rabshayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshayn
m.dh eeg rabshee. la-mid: rabshadayn, rabshid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xiisad abuurid. Dh: rabshadayn, fidnayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabshadayn
(Rabshadayn-ta)
Rabshad gaarsiin, ku kicin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshadayn
m.dh la-mid: rabshayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rabshad iyo qas samayn; xiisad kicin. Dh: fidmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nafley rabsho la kulantay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rabshaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Nafley rabsho la kulantay ahaansho. m.f.dh, rabshaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshaysan
(tilmaame) xiisad lagu kiciyay amala fidneeyay ah. Nin rabshaysani ra'yi ma keeno.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Arbushid
(Arbushid-da)
Wareerin; rabshayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Qulquladayn
(Qulquladayn-ta)
Cid qulqulad ku samayn; rabshayn.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bother
/baathar/ (v) arbushid; rabshayn e.g. Please don't bother
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
bug
/bag/ (n) 1. kutaan (dhiqle)(v) 2. warka ama sheekada dadka duubid (qalab duuba xanta) ama dhegaysad. (dhegaysasho) (v) 38 | dhibid ama rabshayn. (n) 4. jirro yar oo sida hargabka ah.
Qaamuuska Aasaasi: Ingiriis-Soomaali - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1993]
plague
/pleyg/ (n) 1. daacuun (n) 2. mahiigaan (wax tira badan oo mawjad oo kale ah) (v) 3. rabshayn (dhibid).
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
arbush
-ay / tay: (n) annoy (a nooy)-, disturb (disteerbi), disquiet or anger ~ dhib, rabshayn. —Syn: irritate, bother, irk, provoke, aggravate
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
carqaladayn
-ta: (n) disruption (dis-rapshiny disturbance (dis-teer-bansi) ~ rabshayn
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
disturbare
v.tr. - rabshayn, arbushid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
disturbarsi
v.rifl. - is rabshayn, isdhibid, isku buuqid.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
sconcertare
v.tr.- rabshayn, wareerin.
Qaamuus Talyaani-Soomaali - Cabdalla Cumar Mansuur, Axmed Cabdullaahi A. [1985]
turbare
v.tr.- arbushid, rabshayn, dhibid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
arbushid
-da: (magac, dhedig, keli) geysashada rabshado iyo qalaaqil; wareerinta iyo qasidda talo ama dad. Dh: rabshayn, rabshadayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
déranger
déranger, v. - Kala daadin; habka lumin; Arbushid; Rabshayn.
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
enquiquinant
enquiquinant, adj. - ku buuqid; rabshayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasayn
(Rasayn-ta)
Raso ka dhigid; is kor saarsaarid; taallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasayn
m.f.dh eeg rasee. la-mid: rasays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) si habaysan isku dul dhigdhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cashayn
(Cashayn-ta)
Casho cunid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cashayn
m.f.dh eeg cashee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) milayga fiidka, soor cunid. Dh: xeraadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabbayn
(Rabbayn-ta)
1. (carruur) Dhaqan iyo edeb wanaagsan ku abahin, barid, ku korin; barbaarin.
2. (xoolo) rabbaayad ka dhigid; carbin; laylyid; jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbayn
rabbayn: m.f.dh eeg rabbee.
rąbbayn: m.f.dh eeg rąbbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) carruur dhaqan iyo edeb wanaagsan ku ababin. Rabbaynta ubadka waalidkaa masuul ka ah. Dh: barbaarin.
rabbayn-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo rabbaayad ka dhigid. Dh: carbin, laylyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rablayn
(Rablayn-ta)
Si rable ah, u boodboodid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rablayn
m.f.dh eeg rablee. la-mid: rable (1).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rablayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kolba dhan u rabbaasid. Rablayn buu kaga baxay guriga.
rablayn -ta: (magac, dhedig, keli) shax si aan laguu cunin meel xidhan ku warwareegid. Shaxdu rablaynta kuma fiicna. Dh: rabliyid.
rablayn -ta: (magac, dhedig, keli) timo rable u xidhid oo inba dhan far weyn uga dhigid. Ha u xamrine rablayn u samee yarta.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabshad
(Rabshad-da)
Rabash; fidno; qulqulad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshad
m.dh la-mid: rabash¹.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rabshad
m.dh la-mid: rabsho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rabshad
f. n. trouble, nuisance; anxiety. alarm; disturbance; collision; skirmish; hindrance
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rabshad
-da: (n) trouble (tarabal); problem (parob-lem); difficulty (difikalti); disturbence (dis-teerbensi) ~ rabash, mushkilo, lur, dhibaato, dhib
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshad
-da: (magac, dhedig, keli) qas buuq iyo qulqulatooyin wata. Dh: fidno, rabash.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rabshad
de: trouble, nuisance; anxiety. alarm; disturbance; collision; skirmish; hindrance
lx: rabshad
pd: (-da)
ps: n1-f
key: rabshad
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rushayn
(Rushayn-ta)
Si firdhaad ah, biyo ugu shubid; bilbilid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rushayn
m.f.dh eeg rushee. la-mid: rushays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rushayn
-ta: (n) the act of spattering or sprinkling with water ~ bilbilid
rushayn -ta: (n) air raid (eerreeydh); bombardment -dukhayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rushayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo ku biifin oo dusha kaga daadaadin. Dh: rushays.
rushayn -ta: (magac, dhedig, keli) hub cirka kaga soo daadin oo diyaarado ku garaacid. Dh: bilbilid, rushays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhunkasho iyo salaaxid. Baashayntu ubadka way barbaarisaa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabshaan
-ka: (magac, lab, keli) qof aan waxtar lahayn, xayraan ah, fikir iyo hadaf midna aan lahayn oo malaayacni ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gobshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax ururin; caano xoolo badan laga soo lisay oo meel la isugu keeno.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hobshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qun yar socosho iyo tamashlayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maashayn
(Maashayn-ta)
Hafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maashayn
m.l eeg maashee. la-mid: maashays.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maashayn
-ta: (n) act of drowning someone into the water ~ hafin
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wanaag iyo khayr wada gaadhsiin oo caamyeelid. Dh: nicmayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqayn oo wax ka farxiya wada gaadhsiin. Maanshaynta Eebbaa abkoow meel walliba gaadha. Dh: nicmayn, maanshayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) afar ka dhigid. Dh: afrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshadee
f.g2 (-deeyay, -deysay) la-mid: rabash².
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rabshadee
v. bother, trouble, be a nuisance; disturb, alarm
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshadee
(fal) rabshad iyo qas abuur; xiisad kicin. Dh: fidnee, rabshee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rabshadee
de: bother, trouble, be a nuisance; disturb, alarm
lx: rabshadee
pd: (rabshadeeyey)
ps: v2b=tr
key: rabshadee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaashayn
-ta: (magac, dhedig, keli) carin; gaggixin; shaashays.
shaashayn-ta: (magac, dhedig, keli) shaasho ku ridid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
ahayn
v., pl., simple past tense: we were
ahayn v., neg., simple past tense: was ~ were not
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
ahayn
ahayn: (v) we were
ahayn: (v) [ with negative ma; not] was or were not.... Ex: aniga ma ahayn; that was not me
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rahan
(Rahan-ta)
Curaar; rahaamad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rahan
rahan¹: m.l Cagaar badan oo ka baxa meel roob ku da'ay.
rahan²: m.dh la-mid: rahaamad¹.
rahan³: f.g1 (-hmay, -hantay; -hmi) 1. Hanti curaar ahaan u dhiibid. 2. Arrin ka hadalkeeda dib u dhigid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rahan
rahan¹: m.l Cagaar badan oo ka baxa meel roob ku da'ay.
rahan²: f.g1 (-hmay, -hantay; -hmi) 1. Hanti curaar ahaan u dhiibid. 2. Arrin ka hadalkeeda dib u dhigid. m.f.dh, rahmid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rahan
f. n. pawn, pledge
rahan: v. pawn, pledge
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rahan
(fal) wax qiimo leh dhig si deyn laguu siiyo. Gaadhigaaga rahan lacag baa lagu sii siine. Dh: curaar.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasan
Aan hufneyn; aan nadiif ahayn; kala daadsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Qof aan nadaafadda ku dadaalin ahaansho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rasan
der. [adjective] dirty, messy
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
rasan
-rasnaa / rasnayd: (adj) piled (paaylidh); stacked (istaakidh) ~ rasaysan
rasan -rasnaa / rasnayd: (adj) sloppy (islaapi); untidy (an-taaydhi) ~ kala-daadsan,, aan hufnayn
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasan
(tilmaame) wax ama alaab is dul taalla.
rasan: (tilmaame) aan nadiif ahayn; aan hufnayn.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
rasan
de: dirty, messy
lx: rasan
pd: (rasnaa)
ps: adj-der
key: rasan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aabayn
(Aabayn-ta)
1. Tixgelin; aabayeelid; daryeelid.
2. (weel) xoolayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aabayn
m.f.dh eeg aabee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabayn
-ta: (magac, dhedig, keli) aabbayeelid iyo tixgelin. Aabbaynta waalidku waa axsaan loo aayo.
aabayn-ta: (magac, dhedig, keli) samo iyo wanaag abaabulid oo wanaajin. Umuurtii aad leedahay ninkii, kuu aabaynaaya. Dh: habayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aashay
n. phr. or [adverb] I ... slowly, gently, carefully
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aashay
de: I ... slowly, gently, carefully rw: aal + -tayda
lx: aashay
ps: np / adv
xe: I read it carefully.
xv: Aashay baan u akhriyey.
key: aashay
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aqsayn
m.f.dh eeg aqsee. la-mid: asqayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aqsayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof aad u oomman ka dhigid.
aqsayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof jahadu ka lunsan tahay, ka dhigid.
aqsayn-ta: (magac, dhedig, keli) qof wareeray ka dhigid. Dh: asqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Asmayn
(Asmayn-ta)
Asmo ku akhriyid, ku ganid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asmayn
m.f.dh eeg asmee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asmayn
-ta: (magac, dhedig, keli) sancaynta carruurta xoqa leh.
asmayn-ta: (magac, dhedig, keli) habaar magacda Ilaahay la qabsado oo halaagga cadawga lagu dalbo. Dh: habaarid.
asmayn-ta: (magac, dhedig, keli) meel ama wax kale calaamadayn; amaaradayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asqayn
m.dh eeg asqee. la-mid: aqsayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, mid aad u comman ka dhigid.
asqayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, mid jahadu ka lusan tahay, ka dhigid.
asqayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof kale, mid wareeray ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Astayn
(Astayn-ta)
Astaan u yeelid; asto ama summad u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
astayn
m.dh la-mid: astaamayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
astayn
-ta: (magac, dhedig, keli) asto ama sumad u yeelid. Geeraar waa nin asteeyiyo nin ijaaso u haysta. Dh: calaamadayn, astays.
astayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax billaadid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
buhayn
m.dh la-mid: bugayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Cabsan
1. Wax cabbey; cukan.
2. Sakhraansan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax sakhraamay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
cabsan
f.mg4 (-naa, -nayd) Wax sakhraamay ahaansho. m.f.dh, cabsanaan.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabsan
der. [adjective] drunk, intoxicated
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
cabsan
-aa ayd: (adj) drunken (darang-ken); drunk (darank); intoxicated sarkhaansan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabsan
(tilmaame) qod sakhraansan; qof cabbay maandooriye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabsan
cf: khamri, sakhraan
de: drunk, intoxicated
lx: cabsan
ps: adj-der
key: cabsan
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Casayn
(Casayn-ta)
Casaan ka dhigid; midab cas u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
casayn
m.f.dh eeg casee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
casayn
-ta: (magac, dhedig, keli) kabo iyo wax la mid ah, baalashayn; baalash marin. Dh: baalashayn.
casayn-ta: (magac, dhedig, keli) walax, midab cas u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cashay
(fal) xeraad cun.