raddiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raddiyid
m.dh la-mid: raddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaddiyid
m.dh la-mid: geddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) dhank akale u rogid. Dh: gembin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raddin
m.f.dh eeg raddi. la-mid: raddiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Addimid
(Addimid-da)
Aadaanka salaadda ku dhawaaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
addimid
m.f.dh eeg addin². la-mid: addimaad, addin¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
addimid
-da: (magac, dhedig, keli) salaadda faralka ah dadka ugu baaqid. Dh: eedaamid, aadaamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
badiyid
m.f.dh eeg badi². la-mid: badin, badis.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddiid
m.dh (-dyo, m.dh) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka oo ku jira macdanno badan, gaar ahaan ogsaydhada (hamatayt iyo magnitayt) iyo kaarbooneytyada; bir.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
xaddiid
m.dh (-dyo, m.dh) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka oo ku jira macdanno badan, gaar ahaan ogsaydhada (hamatayt iyo magnitayt) iyo kaarbooneytyada; bir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddibid
(Caddibid-da)
Dhib had iyo goor ah ku hayn; kadeedid; silcin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddibid
m.f.dh eeg caddib². la-mid: caddib¹ (2), caddibaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddibid
-da: (magac, dhedig, keli) dhib ku hayn; dhib gaadhsiin. Dh: kadeedid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddifid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg caddifaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caddilid
(Caddilid-da)
Wax caddilan ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddilid
caddilid: m.f.dh eeg caddil². la-mid: caddil¹, caddilaad.
cąddilid: m.f.dh eeg cąddil². la-mid: cąddil¹, cąddilaad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddilid
-da: (magac, dhedig, keli) dheellitirid; isle'ekayn.
caddilid -da: (magac, dhedig, keli) wax cilladaysan ka dhigid; cilladayn; kharaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Fadhiyid
(Fadhiyid-da)
Qof fadhiya oo salka dhulka ama wax kale ku haya ahaansho; degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
fadhiyid
m.dh eeg fadhi². la-mid: fadhi¹, fadhin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
fadhiyid
-da: (magac, dhedig, keli) salka dhulka ku hayn oo degganaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Geddiyid
(Geddiyid-da)
(wax) Dhinaca kale u dhigid; rogid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geddiyid
m.dh eeg geddi². la-mid: gaddin, gaddis, gaddiyid, geddin, geddis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg geddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haddidid
m.f.dh eeg haddid². la-mid: haddid¹, haddidaad, handad¹, handadaad, handadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haddidid
-da: (magac, dhedig, keli) cajaguglayn; hanjabid. Dh: hanjabid, handidid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Hardiyid
(Hardiyid-da)
Hardi ku dhufasho; madaxa xoog wax ugu dhufasho; cid madaxa wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hardiyid
m.f.dh eeg hardi. la-mid: haratin, hardin, hertin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hardiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale madax ku jiidid. Hardiyidda naga daa oo saani u ciyaar. Dh: herdiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaldiyid
m.dh la-mid: jildiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaldiyid
-da: (magac, dhedig, keli) buug jaldi u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaadiyid
m.f.dh eeg kaadi³. la-mid: kaadin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaadiyid
-da: (magac, dhedig, keli) kaadi iska keenid. Dh: kaadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kaddibid
m.f.dh eeg kaddib³.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nagdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si naqdi ah ku bixin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naqdiyid
m.f.dh eeg naqdi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naqdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax la yidhi ama la falay hadal cilmiyaysan oo xoojin ama dhalliil ah u jeedin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddicid
m.f.dh eeg qaddac. la-mid: qaddac¹ (3).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddimid
m.f.dh eeg qaddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddimid
-da: (magac, dhedig, keli) wax shinkiisii ka horraysiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaddiyad
m.dh Dan iyo ujeeddo ay cid ama ummad leedahay.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
qaddiyad
m.dh Dan iyo ujeeddo ay cid ama ummad leedahay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
qaddiyad
f. n. cause; case; aim, objective
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
qaddiyad
-da: (n) 1. situation (siju-weey-shin)-, circumstances (ser-kamis-tans). 2. aim (eeym); cause (kooz) principle (piriin 'si-paly issue (ishuu)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaddiyad
-da: (magac, dhedig, keli) arrin lafdhabar ah oo cidi u halganto. Qaddiyadda reer Falastiin waa xasaasi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
qaddiyad
bw: Arabic
de: cause; case; aim, objective
lx: qaddiyad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: qaddiyad
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qasdiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg qasdid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rajmiyid
(Rajmiyid-da)
Dhagax ku dilid; shiidid; medid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rajmiyid
m.f.dh eeg rajmi².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rajmiyid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg rajmin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ranjiyid
m.dh la-mid: rinjiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ranjiyid
-da: (magac, dhedig, keli) ranji marin; renjiyid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
wacdiyid
m.f.dh eeg wacdi². la-mid: wacdin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xaddidid
m.f.dh eeg xaddid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaddidid
-da: (magac, dhedig, keli) xad u samayn; meel aanu dhaafayn oo la isla og yahay u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Xamdiyid
(Xamdiyid-da)
Xamdinnaqid; mahadin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xamdiyid
m.f.dh eeg xamdi².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tacaddiyid
(Tacaddiyid-da)
Wax tacaddi ah ku kicid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tacaddiyid
m.f.dh eeg tacaddi². la-mid: dacatin, dacatiyid, tacaddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tacaddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) «ku cid kale, ku xadgudbid; ku samayn wax xaqa waydaarsan; ku gardarrood. Ku tacaddiyida badan iska ilaali.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araasiyid
m.dh eeg araasi². la-mid: insaarixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaddihid
m.f.dh eeg asaddah². la-mid: asaddah¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaddihid
-da: (magac, dhedig, keli) wax aan kala caddayn ama lagu wareero noqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddibmid
m.f.dh eeg caddiban¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddibmid
-da: (magac, dhedig, keli) dhibaato gaadhid; kadeedmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caddilmid
m.f.dh eeg caddilan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caddilmid
-da: (magac, dhedig, keli) labo isle'eg oo isku dhigma ahaan. Dh: caddillaan. caddilmid -da: (magac, dhedig, keli) wax xumaaday ahaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dooddiyid
(Dooddiyid-da)
Ordid; tartamid; bedertamid; soo dheerayn; ka soo dhexbixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dooddiyid
m.f.dh eeg dooddi². la-mid: doodi¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dooddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) baxsasho oo orod isa sii dayn; tartan ku baddin. Dh: ordid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faddhicid
(Faddhicid-da)
Faddhac yeelasho: daldalooshamid; googgo'id.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faddhicid
m.f.dh eeg faddhac².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faddhicid
-da: (magac, dhedig, keli) googgo'id ama daldalooshamid; faddhac yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gaardiyid
(Gaardiyid-da)
Socod lagu gaardiya hayo, socosho; cayaarsiis ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gaardiyid
m.f.dh eeg gaardi². la-mid: gaardin, gaardis.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaardiyid
-da: (magac, dhedig, keli) si ciidan bandhig maraya u socod; gaardi ku socosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
geeddiyid
m.f.dh eeg geeddi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
geeddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid geeddi iyo socdaal gelin. Dh: guurin, rarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gooddiyid
(Gooddiyid-da)
Qof kale, hadal ama wax kale oo cabsi geliya kula kicid; u dhaarasho; cagajugleyn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gooddiyid
m.f.dh eeg gooddi². la-mid: gooddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaddifid
m.f.dh la-mid: khatifid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
khaddifid
-da: (magac, dhedig, keli) jidkii la mari lahaa ka lumid ama ka habaabid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maaddiyad
m.dh (fals.) Fikrad falsafadeed oo aammisan in adduunka aan jirin wax aan maaddo ahayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maaddiyad
m.dh (fals.) Fikrad falsafadeed oo aammisan in adduunka aan jirin wax aan maaddo ahayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maaddiyad
f. n., [abstract] materialism
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maaddiyad
-da: (n) materialism (ma tiiriyaalisim); materiality (matiir-yaalati) ~ wax la taaban karo
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaddiyad
-da: (magac, dhedig, keli) wixii maaddo ku saabsan. Xidhiidhka dadku inuu maaddiyad ku tiirsanaado ma fiicna.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maaddiyad
de: materialism
lx: maaddiyad
pd: (-da)
ps: n-f-abs
key: maaddiyad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaaddicid
m.f.dh eeg qaaddac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaddicid
-da: (magac, dhedig, keli) diidid oo arrin socda si qayaxan uga hor imasho. Xisbiyada mucaaradku waxay ku heshiiyeen qaaddicidda doorashada.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gadgaddiyid
m.dh la-mid: gedgeddiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gadgaddiyid
-da: (magac, dhedig, keli) wax kolba si u rogrogid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
nabdaadiyid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale bariidin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raddi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Markhaati burin. 2. Cid dhaar lagu helay cid kale ku wareejin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raddi
f.g2 (-iyay, -isay) 1. Markhaati burin. 2. Cid dhaar lagu helay cid kale ku wareejin. m.f.dh, raddin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raddi
(fal) markhaati burin.
raddi: (fal) cid dhaar lagu helay cid kale ku wareejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
radid
m.f.dh eeg rad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
radid
-da: (magac, dhedig, keli) biyo ku raagid oo jilcid. Radidda ka ilaali bariska.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rayid
m.l.u 1. Shacbiweynaha aan askarta ahayn. 2. Shacbiweynaha inta aan dawlad-da u shaqayn. la-mid: rayad.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rayid
m.l.u 1. Shacbiweynaha aan askarta ahayn. 2. Shacbiweynaha inta aan dawladda u shaqayn. la-mid: rayad.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rayid
-ka: (n) civilian (si-vil-yan); ordinary citizen; noncombatant (nan-kom-baatant) ~ rayad