raqdid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqdid
(Raqdid-da)
Badar iyo wax la mid ah budo qoyan ka dhigid; shiidid; riiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqdid
m.f.dh eeg raqad. la-mid: radqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqdid
-da: (magac, dhedig, keli) shiidid oo budo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radid
m.f.dh eeg rad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku raagid oo jilcid. Radidda ka ilaali bariska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqid
(Raqid-da)
Biyo afka ku cabbid (sida xoolaha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqid
m.f.dh eeg raq².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radqid
m.dh la-mid: raqdid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jirxid
-da: (magac, dhedig, keli) raqdid ilko ama aalad kale wax budliyaan; qaab jiir u kidfo wuxu cuno.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
radqid
a: raqdid; rw: raqad
de: grinding
lx: radqid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: radqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radi
radi¹: m.l Nooc dhurwaaga ka mid ah oo dadka cuna.
radi²: f.g2 (-iyay, -isay) Badar si uu u jilco biya la dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
radi
f.g2 (-iyay, -isay) Badar si uu u jilco biya la dhigid. m.f.dh, radin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
radi
v. soak (grain, etc.) to soften (it)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
radi
-yey / say: (v) soften by soaking in a liquid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radi
(fal) biyo ku rid oo muddo ku dhex daa in cabbaar ah. Radi marada si uu uskagu uga fugo Dh: bakadi.
radi-ga: (magac, lab, keli) nooc dhurwaaga ka mid ah oo dadka cuna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
radi
de: soak (grain, etc.) to soften (it)
lx: radi
pd: (radiyey)
ps: v2a=tr
key: radi
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
raid
/reyd/ (n) 1. weerar kadis ah (weerar lama filaan ah) 2. baarista booliska ee kadiska ah (siiba baarista ay ku qaadaan meeshii tuhun galo).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
raid
raid, n.m. - weerar; dhacid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aadid
(Aadid-da)
Meel u socosho; tegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aadid
m.f.dh eeg ąad³; la-mid: ąad¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aadid
-da: (magac, dhedig, keli) meel ka dhaqaaqid oo tu kale u socdaalid. Dh: tegid, aaditaan.
aadid -da: (magac, dhedig, keli) «ku~> qof ama wax kale ka hortegistiisa ama ku beegnidiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awdid
(Awdid-da)
Meel daloosha xirid, wax ku rogid, ku qarin; daboolid; gufeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awdid
m.f.dh eeg awd². la-mid: awd¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awdid
-da: (magac, dhedig, keli) meel daloosha xidhid, wax ku rogid ama ku qarin. Awdid buu hoggaasi u baahan yahay oo jiir baana deynayn. Dh: daboolid, gufayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badid
(Badid-da)
Ku jirrabid; ku markasho; geyeysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badid
m.dh eeg bad². la-mid: bidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqid
m.dh la-mid: biqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqid
-da: (magac, dhedig, keli) caano, baq noqsho; caano xumaansho. Baqidda caanaha ka ilaasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqdi
m.l la-mid: caqad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caqdi
m.l la-mid: caqad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caqdi
-ga: (n) contract (kon-tarakt)-, agreement (agriiment) ~ heshiis, qandaraas
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqdi
-ga: (magac, lab, keli) heshiis dad wada saxiixdo. Dh: cahdi; axdi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dądid
m.dh la-mid: dedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadid
-da: (magac, dhedig, keli) dusha wax ka saarid. Dadidda ka daa ilmaha yaanu nakhasku ku dhegine.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faqid
(Faqid-da)
Fiqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqid
m.f.dh eeg faq². la-mid: fiqid.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
faqid
-da: (n) the act of speaking quietly and privately
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqid
-da: (magac, dhedig, keli) (la ~) hoos wax isugu sheegid; gaar is ula bixid; la xanshaashiqid. Dh: fagid, qodid.
faqid-da: (magac, dhedig, keli) meel qodis. Godka faqiddiisa ha dheerayn. Li: aasid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faqid
de: secret consultation
lx: faqid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: faqid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gadid
(Gadid-da)
1. Alaabo ganacsi ah, lacag ka bixin oo dadkii lahaa ka soo wareejin.
2. Wax aan muuqan ka dhigid; qarin.
3. (weeso) jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadid
m.f.dh eeg gad.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Gadid
Vendita
Sale
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lumin ama hallayn.
gadid -da: (magac, dhedig, keli) wax aad haysato lacag ku baddalasho. Dh: iibin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hadid
(Hadid-da)
1. Garasho; kasid.
2. Dilid; wedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadid
m.f.dh eeg had³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hadid
-da: (magac, dhedig, keli) qof iyo wixii la mid ah, dilid; cid kale nafta ka jarid. Dh: dilid, wedid.
hadid-da: (magac, dhedig, keli) garasho iyo kasid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haqid
-da: (magac, dhedig, keli) xaq wixii uu lahaa siin. Dh: haqsiin, xaqsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaqid
(Jaqid-da)
Afka wax ku nuugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaqid
m.f.dh eeg jaq².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaqid
-da: (n) act of sucking ~ nuugid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaqid
-da: (magac, dhedig, keli) dareere afka ku nuugid. Dh: nuugida.
jaqid -da: (magac, dhedig, keli) nuugitaanka dareere meel ku jira sida naas.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladid
(Ladid-da)
1. Ledid.
2. (isku ladid) u hagarbixid la'aan; fududaysasho; sahlasho; dacdarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladid
m.f.dh eeg lad. la-mid: ledid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladid
-da: (magac, dhedig, keli) si deggenaansho ku jiro u gam'id. Dh: ledid, ladis.
ladid-da: (magac, dhedig, keli) fudaydsiga hawl ay ahayd in la qabto. Dh: dhayalsi, fududaysad, dacdarrayn, sahlasho, ledid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqid
m.dh la-mid: liqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madid
m.f.dh eeg mad². la-mid: medid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqdi
naqdi¹: m.l 1. Dood looga faalloodo wax wanaaggiisa ama dhalliishiisa. 2. la-mid: naqad.
naqdi²: f.g1 (-iyay, -iday, -iyi) Wax wanaaggiisa ama dhaliishiisa sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naqdi
naqdi¹: m.l 1. Dood looga faalloodo wax wanaaggiisa ama dhalliishiisa. 2. la-mid: naqad.
naqdi²: f.g1 (-iyay, -iday, -iyi) Wax wanaaggiisa ama dhaliishiisa sheegid. m.f.dh, naqdiyid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqdi
m. n. cash, ready money
naqdi: v. criticize something; make someone an object of criticism
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqdi
-ga: (magac, lab, keli) eeg naqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naqid
(Naqid-da)
1. Wax dib u celin; soo celin.
2. Akhriyid; meerin; marin.
3. (gar) soorid; celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqid
m.f.dh eeg naq². la-mid: niqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqid
-da: magac, dhedig, keli) (gar ~) dacwad ka garramid. Nagisa gartu caddaalad bay doontay.
naqid -da: (magac dhedig, keli) wax akhriyid. Nagida casharka hagagi, Dh: marinta.
naqid-da: (magac, dhedig, keli) dib u celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadid
(Qadid-da)
1. Wax laysa siina hayey ama la wada qaadanayey, wax ka waayid.
2. Qof qatan noqosho.
3. Seegid; waayid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadid
m.f.dh eeg qad². la-mid: qatooyo (3).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la'aan ku joogid: cunta la'aan baryid. Dh: qadis. Li: dhergid.
qadid-da: (magac, dhedig, keli) wax in la helo ahaa seegid. Dh: qadis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax raadkiisa doonid. 2. Wax maqan meesha uu ku suganyahay doonid. 3. Wax baarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raadi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Wax raadkiisa doonid. 2. Wax maqan meesha uu ku suganyahay doonid. 3. Wax baarid. m.f.dh, raadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raadi
v. search for, look for, seek, pursue, trail, track, find out
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raadi
-yey / say: (v) search (seerj)-, seek (siik); find (faayndh); look for; follow the trail; go after ~ baadh; baadi-goob, doon-doon
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadi
(fal) baadi magan raadcee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raadi
de: search for, look for, seek, pursue, trail, track, find out
lx: raadi
pd: (raadiyey)
ps: v2a=tr
xe: He was looking for me.
xv: doon
key: raadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabid
(Rabid-da)
Wax laabta ka doonid, ka jeclaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabid
m.f.dh eeg rab³. la-mid: rabitin.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rabid
/raabidh/ (adj) 1. waalli 2. jinnoole ah (qof jinnoolanimo u dhaqma).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rabid
-da: (n) wanting (waant-ing); desiring (di-zaayar-ing); eagerness (iiger-nes) ~ doonid, rabitaan, damac
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Rabid
Desiderio
Desire
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabid
-da: (magac, dhedig, keli) laabta ka doonid: niyadda ka jeclaysasho. Rabid qudha reer laguma dhiso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raddi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Markhaati burin. 2. Cid dhaar lagu helay cid kale ku wareejin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raddi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Markhaati burin. 2. Cid dhaar lagu helay cid kale ku wareejin. m.f.dh, raddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raddi
(fal) markhaati burin.
raddi: (fal) cid dhaar lagu helay cid kale ku wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Radin
(Radin-ta)
(badar, kd.) in muddo ah, biyo dhexdood u deyn; qoyn ku jilcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radin
m.f.dh eeg radi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radin
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku ridid oo cabbaar ku dayn. Radinta badan ka daa bariska.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radin
radin, adj. - bakhayl; dhimiija qariin; qof gacan adag
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
radio
/reydiyow/ (n) raadye (reedyow).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ràdio
s.f. invar. - raadiyo, reediyo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radio
radio, n.f. - reediyow; raadiye
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radis
-ta: (magac, dhedig, keli) jilicid oo aad u qoyid.
radis -ta: (magac, dhedig, keli) eeg radin.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radis
radis, n.m. - bagal
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rapid
/raapidh/ rapidity; (adj) dhakhso leh, (deg-deg ah).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rapid
a., dheereeyay; a rapid man, horse, nin, faras dheereeyay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqad
f.g1 (-qday, -qadday; -qdi) Badar iyo wixi lamida cajiin ka dhigid. la-mid: radaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raqad
v. grind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqad
-(fal) badar iyo wixii la mid ah, cajiin ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raqad
a: ridiq
de: grind
lx: raqad
pd: (raqday)
ps: v1=tr
key: raqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rarid
(Rarid-da)
Dusha rar ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rarid
m.f.dh eeg rar². la-mid: raris, rarmo.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Rarid
Translation

vl. n. loading