raawisid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raawisid
(Raawisid-da)
(doon, markab) majare ku wadid, ku toosin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raawisid
m.f.dh eeg raawis³. ld. raawis¹ (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raawisid
-da: (magac, dhedig, keli) doon ama mar kab majare toosan ku wadid oo ku toosin.
raawisid -da: (magac, dhedig, keli) saawir afdaran noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaawisid
m.f.dh eeg khaawis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raawid
-da: (magac, dhedig, keli) majare qudha doon ku wadid. Markabka raawiddiisa ku wad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raawis
(Raawis-ka)
1. Doonni ama markab oo majare lagu wado (inta lagu wado aan laga leexineyn).
2. Birta la tumayo, gargaraaciddeeda iyo dubbe ku qurxinteeda danbe.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raawis
raawis¹: m.l la-mid: raawin; la-mid: raawisid(2).
raawis²: m.l Mindi iyo wixi lamida gabowday oo aan wax goyn karin. la-mid: saawir.
raawis³: f.g1 (-say, -stay) Gaadiid-badeed majare u toosin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raawis
v. steer (a ship), put on course
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raawis
(fal) ciyaar tun oo jiib iyo sacab isla hel Kolkaad gegada joogto si wanaagsan u raawis.
raawis: (fal) doon, markab, iyo wixii la mid ah majaraha uu haysto ku wad.
raawis -ka: (magac, lab, keli) raawin ciyaareed Raawiska ciyaarta is la hela rag iyo dumarow.
raawis -ta: (magac, dhedig, keli) qurxinta iyo s simidda bir la tumayo. Tumaalladu way kala qaanniin raawista billaawaha. Dh: raawin.
raawis-ta: (magac, dhedig, keli) muddada dooni ama markab majaraha uu haysta lagu wade aan laga leexin. Raawis buu weli ku jiraa markabku.
raawis -ta: (magac, dhedig, keli) middi afdaran aan wax ba jari karin. Madax muuqda iyo raam midna lagama quusto. Dh: saawir.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Raawis
Nooc ka tirsan dubbeyaasha farsamada birta.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raawis
de: steer (a ship), put on course
lx: raawis
nt: raawis (ka) [vn-m], raawisid (da) [vn-f]
pd: (raawisay)
ps: v1=tr
key: raawis
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawilid
m.f.dh la-mid: awaalid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aawilid
-da: (magac, dhedig, keli) saadaasha iyo ifafaalaha wax soo socda ka warramid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
bawisid
m.f.dh eeg bawis². la-mid: bawis¹.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rawixid
-da: (magac, dhedig, keli) meel mehered ah ka tagid oo hooygaad degganayd aadid. Dh: rawaxid, hoyad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Caajisid
(Caajisid-da)
Hawl qaban waayid; ka wahsasho; daal iyo cagajiid wax ku qabasho bilaabid; soo tabar yarayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caajisid
m.f.dh eeg caajis². la-mid: cajisid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caajisid
-da: (magac, dhedig, keli) hawl qaban kari waayid; wahsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawimid
m.dh la-mid: caawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawimid
-da: (magac, dhedig, keli) kaalmayn iyo gargaarid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawinid
m.f.dh eeg caawin². la-mid: caawimid, cawimid, cawinid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawinid
-da: (magac, dhedig, keli) u gargaarid; kaalmayn; taageerid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawiyid
m.f.dh eeg caawi. la-mid: caawin, caawis, cawin¹, cawis, cawiyid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caawiyid
-da: (magac, dhedig, keli) taageerid; kaalmayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqisid
m.dh la-mid: naaqusid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqisid
-da: (magac, dhediq, keli) wax buuxay, in ka dhimid. Dh: naaqusid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Naawilid
(Naawilid-da)
Filid; malayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naawilid
m.f.dh eeg naawil.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wanaag soo socda filid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaricid
(Raaricid-da)
Laallaadid; lulasho; lalmasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaricid
m.f.dh eeg raarac². la-mid: raarac¹ (2).
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaridid
m.f.dh eeg raarid².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaridid
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid kale wax ka dhaadhicin oo si wanaagsan u fahansiin.
raaridid-da: (magac, dhedig, keli) meel sare ka soo dhaadhicin oo ka soo shalwid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raqiisid
(Raqiisid-da)
Raqiis noqosho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raqiisid
m.f.dh eeg raqiis².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raqiisid
-da: (magac, dhedig, keli) wax raqiis ah oo qiimo jaban leh noqosho. Dh: rakhiisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taawilid
m.dh la-mid: taawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taawilid
-da: (magac, dhedig, keli) wax filasho. Dh: rajayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xaawilid
-da: (magac, dhedig, keli) isku dayid; isku tijaabin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raawisnimo
m.dh Mindi raawis ahaansho. la-mid: saawirnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
araasiyid
m.dh eeg araasi². la-mid: insaarixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daawisiin
-ta: (magac, dhedig, keli) marka cid aad u suurtagalinaysid inuu wax eeg'eego.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaawicid
(Dhaawicid-da)
Dhaawac gaarsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaawicid
m.f.dh eeg dhaawac².
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
dhaawicid
-da: (n) the act of injuring or inflicting a wound
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaawicid
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, dhaawac gaadhsiin oo cawirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
khaayisid
m.f.dh eeg khaayis².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Masawirid
(Masawirid-da)
Masawir u yeelid, samayn; sawirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
masawirid
m.f.dh eeg masawir².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
masawirid
-da: (magac, dhedig, keli) wax taswiirid; sawir qaadid. Masawiridda xeryaha ciidanku waa mamnuuc. Dh: taswiirid, sawirid, sawiris.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naaqishid
m.f.dh eeg naaqish.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naaqishid
-da: (magac, dhedig, keli) arrin ama talo falanqayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raarridid
m.f.dh eeg raarrid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaawirid
-da: (magac, dhedig, keli) xaajo rogrogiddeeda iyo faallaynteeda.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aasid
(Aasid-da)
Xabaal ku ridid; duugid; xabaalid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aasid
m.f.dh eeg aas². la-mid: aas¹.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aasid
m. n. acid
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aasid
-ka: (n) acid (aa sidh) ~ aashito, aasidh
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aasid
-da: (magac, dhedig, keli) dhulka u qodidda qof dhintay ama wax kale oo ciidda ku roggid. Dh: aasitaan, duugis, xabaalid. Li: faqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aasid
de: acid
lx: aasid
pd: (-ka)
ps: n-m
syn: aashito, aasidh
key: aasid
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aawis
m.l la-mid: aawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raasi
(Raasi-ga)
Madax dhul ah oo badda dhex gala.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raasi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Dhul dhuuban oo badda aad u dhex gala. 2. la-mid: raas (3).
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raasi
m.l (-iyo, m.dh) 1. Dhul dhuuban oo badda aad u dhex gala. 2. la-mid: raas.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Raasi
Cape
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raasi
m. n., loc. peninsula, cape, isthmus
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raasi
-ga: (magac, lab, keli) dhul engegsan oo balladh yuuban oo saddex dhinac ay biyo ka marsan yihiin. Dh: madax.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raasi
bw: Arabic
cf: raas
de: peninsula, cape, isthmus
lx: raasi
pd: (-ga)
ps: n-m-loc
key: raasi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raawi
f.g/mg2 (-iyay, -isay) 1. (f.g) Bir si ay u simanto garaacid. 2. (f.mg) Si isla helid ah sacab u tumid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raawi
m. n. narrator, story-teller
raawi v. clap one's hands in rhythm with a dance
raawi v. pound to a smooth finish (of blacksmith)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raawi
(fal) ciyaar tun; sacabka isku garaac. Dh: jaamee.
raawi -ga: (magac, lab, keli) qof Nebiga, naxaris iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee, xadiisyo la weriyay; qof qisas iyo akhbaar weriya. Barashada raawigu waa cilmi xadiiska ka mid ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baasid
m.f.dh eeg baas².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baasid
-da: (magac, dhedig, keli) ka gudbidda itixaan iyo waxii la mid ah.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caasid
-da: (magac, dhedig, keli) meel aad wax ku sugayso ku raagid oo ku caajisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caawis
m.l la-mid: caawiyid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faasid
1. (Faasid-da) Faas la dhicid ama ku dhufdhufasho; masaarayn.
2. (Faasid-ka) Xun ama xumaaday.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faasid
faasid¹: m.l (-diin, m.dh) Qof sameeya waxyaalaha foosha xun ee diintu reebtay.
faasid²: m.f.dh eeg faas². la-mid: faashid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
faasid
m.l (-diin, m.dh) Qof sameeya waxyaalaha foosha xun ee diintu reebtay.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
faasid
m. n. immoral, vicious ~ corrupt person
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faasid
(tilmaame) wax xun oo aan habboonayn.
faasid -da: (magac, dhedig, keli) faas la dhicid, faas ku dhufdhufasho. Dh: masaarayn.
faasid -ka: (magac, lab, keli) qof aan wanaagsanayn oo xun; qof fitan iyo belaayo abuura. Faasidka wa in la toosiyaa. Dh: mufsid. Li: saalix, wanaagsane, suubbane.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
faasid
bw: Arabic
de: immoral, vicious ~ corrupt person
lx: faasid
pd: (-ka Pl: faasidiin (ta))
ps: n2a-m
key: faasid
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
gaawis
-ka: (magac, lab, keli) mid tamar daran oo aan dhaqaaq lahayn. Maxaad garan laxdii gaawisaa lagu gardaadshaaye.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawid
m.f.dh eeg haaw².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Haawis
(Haawis-ka)
1. (fardo) hardaf dheer.
2. (weel, kd.) haawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haawis
m.l 1. Hardaf dheer. 2. la-mid: haawin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
haawis
m. n. fast gallop ~ canter (of horse)
haawis vl. n. airing, act of opening a vessel to air
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haawis
-ka: (magac, lab, keli) eeg haawin.
haawis -ka: (magac, lab, keli) oroddada fardaha jaad ka mid ah ahna hardaf dheer. Haddii nadigu haaraha ku dhigo haawis xamar baa leh. Dh: hardaf, booddo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaawis
m.l la-mid: jaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
naawis
m.l la-mid: naawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
naawis
-ka: (magac, lab, keli) eeg naawin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaawis
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg qaawin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabsi
m.l la-mid: raabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabsi
-ga: (magac, lab, keli) calalin wakhti siyaado ah ilkaha wax lagu calaliyo. Raabsiga geela meel dheer ayaa laga maglaa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raacid
(Raacid-da)
1. Wax meel u socda ama aadaya la socosho, u wehel yeelid.
2. (xoolo) daaq geyn; daajin; ilaalin; jirid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacid
m.f.dh eeg raac.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raacid
vl. n. companionship, accompanying, going together
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacid
-da: (magac, dhedig, keli) cid meel u socota socodka ku biirin; socoto cagta ku darid.
raacid -da: (magac, dhedig, keli) eegid oo daranyada ka dhabid. Carruurtu raacidda xoolaha way ku kala fiican yihiin. Dh: jirid.
raacid-da: (magac, dhedig, keli) fikir iyo aragti la wadaagid oo talo ku waafiqid.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raacid
de: companionship, accompanying, going together
lx: raacid
pd: (-da)
ps: vn1-f
key: raacid
Qaamuus Soomaali-Carabi oo Kooban - Cabdirisaaq Maxamed Cilmi Ina-Warfaa [2007]
raacid
مُصَاحَبَة
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacis
m.l la-mid: raacin.