ragannimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ragannimo
(Ragannima-da)
1. Rag ahaansho.
2. Astaamaha ragga lagu yaqaan, lahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragannimo
m.dh Rag ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ragannimo
f. n., [abstract] manhood; bravery, courage
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ragannimo
-ragannimada: (n) manliness; manhood; manly spirit; masculinity (maaski-liniti); courage (kooreej)
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Ragannimo
Bravura
Cleverness
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ragannimo
de: manhood; bravery, courage
lx: ragannimo
pd: (/da)
ps: n-f-abs
syn: ninnimo
key: ragannimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raganimo
-da: (magac, dhedig, keli) rag ahaan qof jira oo waxtar leh ahaan. Raganimada sooceeda, adigoo sagaal buuxshay; hal ku seegay baa yaalla. Dh: fariidnimo, dadnimo. Li: nacasnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajannimo
m.dh Ilmo yar rajo ahaansho. la-mid: rajaynimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rajannimo
-da: (magac, dhedig, keli) cunug hooyadii dhimatay ahaan. Dh: rajaynimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajaynnimo
m.dh la-mid: rajannimo.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rajaynnimo
-da: (magac, dhedig, keli) eeg rajannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Himilo
(Himila-da)
1. Wax la haweysana hayo ama la hindisa hayo; hawo; qab; hindiso; toogo; niyo.
2. Shahwo; ragannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ninnimo
(Ninnima-da)
Nin ahaan; ragannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Warac
(Warac-a)
1. Qof dhawrsoon oo wixii macsi ah ama macsi lug ku leh, ka fogaada, ka dheeraada.
2. Ragannimo leh (geesi, deeqsi, ...).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diric
diric¹: m.l (-cyo, m.dh) 1. Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh. 2. Canbuur khafiif ah, si holofholof ah u tolan oo haweenku qaataan.
diric²: m.l 1. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan oo dusheeda timirta lagu waro si ay suubaan u noqoto. 2. Dhismo dheer oo dusha ka dedan dhinacyadana ka furan, oo marka aroos loo damaashaadayo, wiilka iyo gabadha arooska ah dusha laga saaro dadkuna hoos uga cayaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
diricnimo
m.dh Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh ahaansho.

ragrago
ragrago¹: m.dh Digasho ismuujin iyo faan ku jiro.
ragrago²: f.mg3 (-gtay, -gatay) Ku r.: ragannimo iyo awood dheeraad ah cid ugu faanid iyada oo lagu diganayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
warac
m.l.kh (-cyo, m.dh) 1. Qof dhowrsoon oo xumaha ka fogaado. 2. Qof ragannimo leh; geesi ah. 3. Labada gollood ee buurta middood.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diric
m.l (-cyo, m.dh) 1. Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh. 2. Canbuur khafiif ah, si holofholof ah u tolan oo haweenku qaataan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
diricnimo
m.dh Nin karti iyo ragannimo dheeraad ah leh ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
warac
m.l.kh (-cyo, m.dh) 1. Qof dhowrsoon oo xumaha ka fogaado. 2. Qof ragannimo leh; geesi ah. 3. Labada gollood ee buurta middood.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maahir
-ka: (magac, lab, keli) qof ragannimo iyo aqoon dheeriya isku darsaday. Shagadaada nin maahir ah u dhiibo. Dh: fas, waxgarad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
warac
-a: (magac, lab, keli) qof dhawrsoon oo macsida ama wixii macsi lug ku leh ka fogaada oo ka dheeraada.
warac -a: (magac, lab, keli) 'qof' ragannimo leh, geesi ah.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ninnimo
de: manhood, virility
lx: ninnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
syn: ragannimo
key: ninnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caannimo
(Caannima-da)
Caan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caannimo
m.dh Caan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caannimo
f. n., [abstract] fame
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
caannimo
-caannimada: (n) popularity (pop-ya-laarati); fame (faym); renown (ri-nawn)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caannimo
-da: (magac, dhedig, keli) caan ahaan; qof aad loo yaqaan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caannimo
de: fame
lx: caannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: caannimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barannimo
m.dh Bare ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawannimo
m.dh la-mid: Habeennimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Laqannimo
(Laqannima-da)
Laqan ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqannimo
m.dh Laqan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
laqannimo
f. n., [abstract] state of being a violent young person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqannimo
-da: (magac, dhedig, keli) soo korista dhallaanka ama yurubka geedaha. Dh: dhaylanimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
laqannimo
de: state of being a violent young person
lx: laqannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: laqannimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qarannimo
m.dh Qaran ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qarannimo
f. n., [abstract] nationhood, sovereignty
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qarannimo
-qarannimada: (n) independence (in-di-peen-dansi); sovereignty (sov-ranti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qarannimo
-da: (magac, dhedig, keli) dawladnimo. Qabiilqabiilkii qaranimo ayaa looga gudbay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qarannimo
de: nationhood, sovereignty
lx: qarannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: qarannimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Yahannimo
(Yahannima-da)
Yahan ahaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
yahannimo
f. n., [abstract] condition of being a hunter
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yahannimo
-da: (magac, dhedig, keli) yahan ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
yahannimo
de: condition of being a hunter
initial: y
lx: yahannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: yahannimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabbannimo
m.dh Aabbe ahaansho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
calaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan badan lahayn ahaan. Dh: doqonniimo, nacasnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cawaannimo
m.dh Cawaan ahaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cawaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) cawaan ahaan; qof jaahil ah noqosho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dadgalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) cadawtinimo dadka la laayo. Waxa ninkan lagu soo eedeeyey dadqalnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dagaagnimo
(Dagaagnima-da)
Dagaag ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dagaagnimo
m.dh Dagaag ahaansho (qof).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dagaagnimo
f. n., [abstract] state of being a migrant ~ refugee
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dagaagnimo
-da: (n) destitution (destatiyushin) ~ diihaalnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dagaagnimo
-da: (magac, dhedig, keli) nolosha foosha xun ee caydhoobidda. Dh: haaway.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dagaagnimo
de: state of being a migrant ~ refugee
lx: dagaagnimo
pd: (/da)
ps: n6-f-abs
key: dagaagnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gablannimo
(Gablannima-da)
Gablan ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gablannimo
m.dh Gablan ahaansho. la-mid: goblannimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gablannimo
f. n., [abstract] childlessness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gablannimo
gablannimada: (n) childlessness (jaayldh·les nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gablannimo
-da: (magac, dhedig, keli) gablan ahaansho; ubad la'aan ku dhimasho; da' weyni iyo ubad la'aan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gablannimo
de: childlessness
lx: gablannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: gablannimo
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
habaynnimo
-habaynnimada: (adv) during the night; overnight (oovarnaayt) ~ isla habaynkaas, habeennimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kacaannimo
m.dh Kacaan ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kacaannimo
f. n., [abstract] revolutionary attitude ~ spirit
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kacaannimo
-da: (magac, dhedig, keli) kacaan ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kacaannimo
de: revolutionary attitude ~ spirit
lx: kacaannimo
pd: (/da)
ps: n-f-abs
key: kacaannimo
Qaamuuska Ereybixinta: Xisaab (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Kalgalnimo
Periodicity
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajcinnimo
m.dh Rajci ahaansho (qof).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tuugannimo
m.dh Tuug ahaansho. la-mid: tuugnimo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
tuugannimo
f. n., [abstract] being a thief, living by stealing ~ thievery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
tuugannimo
-tuugannimada: (n) theft (thef-ti); stealing (istiil-ing); larceny (laar-sa-ni); burglary (boor-galari) ~ xadid, xatooyo
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
tuugannimo
de: being a thief, living by stealing ~ thievery
initial: t
lx: tuugannimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: tuugannimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wargalnimo
(Wargalnima-da)
Qof wargal ah, ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wargalnimo
m.dh Wargal ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wargalnimo
f. n., [abstract] reliability as an informant
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wargalnimo
-da: (magac, dhedig, keli) qof warkiisa lagu kalsoonaan karo ahaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wargalnimo
de: reliability as an informant
initial: w
lx: wargalnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: wargalnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xigtannimo
m.dh Qaraabonimo; sokeeye; xigaal.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xigtannimo
-da: (magac, dhedig, keli) qaraabanimo; xigto dhaw ahaan. Dh: ehelnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarnimo
(Aarnima-da)
Aar ahaansho; geesinnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarnimo
m.dh Aar ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarnimo
f. n., [abstract] bravery
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarnimo
-aarnimada: (n) bravery (bareey-veri) ~ geesinimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarnimo
-da: (magac, dhedig, keli) yeelashada sifooyinka aarka. Aarnimo ayaa ka muuqatay dadaalkiisa.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarnimo
de: bravery
lx: aarnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: aarnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunnimo
(Gunnima-da)
Dhalanka iyo baxaalliga gunta oo la yeesho; gun ahaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gunnimo
m.dh Gun ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gunnimo
f. n., [abstract] state of being of inferior rank; vulgarity
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
gunnimo
-gunnimada: (n) a person lower in status or rank than another; inferiority (infir yooriti)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gunnimo
-da: (magac, dhedig, keli) nasabxumo ama qof ama dad la gumaysto ahaansho. Li: xornimo.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gunnimo
de: state of being of inferior rank; vulgarity
lx: gunnimo
pd: (/da)
ps: n0-f-abs
key: gunnimo
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
runnimo
m.dh Run ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
runnimo
f. n., [abstract] truth, veracity, truthfulness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
runnimo
-da: (n) reality (ri-yaalati); realness (ri-yal-nes)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
runnimo
-da: (magac, dhedig, keli) wax run ah ahaansho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
runnimo
de: truth, veracity, truthfulness
lx: runnimo
pd: (-da)
ps: n0-f-abs
key: runnimo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
adawnimo
-da: (magac, dhedig, keli) isir iyo asal ahaan.Adawnimo raagtay, ayaan ku arooray.
adawnimo -da: (magac, dhedig, keli) awaw ahaan. adayg-ga: (magac, lab, keli) wax taabasho iyo tuujin isku mid ah; aan jileec ahayn. Adayg dhagax baa bursaday. Dh: qallafsan, kakan. Dh: jileec.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araxnimo
m.dh Arax ahaansho (sac).