rajeyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajeyn
(Rajeyn-ta)
Rajo qabid; filasho; (ama rejeyn).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ajeyn
(Ajeyn-ta)
Ajo ka dhigid; xumayn; qasid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajeyn
m.f.dh eeg ajee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo jooga wasakhayn. Dh: ajayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajayn
(Rajayn-ta)
(ilmo) rajo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajayn
m.f.dh eeg rajee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rąjayn
m.f.dh eeg rąjee. la-mid: rejeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rajayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan filasho; wax soo socda heliddiisa niyadda ku hayn. Rajaynta wanaagsan lagama caajiso. Dh: filitaan. Li: quus.
rajayn-ta: (magac, dhedig, keli) ilmo rajo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rejeyn
(Rejeyn-ta)
Wax rejo ka qabid; filasho; sugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rejeyn
m.dh la-mid: rąjayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Filasho
(Filasha-da)
Sugid; dhawrid; rajeyn; malaysasho; quuddarrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Quuddarrayn
(Quuddarrayn-ta)
Filasho; rajeyn; sugid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aakib
m.l 1. Ka aa. ah: faa'iidada laga rajeynayo fal lagu dhaqaaqi doono. Tusaale: “Samaynta Warshadda Saabuunta waxa ka aa. ah in ay joogsato tii dibadda ka imaneysay oo lacagta adagi ku baxaysay”. 2. Ka aa. ah: mudnaanta uu wax, wax kale ka leeyahay. Tusaale: “Tiro badan waxaa ka aa. ah tayo”.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
anticipation
/aantisapeyshan/ (n) wax si farxad leh aad u sugaysid; aad si weyn u rajeynaysid. e.g. I was looking forward with eager anticipation to receiving her letter.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
expectation
/ekispekteyshan/ (n) rajo, rajeyn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
hope
/howp/ (n) 1. rajo. (v) 2. rajeyn, filid.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
reckon
/rekan/ (v) 1. xisaabin (isku-xisaabin) 2. fikrad ka qabid (fikradda qof ama shay laga aaminsan yahay) 3. rajeyn (filid).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
wish
/wish/ (v) 1. rabid; doonid (v) 2. rajeyn; filid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Colaad
magac loo baxsho wiil dhashay waqti colaadi jirto ama khilaaf labadiisa waalid dhex yaallo. Waxa kale oo loo baxshaa wiil la rajeynayo in uu noqdo mid adag oo cadowga iska difaaca.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
souhaiter
souhaiter, v. - rajeyn; rajo ka gabid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Darajeyn
(Darajeyn-ta)
Magac iyo darajo u yeelid; weyneyn; muunayn; tixgelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darajeyn
m.f.dh eeg darajee. la-mid: derejeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darajeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) maamuusid oo qiimo iyo qaayo u yeelid. Darajeynta culumadu waa u adeegga cilmiga. Dh: derejeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
oraneyn
v., neg., progressive v. form: was / were not saying
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
oraneyn
de: was / were not saying
lx: oraneyn
pd: (odhaneynin)
ps: v4a-neg-prog
xe: No one was saying it like that.
xv: Qofna sidaas ma oraneyn.
key: oraneyn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rabbeyn
-ta: (n) taking care of children or a child during the early stages of life; raising; educating (eji-keey-ting) ~ barbaarin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragleyn
m.dh la-mid: raqleyn.
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rajeeya
name-f hoping; full of hope
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqleyn
(Raqleyn-ta)
(fardo) orod raqle ah, ordid; saqleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqleyn
m.f.dh eeg raqlee. la-mid: ragleyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajey
(fal) biyo jooga wasakhay. Dh. ajay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rayn
(Rayn-ta)
Guulaysasho; libinaysi; adkaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rayn
m.f.dh eeg ray.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rayn
-ta: (magac, dhedig, keli) ka guulaysasho: ka adkaan. Dh: libinaysi
rayn-ta: (magac, dhedig, keli) fiicnaansho oo sidi hore si dhaanta ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo nadiif ah ajo ka dhigid; biyo jooga wasakhayn. Dh: ajays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajay
(Rajay-ga)
Ilmo carruur ah oo lab oo hooyadi dhimatay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajay
rajay¹: m.l Wiil yar oo hooyadii dhimatay.
rajay²: m.dh Gabar yar oo hooyadeed dhimatay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rajay
m.l Wiil yar oo hooyadii dhimatay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rajay
m. n. motherless boy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rajay
-ga: (n) orphan (oorfan); especially a motherless child ~ ilma hoyadiis dhimatay
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rajay
-ga: (magac, lab, keli) ilmo yar oo lab ah oo hooyadii dhimatay.
rajay-da: (magac, lab, keli) dabar yar oo hooyadeed dhimatay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rajay
cf: rajo
de: motherless boy
lx: rajay
pd: (-ga)
ps: n7-m
key: rajay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajee
f.g2 (-jeeyay, -jaysay) Ilmo yar rajo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rąjee
f.g2 (-jeeyay, -jaysay) Filasho. la-mid: rejee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rajee
rąjee: f.g2 (-jeeyay, -jaysay) Filasho. m.f.dh, rąjayn. la-mid: rejee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rajee
v. hope for, expect, wish
rajee: v. make motherless
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rajee
-yey / rajeysay: (v) hope (hoop); expect (ekispakt), anticipate (aantisipeeyt), await (a weeyt) ~ filo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rajee
(fal) niyad wanaagsan ka muuji helidda wax maqan; ku niyadsamaw in sida aad doonayso ay wax u dheaan. Rajee wax wanaagsan, runtii waad heliye. Dh: filo
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
raven
/reyvan/ (n) shimbir weyn oo tukaha u eg.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
raven
n., tuka or tukay, -ihi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rejen
m.l la-mid: rajab.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aneyn
a: =-aneynin
de: is ~ was / are ~ were not doing (X)
lx: -aneyn
ps: v3-neg-prog
key: -aneyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aafeyn
(Aafeyn-ta)
Aafo gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cadeyn
(Cadeyn-ta)
Cad cad u googgoyn; yaryarayn; cadadeyn; jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cadeyn
m.f.dh eeg cadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cadcad u jarjarid ama u googgoyn. Dh: yaryarayn, jarjarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caweyn
(Caweyn-ta)
Fiid soo jeedid; habeen gelinkiisa hore, sheeko ama wax kale, ku soo jeedid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caweyn
m.f.dh eeg cawee. la-mid: caweys (3).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caweyn
vl. n. spending the evening, socializing in the evening
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caweyn
-ta: (n) sociable conversation in the evening; social gathering in the evening
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) fiid soo jeedid ama habeen gelinkiisa hore waaryid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caweyn
de: spending the evening, socializing in the evening
lx: caweyn
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: caweyn
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dareyn
f. n. rapidity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daweyn
(Daweyn-ta)
Dawo ku samayn; cudur biskoodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daweyn
m.dh la-mid: daaweyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid jirran dawo u qorid ama siin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fajayn
(Fajayn-ta)
Qof oogadi faraha aad ugu mudmudid oo ugu garaacid, si jirku u baraarugo, siiba muruqyada iyo seedaha, oo u debecdo dhiigguna qummaati ugu wareego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajayn
m.f.dh eeg fajee. la-mid: fajays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof oogadiis faraha aad ugu mudmudid oo ugu turturqid, si jidhku u baraarugo, siiba muruqyada iyo seedaha oo dhiigga guntamay uu u debco oo uu wareeg u bilaabo. Dh: fajays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faweyn
m.f.dh eeg fawee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabeyn
m.f.dh eeg gabee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gujeyn
(Gujeyn-ta)
Gujo ku dhufasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gujeyn
m.f.dh eeg gujee. la-mid: gujeys, gujin, gujis (2).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habeyn
-ka: (n) night (naayt) ~ habeen,cawo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hadeyn
m.f.dh eeg hadee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haweyn
m.f.dh eeg hawee. la-mid: haweys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haweyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hawo gelin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kafeyn
(Kafeyn-ta)
Ku fillaan; deeqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kafeyn
m.f.dh eeg kafee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kafeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) wada deeqid ama ku wada fillaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
majayn
-ta: (magac, dhedig, keli) majo ku haamid. Majaynta heeddu waxay u baahan tahay guus. Dh: goyn.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAJEEN
(Machin) N Stipagrostis hirtigluma (Trin & Rupr) De Winter. Gramineae.
N Stipagrostis uniplumis (Licht) De Winter. Gramineae.
N Aristida adscensions L. Gramineae.
N Dichanthium foveolatum (Del.) Roberty. Gramineae.
N Aristida triticoides Henr. Gramineae.
N Aristida migiurtina Chiov. Gramineae.
N Crotalaria dumosa Franch. Papilionaceae.
N Indigofera intricata Boiss Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maseyn
m.f.dh la-mid: miseyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maseyn
-ka: (magac, laab, keli) dibi laboodhedig ah.
maseyn -ta: (magac, dhedig, keli) wax siman oo isku mid ama is le'eg ah ka dhigid. Dh: masayn, simid, misayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qabeyn
m.dh la-mid: qubeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo iyo wax la mid ah ku qubeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qadeyn
(Qadeyn-ta)
Qado cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qadeyn
m.f.dh eeg qadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qadeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) hadhimo cunid Dh: qadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaleyn
m.f.dh eeg qalee. la-mid: qaleys.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qujeyn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qujayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
racayn
racayn¹: m.dh Kooxayn ama xulid tiro waxyaaleed iyada oo aan loo eegin orsa-naan.
racayn²: m.dh Hormo urur kasta ee uu urur walxood iyada oo aan la tixgelin horsanaanta sida loo kala xushay. Haddii 'r' walxood laga xushay urur 'n' kutirsane leh oo weliba walax kastana la xulan karo mar keliya. Tirada racaymaha kaladuwan waa: n!/[r!(n-r)!] loona qoro nCr ama C(n,r)[r!(n-r)!]Tusaale ahaan, haddi fasal ay ku jiraan 15 arday ay ka dhexeeyaan 5 buug oo keliya, marka buug kasta waa in ay saddex arday wadagaan, inta siyaalo ee loo ratibi karo waa: 15!/[3!(15-3)!] ama 455.
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Racayn
Permutation
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rajmin
-ta: (magac, dhedig, keli) dhagax ku dilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rakayn
(Rakayn-ta)
Rako ka dhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rarayn
-ta: (magac, dhedig, keli) neef muur ah raro saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasayn
(Rasayn-ta)
Raso ka dhigid; is kor saarsaarid; taallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasayn
m.f.dh eeg rasee. la-mid: rasays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si habaysan isku dul dhigdhigid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dareere weel lagu qiyaasayo aad u buuxin illaa uu hareeraha ka daadanayo.