rajee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajee
f.g2 (-jeeyay, -jaysay) Ilmo yar rajo ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rąjee
f.g2 (-jeeyay, -jaysay) Filasho. la-mid: rejee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rajee
rąjee: f.g2 (-jeeyay, -jaysay) Filasho. m.f.dh, rąjayn. la-mid: rejee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rajee
v. hope for, expect, wish
rajee: v. make motherless
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rajee
-yey / rajeysay: (v) hope (hoop); expect (ekispakt), anticipate (aantisipeeyt), await (a weeyt) ~ filo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rajee
(fal) niyad wanaagsan ka muuji helidda wax maqan; ku niyadsamaw in sida aad doonayso ay wax u dheaan. Rajee wax wanaagsan, runtii waad heliye. Dh: filo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ajee
f.g2 (ajeeyay, ajaysay) Biyo ajo ka dhigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ajee
v. spoil, rot; stagnate (water)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ajee
(fal) eeg ajay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ajee
cf: ajo
de: spoil, rot; stagnate (water)
lx: ajee
pd: (ajeeyey)
ps: v2b=
key: ajee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fajee
f.g2 (-jeeyay, -jaysay) 1. Wax faraha ku taabasho. 2. Wax faraha ku daliigid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fajee
v. touch, handle; massage
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fajee
(fal) si dareen ku jiro wax u duug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fajee
de: touch, handle; massage
lx: fajee
pd: (fajeeyey)
ps: v2b=
key: fajee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rakee
v. build a platform, shelf, etc.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rakee
cf: rako
de: build a platform, shelf, etc.
lx: rakee
pd: (rakeeyey)
ps: v2b=tr
key: rakee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raree
v. cover up someone who is cold with something
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raree
de: cover up s.o. who is cold with s.t. (e.g., a blanket)
lx: raree
pd: (rareeyey)
ps: v2b=tr
key: raree
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Alaab si habaysan isu dul saarid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rasee
f.g2 (-seeyay, -saysay) Alaab si habaysan isu dul saarid. m.f.dh, rasayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rasee
v. stack
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rasee
-yey / raseysay: (v) arrange in orderly layers, one on top of the other; shelve (shaalv); pile (paayl); stack (istaak); heep (hiip)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasee
(fal) is dul dhigdhig oo wax rasaysan ka dhig.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rasee
cf: raso
de: stack
lx: rasee
pd: (raseeyey)
ps: v2b=tr
key: rasee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raxee
(fal) dareere weel lagu qiyaasayo aad u buuxi illaa uu hareeraha ka daadanayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rejee
f.g2 (-jeeyay, -jeysay) la-mid: rąjee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rejee
v. hope for, expect, wish
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rejee
a: rajee
de: hope for, expect, wish
lx: rejee
pd: (rejeeyey)
ps: v2b=
key: rejee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jeeqaaq
jeeqaaq¹: m.l 1. Daymo dhinac wax loo dayo. 2. Rajayn wax la rajeeyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajayn
m.f.dh eeg rajee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rąjayn
m.f.dh eeg rąjee. la-mid: rejeyn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
odds on
/odhis on/ (adj) lugu rajo weyn yahay (wax loo badinayo ama la rajeeyo inay dhacaan).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
pessimistic
/pesamistik/ pessimistically; (adj) qofka dhanka xun wax ka eega (sida xun wax u rajeeya) baasayste.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
sanguine
/sang win/ sanguinely; (adj) rajo fiican leh (wax wanaagsan rajeeya).
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
toast
/towst/ (n) 1. rooti la kululeeyey (rooti dab la kulaalsiiyey) (v) 2. kulaalsiin (rooti iwm, oo dab la kulaalsiiyo) (v) 3. cabbitaan ammuur loo sameeyo (sida cabbitaan qof loogu rajeeyo guul iyo fiyoobi ama qof faraxiis lugu maamuuso).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
filo
-fishay/filatay: (v) hope (hoop), expect (ikis pakt), anticipate (aan tisi peeyt), await (a weeyt) ~ rajee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Ararsame
magac loo baxsho wiil la rajeenayo in ay dhalashadiisu tahay billaw wanaagsan oo carruur badan horseeda; waxa kale oo loo bixiyaa wiilka dhalashadiisu aanay fool kululi ka horrayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dallayso
(fal) wanaag filo; khayr rajee. Weliga mustaqbalkaaga dallayso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawo
-da: (magac, dhedig, keli) rajo cid xumaan iyo dhib loo rajeeyo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhursug
(fal) «ka ~» rajee oo ha ka quusan wixii aad sugaysay. Li: quuso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaree
(fal) baq oo cabsoo oo gariir.
jaree: (fal) ciyaarta jaraha ciyaar.
jaree: (fal) rajee oo quuddarree. Jaree in ilaahay wax walba innoo hagaajiyo. Dh: filo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mood
'duco' erey duco ah oo wanaag raaga lagu rajeeyo. Rooboow mood raxmad Allaay kaalay.
mood: (fal) si ay kuula muuqato u qaado oo u malee. Guuxiisa mood gob inaad ku tahay geeska Afrikoow. Dh: malee.
mood: (fal) ka qudub oo dhaaf. Sheekadaa mood oo tu kale innoo bilaw Dh: dhaaf.
mood-da: (magac, dhedig, keli) dalliigaha casuuska ah ee cirka ku samaysma marka ay cadceedu dhacdo dabadeed yar.
mood-ka: (magac, lab, keli) maradu marka ay aad u madhato ee ay maydhidda iska xajin karayn. Maryaha moodka noqday karbaashka ku tola. Dh: calal, hun.
mood-ka: (magac, lab, keli) hanti wixii aan naflay ahayn oo dhan. Li: nool.
mood -ka: (magac, lab, keli) wixii cusub ee kolkaa dhallinyaradu la falgasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mustaqbal
-ka: (magac, lab, keli) xilli iman doona. Dh: timaaddo. Li: tegto.
mustaqbal -ka: (magac, lab, keli) aayatiin dambe oo la rajeeyo. Mustaqbal fiican ayaan rajaynayaa. mustareex -a: (magac, lab, keli) raaxo; farxad. mustareexi: (fal) ka farxi, u raaxee. Dadku way ku sugayaane caawa ka mustareexi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawil
(fal) wax rajee oo sug. Weligaa wanaag naawil. Dh: fil, malee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nayaayiroo
(fal) helidda wax kaa maqan ku taan oo rajee. Nayaayirood waligaa wanaag.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
niyay
(fal) niyadda ku qabo oo rajee. Dh: niyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
quuddarray
(fal) wax in lagu siiyo filo. Dh: quudarree, filo, rajee, sug.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
darajee
f.g2 (-jeeyay, -jeysay) Qof, si xushmad iyo qaddarin ku jirto ula dhaqmid. la-mid: derejee.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
darajee
f.g2 (-jeeyay, -jeysay) Qof, si xushmad iyo qaddarin ku jirto ula dhaqmid. m.f.dh, darajayn. la-mid: derejee.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
darajee
v. respect
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
darajee
-yey I darajeysay: (v) honor (oonnar); respect (rispakt) ~ derejee, ixtiraam
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
darajee
(fal) maamuus oo qiimo iyo qaayo u yeel. Culumada darajee. Dh: derejee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
darajee
de: respect
lx: darajee
pd: (darajeeyey)
ps: v2b=tr
see: derejee
key: darajee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
derajee
-yey I darajeysay: (v) honor (oonnar); respect (rispakt) ~darejee, ixtiraam
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rajee_1
de: hope for, expect, wish
hm: 1
lx: rajee
pd: (rajeeyey)
ps: v2b=
xe: I hope you will excuse us.
xv: rejee
key: rajee_1
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rajee_2
de: make motherless
hm: 2
lx: rajee
pd: (rajeeyey)
ps: v2b=
key: rajee_2
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Rajeeya
name-f hoping; full of hope
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
araree
(fal) eeg araray.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barjee
f.g/mg2 (-jeeyay, -jaysay) 1. (f.g) Galmoo. 2. (f.mg) Meel goglan oo barkimooyin lagu tiirsado leh jaad ku cunid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
barjee
f.g2 (-jeeyay, -jaysay) 1. (f.g) Galmoo. 2. (f.mg) Meel goglan oo barkimooyin lagu tiirsado leh jaad ku cunid. m.f.dh, barjayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barjee
(fal) qaad cun. Barjee oo iska mirqaa. Dh: qayil.
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
MAJEEN
(Machin) N Stipagrostis hirtigluma (Trin & Rupr) De Winter. Gramineae.
N Stipagrostis uniplumis (Licht) De Winter. Gramineae.
N Aristida adscensions L. Gramineae.
N Dichanthium foveolatum (Del.) Roberty. Gramineae.
N Aristida triticoides Henr. Gramineae.
N Aristida migiurtina Chiov. Gramineae.
N Crotalaria dumosa Franch. Papilionaceae.
N Indigofera intricata Boiss Papilionaceae.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qajeel
In badan; badanaa; aalaa; dhaaxa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qajeel
qajeel¹: m.dh (-lyo, m.l) 1. Rajo. 2. Sida badan, marar badan, badanaa. Tusaale: “Qajeel buu yimaadaa”.
qajeel²: f.g1 (-eelay, -eeshay) Wax rajo ka qabid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qajeel
adv., time: often
Qaamuus-Yare Soomaali-Faransiis - Kiristoofe Filibeerti [1976]
Qajeel
souvent.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qajeel
-sha: (magac, dhedig, keli) inta badan. Qajeel ayaan ninkan arkaa. Dh: badanaa, aalaa, dhaaxa. Li: naadir.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qajeel
de: often
lx: qajeel
ps: adv-time
syn: aalaa, badanaa, dhaaxa
key: qajeel
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax raan u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raamee
v. have matted ~ tangled hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamee
(fal) raamo ka dhig: timaha ha feedhin si ay isugu marmaan oo raamo u yeeshaan. Dh: marmar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raamee
de: have matted ~ tangled hair
lx: raamee
pd: (raameeyey)
ps: v2b=intr
key: raamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxee
f.mg2 (-xeeyay, -xaysay) 1. U r.: cid nolol raaxo leh ku noolaysiin. 2. U r.: qof niyaddiisa farxad gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raaxee
f.mg2 (-xeeyay, -xaysay) 1. U r.: cid nolol raaxo leh ku noolaysiin. 2. U r.: qof niyaddiisa farxad gelin. m.f.dh, raaxayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raaxee
v. give pleasure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxee
(fal) (u ~) u suurageli in uu raaxaysto; u raaxee. U raaxee waalidkaaga oo cagaha u duug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raaxee
de: give pleasure
lx: raaxee
pd: (raaxeeyey)
ps: v2b=
key: raaxee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbee
rabbee: f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Ubad si habboon u barbaarin. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigid.
rąbbee: f.g2 (-beeyay, -baysay) Geel wax ku tumasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rabbee
f.g2 (-beeyay, -baysay) 1. Ubad si habboon u barbaarin. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigid. m.f.dh, rabbayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rabbee
v. educate, train, tame; bring up
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rabbee
-yey / rabbeysay: (v) take care of and educate; rear (riy-er); bring up (biring ap); raise (reeyz) ~ barbaari
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbee
(fal) carruur dhaqan iyo edeb fiican ku ababi, ku barbaari. Si wanaagsan u rabbee ubadka Dh: edbi.
rabbee: (fal) xoolo ama xayaan carbi. By rabbee tuugga ha ku ciyee. Dh: layli, tababbar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rabbee
cf: marabbi
de: educate, train, tame; bring up
lx: rabbee
pd: (rabbeeyey)
ps: v2b=tr
key: rabbee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabeeb
-ka: (magac, lab, keli) afbeelidda qolxad ama bir kale oo wax goysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rablee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Labada lugood oo isku duuban oo kol ama ka badan boodid. 2. Timo haween si rable ah u samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rablee
f.mg2 (-leeyay, -laysay) 1. Labada lugood oo isku duuban oo kol ama ka badan boodid. 2. Timo haween si rable ah u samayn. m.f.dh, rablayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rablee
v. jump with one's feet together
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rablee
-yey / rableysay: (v) skip (iskip); jump with both feet
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rablee
(fal) si rable ah u boodbood. Weligaa rablee oo reerka waad iman...
rablee: (fal) timo qaybi oo faro waaweyn u xidhxidh. Inanta yar u rablee timaha.
rablee: (fal) shax rabli u ciyaar oo godad kooban kolba dhan ugu guur. Haddii ay shaxdii irmaan oodan gashay adna rablee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rablee
de: jump with one's feet together
lx: rablee
pd: (rableeyey)
ps: v2b=intr
key: rablee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
raclée
raclée, n.f. - xoqmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Radeeb
(Radeeb-ka)
(alaab, kd.) af aan wax goyn oo gamuuxan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radeeb
radeeb¹: m.l 1. R. ah: mindi, waran iyo wixi lamida oo aan af wax gooya lahayn. 2. radeebid.
radeeb²: f.g1 (-bay, -btay) 1. Mindi, waran iyo wixi lamida wax la radeebay noqosho. 2. Ciid, dhagax iyo wixi lamida wax hoos loo nabay noqosho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
radeeb
m. n., [abstract] bluntness
radeeb v. blunt
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radeeb
(fal) saawir waxba goyn ama mudin noqo. Dh: gamuur.
radeeb -ta: (magac, dhedig, keli) af beelid iyo saawirnimo. Dh: rabeeb.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ràdere
v.tr. - xiirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raglee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) la-mid: raqlee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajeyn
(Rajeyn-ta)
Rajo qabid; filasho; (ama rejeyn).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rangée
rangée, n.f. - taxan; saf
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqlee
f.mg2 (-leeyay, -leysay) Gammaan raqle samayn. la-mid: raglee.