rakuucid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakuucid
m.dh la-mid: rukuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rukuucid
(Rukuucid-da)
Salaadda dhexdeeda, rukuuc la imaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukuucid
m.f.dh eeg rukuuc². la-mid: rakuucid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukuucid
-da: (magac, dhedig, keli) rukuuc samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakuuc
rakuuc¹: m.l la-mid: rukuuc¹.
rakuuc²: f.mg1 (-cay, -cday) la-mid: rukuuc².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rakuuc
v. bow ~ prostrate oneself in prayer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rakuuc
-a: (n) [Islamic religion] bowing down position, while performing prayers; prostration (paroos-tareey-shin)
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rakuuc
a: rukuuc
bw: Arabic
de: bow ~ prostrate oneself in prayer
lx: rakuuc
pd: (rakuucay)
ps: v1=
key: rakuuc
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakoocid
m.f.dh eeg rakooc². la-mid: rakooc¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakoocid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg rukuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raquusid
m.f.dh eeg raquus². la-mid: ruquusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadduucid
m.f.dh eeg dadduuc.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadduucid
-da: (magac, dhedig, keli) neef ido ah labada lugood qabasho oo sare u qaadid, labada jeeni oo hore ku socodsiin oo hore u riixid. Dadduucid baan laxda adhiga ugu keenay.
dadduucid-a: (magac, lab, keli) qof inuu meel tago diiddan si dhib leh ku kaxayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makhuurid
m.f.dh la-mid: maquurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makhuurid
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel biya ah quusin oo dhex muquursiin. Carruurta makhuuridda ka daa. Dh: muquurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mamnuucid
m.f.dh eeg mamnuuc².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
mamnuucid
-da: (n) prohibition (poroohibishiri); the act of prohibiting ~ maanicid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mamnuucid
-da: (magac, dhedig, keli) wax reebban oon cidna loo oggolayn ka dhigid. Dh: celin, joojin. Li: oggolaansho, fasixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakuucsan
f.mg4 (-naa, -nayd) la-mid: rukuuc-san.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuulid
(Kuulid-da)
(indho) indhakuul marin, ku qurxin, ku madoobeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuulid
m.f.dh eeg kuul².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuulid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg kuulan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuurid
m.f.dh eeg kuur².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuurid
-da: (magac, dhedig, keli) fiirin; ku dhegagid; dhugasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kuusid
(Kuusid-da)
Wax kuusan ka dhigid; soo buurid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kuusid
m.f.dh eeg kuus².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kuusid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kuusan ka dhigid; soo buurid; yuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raacid
(Raacid-da)
1. Wax meel u socda ama aadaya la socosho, u wehel yeelid.
2. (xoolo) daaq geyn; daajin; ilaalin; jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacid
m.f.dh eeg raac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raacid
vl. n. companionship, accompanying, going together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacid
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel u socota socodka ku biirin; socoto cagta ku darid.
raacid -da: (magac, dhedig, keli) eegid oo daranyada ka dhabid. Carruurtu raacidda xoolaha way ku kala fiican yihiin. Dh: jirid.
raacid-da: (magac, dhedig, keli) fikir iyo aragti la wadaagid oo talo ku waafiqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raacid
de: companionship, accompanying, going together
lx: raacid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: raacid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
raacid
مُصَاحَبَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragcid
m.f.dh eeg ragac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakcad
m.dh (-do, m.l) (dii.) Dhaqdhaqaaq salaadeed oo ka kooban, taagnaan ay ku xigto hal rakuuc, kor u toosid iyo laba sujuudood. la-mid: ragcad, rakacad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rakcad
m.dh (-do, m.l) (dii.) Dhaqdhaqaaq salaadeed oo ka kooban, taagnaan ay ku xigto hal rakuuc, kor u toosid iyo laba sujuudood. la-mid: ragcad, rakacad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rakcad
f. n. one of the prostrations in the Muslim prayer sequence
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rakcad
-da: (n) [Islamic religion] part or a unit of a Muslim prayer
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rakcad
a: ragcad
bw: Arabic
de: one of the prostrations in the Muslim prayer sequence
lx: rakcad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: rakcad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rakuub
(Rakuub-ka)
Ratiga la fuulo oo sida fardaha loo jareeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakuub
m.l (-byo, m.dh) Awr fuullimaad loo jarabaray.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rakuub
m. n. riding camel
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rakuub
-ka: (n) passenger (paasan-jar); back-seat driver ~ rakaab
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Rakuub
(I) Cammello da sella;
(E) Riding Camel
(S) Rakuub (S. c. s.: Rakùb, Rekùb)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakuub
-ka: (magac, lab, keli) ratiga ama faraska la fuulo oo loo jareeyo si loo koro. Rakuub farda leh, ramadna geel baa leh. Dh: rukuub.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rakuub
bw: Arabic
de: riding camel
lx: rakuub
pd: (-ka)
ps: n2a-m
key: rakuub
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rudcid
(Rudcid-da)
Si ruduc ah, wax u soohid, u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudcid
m.f.dh eeg ruduc². la-mid: ruduc¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rudcid
-da: (magac, dhedig, keli) si ruduc ah wax u tidcid oo u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rukuuc
(Rukuuc-da)
Foororsi, salaadda qaybeheeda ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukuuc
rukuuc¹: m.l/dh (-co, m.l/dh) Jilbo-qabsashada uu qof tukanayaa sameeyo isaga oo foorarsanaya. la-mid: rakuuc¹.
rukuuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Qof tukanaya jilbo-qabsasho isaga oo rakuuc². la-mid: foorarsanaya.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rukuuc
rukuuc¹: m.l/dh (-co, m.l/dh) Jilbo-qabsashada uu qof tukanayaa sameeyo isaga oo foorarsanaya. la-mid: rakuuc.
rukuuc²: f.mg1 (-cay, -cday) Qof tukanaya jilbo-qabsasho isaga oo foorarsanaya. m.f.dh, rukuucid. la-mid: rakuuc.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rukuuc
f. n. prostration (in Islamic regular prayers)
rukuuc: v. bow, prostrate oneself in prayer
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rukuuc
-da: (n) [Islamic religion] the position in prayer in which the person prostrates himself in a standing position with his body bent forward at the waist and his hands on his knees; prostration (paroos-tareey-shin)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukuuc
(fal) foororso oo jilbaha qabsooo rukuuc samee.
rukuuc-da: (magac, dhedig, keli) foorarsi jilbaha la qabsado dhabarkana la simo oo ah rukun salaadda asaas u ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruubid
(Ruubid-da)
(wax) ciid jilicsan ama wax kale oo la mid ah, dhex gelin, ku librin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruubid
m.f.dh eeg ruub². la-mid: ruubin, ruubis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruubid
-da: (magac, dhedig, keli) dhexgelin oo ku libdhin, xuluulin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Ruubid
Mudid, wareemid, turqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruufid
-da: (magac, dhedig, keli) si xun u eegid. Dh: huruufid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruugid
(Ruugid-da)
Wax aan la liqi karin oo dhacaanka keliya laga nuugayo, calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruugid
m.f.dh eeg ruug².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ruugid
-da: (n) chewing; crunching; masticating ~ see also [eeg] ruug¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruugid
-da: (magac, dhedig, keli) wax ad'adag in badan calalin oo ilkaha ku daqiijin.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Ruugid
Birta aan afaysnayn waxa looga shaqaynayo way ruugtaa. Birhaylaha, qardhabada, birjaraha, qodobjaraha middida raandada iwm. waxa looga shaqaynayo way ruugaan haddayna si habboon u afaysnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ruuqid
(Ruuqid-da)
Cunno qoyan oo jilicsan, afka ku cunid, ku bashuuqsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ruuqid
m.f.dh eeg ruuq.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ruuqid
-da: (magac, dhedig, keli) cunno qoyan oo jilicsan, afka ku cunid.
ruuqid: -da: (magac, dhedig, keli) danbas iyo wixii la mid ah, qori noolays ah dhexgelin. Dh: ruugis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yuucid
(Yuucid-da)
Soo buurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yuucid
m.dh la-mid: yuubid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yuucid
-da: (magac, dhedig, keli) afka fiigid oo wax soo yuucan ka dhigid.
yuucid-da: (magac, dhedig, keli) buurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abuurid
(Abuurid-da)
Wax aan hor u jirin uumid; curin; alkumid; jirsiin; dhalin; ahaysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abuurid
m.f.dh eeg abuur³. la-mid: abuur¹ (2), abuuris, abuuritaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abuurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan hore u jirin uumid; alkumidda wax cusub. Dh: ahaysiin, jirsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Afuufid
(Afuufid-da)
Neef afka ka soo deyn, oo meel ama wax ku toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuufid
m.f.dh eeg afuuf². la-mid: afuuf¹ (1).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
afuufid
-da:(n) the act or an instance of blowing air from the mouth
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afuufid
-da: (magac, dhedig, keli) dabka oo naqas lagu tuuro si loo huriyo.
afuufid-da: (magac, dhedig, keli) neef afka ka soo deyn oo meel ama wax mug leh ka buuxin. Dh: afuufis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afuugid
m.f.dh eeg afuug². la-mid: afruug¹, afruugid, afuug¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aguugid
m.f.dh eeg aguug². la-mid: aguug¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aguugid
-da: (magac, dhedig, keli) dad ama duunyo. socod habqan ah, is dhexsocod.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruubid
-da: (magac, dhedig, keli) milidda dareere wax lagu qaso. Dh: walaaqid, qassid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aruurid
m.f.dh eeg aruur. la-mid: ururid, uruurid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aruurid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kala baahsanaa, isku keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
makuuti
m.l Caws guryaha carshaanta ah la saaro oo laga sameeyo geedka qunbaha.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
makuuti
m.l Caws guryaha carshaanta ah la saaro oo laga sameeyo geedka qunbaha.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
makuuti
-ga: (magac, lab, keli) caws guryaha carshaanta ah la saaro oo laga sameeyo geedka qunbaha.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafacid
m.f.dh eeg rafac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafacid
-da: (magac, dhedig, keli) alaab shago lagu waday ururin oo meel hagaagsan dhigid. Dh: gurid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakacad
m.dh la-mid: rakcad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakacad
-da: (magac, dhedig, keli) eeg ragcad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rakibid
(Rakibid-da)
Wax xubnihiisu kala daadsan yihiin ama furfuran, isu geyn, mid ka dhigid, dhisid, isku xirxirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakibid
m.f.dh eeg rakib.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakibid
-da: (magac, dhedig, keli) wax xubnihiisu kala furfuran yihiin isku xirxirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rukumid
(Rukumid-da)
Rukun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rukumid
m.f.dh eeg rukun².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rukumid
-da: (magac, dhedig, keli) joogtayn; rukun ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xakumid
m.dh la-mid: xukumid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xakumid
-da: (magac, dhedig, keli) xakun ku ridid oo dembi ku helid ama beriyeelid.
xakumid -da: (magac, dhedig, keli) arrin dacwadi ka socotay go'aan ka soo saarid oo xukun ka gaadhid. Dh: xukumid.
xakumid-da: (magac, dhedig, keli) hogaan maamul hayn oo masuul ahaansho. Dh: xukumid, talin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baduugid
(Baduugid-da)
Burburin, jejebin.