oo la raseeyay ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rasaysan
de: stacked
lx: rasaysan
pd: (rasaysnaa)
ps: adj-der
key: rasaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ararayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baslays
-ka: (magac, lab, keli) baslayn u dhaqaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casayso
(fal) wax cas ka dhigo; midab cas u yeelo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cashayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gasayso
f.g3 (-stay, -satay) Xoolo gaso ku xaraysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg raamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxays
-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) eeg raaxayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbays
-ka: (magac, lab, keli) shaqada barbaarinta lafteeda.
rabbays-ka: (magac, lab, keli) eeg rabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rablays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rablayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruqsays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ruqsayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rushays
(Rushays-ka)
Rushayn; bilbil.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rushays
m.l la-mid: rushayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rushays
-ka: (magac, lab, keli) eeg rushayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasayso
(fal) meel ku qarso; khabbayso oo yaan lagaa arkin. Alaabta meel ku xasayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asay
(Asay-da)
Dhar cad ama madow oo afadu qaadato kolka saygu ka dhinto; hangal; weer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asay
m.dh la-mid: asaay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asay
f. n. mourning dress (white)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asay
-da: (n) the clothes put on by a woman whose husband passed away; mourner's clothes (moorneris kaloowth)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asay
-da: (magac, dhedig, keli) gambada cad ee afadu xidhato kolka seygeedu dhinto. Asaydii bay weli Farduus siddaa. Dh: agal, hengel, hangal, weer.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asay
cf: hangal
de: mourning dress (white)
lx: asay
pd: (-da)
ps: n1-f
key: asay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raas
(Raas-ka)
1. Aqal; qoys; reer; cid.
2. Rug; berrin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raas
m.l (-sas, m.l) 1. Qoys. 2. Meel qoys degi karo. 3. la-mid: raasi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raas
m.l (-sas, m.l) 1. Qoys. 2. Meel qoys degi karo. 3. la-mid: raasi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raas
m. n. dwelling; household, family
raas m. n. cape, promontory
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raas
-ka: (magac, lab, keli) qoys u dhisan lammaane is qaba. Dh: aqal, qoys, reer, cid.
raas -ka: (magac, lab, keli) meel hore aqal uga dhisnaa oo uu raadkiisii muuqdo. Dh: ruun, jabad.
raas -ka: (magac, lab, keli) meel reero deggaanaayeen ama haddaba deggan yihiin. Dh: rug, berrin, ruun, jabad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raay
m.dh (-yo, m.l) 1. Xiniin. 2. Dad wada dhalasho ka dhaxayso laan ka farcantay; jilib.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raay
m.dh (-yo, m.l) 1. Xiniin. 2. Dad wada dhalasho ka dhaxayso laan ka farcantay; jilib.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raay
f. n., [collective] leaders of a sub-clan
raay [feminine] n. testicle
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rays
(Rays-ka)
Ciidda roobku qooyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rays
m.l Ciid qoyan oo roob ku da'ay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rays
m.l Ciid qoyan oo roob ku da'ay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rays
m. n. earth wet with rain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rays
-ka: (n) wet surface of the ground caused by raining
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rays
-ka: (magac, lab, keli) qoyaan ciidda ku hadha kolka biyuhu ka gudhaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rays
de: earth wet with rain
lx: rays
pd: (-ka)
ps: n0-m
key: rays
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rays
n., (of the sun) cadceed, -di.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afays
m.l la-mid: afayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afays
-ka: (magac, lab, keli) eeg afayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajays
-ka: (magac, lab, keli) eeg ajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asaas
(Asaas-ka)
Bilawaga waxa la samaynayo ama la dhisayo; sal; saldhig; bilaw; (ama aasaas).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaas
asaas¹: m.l (-syo, m.dh) 1. Bilowga wax la samaynayo ama la dhisayo; sal. 2. Marka dhagaxa, ama bulkeetiga, iyo wixi la mid ah dhulka lagu aaso si ay u xajiyaan ama u taageeraan dhismaha derbiga. 3. Wax walxaha taageera ama xejiya ama mid ay ku aasaasmeen.
asaas²: f.g1 (-say, -stay) Wax cusub oo la sameynayo bilaabid. la-mid: aasaas².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asaas
asaas¹: m.l (-syo, m.dh) 1. Bilowga wax la samaynayo ama la dhisayo; sal. 2. Marka dhagaxa, ama bulkeetiga, iyo wixi la mid ah dhulka lagu aaso si ay u xajiyaan ama u taageeraan dhismaha derbiga. 3. Wax walxaha taageera ama xejiya ama mid ay ku aasaasmeen.
asaas²: f.g1 (-say, -stay) Wax cusub oo la sameynayo bilaabid. m.f.dh, asaasid. la-mid: aasaas.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asaas
m. n. foundation (of house); basis, base; cause, motive, ground
asaas v. found, begin, create
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asaas
-ka: (n) 1. foundation (fowndheeyshin); a supporting part or layer; base (beeys). 2. basic (beeysik); an essential or fundamental element ~ aasaasi, salka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaas
(fal) shaqo cusub ambaqaad; aasaas u dhig: wax hor leh billaw.
asaas-ka: (magac, lab, keli) billawga ugu horreeya ee wax cusub. Ardayga haddii asaaskiisa hore si wanaagsan wax loo baro kolka danbe isagaa is kaafiya. Dh: billaw, sees, anbaqaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casay
(fal) wax midabkiisu cas yahay ka dhig.
casay: (fal) kabo, baalashee; dhalaali oo baalash mari. Dh: baalashee, casee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fasas
(Fasas-ka)
1. Nabar furan oo siduu u roonaa, inta wax qoonsada soo xumaada; hurgun; caabaq; caallir;
2. Wax wadajir loo qasho, qofkii lahaana hadhow wadajir loogu gudo; waraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fasas
fasas¹: m.l 1. (daawo) Caallir dhaawac yeesho. 2. F. ah: neef si wada jir ah loo qasho, qofkii lahaana hadhow si wadajir ah loogu gudo.
fasas²: f.mg1 (-say, -stay) (daawo) Dhaawac caallirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fasas
fasas¹: m.l 1. (daaw.) Caallir dhaawac yeesho. 2. F. ah: neef si wada jir ah loo qasho, qofkii lahaana hadhow si wadajir ah loogu gudo.
fasas²: f.mg1 (-say, -stay) (daaw.) Dhaawac caallirid. m.f.dh, fasasid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fasas
m. n. infection; wound
fasas [inchoative] v. become infected
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fasas
(fal) dhaawac, millil oo yacarun iyo dheecaan yeelo.
fasas -ka: (magac, lab, keli) nabar furan oo siduu u roonaa, inta wax qoonsado soo xumaada. Dh: hurgun, caabuq, callar.
fasas-ka: (magac, lab, keli) wax wadajir loo qasho, qofkii lahaana hadhow wadajir loogu gudo ama loo siiyo. Dh: waraar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masas
(Masas-ka)
(koox) gooryaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
masas
m. n., pl. snakes, reptiles
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
masas
-ka: (n) (plural of mas -ka] snakes (isneeykis)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
masas
de: snakes, reptiles Sg: mas (ka)
lx: masas
pd: (-ka)
ps: n4-m-pl
key: masas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masay
m.dh Cutub caws ah oo dusha looga maro geeddi (xarig yar), marka la samaynayo raar, raarkuna kuwaas oo badan uu ka koobmo.
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Masay
égal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masay
(fal) is le'ekeysii; isku mid ka dhig. Masay dhererka labada toob. Dh: sin, masee.
masay -da: (magac, dhedig, keli) xigga marka laga shaqeeyo ama la xigo inta miiqyada la nadiifiyay ah ee xadhkaha laga sooho. Maasay aan wadhaf ka sameeyo ii keen. Dh: maasay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raayo
(Raaya-ha)
(weligi koox) xiniinyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raayo
m.dh 1. Daruur yar oo markaas di'id bilaabaysa. 2. Xiniiniyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raayo
m. n., pl. testicles