rag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rag
(Rag-ga)
Dadka intiisa lab oo waaweyn; niman.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rag
m.l.u 1. Koox dad ah oo lab. 2. R. ah: qof karti iyo awood dheeraad ah leh.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]

Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rag
m. n., [collective] men, mankind (males only), male people
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rag
/raag/ (n) 1. calal (istiraasho). (v) 2. foorjayn.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rag
-ga: (n) [plural of nin] men (meen) ~ niman-ka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rag
-ga: (magacwadareed) magac guud oo koobsada dadka inta lab. Wuxuu rag u kaco, Rabbina aqbalo, miyuu raagaa. Dh: niman. Li: dumar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rag
cf: nin
de: men, mankind (males only), male people
lx: rag
pd: (-ga)
ps: n0-m-col
key: rag
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rag
n., calal, -ki, harqad, -di, suuf,-ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abley
(Abley-da)
Qalab bir ka samaysan oo raggu dhexda ku xirto oo ku dagaallamo; toorrey; billaawe; (ama amley).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Bidaar
(Bidaar-ta)
Gelgelin yar oo wareegsan oo timuhu ka dhacaan oo raggu dhalada ku yeesho kolkuu da' gaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Billaawe
(Billaawa-ha)
Qalab bir ah oo raggu dhexda ku xirto; toorrey; magli; abley.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cur
(Cur-ta)
Carjawda qulaanqulyaha oo xagga dibadda u soo taagan (siiba ragga) oo xargaha codku ku jiraan; halcun.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabafadal
(Dabafada-sha)
Cayaar sacabka u eg oo ragga iyo dumarku wada tuntaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daran
1. Weyn; saamays culus leh; (wax daran) wax xun; (nin daran - nin waxtar weyn leh; nin rag ah).
2. (Daran-ta) Geed yar oo jaadad badan ah oo dhooddida iyo dibirka ka baxa oo dhanaan oo geelu jecel yahay oo ku darmado, dadkuna qaarkeed, buruqda ka cuno (darankutaal).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Deeb
(Deeb-ta)
1. Dhir la gubey danbaskeed cad oo raggu timaha marsado oo ku caddaysto.
2. Geedo yaryar, (caws, nagaar kale) oo hadba inta dabka la saaro weelka caanaha gudihiisa lagu oomaarsho, si jeermigu u le'do.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhillo
(Dhilla-da)
Naag xun oo ragga la mid ahi u wada tago; gogoldhaaf taqaan; sharmuuto; qaxbad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Duub
(Duub-ka)
Maro dhuuban oo si gaar ah loo sameeyey oo loo qurxiyey oo raggu madaxa ku xirto; cimaamad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fataal
(Fataal-ka)
1. Ragga iyo naagaha isu geeya.
2. Maalka ku cayaara; aan wax dhaqaalaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaafal
(Gaafal-ka)
(bad: beden, kd.) qoryaha babcan oo ragga saayibta wadaa ku fariisto, midkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gabbaati
(Gabbaati-ga)
(guur) yaradka ka hor xoolo ama wax kale oo yar oo la bixiyo oo la siiyo qofka ama ragga gabadha baxshey, amaba gabadha walaalkeed, ina'adeerkeed, kd.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garmalleyto
(Garmalleyta-da, Garmalleyta-ha)
Ragga aan garku ka soo bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gunti
(Gunti-ga)
Hab loo qaato dharka ragga qaarkii (sida hoosguntida).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Himilo
(Himila-da)
1. Wax la haweysana hayo ama la hindisa hayo; hawo; qab; hindiso; toogo; niyo.
2. Shahwo; ragannimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hiriimaale
(Hiriimaala-ha)
Cayaar ragga iyo dumarku wada tuntaan oo ulo lagu cayaaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hoodaar
(Hoodaar-ka)
Diric; rag (ama hodaar).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaranjaro
(Jaranjara-da)
1. Xubin aqallada iyo dhisaska kale kamid ah oo dabaqyada kore lagu gaaro ama lagaga soo dego.
2. Dhis gacanta lagu qaato oo ka samaysan labo tiir iyo cagasaaro badan oo isu haya, oo meeshii dheer lagu fuulo. ~ ragaad; sallaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jubbad
(Jubbad-da)
Dharka ragga mid kamid ah oo gacno dheerdheer iyo jeebab leh; horay bay ka furan tahay waxayna awddaa qaarka sare taniyo sinaha; koor.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabeebey
(Kabeebey-da)
Cayaar ragga iyo dumarku wada tumaan oo cayaaraha waaweyn oo Soomaalida kamid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arag
(Arag-ga)
Hawsha xubnaha indhuhu qabtaan; aragti
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
arag
arag¹: m.l 1. Hawsha indhuhu jirka u qabtaan ee ugu tebiyaan walxaha ka hor imaanayaa waxa ay yihiin. 2. Muuqaal.
arag²: f.g1 (-rkay, -ragtay; -rki) 1. Indho muuqaal qabasho. 2. Fiirin. 3. U a.: arrin si gaar ah cid ula muuqasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
arag
arag¹: m.l 1. Hawsha indhuhu jirka u qabtaan ee ugu tebiyaan walxaha ka hor imaanayaa waxa ay yihiin. 2. Muuqaal.
arag²: f.g1 (-rkay, -ragtay; -rki) 1. Indho muuqaal qabasho. 2. Fiirin. 3. U a.: arrin si gaar ah cid ula muuqasho. Tusaale: Anigu arrinka si kale ayaan u arkaa. m.f.dh, arkid.
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Arag
Vision
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
arag
v. see
arag vl. n. sight, vision, act of seeing
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arag
-arkay I aragtay: (v) 1. look (luuk) ~ fiiri, eeg. 2. see (sii); —Syn: behold, note, notice, espy, descry, observe, contemplate, survey, view, perceive, discern, remark
arag-a: (n) sight (saayt); the ability to see
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arag
(fal) indhaha ku qabo; dhugo waxa ku hor jooga. Arag oo indhah furo, oo eeg adduunyada, wuxuu Eebbe ku alkumay. Dh: dhugo, fiiri.
arag -ga: (magac, lab, keli) xubnaha indhuhu hawsha ay qabtaan. Awoowo araggiisii baa liciifay.
arag-ga: (magac, lab, keli) sida uu qof wax u arko ee ay talo la tahay. Doodda dhexdeeda, araggaaga uun ka sheego. Dh: fikir, aragti.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
arag
نظر، بَصَرَ
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
brag
/baraag/ (v) is-faanin (badanaa been ah); ku faanid. e.g. He bragged about his wealth.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
brag
/braag/ (v) faanow (goony haang beeng lyky faany).
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
brag
n., (boast) qawaayad, -di, qalaalif, -ti.
brag, v.i., qawaysii; v.tr., qalaalif ku shub; v.c., qalaalif ka shub.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Crag
Mici
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
crag
/kraag/ (n) dhadhaab janjeera oo gawtiyo badan leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
drag
/dhrag/ (n) (v) 1. jiidis; jiidid (n) 2. carqalad (curyaamin). e.g. She felt that her lack of education was a drag on her progress.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
drag
v.tr., (draw) soo jiid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raag
Raag!
Erey duco ah oo lagu yiraahdo madaxda iyo qofkii kaloo loo bogo; Mood!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raag
raag¹: m.l 1. Waqtiga uu shay soconayo, muddo. 2. Daah, habsaan.
raag²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Daahid. 2. Waqti badan jirid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raag
raag¹: m.l 1. Waqtiga uu shay soconayo, muddo. 2. Daah, habsaan.
raag²: f.mg1 (-gay, -gtay) 1. Daahid. 2. Waqti badan jirid. m.f.dh, raagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raag
v. be late, linger; delay; be durable; live long
raag: inter. long may you live!; hooray!
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raag
-ay / tay: (v) 1. stay late. 2. live long
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raag
(fal) muddo badan maqnow; intii la filayeyin ka badan maqnow. Aroos lagama raago, lagumana raago. Dh: daah, dibudhac. Li: dhakhso, degdeg.
raag: (fal) muddo badan jir. Abaal raaga rag baa leh.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
rage
/reyj/ (n) 1. caro (xanaaq kulul) 2. moodo (hab casri ah).
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rage
rage, n.f. - cudurka eyda ku dhaca ee waala.
colère - cadho; cadhoodan
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
rage
n., cadho, -adi, ciil, -ki; v.i., cadhoo, cadhaysnaw, ciilow, ciishoo, ciil u qab, ciil u surun; rage against, u cadhoo, u ciishoo.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rang
rang, nam. - derejo; derejeyn; tixid; taxan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ag
(Ag-ta)
Meel ku dhow ama u dhow; aan ka fogeyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ag
m.dh (-go, m.l) Meel inta u dhow ama hareerka kaga xeeran.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
ag
m.dh (-go, m.l) Meel inta u dhow ama hareerka kaga xeeran. Tusaale: Qalinka iyo buugga is agdhig.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ag
f. n., loc. (adj.): nearness, proximity; near, close
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ag
-ta: (adv) [with possessive pronouns] near (niyar); close (kaloows). Ex: guriga agtiisa; near the house, agtayda keen; bring closer to me
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ag
-ta: (magac, dhedig, keli) meel qof ku dhow; meel aan qofka ka durugsanayn; aan ka fogayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
ag
de: nearness, proximity; [atr.] near, close Used with possessive pronouns
lx: ag
pd: (-ta)
ps: n1-f-loc
xe: near the market
xv: suuqa agtiisa
key: ag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aag
m.l.u Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tusaale: “Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo burjikooyinka laga qoro”.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aag
m.l.u Dhul ballaaran oo meel la yaqaano ku fadhiyo. Tusaale "Aagga Ceelbuur waxaa laga helaa dhagax jilicsan oo burjikooyinka laga qoro".
Qaamuuska Ereybixinta: Fisikis (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aag
Range
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aag
m. n. surroundings, neighborhood, environs
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aag
-ga: (n) 1. area (ee-riya); a region. Ex: aagga beeraha; the farming area. Aagga Xamar; the Xamar area. 2. nearby araes ~ u dhaw.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aag
-ga: (magac, lab, keli) dhul xadaysan oo dhinac marsan. Aaggaa hore ayuu roob jiraa. Dh: deegaan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aag
de: surroundings, neighborhood, environs
lx: aag
pd: (-ga)
ps: n-m
key: aag
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bag
/baag/bags;(n) 1. boorso; shandad. e.g. He opened his bag and took out a black suit.(n) 2. bac. e.g. I bought two bags of candies.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali (Maay) - Maxamed Xaaji Mukhtaar, Cumar Macalin Axmed [2007]
bag
/baag/ (n) tiif (boorsy), hashing, araar.
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
bag
n., joonyad, -di; bag made of skins, hashin, -ti, jirab, -ki, oxli, -gi; bag of dates, min, -ki, goosarad, -di; half a bag of dates, min gohi; (purse) kiish, -ki; long bag used to go into the country, madad, -ki; (of cows, udder) candho, -adi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cag
(Cag-ta)
Lugta dadka iyo nafleyda kale qaarkeed, inta canqawga ka hoosaysa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cag
m.dh (-go, m.l) 1. Canqawga inta ka hooseysa ee lugta dadka ama nafleyda qaarkeed. 2. (fk) C.ta/c.aha: imminka; hadda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cag
m.dh (-go, m.l) 1. Canqawga inta ka hooseysa ee lugta dadka ama nafleyda qaarkeed. 2. (fk) C.ta/c.aha: imminka; hadda.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cag
f. n. foot; feet
cag [feminine] n. now, at present
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cag
-ta: (n) foot (fuut) —caga cad: (adj) barefoot (beer-fuut)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cag
-ta: (magac, dhedig, keli) magta dhiiga lagu baxsho, magac guud oo loo yaqaan geela lagu bixiyo dhagarka.
cag -ta: (magac, dhedig, keli) lugta qofka inteeda kabta lagu xidho ama inta canqawga ka hoosaysa.
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
cag
قدم
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dag
f.g1 (-gay, -gtay) Cid dhibaato aysan filayn gaarsiin ama ka dhaadhicin wax aan jirin; dhagrid; khatalid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dag
f.g1 (-gay, -gtay) Cid dhibaato aysan filayn gaarsiin ama ka dhaadhicin wax aan jirin; dhagrid; khatalid. m.f.dh, dagid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dag
v. deceive, cheat; ambush
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dag
-ay / tay: (v) 1. cheat (jiit)-, deceive (di-ziiv) ~ khiyaan, hod. 2. come down to the ground ~ soo dag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dag
(fal) isagoon iska kaa fileyn khayaamee. Dh: khatal; mardabay; khiyaamee; dhagar mar i dage ale ha dago.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dag
de: deceive, cheat; ambush
lx: dag
pd: (dagay)
ps: v1=
syn: hod, khatal
key: dag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fag
fag¹: m.dh.sh.r F. dheh: orod!
fag²: f.g1 (-gay, -gtay) Dhul si aan dheereyn u qodid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
fag
m.dh.sh.r F. dheh: orod!
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
fag
v. dig, dig up
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
fag
/faag/ (n) 1. khaniis (n) 2. sigaar.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
fag
-ay / tay: (n) dig (dhig); unearth (aneerth); excavate (ekiska-vaayt) ~ qod, faag
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fag
(fal) miiqmiiq u saarsaar oo rif. Dh: rif, fadhqi.
fag: (fal) si tamar la'aan ah dhulka u qod. Fag geedka hoostiisa oo biyo ku shub. Dh: faq, fadh, far. Li: aas.
fag: (fal) fag dheh oo orod isa sii daa!
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
fag
de: dig, dig up
lx: fag
pd: (fagay)
ps: v1=
key: fag
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gag
m.dh 1. (sh.r) cod lagu muujiyo jug xoog leh. 2. G. ah: qof mintid ah oo gacan'adag.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
gag
f. n., (mass n.): wax
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
gag
/gaag/ (n) 1. af-xir, gabal maro ah oo qof afka looga xiro, si uusan u hadlin 2. maad, xifaalo (v) 3. af-xirid, afka ka-gufayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gag
-ta: (magac, dhedig, keli) qof mintid ah oo gacan'adag.
gag: (ereycodeed) tusmeeya sanqadha uu sameeyo xadhig go'ay ama qof naxay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
gag
de: wax
lx: gag
pd: (-ta)
ps: n2a-f-mass
key: gag
Qaamuus Ingiriis-Soomaali - Baadari Larajaasi [1897]
gag
v.tr., af duub; gagging, n., af duub, -ki.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hag
e.d Cod lagu isticmaalo in dameer socodsiiyo; yalla!
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hąg
f.g1 (-gay, -gtay) Qof indho la' hoggaamin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
hag
hąg: f.g1 (-gay, -gtay) Qof indho la' hoggaamin. m.f.dh, hagid.