raqdan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqdan
La raqdey ama la ridqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqdan
f.mg4 (-naa, -nayd) Badar wax la raqday ahaansho. la-mid: radqan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raqdan
der. [adjective] ground, ground up
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqdan
(tilmaame) wax budaysan oo shiidan. Daqiiqdu waa gamadi raqdan. Dh: ridgan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raqdan
a: ridqan; rw: raqad
de: ground, ground up
lx: raqdan
pd: (raqdanaa)
ps: adj-der
key: raqdan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radqan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: raqdan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radqanaan
m.dh la-mid: raqdanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radqanaansho
m.l/dh la-mid: raqdanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqdanaan
m.f.dh eeg raqdan. la-mid: raqdanaansho, radqanaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqdanaansho
m.l/dh la-mid: raqdanaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ridqan
a: raqdan
de: ground, ground up
lx: ridqan
pd: (ridqanaa)
ps: adj-der
key: ridqan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadgan
f.g1 (-gamay, -gantay; -gami) la-mid: raadqaad.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
Ramadan
/raamadan/ (n) ramadaan (bisha soon, oo ah bisha sagaalaad ee hijrada).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ramadan
ramadan, n.m. - Ramadaan; Soon; bisha Muslimiintu soonto.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) orod iyo qaylo wada socda ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
adan
m.dh 1. Libaaxa tan dheddig; gool. 2. Ugaarta ama dugaagga intooda laayaanka ah. 3. Koox libaaxyo ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
adan
m.dh 1. Libaaxa tan dheddig; gool. 2. Ugaarta ama dugaagga intooda laayaanka ah. 3. Koox libaaxyo ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adan
-ta: (magac, dhedig, keli) libaaxa tiisa dhedig. Dh: gool.
adan-ta: (magacwadareed) koox libaaxyo ah; tiro libaaxyo ah oo saddex ka badan.
adan -ta: (magacwadareed) dugaagga intooda laayaanka ah oo wax disha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqan
-ka: (magac, lab, keli) inan bulshaawi ah oo cayaaraha iyo kulamada ku fiican laakiin hanti lumis ah.
aqan -ka: (magac, lab, keli) dibindaabyada noolaha lab uu ku geysto dhallinyaranimada. Markuu luqunmadoobow ratuhu laacdan baranaayo, isagaa u laandeyro badan laqanka xoolaade.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raan
(Raan-ta)
Timo dheer oo cuntub cuntub isugu marmay, middood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raan
m.dh (-aamo, m.l) 1. Miiqyo dun ah oo isku maran oo maro dacalkeeda laga laallaadsho. 2. Timo ama dhogor isku guntan. 3. Geed laamihiisa buulal shimbireed ama cutubcutub miro ahi ka laallaadaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raan
m.dh (-aamo, m.l) 1. Miiqyo dun ah oo isku maran oo maro dacalkeeda laga laallaadsho. 2. Timo ama dhogor isku guntan. 3. Geed laamihiisa buulal shimbireed ama cutubcutub miro ahi ka laallaadaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raan
f. n. lock of hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raan
-ta: (magac, dhedig, keli) timo dheer oo aan feedhnayn iskuna marma oo cutubcutub is kugu duuban.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raan
de: lock of hair
lx: raan
pd: (-ta Pl: raamo (/ha))
ps: n1-f
key: raan
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aadan
Correspond
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Aadan
name: Adam
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aadan
vl. pron., neg. you ... not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aadan
(suffix): (v) if you not.... Ex. haddi aadan tagin...; if you don't
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Aadan
aadamaha aabbihii ugu horreeyey ee laga soo tafiirmay. Dh: Nebi Aadan, Aadam.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Aadan
de: Adam
hm: 2
lx: Aadan
ps: name-m
key: Aadan_2
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
addan
m. n. Muslim call to prayer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
addan
a: aadaan
cf: addin
de: Muslim call to prayer
lx: addan
pd: (-ka)
ps: n2-m
key: addan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aqaan
v., sg., present habitual: I know
aqaan v., sg., neg., present habitual: I don't know
aqaan v., sg., subject case, present habitual: it is I who know
aqaan v., sg., relative form, present habitual: that I know ...
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aqaan
(v) I know. Ex: Ma taqaan? Haa, waan aqaan; did you know him? yes, I know him
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Awdan
La awdey.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
awdan
awdan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Wax buuxsamay ama daboolmay noqosho (meel bannaan ama daloosha).
awdan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax buuxsamay ama daboolmay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
awdan
awdan¹: f.mg1 (-dmay, -dantay; -dmi) Wax buuxsamay ama daboolmay noqosho (meel bannaan ama daloosha). Tusaale: Meel awdan ayuu galay. m.f.dh awdnaan.
awdan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax buuxsamay ama daboolmay ahaansho. m.f.dh, awdnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
awdan
der. [adjective] shut, closed, covered
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
awdan
(adj) plugged (palaagid); closed ~ gufaysan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
awdan
(tilmaame) meel daahan ama daboolan. Dhul awdan ayaan joognaa. Dh: xidhan, aasan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
awdan
de: shut, closed, covered
lx: awdan
pd: (awdnaa)
ps: adj-der
key: awdan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Badan
Aan yarayn; ciiddaas ah; baddaas ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badan
badan¹: m.l B.keenna, b.kiina iyo wixi lamida: inteenna badan, intiinna badan iyo wixi lamida.
badan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax aan tiradoodu yarayn ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
badan
badan¹: m.l Badankeenna, badankiina iyo wixi lamida: inteenna badan, intiinna badan iyo wixi lamida.
badan²: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) Wax aan tiradoodu yarayn ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
badan
num., [adjective] many, much, a lot (of), numerous
badan [adverbial] [expression] very, quite
badan m. n. most, the majority (of)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
badan
(adj) many (meni); numerous, much, a lot, copious wax badan, tirabadan
-ka badan: more (moor)
-ugu badan: most (mowst)
-si badan: (adv) abundantly (a-ban dhentli)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
BADAN
Molto
Too much
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
badan
(tilmaame) wax tiro iyo cadad badan leh. Wuxuu aabbahay dhaqay xoolo badan. Li: yar.
badan -ka: (magac, lab, keli) jidhka aadamaha. Caashagan biyiyo oon, badankeyga kaba jaray adigaygu beeree! Dh: beden.
badan -ka: (magac, lab, keli) doon yar oo lagu kalluumaysto.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
badan
كثير
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadan
dadan¹: m.dh la-mid: dedan¹.
dadan²: f.mg1 (-amay, -antay; -ami) la-mid: dedan².
dadan³: f.mg4 (-dnaa, -dnayd) la-mid: dedan³.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqan
f.g1 (-qnay/-qmay, -qantay; -qni/-qmi) la-mid: danaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daqan
v. aggravate a wound (as by touching); hurt ~ injure someone
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daqan
a: damaq, damqi
de: aggravate a wound (as by touching); hurt ~ injure s.o.
lx: daqan
pd: (daqnay ~ daqmay)
ps: v1=tr
key: daqan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faqan
(tilmaame) wax fadhan ama meel godan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gadan
inch. v. get sold, be sold
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gadan
-aa: (adj) sold (sooldh); already sold
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gadan
de: get sold, be sold
lx: gadan
pd: (gadmay)
ps: v1=inch
key: gadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kadan
(tilmaame) wax aan xafidnayn, wax ilaashanayn. Guri kadan baad gashaa tuugna wuu jiraa. Dh: dayacan, baylahsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ladan
Ladnaan qaba; aan bukin; fayow; fiican; roon.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ladan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax caafimaad qaba ahaansho. 2. Wax barwaaqaysan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Ladan
pr. n., [feminine] Ladan
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ladan
der. [adjective] healthy, well, good, fine; well off, wealthy
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Ladan
prospère.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ladan
name-f healthy, good, fine, well; wealthy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ladan
-ladnaa: (adj) feeling well; healthy (helthi); well (weel); fine (faayn); sound (sawndh) ~ caafimaad qaba. Ex: ma ladan tahay? are you healthy?
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ladan
magac loo baxsho gabadh la rajaynayo in ay noqoto mid xoolo badan leh oo maalqabeen ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ladan
(tilmaame) mid xanuun hayay ka roon; qof ama xayawaan aan xanuun weyn qabin.
ladan: (tilmaame) qof hanti leh; mid maalqabeen ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqan
(Laqan-ka)
Qof yar oo laayaan ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqan
laqan¹: m.l 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan²: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da' yaraan ku dhimasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laqan
laqan¹: m.l 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan. 2. Geerida ku timaad qof dhalinyaro ah. 3. Shaah ama kafee lagu daray cabbitaan kale oo adag.
laqan²: f.mg1 (-qmay, -qantay; -qmi) 1. Nin dhalinyaro ah oo qas badan noqosho. 2.Da' yaraan ku dhimasho. m.f.dh, laqmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqan
v. die prematurely
laqan m. n. violent young person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqan
-ka: (magac, lab, keli) qof yar oo laayaan ah.
laqan -ka: (magac, lab, keli) neef yar oo da'diisa ka waynaada. Dh: dhaylo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
madan
f.mg4 (-dnaa, -dnayd) 1. Wax dhagax lagu arjimay ahaansho. 2. Wax dhawaaqiisa la jiiday ahaansho (xaraf). la-mid: medan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
madan
der. [adjective] long, lengthened (sound of any vowel) {grammar}
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
madan
-ka: (magac, lab, keli) wax dhagax lagu arjimay ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
madan
de: long, lengthened (sound of any vowel) {grammar}
lx: madan
pd: (madnaa)
ps: adj-der
key: madan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maqan
Aan joogin; meel kale jira.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Cid aan joogin ahaasnho. 2. Wax lumay shaanbo. 3. Qof maahsan ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Cid aan joogin ahaasnho. 2. Wax lumay shaanbo. 3. Qof maahsan ahaansho. m.f.dh, maqnaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maqan
[adjective] absent, not present; mentally distracted
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Maqan
1) absent, 2) au loin.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maqan
-maqnaa: (adj) missing (mixing); absent (aab 'sant); not present. Ex: Cali fasalka wuu ka maqan yahay; Ali is missingfrom the class
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maqan
(tilmaame) aan joogin oo meel kale jira. Li: jooga.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maqan
de: absent, not present; [ext.] mentally distracted
lx: maqan
pd: (maqnaa)
ps: adj
xe: When I came, you were absent.
xv: Markaan imid, adigu waad maqnayd.
key: maqan
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
maqan
غائب
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqan
f.mg4 (-qnaa, -qnayd) 1. Gar la xalliyay ahaansho. 2. Wax yar ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqan
(tilmaame) wax aad u yar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadan
(Qadan-ka)
1. Nasiib; ayaan; cawo; hoodo; buruud.
2. Xoog iyo laf leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadan
m.l 1. Nasiib; ayaan. 2. Q. ah: qof xoog iyo laf leh.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qadan
m. n., abs., [ext. atr.]: fate, fortune, (good) luck; strong, robust
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Qadan
name-f good luck; lucky charm, amulet (Arb). Syn: Khadan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadan
(tilmaame) xoog iyo laf leh. Faysal waa nin qadan ah.
qadan: (tilmaame) baahan oon biyo iyo baad helin. Ninka qadan dhergiya.
qadan -ka: (magac, lab, keli) nasiib iyo ayaan; cawo iyo hoodo. Ninkaasi waa nin qadan fiican. Dh: buruud.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Qadan
Habka iyo muuqa guud.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qadan
de: fate, fortune, (good) luck; [ext. atr.] strong, robust
lx: qadan
pd: (-ka)
ps: n2-m-abs
syn: ayaan, nasiib
key: qadan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radaq
f.g1 (-qay, -qday) la-mid: raqad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Radar
Raadar
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
radar
/reydar/ (n) raadaar (qalab wax lugu ilaaleeyo).
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
radar
s.m. invar. raadar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
radar
radar, n.m. - raadaar