rahmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rahmo
f.g3 (-maday, -matay) Wax rahan ahaan u dhiibasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rahmo
v. reserve for later use; hold as pledge ~ pawn
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rahmo
-rahmay / rahantay: (v) give or deposit personal property as guaranty
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rahmo
(fal) rahmad u dhigo; rahaamadso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rahmo
de: reserve for later use; hold as pledge ~ pawn
lx: rahmo
pd: (rahmaday)
ps: v3a=tr
key: rahmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ramo
f.g3 (-maday, -matay) Labaraafle dhalay ilmihiisa xab ka leefleefid. la-mid: ranso.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
ramo
s.m. - laan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ramo
(fal) neef ilmo uu dhalay leefleef; ranso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fahmo
(Fahma-da)
1. Kartida wax lagu barto oo lagu ogaado; degdeg wax u qabasho oo u barasho.
2. Weji furfurraan; firfircooni; farax; (ama fahmad).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fahmo
m.dh 1. Garashada si sahlan wax loo garto. 2. Farxad iyo firfircooni. la-mid: fahmad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fahmo
m.dh 1. Garashada si sahlan wax loo garto. 2. Farxad iyo firfircooni. la-mid: fahmad.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Fahmo
pr. n., [feminine] Fahmo
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fahmo
f. n. intelligence; well-being
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fahmo
-fahmada: (n) powers of thought; comprehension (kom-pre-hen shin); understanding; awareness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fahmo
-da: (magac, dhedig, keli) awoodda iyo kartida ay maskaxdu wax ku barato iyo degdegga ay wax u qabato oo uga jawaabto.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamo
m.dh 1. Dhul daaqa xoolaha ku wanaagsan oo ciid cad, jilicsan leh. 2. eeg raan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raamo
m.dh 1. Dhul daaqa xoolaha ku wanaagsan oo ciid cad, jilicsan leh. 2. eeg raan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raamo
m. n., pl. tangles, snarls in the hair
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raamo
-raamaha: (n) messy and tangled hair
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Raamo
Wixii isku dhega ama is qabsada. Timaha burushku way isku raamoobaan haddii looga shaqeeyo wax kulul ama xaydh leh.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raamo
de: tangles, snarls in the hair
lx: raamo
pd: (/ha)
ps: n1-m-pl
key: raamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rarmo
(Rarma-da)
Sida wax loo raro, rarka laftiisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rarmo
m.dh la-mid: rarid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rarmo
f. n. act of loading; load
Qaamuuska Magacyada Dhirta Soomaaliyeed (Soomaali-Laatiin) - Axmed M. I. Barkhadle [1990]
RARMO
(Rarmo) May Schizachyrium kelleri (Hack) Stapf. Gramineae.
May Sporobolus helvolus (Trin) Th. Dur & Schinz. Gramineae.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rarmo
-da: (magac, dhedig, keli) rarka laftiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rarmo
cf: rarniin
de: act of loading; load
lx: rarmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: rarmo
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Raxmo
name-f kindness, mercy, mercifulness
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Raxmo
magac loo baxsho gabadh naxariis leh ama xilli barwaaqo dhalatay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raxmo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg raxmad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rahamasho
m.f.dh eeg rahmo.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
grammo
s.m. - garaam.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamso
f.mg3 (-saday, -satay) la-mid: raabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamso
(fal) wax afka ku jira calali oo muddo dheer axadh. Dh: calali, axadh, raabso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raarmo
-da: (magac, dhedig, keli) raari meel saran. Raarmo abuur ku dhashay baa geedkan saran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rahman
1. Curaar loo haysto; rahan ah.
2. Aan weli dhicin; laalan; laaban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rahman
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Hanti curaar ahaan loo dhiibay ahaansho. 2. Arrin ka hadalkeeda dib loo dhigay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rahman
f.mg4 (-naa, -nayd) 1. Hanti curaar ahaan loo dhiibay ahaansho. 2. Arrin ka hadalkeeda dib loo dhigay ahaansho. m.f.dh, rahmanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rahman
der. [adjective] pledged, pawned
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rahman
(tilmaame) rahaamad loo dhigay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rahman
de: pledged, pawned
lx: rahman
pd: (rahmanaa)
ps: adj-der
key: rahman
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rahmid
m.f.dh eeg rahan³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rahmid
-da: (magac, dhedig, keli) rahmad u dhigid; rahaamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ridhmo
-da: (magac, dhedig, keli) cantuugo hal marah; af muggi. Dh: rudhmo, hudhmo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rudhmo
m.dh (-ooyin, m.l) la-mid: rudmo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rahmasho
-da: (magac, dhedig, keli) rahmad u dhigasho; rahaamadasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rah
(Rah-a)
Bahal yar oo birriga korkiisa iyo biyaha gudohoodaba ku nool; wuxuu lee yahay afar addin, labo lugood oo aad u xoog badan iyo labo jeeni oo gaaggaaban, iyo oogo qoyan oo jilicsan. Markuu rah dhab ah noqdo oo lullumannimada dhaafo, dabo ma leh. Itaalki waa booddo dheer yahay; rake.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rah
m.l.u (cilmiga naflayda) Berribiyood aan lahayn dabo, leh laba lugood oo ka dhaadheer kuwa hore, boodboodka ku socda, marka uu biyo ku dhex jirana sameeya dhawaaq badan, xubno cad oo adagna qawlallada ku yeesha. la-mid: rake.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rah
m.l.u (cilmiga naflayda) Berribiyood aan lahayn dabo, leh laba lugood oo ka dhaadheer kuwa hore, boodboodka ku socda, marka uu biyo ku dhex jirana sameeya dhawaaq badan, xubno cad oo adagna qawlallada ku yeesha. la-mid: rake.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rah
m. n. frog, toad
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rah
-a: (n) frog (faroog)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rah
-a: (magac, lab, keli) noole yar oo berribiyood ah oo leh afar addin iyo ubuc jilicsan oo aad u qabaw oo jillaalkii dhoobada isku qariya xareeddana soo baxa oo ci' dheer leh. Rah hadduu biyo waayo dhoobaduu ku raftaa. Dh: rake.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rah
de: frog, toad
lx: rah
pd: (-a Pl: rahah (a))
ps: n4-m, n2a-m
key: rah
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
rah
ضفدع
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
ram
/raam/ (n) 1. wan (wanka sumalka ah ee idaha loo hayo) (v) 2. ku dhicid (xoog u hardiyid).
Magacyada Nafleyda Soomaaliyeed (Laatiin-Talyaani-Ingiriis-Soomaali) - Funayooli, Simoneeta [1985]
Ram
(I) Montone;
(S) ALEN (S. c. m.; Alén); WAN (S. g.: Uàn)
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
ram
n., wan, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aaho
m.dh (-ooyin, m.l) Dhiibato weyn oo abaar ama cudur ay keenaan oo guud ahaan saameya naflay badan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aaho
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato faafta ama baahda. Aaho ayaa ku dhacday Soomaaliya. Dh: aafo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ahmi
m.l eeg ahmin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahmi
m. n. fat healthy animal; ready for slaughter
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahmi
-ga: (n) a livestock bred for commercial propose ~ jar
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ahmi
-ga: (magac, lab, keli) ishinka iyo adhiga shilis labkooda waaweyn. Dhawr neef oo ahmi ah baa la ii soo eryay. Ahminkaaga goortaad gaddaad imato daaskooda. Dh: jar, ahmin, ishkin. Li: hoome.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ahmi
de: fat healthy animal; [ext.] ready for slaughter
lx: ahmi
pd: (-ga)
ps: n2a-m
key: ahmi
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
almo
-da: (magac, dhedig, keli) barmiilka badh ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asmo
(Asma-da)
Duco gaar ah oo magacyada Ilaah ka kooban, oo wax lagu habaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asmo
m.dh (-ooyin, m.l) Duco gaar ah oo wax lagu habaaro.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
asmo
m.dh (-ooyin, m.l) Duco gaar ah oo wax lagu habaaro.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
asmo
f. n. curse, malediction
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
asmo
-asmada: (n) words believed to have magic power; spell (ispeel) ~ aweyti
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asmo
-da: (magac, dhedig, keli) farsamo carruurta xoga leh looga daweeyo oo dhib badan. Asmadu waa farsamo xanuunka daran oo laga wanaagsan yahay.
asmo-da: (magac, dhedig, keli) duco gaar ah oo lagu habaartamo.
asmo-da: (magac, dhedig, keli) calaalad iyo amaaro muuqata.
asmo-da: (magac, dhedig, keli) xanuun ku dhaca neef mareennada oo lala qufaco. Dh: aasmo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
asmo
cf: habaar
de: curse, malediction
lx: asmo
pd: (/da)
ps: n6-f
key: asmo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baho
m.l (c.fal.) Uruur xiddigaha ka mid ah oo u dhexeeya Xoorka iyo Faruuryaha. la-mid: bąh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baho
m.l (c.fal.) Uruur xiddigaha ka mid ah oo u dhexeeya Xoorka iyo Faruuryaha. la-mid: bah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daho
f.mg3 (-hday, -hatay) la-mid: diho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daho
(fal) asturo oo wax qarsoon oo meel dahan ku jira ka dhig. Alaabtaada indhaha dadka ka daho. Dh: qarso.
daho-da: (magac, dhedig, keli) alool ama raar lagu kala xidho aqalka Soomaaliga. Dahaan ku kala xidhay aqalka. Dh: ilaxidh.
daho: (tilmaame) meel dugsi ahaan loo hoos galo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaho
(Jaha-da)
1. Afarta docood oo waaweyn, middood.
2. Gees; doc; dhinac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaho
jaho¹: m.dh (-ooyin, m.l) 1. la-mid: jiho 1. Afarta qiblo midkood. 2. Doc; gees; dhinac.
jaho²: f.mg3 (-haday, -hatay) 1. la-mid: jiho 2: wax uun ku dhaqaaqid. 2. Xanuun la ledi waayid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaho
m.dh (-ooyin, m.l) 1. la-mid: jiho 1. Afarta qiblo midkood. 2. Doc; gees; dhinac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaho
f. n. direction
jaho v. go towards, head in the direction of
jaho v. busy oneself in an attempt to change a situation; struggle through sorrow
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jaho
-jahada: (n) direction (di-rak-shen); compass point [north, east, south, west] ~ jiho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaho
-da: (magac, dhedig, kali) afarta dhinac ee hareeraha dhulka middood. Dh: dhinac.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jamo
f.g3 (-antay, -amatay) Si aad ah wax u jeclaysasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jamo
f.g3 (-antay, -amatay) Si aad ah wax u jeclaysasho. m.f.dh, jamasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jamo
v. desire, want for oneself
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
jamo
-jantay / jamatay: (v) yearn (yeen), long (loon), pine (paayn), hanker (hangker) ~ u xiis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jamo
(fal) doon oo jeclow waxaad rabtid. Dh: jeclow. Li: necbow.
jamo: (fal) haweenay, jeclow oo niyadda gali, ilaa laguu keenana ha umulin.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jamo
de: desire, want for oneself
lx: jamo
pd: (jantay / jamatay)
ps: v3b=tr
key: jamo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaho
f.g3 (-haday, -hatay) Wax karaah-sasho. la-mid: kahso.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
kaho
f.g3 (-haday, -hatay) Wax karaahsasho. m.f.dh, kahasho. la-mid: kahso.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kaho
v. resent, loathe, be set against, be unable to bear, dislike
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
kaho
-kahday / kahatay: (v) feel difficulty, aggravation or discomfort
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaho
(fal) ha jeclaysan, ha ku qancin. Dh: qoonso.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kaho
a: kahso
cf: genso
de: resent, loathe, be set against, be unable to bear, dislike
lx: kaho
pd: (kahday / kahatay)
ps: v3b=tr
key: kaho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kamo
(fal) hadalhay oo majeero mar walba.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laho
f.mg3 (-haday, -hatay) 1. Laabta wax ka jecleysasho. 2. U l.: wax si aad ah u filasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
laho
f.mg3 (-haday, -hatay) 1. Laabta wax ka jecleysasho. 2. U l.: wax si aad ah u filasho. m.f.dh, lahasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laho
v. be consumed with desire, have a burning desire
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
laho
-lahday / lahatay: (v) desire (di zaayar)-, wish or long for
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laho
(fal) laabta wax ka jeclayso oo ku qabo. Laho waxaanad helayn. Dh: jeclow.