ramasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ramasho
(Ramasha-da)
1. (xoolo, kd.) neef wax dhalay oo ilmihiisa aan ka kor dhaqaaqin ee intaas - jacayl uu u qabo - ku kor gooha haya oo leefleefa haya.
2. Jacaylka wixii wax dhalay ilmohooda yaryar u muujiyaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramasho
m.f.dh eeg ramo. la-mid: ransad, ransasho, ransi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ramasho
f. n. yearning of female animal for its young; maternal feeling
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ramasho
-da: (magac, dhedig, keli) jacayl naxariis leh oo hooyadu u muujiso waxa ya dhasho.
ramasho-da: (magac, dhedig, keli) neef dhalay oo ilmahiisa aan ka kor dhaqaaqin jacayl uu u qabo dartii.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ramasho
a: ransasho, ransi
de: yearning of female animal for its young; maternal feeling (the kind of affection or feeling that animals show their young ones)
lx: ramasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: ramasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rahmasho
-da: (magac, dhedig, keli) rahmad u dhigasho; rahaamadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jamasho
(Jamasha-da)
Wax jan u qabid; qof aragtidi ama wax kale heliddood, rabitin aad u badan oo bugto ku dhow, u qabid; wax u waalasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamasho
m.f.dh eeg jamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamasho
vl. n. desire, longing, craving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jamasho
-da: (n) nostalgic (nas-tawlja); craveing (kareeyving), hankering (hangkering), desire, longing (loongging); yearning (yeeming); pining (paayning) ~ jan, jeel
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamasho
-da: (magac, dhedig, keli) jeclaan aad u xeel dheer. Dh: jeclaan. Li: necbaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jamasho
cf: majeerasho
de: desire, longing, craving
lx: jamasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: jamasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafasho
(Rafasha-da)
Xanuun daran ama wax la mid ah, la galgalasho, la baarasho, is la rogrogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafasho
m.f.dh eeg rafo. la-mid: rafad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rafasho
f. n. restlessness caused by pain ~ anger; writhing, rolling over
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rafasho
-rafashada: (n) writhe (reeyth); agitation (a-ji-teey-shiri); flounder (falawn-dher) ~ fargasho, fargad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafasho
-da: (magac, dhedig, keli) xanuun daran ama wax la mid ah la galgalasho; is rogrogid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rafasho
de: restlessness caused by pain ~ anger; writhing, rolling over
lx: rafasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: rafasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rarasho
m.f.dh eeg raro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rarasho
-da: (magac, dhedig, keli) rar ama cundad ku qaadasho. Dh: rarad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamasho
(Xamasha-da)
Qof maqan, hadal ama warxun, oo hadduu joogo aan lagula dhaceen, ka sheegid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamasho
m.f.dh eeg xamo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xamasho
vl. n. gossip, back-biting
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
xamasho
-xamashada: (n) gossip (gaa-sap); talebearing (teeyl-beer-ing) ~ xan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamasho
-da: (magac, dhedig, keli) xan samayn qof maqan ama aan ku maqlayn wax aanu jeclayn ka sheegid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xamasho
cf: xamo
de: gossip, back-biting
initial: x
lx: xamasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: xamasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ransad
m.l la-mid: ramasho.

ransi

raamsasho
m.dh la-mid: raabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax afka ku jira in badan gawsaha ku ridgid. Dh: calaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rahamasho
m.f.dh eeg rahmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aasmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ararasho
(Ararasha-da)
Hadalka, doodda, buugagga,, arar ka hor-marsasho; gogoldhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ararasho
m.f.dh eeg araro. la-mid: ararad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ararasho
vl. n. prelude; introduction (as period of time)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ararasho
-da: (magac, dhedig, keli) ubuc qoraal ah ama hadal intaan la bilaabin hordhac u samayn, arar ka hormarin. Dh: gogoldhigasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ararasho
de: prelude; introduction (as period of time)
lx: ararasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: ararasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Calmasho
(Calmasha-da)
Jeclaysasho; doorasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calmasho
m.f.dh eeg calmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
calmasho
vl. n. act of choosing, loving
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
calmasho
-calmashada: (n) a wish or longing; desire (di-zaayr)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg calmad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
calmasho
de: act of choosing, loving
lx: calmasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: calmasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
camashoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U c.: caro dareemid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
camashoo
f.mg3 (-ooday, -ootay) U c.: caro dareemid. m.f.l, camashood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caymasho
(Caymasha-da)
Caymad, nabadgal.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caymasho
m.f.dh eeg caymo². la-mid: caymad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caymasho
vl. n. being safe
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caymasho
-caymashada: (n) the state of being safe from danger or risk; security (sikyuuriti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caymasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato ka badbaadid; halis ka baxsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caymasho
de: being safe
lx: caymasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: caymasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dalmasho
-da: (magac, dhedig, keli) lulashada iyo lalmashada wax laallaada. Sitaacii dalmanaayoo, dawankii ka ciyaayoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
damqasho
m.dh la-mid: danqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
damqasho
-da: (magac, dhedig, keli) dhaawac ama nabar aan weli bogsan, xanuunka la dareemo kolka wax la gaadhsiiyo ama wax ku dhacaan, ama la taabto. Dh: danqasho, damqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daqmasho
m.dh la-mid: danqasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daqmasho
-da: (magac, dhedig, keli) meel horay u bugtay dhaawac cusub gaadhid oo xanuun cusub yeelasho. Dh: damqasho, danqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darmasho
m.f.dh eeg darmo. la-mid: darmad¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darmasho
-da: (magac, dhedig, keli) daaqidda geelu daaqo daranta. Darmashada geelu wuu ku dararaa.
darmasho -da: (magac, dhedig, keli) xoolo ku darmada oo dhexgala xoolo kale.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daymasho
-daymashada: (n) the act of borrowing or getting a loan ~ amaahasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
galmasho
-da: (magac, dhedig, keli) galbasho iyo tegitaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambasho
m.dh la-mid: gabbasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hambasho
m.f.dh eeg hambo. la-mid: hambad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hambasho
-da: (magac, dhedig, keli) calaacasha oo godan oo wax ku jiraan hal mar afka ku ridid. Dh: hanbasho, hanbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hamrasho
m.f.dh eeg hamro.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hamrasho
-da: (magac, dhedig, keli) «u» cid kale, si dilan oo cabsiyi ku jirto ula dhaqmid. Arrinta hamrashada ka daaya oo si dhiirran u gala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lalmasho
(Lalmasha-da)
Wax meel ka lusha ahaansho; lulmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lalmasho
m.f.dh eeg lalmo. la-mid: lalmad.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Lalmasho
Suspension
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lalmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg lalmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqmasho
m.f.dh eeg laqmo. la-mid: laqmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqmasho
-ha: (magac, lab, keli) qof dhallinyaranimo ku dhintay ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacasho
m.f.dh eeg raaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ad leedahay soofsasho oo daranyada ka dhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raarasho
m.f.dh eeg raaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragcasho
m.f.dh eeg ragco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ransasho
(Ransasha-da)
(xoolo, kd.) ramasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ransasho
m.dh la-mid: ramasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ransasho
vl. n. maternal feeling (of animal)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ransasho
-da: (magac, dhedig, keli) ransad; ransi. ranso: (fal) xoolo ransasho samee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ransasho
a: ransi (ga) [vn-m]
de: maternal feeling (of animal)
lx: ransasho
pd: (/da)
ps: vn-f
see: ramasho
key: ransasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raysasho
(Raysasha-da)
1. Sidii hore si ka roon oo dhaanta noqosho.
2. Fayoobi helid; bogsasho; doorsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raysasho
m.f.dh eeg rayso. la-mid: raysad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raysasho
-da: (n) recovery (ri-ka-vari) ~ ladnaansho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raysasho
-da: (magac, dhedig, keli) ka soo kabasho; dhib ama xanuun ku hayey ka soo roonaansho. Dh: raysad, bogsasho, doorsasho..
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rogmasho
(Rogmasha-da)
1. Dhinaca kale isu rogid, isu laabid, isu geddiyid.
2. Sidii hore si ka duwan noqosho; doorsoomid.
3. (biyo, kd.) kulayl darti la karkarid, la karid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rogmasho
m.f.dh eeg rogmo. la-mid: rogmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rogmasho
-da: (magac, dhedig, keli) daadasho oo dhinaca kale u dhicid.
rogmasho -da: (magac, dhedig, keli) baabi'id oo wax halaagmay noqodho. Dh: doorsoomid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruxmasho
m.f.dh eeg ruxmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruxmasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ruxmad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xamrasho
-da: (magac, dhedig, keli) timaha tidic yaryar oo dubka ku naban u tidcasho. Xamrashadu waa calaamad gabadhnimada lagu garto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xarmasho
(Xarmasha-da)
1. Xajka gudashadiisa u qasdiyid: Xaj niyeysi.
2. Meel ama qof u shirid, u banbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xarmasho
m.f.dh eeg xarmo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
xarmasho
vl. n. desire to go on the pilgrimage to Mecca; gathering, rally
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xarmasho
-da: (magac, dhedig, keli) xaramka tegid. Xarmashada dhar gaar ah ayaa loo xidhaa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
xarmasho
de: desire to go on the pilgrimage to Mecca; [ext.] gathering, rally rw: xaram
initial: x
lx: xarmasho
pd: (/da)
ps: vn-f
key: xarmasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaso
-da: (magac, dhedig, keli) dhul dhagax madow leh; goob uu dhagaxeedu madow yahay. Meel raaso ah ayay deggan yihiin.
raaso-da: (magac, dhedig, keli) dul balladhsan oo ka sarraysa hareereheeda. Adhiga raasada jijiisi.
raaso -da: (magac, dhedig, keli) dhagax weyn. Maska raaso madaxa ka saar.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
ramas
ramas, n.m. - xafash aan qiimo lahayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
amaaho
f.g3 (-hday, -hatay) Amaah qaadasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
amaaho
f.g3 (-hday, -hatay) Amaah qaadasho. m.f.dh, amaahasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
amaaho
v. borrow (for oneself)