rajoobid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajoobid
(Rajoobid-da)
Rajo noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajoobid
m.f.dh eeg rajow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rajoobid
-da: (magac, dhedig, keli) rajo aan hooyo lahayn noqosho. Rajoobiddu carruurta uma sama.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rajoob
inch. v. become motherless
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rajoob
a: rajow ~ rajoow
de: become motherless
lx: rajoob
pd: (rajoobay)
ps: v1=inch
key: rajoob
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aboobid
m.f.dh eeg abow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aboobid
-da: (magac, dhedig, keli) abka ama isirka ka mid noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aafoobid
m.f.dh eeg aafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ibtilo qabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bahoobid
m.f.dh eeg bahow². la-mid: bahow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
bahoobid
-da: (magac, dhedig, keli) istaageersi iyo iskaashi darteed u midoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caroobid
m.f.dh eeg carow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
catoobid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal cataw ah ku hadlid; calaacalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
da'oobid
m.f.dh eeg da'ow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
da'oobid
-da: (magac, dhedig, keli) gaboobid oo wax da' weyn jooga ahaan. Dh: gaboobid, duqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dadoobid
(Dadoobid-da)
Dhalanka iyo baxaalliga dadkoo kale yeelasho; dad noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dadoobid
m.f.dh eeg dadow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadoobid
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada dhaqanka fiican ee dadka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dawoobid
m.dh la-mid: daawoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dawoobid
-da: (magac, dhedig, keli) ka bogsashada cudurka. Dawoobid dhakhso ah ayaan kuu rajaynaynaa. Dh: bogsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dayoobid
(Dayoobid-da)
Dayow ku dhicid; ismadaxmarid; asqoobid; dhami'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dayoobid
m.f.dh eeg dayow². la-mid: dayow¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dayoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato iyo jahawareer ku jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaboobid
(Gaboobid-da)
In badan jirid; filka meesha ugu danbaysa gaarid; duqoobid; odayoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaboobid
m.f.dh eeg gabow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) cimri dheeraansho iyo da'weyni. Dh: duugoobid, duqoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Lafoobid
(Lafoobid-da)
Lafaha madaxa ka jabid; daqramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lafoobid
m.f.dh eeg lafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
lafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) lafaha madaxa ka jabid. Dh: dakhramid.
lafoobid-da: (magac, dhedig, keli) aad u itaalxumaan oo weydoobid. Dh: caatoobid, lafow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masoobid
(Masoobid-da)
Mase noqosho; sinmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masoobid
m.dh la-mid: misoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mase noqosher isku mid ahaan; wax siman ahaansho. Iyadoon la heshiin masoobid ma dhici karayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qaboobid
(Qaboobid-da)
Qabow noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaboobid
m.f.dh eeg qabow².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax qabow noqosho. Dh: qaboobis. Li: kululaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wejigabax la kulmid. Dh: khassoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakoocid
m.f.dh eeg rakooc². la-mid: rakooc¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakoocid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg rukuucid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rumoobid
(Rumoobid-da)
Run noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rumoobid
m.f.dh la-mid: rumow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rumoobid
-da: (magac, dhedig, keli) run noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saloobid
(Saloobid-da)
Sal noqosho, yeelasho; dhaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saloobid
m.f.dh eeg salow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saloobid
-da: (magac, dhedig, keli) sal noqosho, yeelasho: dhab noqosho. Dh: dhaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tasoobid
(Tasoobid-da)
Abaajiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tasoobid
m.f.dh eeg tasow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tasoobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax lumay o aan hore loo tabin. Baadidu way tasowday: Dh: hallaabid, dayacmid, abaajiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xujoobid
(Xujoobid-da)
Qof tolka eed ka galay oo loo haysto noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xujoobid
m.f.dh eeg xujow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xujoobid
-da: (magac, dhedig, keli) denbi galid, eedoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yakoobid
m.f.dh eeg yakow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
yaxoobid
m.dh la-mid: yoxoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaxoobid
-da: (magac, dhedig, keli) hufaraacid oo roob ka cararid. Dh: hufaraacid.
yaxoobid -da: (magac, dhedig, keli) yaxoob u fadhiyid. Yaxoobidda waa la bartaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barafoobid
(Barafoobid-da)
Baraf noqosho; aad u qaboobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barafoobid
m.f.dh eeg barafow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barafoobid
-da: (magac, dhedig, keli) aad u qaboobid oo baraf fadhiya noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Barakoobid
(Barakoobid-da)
Barako yeelasho; badasho; bulaalid; tarmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barakoobid
m.f.dh eeg barakow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barakoobid
-da: (magac, dhedig, keli) barako iyo doobir yeelasho oo si Ilaahay u beexaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caraboobid
m.f.dh eeg carabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Caraboobid
-da: (magac, dhedig, keli) Carab noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqoobid
m.f.dh eeg maraqow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mararoobid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maararroobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarasoobid
m.f.dh eeg qarasow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadgoobid
m.f.dh eeg raadgoob². la-mid: raadgoob¹
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadgoobid
-da: (magac, dhedig, keli) doondoonid: daydayid; raadin. Raadgoobid badan ka dib waa la helay sacii baadiyoobay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabshoobid
(Rabshoobid-da)
Rabsho gaarid, qabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshoobid
m.f.dh eeg rabshow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sarajoogid
m.f.dh eeg sarajoog². la-mid: sarajoog¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sarajoogid
-da: (magac, dhedig, keli) sare isu taagid, fadhi ka kicid, sare u kicid, taagnaansho, sarakicid. Dh: taagnaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tirakoobid
m.f.dh eeg tirakoob².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tirakoobid
-da: (magac, dhedig, keli) tirin lagu garto samayn intay yihiin. Tirakoobida dad baa loo qaadan shaqaalo ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baxdoobid
-da: (magac, dhedig, keli) noole farakabixid gaadha. Baxdoodbid baarqab galay geela simin waaye. Dh: baxaayoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanoobid
-da: (magac, dhedig, keli) caano noqosho; caddaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caaroobid
(Caaroobid-da)
Cadanyood; xajiimood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaroobid
m.f.dh eeg caarow. la-mid: caarood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) cadanyoobid; xajiimoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caatoobid
(Caatoobid-da)
1. Caato noqosho.
2. Daalid, noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caatoobid
m.f.dh eeg caatow². la-mid: caatow¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caatoobid
-da: (magac, dhedig, keli) mid weyd ah noqosho.
caatoobid -da: (magac, dhedig, keli) daalid; noogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadhoobid
m.f.dh eeg cadhow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadhoobid
-da: (magac, dhedig, keli) cudurka cadhada yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cammoobid
m.f.dh eeg cammow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cammoobid
-da: (magac, dhedig, keli) indho beelid; dhaayabeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
carroobid
m.f.dh eeg carrow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cayroobid
(Cayroobid-da)
Cayr noqosho; xoola beelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cayroobid
m.f.dh eeg cayrow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cayroobid
-da: (magac, dhedig, keli) caydh noqosho: xoola beelid. Dh: caydhoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daawoobid
m.f.dh eeg daawow. la-mid: dawoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dawo ku bogsasho oo ku caafimaadid. Kolkii nafaqada la siiyay ayaa daawoobid ugu horraysay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daddoobid
m.dh la-mid: deddoobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daddoobid
-da: (magac, dhedig, keli) dhaxan iyo qabaw daraaddii, la qadhqadhyoo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dangoobid
m.f.dh eeg dangow.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaboobid
(Dhaboobid-da)
Wax suuraggalay noqosho; dhab noqosho; run noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaboobid
m.f.dh eeg dhabow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaboobid
-da: (magac, dhedig, keli) wax dhab ah noqosho. Dh: rumoobid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaloobid
m.f.dh eeg dhalow².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaroobid
m.f.dh eeg faarow.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaroobid
-da: (magac, dhedig, keli) faar yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanjooqid
m.f.dh eeg fanjooq.