raqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqad
f.g1 (-qday, -qadday; -qdi) Badar iyo wixi lamida cajiin ka dhigid. la-mid: radaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raqad
v. grind
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqad
-(fal) badar iyo wixii la mid ah, cajiin ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raqad
a: ridiq
de: grind
lx: raqad
pd: (raqday)
ps: v1=tr
key: raqad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqad
-ka: (magac, lab, keli) harraad u dhimasho; dhanqalan dartii dhimasho. Dh: aqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raad
(Raad-ka)
1. Astaanta waxa socona haya cagtoodu dhulka u yeesho ama ku reebto.
2. Calaamo ka harta wax hor u jiri jirey ama u dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raad
m.l (-dad, m.l) 1. Astaanta waxa soconayaa cagtoodu dhulka ku reebto. 2. Calaamad ka harta wax hore u jiray. 3. Xusuus aan qofku illaawi karin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Ereybixinta: Barbaarinta Jirka (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1984]
raad
footprint
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raad
m. n. footprint; trail; trace
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raad
-ka: (n) footprint (fuut-pirint)', footmark (fuut-maark); footstep (foot-isteep); trace (tareeys)-, track (taraak)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raad
-ka: (magac, lab, keli) calaamad ama astaan ay cagta nooluhu ama walxuhu dhulka ama meel ay mareen ama taabteen ku reebaan. Beeni raad ma leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raad
de: footprint; trail; trace
lx: raad
pd: (-ka Pl: raadad (ka))
ps: n4-m
key: raad
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
raad
أثر أقدام
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqad
-ka: (magac, lab, keli) cabsi qabid. Baqad baa ka muuqda boqorka beesha. Dh: baqdin.
baqad -ka: (magac, lab, keli) geeddi cabsi ku jirto guurid. Dh: cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqad
m.l Nikaax. la-mid: caqdi.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caqad
m.l Nikaax. la-mid: caqdi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqad
m. n. contract, lease; matrimonial contract
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqad
-ka: (magac, lab, keli) dareemista harraad aad u daran. Dh: caqasho, harraadid, dhanqalmid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqad
bw: Arabic
de: contract, lease; matrimonial contract
lx: caqad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: caqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haqad
m.l (-dyo, m.dh) 1. Cad yar, beer ka mid ah oo qof maalin fali karo. 2. la-mid: haqasho. 3. Qarar dhaadheer oo xeebaha ku yaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haqad
-ka: (magac, lab, keli) qayb yar oo beer ka mid ah oo qof maalin fali karo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqad
m.l Lacag caddaan ah. la-mid: naqdi¹ (2).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
naqad
m.l Lacag caddaan ah. la-mid: naqdi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
naqad
m. n. cash, ready money
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqad
-ka: (magac, lab, keli) kaash aan amaah. ahayn. Maanta naqad uun baa wax lagu iibsanayaa. Dh: kaash, naqdi. Li: amaah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
naqad
a: naqdi
bw: Arabic
de: cash, ready money
lx: naqad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: naqad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabad
-da: (magac, dhedig, keli) goob ama meel bogcad ah. Rabad doog leh ayuu reerku deggan yahay. Dh: rab.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafad
m.l la-mid: rafasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafad
-ka: (magac, lab, keli) xanuun daran la galgalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramad
m.l.u la-mid: ramag.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Ramad
name-f newly delivered female camel. Lit: lovely
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ramad
(tilmaame) hal dhawaan dhashay oo ilmeheedu weli ababbaran. Hal ramad ah caaneheeda lagama dhergo. Dh: ramag.
ramad -ka: (magacwadareed) geel badan oo dhowaan dhalay oo maqashiisu weli ababbaran. Ramad geel nin haystaa, raaxada adduun iyo, rejo uma dambaysee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqas
(Raqas-ka)
1. Wax qoyan oo aan nadiif ahayn.
2. Dhoobo-ceelaad; dac.
3. Danbas.
4. Wax laysku bururshey, laysku burburiyey, la ridqay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqas
m.l Wasakhda hoore meel ku jira hoos uga degta.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raqas
m.l Wasakhda hoore meel ku jira hoos uga degta.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raqas
m. n. dirt, mess
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqas
-ka: (magac, lab, keli) ciid boodh ah oo jilicsan. Raqas miidhan weeyaan meeshani ee naga kici. Dh: ruufad.
raqas-ka: (magac, lab, keli) qashinka ka hadha wax la gubay. Dh: danbas.
raqas-ka: (magac, lab, keli) wax qoyan oo wasakh leh. Marada ragaska ka laabo.
raqas -ka: (magac, lab, keli) wax laysku burburiyey oo isku ridgan
raqas-ka: (magac, lab, keli) dhooboceelaad; dac
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raqas
de: dirt, mess
lx: raqas
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: raqas
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqay
(Raqay-ga)
Geed qurux badan oo aad u dheeraada oo ganacsiga qiime weyn ku leh; waxaa laga helaa alwaax wanaagsan iyo miro dhanaan oo waxyaalo badan laga sameeyo (dawo, sharbeed, renji, ...) ~ timir hindi; xamar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqay
m.l 1. Geed dheer, caleemo yaryar, oo dhalo miro quullaha u eg oo dhanaan; xamar. 2. Miraha geedka raqayga.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raqay
m.l 1. Geed dheer, caleemo yaryar, oo dhalo miro quullaha u eg oo dhanaan; xamar. 2. Miraha geedka raqayga.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raqay
m. n., [collective] tamarind (tree, fruit)
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RAQAY
(Ragai) All.Som. Tamarindus indica L. Caesalpinaceae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqay
-da: (magac, dhedig, keli) geed qurux badan oo kor u baxa oo midho dhanaan leh. Dh: xamar, timirhindi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raqay
de: tamarind (tree, fruit)
lx: raqay
pd: (-ga)
ps: n2a-m-col
key: raqay
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
raqay
شَجَرَةَ التَّمْرِ الهِنْدِيِّ
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqid
(Raqid-da)
Biyo afka ku cabbid (sida xoolaha).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqid
m.f.dh eeg raq².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rarad
-ka: (magac, lab, keli) dusha rar ka saarad. Dh: rarasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasad
-da: (magac, dhedig, keli) bir albaabbada lagu laxaamado ama lagu musbaaro oo qufulka la sudho. Dh: handaraab.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rayad
m. n. civilian, unarmed person
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rayad
-ka: (n) civilian (si-vil-yan); ordinary citizen; noncombatant (nan-kom-baatant) ~ rayid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayad
-ka: (magac, lab, keli) dad shacab ah oo aan askar ahayn; dad caadi ah oo aan hubaysnayn. Dh: shicib, rayid. Li: ciidan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rayad
de: civilian, unarmed person
lx: rayad
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: rayad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radaq
f.g1 (-qay, -qday) la-mid: raqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqdid
m.f.dh eeg raqad. la-mid: radqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
radqid
a: raqdid; rw: raqad
de: grinding
lx: radqid
pd: (-da)
ps: vn-f
key: radqid
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raqdan
a: ridqan; rw: raqad
de: ground, ground up
lx: raqdan
pd: (raqdanaa)
ps: adj-der
key: raqdan
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ridiq
bw: raqad
de: grind
lx: ridiq
nt: ridiq (a) [vn-m]
pd: (ridqay)
ps: v1=tr
key: ridiq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraqad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg farakhad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqabad
-da: (magac, dhedig, keli) inta u dhaxaysa madaxa iyo garbaha. Dh: tun.
raqabad -da: (magac, dhedig, keli) shaatiga intiisa luqunta ruuxa ku wareegsan ee giirka timaha ku joogta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ararad
m.l la-mid: ararasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararad
-ka: (magac, lab, keli) hadal la odhan doono, arar ka hormarsasho. Dh: ararayn, ararays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baaqad
m.l la-mid: baaqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baaqad
-ka: (magac, lab, keli) wax la filayey in uu dhaco ama uu yimaaddo oo waqtigii la sugayey dhici waayey ama ka dibdhaca. Dh: baaqasho, oolid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balqad
-ka: (magac, lab, keli) dareeraha oo ka daata hareeraha weelka uu ku jiray, buuxdhaaf awgii ama dhaqdhaqaaq loo geystay awgii. Balqad baa caanihii dhammeeyey. Dh: walcad, daadad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baqlad
m.dh (-do, m.l) la-mid: baqaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqlad
-da: (magac, dhedig, keli) baqasha dhidig. Baqlad ma dhasho wax dhalana ma doonto. Dh: baqal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baqsad
-ka: (magac, lab, keli) baqagelin oo naftaada baqo ha laga qaado. Baqsad ka rido. Dh: didsad, eryoood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calqad
m.dh la-mid: qalcad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caqdad
(Caqdad-da)
Maro caqdaad ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caqdad
m.dh (-daad, m.l) Duub maro ah oo afartan yaardi ah oo midab leh. la-mid: caqdaad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caqdad
m. n. multi, collectiveored cloth worn by women
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caqdad
-da: (magac, dhedig, keli) maro caqdaad ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caqdad
de: multi-colored cloth worn by women
lx: caqdad
pd: (-ka Pl: caqdaad)
ps: n8-m
key: caqdad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daaqad
(Daaqad-da)
1. Khalfad: dariishad.
2. Xoog, tabar. maaro (ama daaqo).
3. Duub maro ah oo dhawr go' ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daaqad
m.dh (-do, m.l) 1. Dariishad; khalfad. 2. la-mid: daaqo. Duub maro ah, cusub oo dhowr go' loo qaybin karo.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
daaqad
m.dh (-do, m.l) 1. Dariishad; khalfad. 2. la-mid: daaqo. Duub maro ah, cusub oo dhowr go' loo qaybin karo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daaqad
f. n. window, shutter
daaqad [feminine] n. strength, power
daaqad [feminine] n. bolt ~ roll of cloth; curtain
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daaqad
-da: (n) window (win-dhow) ~ dariishad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daaqad
-da: (magac, dhedig, keli) meel la furi karo lana xidhi karo oo guri, gaadhi ama meel kale leedahay oo looga laydhsado ama dano kale looga faa'ideysto. Daaqadda guriga soo xidh dabayl baa socotee. Dh: dariishad.
daaqad -da: (magac, dhedig, keli) duub maro ah oo cusub oo dharka laga tolo. Daaqad dhar ah i ijar qiimaahana ii sheeg.
daaqad -da: (magac, dhedig, keli) awood iyo karti wax lagu qabto. Waryaa iga teg anu hadalkaaga daaqad uma hayee. Dh: itaal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dalqad
(Dalqad-da)
Ereyada lagu dhawaaqo kolka la xilafurayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dalqad
m.dh (-do, m.l) la-mid: dalaaq².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dalqad
m.dh (-do, m.l) la-mid: dalaaq¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dalqad
f. n. divorce
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dalqad
-da: the legal dissolution of marriage; divorce (daay-foos) annulment (anolment) ~ furid, dalaaq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalqad
-da: (magac, dhedig, keli) mar keli ah dalqad jeedin oo haweenay furid. Dh: dalaaq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dalqad
de: divorce
lx: dalqad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: dalqad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damqad
m.l la-mid: danqasho.

danqad

daqmad
m.l la-mid: danqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqmad
-ka: (magac, lab, keli) eeg danqad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daqnad
(Daqnad-ka)
Daqnasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqnad
m.l la-mid: danqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqad
m.l la-mid: dhaqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqad
-ka: (magac, lab, keli) xoolo dhaqasho. Soomaalidu waxay caan ku tahay dhaqadka geela. Dh: dhaqasho.
dhaqad -ka: (magac, lab, keli) qof reerka uu ka tirsan yahay asal u ahayn oo si uun ku soo galay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faqrad
m.dh Qayb kastoo ka mid ah qaybo qoraal.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faqrad
m.dh Qayb kastoo ka mid ah qaybo qoraal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
harqad
m.dh (-do, m.l) 1. Gabal maro ah. 2. Galka barkinta. 3. la-mid: harqasho.