rafaajin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaajin
(Rafaajin-ta)
Bur ama budo kale oo qoyan, sacabbada iskula celcelin, isku walaaqid si uu cajiin u noqdo; cajimid; (ama rafaaqid).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaajin
m.f.dh eeg rafaaji. la-mid: rafaaq¹, rafaaqid, rifaaqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) qoosh sacabbada ku cajiinid. Rafaajin badan uma baahna dagligda wanaagsani. Dh: cajiimid, rufaaqid, rafaajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaaji
f.g2 (-iyay, -isay) Cajiin, dhoobo iyo wixi lamida oo qoyan gacan ku qasid. la-mid: rafaaq², rifaaq².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rafaaji
f.g2 (-iyay, -isay) Cajiin, dhoobo iyo wixi lamida oo qoyan gacan ku qasid. m.f.dh, rafaajin. la-mid: rafaaq, rifaaq.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rafaaji
v. knead
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaaji
(fal) goosh cajiin oo laaq. Qooshka si wanaagsan u rafaaji
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rafaaji
de: knead
lx: rafaaji
pd: (rafaajiyey)
ps: v2a=tr
key: rafaaji
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaadin
(Rafaadin-ta)
Rafaad gaarsiin, badid; silcin; saxariirin; kadeedid; cadaadin; jirrabid; xadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaadin
m.f.dh eeg rafaadi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rafaadin
f. n. oppression, harassment
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rafaadin
-ta: (n) the act of causing a hardship
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale carcaraafin oo rafaad ku ridid. Dh: silcin, dhibaatayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rafaadin
de: oppression, harassment
lx: rafaadin
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: rafaadin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaajis
-ka: (magac, lab, keli) eeg rafaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaaq
rafaaq¹: m.l Qasidda bur, ciid iyo wixi lamida hoore qooya faraha lagula qaso. la-mid: rafaajin.
rafaaq²: f.g1 (-qay, -qday) la-mid: rafaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rifaaqid
m.dh la-mid: rafaajin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
impastare
v.tr.- cajimid, rafaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raajin
(Raajin-ta)
Wax raaga ama raagey ka dhigid; daahin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raajin
m.f.dh eeg raaji. la-mid: raajis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raajin
vl. n. delaying, postponing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raajin
-ta: (magac, dhedig, keli) daahin oo xilligiisii dib uga dhigid; wax raaga ama daahay ka dhigid. Dh: daahin, raajis.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raajin
de: delaying, postponing
lx: raajin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: raajin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley rafaad badid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rafaadi
f.g2 (-iyay, -isay) Nafley rafaad badid. m.f.dh, rafaadin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rafaadi
v. cause to struggle; oppress, harass
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rafaadi
-yey / say: (v) cause hardship, suffering or misfortune; oppress (o-parees)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaadi
(fal) cid kale carcaraafi oo rafaad ku rid. Dh: daali, kadeed.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rafaadi
de: cause to struggle; oppress, harass
lx: rafaadi
pd: (rafaadiyey)
ps: v2a=tr
key: rafaadi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afwaajin
m.f.dh eeg afwaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afwaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) qof, inta aanu hadal, joojin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cagaajin
(Cagaajin-ta)
Ceyrin; eryid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cagaajin
m.f.dh eeg cagaaji. la-mid: cagaajis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cagaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) kabala'aan ka dhigid; kabaha uga bi'id ama ka idlayn.
cagaajin -ta: (magac, dhedig, keli) caydhin; cagaajis eryood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hagaajin
(Hagaajin-ta)
Wax hagaagsan ka dhigid; wax ka qabasho: maamulid: wanaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hagaajin
m.f.dh eeg hagaaji. la-mid: hagaajis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
hagaajin
vl. n. putting in order, regulating; proof-reading
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
hagaajin
-ta: (n) 1. fixing (fiksing); the act of repairing ~ hagaagis. 2. arrangement (a reenj iment). 3. betterment (beter-ment); improvement(im-puruuv-ment) ~ wanaajin
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Hagaajin
Assestamento
Adjustment
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hagaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) si wanaagsan u qabasho ama u maamulid; wax hagaagsan ka dhigid. Dh: wanaajin, fiicnayn. Li: xumayn.
hagaajin -ta: (magac, dhedig, keli) wax horay u xumaa dib u suubbin. Dh: samayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
hagaajin
de: putting in order, regulating; [ext.] proof-reading
lx: hagaajin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: hagaajin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Halaajin
(Halaajin-ta)
Halaag ku ridid; halaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halaajin
m.dh la-mid: halaagid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
halaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) halaag ku ridid; halaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jafaalin
m.f.dh eeg jafaali. la-mid: jafaalis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jafaalin
-ta: (magac, dhedig, keli) jirrid geed iyo wax la mid ah, qolofta sare ka qaadid.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Jafaalin
Rifid xoog leh.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaadid
(Rafaadid-da)
Dhib iyo rafaad arkid, la kulmid, mudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaadid
m.f.dh eeg rafaad².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaadid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib iyo rafaad ku jirid. Rafaadid baa rajo keenta.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaadis
-ka: (magac, lab, keli) noole ke rafaadin.
rafaadis-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rafaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaagid
-da: (magac, dhedig, keli) daqiiq xashid. Dh: rufaagid, rufaagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaaqid
(Rafaaqid-da)
Rafaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaaqid
m.dh la-mid: rafaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ragaadin
m.f.dh eeg ragaadi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) neef geel ah oo qodaxi addin ka mudday ka saarid; ragaad ka saarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rakaadin
m.dh la-mid: rakaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rakaadin
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo cabbay biyaha ku celcelin; kolba mar ku celin. Inteebaan bal rakaadin, ku adkeeyey raggii, oo dheg loo raaricin waayay, Dh: marin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawaajic
-a: (magac, lab, keli) xadhig ka mid ah xadhkaha doonyaha lagu xidho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wadaajin
(Wadaajin-ta)
Wada siin; ka dhexaysiin; wada gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wadaajin
m.f.dh eeg wadaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wada cunsiin; ka dhexaysiin. Dh: wadaajis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Wanaajin
(Wanaajin-ta)
Wax wanaagsan ka dhigid; hagaajin; suubbin; fiicnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wanaajin
m.f.dh eeg wanaaji. la-mid: wanaajis.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
wanaajin
vl. n. improvement (of method, procedure, etc.)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
wanaajin
-ta: (n) betterment (beter-ment); improvement (im-puruuv-ment); enhancement (in-heensi-ment) ~ hagaajin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wanaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax wanaagsan ka dhigid. Wanaajinta hawsha qof kasta waa laga sugayaa. Dh: fiicnayn, suubbin, hagaajin, wanaajis. Li: xumayn, bi'in, kharribid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
wanaajin
de: improvement (of method, procedure, etc.)
initial: w
lx: wanaajin
pd: (-ta)
ps: vn-f
key: wanaajin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xanaajin
(Xanaajin-ta)
Xanaaq ka keenid; ka caraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanaajin
m.f.dh eeg xanaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xanaajin
-ta: (magac, dheig, keli) cid kale cadho ka keenid; qof ka cadhaysiin. Dh: cadhaysiin, xanaaqsiin. Li: qoslin, farxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xasaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) dabbaalid oo meel ku xasilin. Xasaajinta ayay xooluhu ku dhergaan. Dh: dabaalid, celin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
barraajin
m.f.dh eeg barraaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
barraajin
-ta: (magac, dhedig, keli) si xoog ah u kala qarradhin; wax duuban oo asturan itaal ku kala bannayn.
barraajin -ta: (magac, dhedig, keli) dubka buuryada dib u celin oo koborta ilmaha soo saarid. Dh: barrajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
calaanjin
m.dh la-mid: calaanjiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dambaajin
m.dh la-mid: dembaajin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dambaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg dambaabsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaqaajin
(Dhaqaajin-ta)
1. Socodsiin; nuuxin; riixid; durkin.
2. (subag fadhiya, kd.) wax shubma oo dareera ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaqaajin
m.f.dh eeg dhaqaaji.
Hal-Ururka Erayada Maamulka Xafiisyada, Xisaabaadka Ganacsiga iyo Dhaqaalaha (Soomaali-Talyaani-Ingiriis) - Warshadaha Saabuunta Bayl, Qubeyska iyo Mariska [1979]
Dhaqaajin
Muovere
To move
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaqaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel taagan, kaxayn oo socodsiin. Dhaqaajinta tareenka waan agaan. Dh: socodsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhawaajin
(Dhawaajin-ta)
Dhawaaq ama yeer ka keenid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhawaajin
m.f.dh eeg dhawaaji.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhawaajin
-ta: (magac, dhedig, keli) ka hadlisiin; dhawaaq kaga keenid. Ka dhawaajinta raadiyoogu farsamo badan uma baahna. Dh: dhawaaqsiin, hadlin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falaanjin
m.f.dh eeg falaanji. la-mid: falaanjis, falaanjiyid, falaaji.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fanaajiin
m.dh.w eeg fujaan. la-mid: faraajiin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fanaajiin
-ta: (magac, dhedig, keli) weel yar oo shaaha iyo wixii la mid ah lagu cabbo. Dh: fujaan, koob.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faraajiin
m.dh.w eeg fujaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faraajiin
-ta: (magacwadareed) weelal yaryar oo shaaha iyo wixii la mid ah lagu shubto, waxna lagu cuno. Dh: fanaajiin, fujaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rafaadsan
Rafaad ku sugan; silicsan; jirraban.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Nalfey rafaad hayo ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rafaadsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Nalfey rafaad hayo ahaansho. m.f.dh, rafaadsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rafaadsan
der. [adjective] struggling
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rafaadsan
-aa / ayd: (adj) in pain; distressed; troubled; unhappy
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rafaadsan
(tilmaame) mid carcaraafsan; mid dhib ku dhex jira. Agoon raafadsan baa raaskan deggan Dh: carcaraafsan.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rafaadsan
de: struggling
lx: rafaadsan
pd: (rafaadsanaa)
ps: adj-der
key: rafaadsan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rar dajin
-ta: (n) unloading (an- loowdh-ing) ~ xammuul ka dajin
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rawaajiic
(Rawaajiic-da)
Xargaha doonyaha qaarkood.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rawaajiic
m.dh.u Nooc ka mid ah xarkaha doonyaha.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rawaajiic
f. n., [collective] ropes for sailboat