rabbaysmid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaysmid
m.f.dh eeg rabbaysan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid carbisan ama la edbiyay noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaysi
m.l la-mid: rabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg rabbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habaysmid
m.f.dh eeg habaysan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaysmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax hab iyo hannaan leh noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabbaasid
(Rabbaasid-da)
Boodboodid; faclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaasid
m.f.dh eeg rabbaas². la-mid: rabbaas¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaasid
-da: (magac, dhedig, keli) boodboodid oo farxad la rablayn. Rabbaasid bay ku jiraan siday guushu u raacday ba. Dh: faclayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax rabbaysan ka dhigasho. Dh: rabbaysasho, rabbaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbays
-ka: (magac, lab, keli) shaqada barbaarinta lafteeda.
rabbays-ka: (magac, lab, keli) eeg rabbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
afaysmid
m.f.dh eeg afaysan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg cabbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbaysi
(Kabbaysi-ga)
Kabbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaysi
m.l la-mid: kabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaysi
-ga: (magac, lab, keli) caano labo qof midba mar cantuugayo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Ubad si habboon u barbaarsasho. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rabbayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Ubad si habboon u barbaarsasho. 2. Xayawaan rabbaayad ka dhigasho. m.f.dh, rabbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaarmid
m.f.dh eeg abbaaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaarmid
-da: (magac, dhedig, keli) ku beegnaanshaha meel ama milay.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaasid
-da: (magac, dhedig, keli) joojin iyo candhasaabid. Cirkoo da'aya deegaan yarbaa lagu cabbaasaaye. Dh: joojin, gaagixin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbaysad
-ka: (magac, lab, keli) qori, rasaas dhuunta u geyn oo riddo u diyaarin. Dh: cabbaysasho.
cabbaysad -ka: (magac, lab, keli) wax mug leh, buuxsad; cabbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
hubaysmid
m.f.dh eeg hubaysan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbaysad
(Kabbaysad-ka)
Kabbaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbaysad
m.l la-mid: kabbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbaysad
-ka: (magac, lab, keli) caano lagu cabbo cancantuugo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaysan
rabbaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Ubad si habboon u barbaarid. 2. Xayawaan rabbaayad noqosho.
rabbaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Ubad si habboon u barbaaray ahaansho. 2. Xayawaan rabbaayad ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
rabbaysan
rabbaysan¹: f.mg1 (-smay, -santay; -smi) 1. Ubad si habboon u barbaarid. 2. Xayawaan rabbaayad noqosho. m.f.dh, rabbaysmid.
rabbaysan²: f.mg4 (-snaa, -snayd) 1. Ubad si habboon u barbaaray ahaansho. 2. Xayawaan rabbaayad ahaansho. m.f.dh, rabbaysnaan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysan
(tilmaame) qof dhaqan wanaagsan lagu soo barbaariyey ah. Dh: edbisan.
rabbaysan: (tilmaame) xayawaan carbisan ah. Ey rabbaysan waa lagu ugaadhsan karaa. Dh: laylyan, jabsan, tababbaran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
safaysmid
m.dh la-mid: sifaysmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
safaysmid
-da: (magac, dhedig, keli) wax safaysan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
samaysmid
m.f.dh eeg samaysan¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
samaysmid
-da: (magac, dhedig, keli) waxaysmid; qabsoomid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aabbayeelid
-da: (magac, dhedig, keli) tixgelin iyo u tudhid. Hawlfulinta ciidanka waa in la raaciyo aabbayeelid iyo tudhid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
midabaysmid
m.f.dh eeg midabaysan¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaracsamid
m.f.dh eeg raaracsan¹. la-mid: raaracmid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaysasho
m.f.dh eeg rabbayso. la-mid: rab-baysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax rabbaysan ka dhigasho. Dh: rabbaysi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaysnaan
m.f.dh eeg rabbaysan². la-mid: rabbaysnaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abyamid
(Abyamid-da)
Yaab iska garasho; yaabid: irkigid; amakaagid; ashqaraarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abyamid
m.f.dh eeg abyan². la-mid: abyan¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abyamid
-da: (magac, dhedig, keli) irkigid iyo amakaagid; yaab iska garasho. Nimanyahaw abyamid baa i heshiyo amarka yaabkiiye. Dh: yaabid, ashqaraarid, amakaagid, amankaagid, irkigid.
abyamid -da: (magac, dhedig, keli) dhammaystirka wax la alkumayay. Qoladii aqalka dhisanaysay abyamiddiisa ba ma sugine, kolkii la taagay ba way galeen. Dh: dhammaystirmid, gebagaboobid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbays
-ka: (magac, lab, keli) eeg cabbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysi
(Labaysi-ga)
Labaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysi
m.l la-mid: labaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg labaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qabaysi
-ga: (magac, lab, keli) jidh maydhasho. Saabuun ayaa qabaysiga loogu talagalay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raarmid
m.f.dh eeg raaran¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raarmid
-da: (magac, dhedig, keli) ilig meeshiisii meel aan ahayn ka soo bixid; iliggii hore oon dhicin ku kali soo bixid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabbaas
(Rabbaas-ka)
Boodbood, facle.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbaas
rabbaas¹: m.l Orod boodbood leh. la-mid: rabbaasid.
rabbaas²: f.mg1 (-say, -stay) Orod boodbood leh samayn (nafley).
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
rabbaas
v. jump, jump repeatedly
rabbaas vl. n. jump, low jumping
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbaas
(fal) boodbood farxadi ku jirto samee Rabbaas oo laanta ka bood. Dh: boodbood, rable.
rabbaas-ka: (magac, lab, keli) boodbood farxadi ku jirto. Rabbaaska iska daa oo fadhiise. Dh: faclayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rabbayn
(Rabbayn-ta)
1. (carruur) Dhaqan iyo edeb wanaagsan ku abahin, barid, ku korin; barbaarin.
2. (xoolo) rabbaayad ka dhigid; carbin; laylyid; jebin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabbayn
rabbayn: m.f.dh eeg rabbee.
rąbbayn: m.f.dh eeg rąbbee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) carruur dhaqan iyo edeb wanaagsan ku ababin. Rabbaynta ubadka waalidkaa masuul ka ah. Dh: barbaarin.
rabbayn-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo rabbaayad ka dhigid. Dh: carbin, laylyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rablays
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg rablayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rabshid
m.f.dh eeg rabash².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rabshid
-da: (magac, dhedig, keli) buuq gelin, rabshad ku samayn. Dh: rabshadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
sabbays
m.l la-mid: sabbayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
sabbays
-ka: (magac, lab, keli) sabbayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Abbaarid
(Abbaarid-da)
Leexleexad la'aan iyo toos u aadid; (ku abbaarid): ku toosin; ku duwid; ku aaddin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abbaarid
m.f.dh eeg abbaar³. la-mid: abbaar¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abbaarid
-da: (magac, dhedig, keli) toos u beegsashada wax ama meel la wada og yahay. Doonnida la waayay waxay seegtay abbaaridda jihadii ay u socotay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
asaasmid
m.f.dh eeg asaasan¹. la-mid: aasaasmid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
asaasmid
-da: (magac, dhedig, keli) mid alkuman ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baybaysi
m.l la-mid: baybaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baybaysi
-da: (magac, dhedig, keli) dacwad aan wada run ahayn. Baybaysiga ha rumaysanin ee hubi waxan ku sheegay. Dh: bihinbihis.
baybaysi -ga: (magac, lab, keli) ku jeestayn ama ku tiiqtiiqsi. Baybaysiga iga daa. Dh: tiiqtiiqsi.
baybaysi -ga: (magac, lab, keli) oohin ama wax jeclaan aan run ahayn baruurteeda aadka ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
cabbayso
v. load (gun)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
cabbayso
(fal) wax mug leh, buuxso, wax ku gur.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
cabbayso
de: load (gun)
lx: cabbayso
pd: (cabbaystay)
ps: v3b=
key: cabbayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daayimid
m.dh la-mid: daa'imid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daayimid
-da: (magac, dhedig, keli) wax weligiiba jira ahaan. Dh: daa'imid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabayshi
m.l la-mid: dabayshad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabbaqid
m.dh la-mid: dabqid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabbaqid
-da: (magac, dhedig, keli) eeg dabbaqaad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabramid
m.f.dh eeg dabran.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabaysii
f.g2 (-iiyay, -iisay) Ka g.: qof gabay ku beerid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gabaysii
(fal) ka dhig inuu gabyo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Gablamid
(Gablamid-da)
Gablan noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gablamid
m.f.dh eeg gablan². la-mid: goblamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gablamid
-da: (magac, dhedig, keli) qof aan carruur dhaxasha lahayn noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gabramid
m.f.dh eeg gabran¹.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gambaysi
m.l la-mid: gambaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gambaysi
-ga: (magac, lab, keli) eeg ganbaysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganbaysi
(Ganbaysi-ga)
Ganbaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habaysni
-da: (magac, dhedig, keli) hab iyo hannaan wanaagsan lahaansho. Dh: qaabsani, nidaamsani.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Habqamid
(Habqamid-da)
(yeer: xabbad, kd.) dadaal isaga dabadhicid; isdabajoog; xiriir.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
habqamid
m.f.dh eeg habqan².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
habqamid
-da: (magac, dhedig, keli) hadal aan macno iyo milgo lahayn oo badan ku sheekayn; si aan caddayn u yeedhyeedhid. Dh: hadaaqid. Li: murtiyayn
habqamid -da: (magac, dhedig, keli) si aan habaysnayn u socosho ama u cararid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbayso
f.g3 (-stay, -satay) Dareere kabbo kabbo u cabbid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
kabbayso
v.auto: sip
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbayso
(fal) caano, kolba in yar kabbo.
kabbayso: (fal) hadba kabbo oo afka ku qaado oo liq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
kabbayso
de: sip
lx: kabbayso
nt: kabbaysad (ka) [vn-m], kabbaysasho (/da) [vn-f], kabbaysi (ga) [vn-m]
pd: (kabbaystay)
ps: v3b=auto
key: kabbayso
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Kabbisid
(Kabbisid-da)
Kebbisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
kabbisid
m.dh la-mid: kebbisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kabbisid
-a: (magac, lab, keli) ciid cusub ku adkayn oo ku tumid; carro biyo lagu rusho ka dibna la nabo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Labaysad
(Labaysad-ka)
Labaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
labaysad
m.l la-mid: labaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
labaysad
-ka: (magac, lab, keli) wax aad horay hal uga qaadatay, mar labaad haddana qaadasho. Dh: lamadasho, labaysasho, labaysi.