raaracsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaracsasho
m.f.dh eeg raaracso. la-mid: raaracsad, raaracsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ku darsasho, ku biirsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raransasho
m.f.dh eeg raranso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raransasho
-da: (magac, dhedig, keli) raran ku samaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maaraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maamulasho.
maaraysasho -da: (magac, dhedig, keli) daxal yeelasho; wax midhidhay noqosho. Dh: ruujimaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamaysasho
m.f.dh eeg raamayso.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxaysasho
(Raaxaysasha-da)
Raaxo ku dhex noolaansho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxaysasho
m.f.dh eeg raaxayso. la-mid: raaxaysad, raaxaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) raaxaysi jrid; raaxo ku dhex noolaansho. Huteellada waa loo galaa raaxaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaracsi
m.l la-mid: raaracsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaracnaansho
m.l/dh la-mid: raaracsanaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
taraaraysasho
m.f.dh eeg taraarayso. la-mid: taraaraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taraaraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) haweenay uur leh sagaalaysi; taraare karin oo ducaysi. Dh: kuraysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
abaaraysasho
m.f.dh eeg abaarayso. la-mid: abaaraysad, abaaraysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
abaaraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg abaaraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caaryaysasho
m.f.dh eeg caaryeyso. la-mid: caaryaysad, caaryeysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caaryaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) uskag iyo caaryo yeelasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qararabsasho
m.dh la-mid: qararamsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qararamsasho
m.f.dh eeg qararamso. la-mid: qararabsad, qararabsasho, qararabsi, qararamsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacdaysasho
m.f.dh eeg raacdayso. la-mid: raacdaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Tabaraysasho
(Tabaraysasha-da)
Tabar yeelasho; xoogsasho; tabargelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tabaraysasho
m.f.dh eeg tabarayso. la-mid: tabaraysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tabaraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoogsasho: tabar yeelasho. Dh: tamaraysashoda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tamaraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg tabaraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aarsasho
(Aarsasha-da)
Aargudasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aarsasho
m.f.dh eeg aarso. la-mid: aarsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aarsasho
vl. n. vengeance, act of taking revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aarsasho
-aarsashada: (n) retaliation (ri-taali-yeey-shin); revenge (riveenji) ~ aargudasho
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) (ka ~) cid dhib iyo aano loo geystay, soo gudasho. Dh: aargoosad.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aarsasho
de: vengeance, act of taking revenge
lx: aarsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: aarsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacasho
m.f.dh eeg raaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacasho
-da: (magac, dhedig, keli) xoolo ad leedahay soofsasho oo daranyada ka dhabasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaracso
f.mg3 (-saday, -satay) Wax meel ka laallaadsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raarasho
m.f.dh eeg raaro.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baacsasho
m.f.dh eeg baacso. la-mid: baacsad, baacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) ballaadhsiga wax duubnaa oo la kala bixiyo ama la fidiyo.
baacsasho -da: (magac, dhedig, keli) cid kale, sil aad ah u caydhsasho oo eryasho. Baacsashada sidii goroyo banjoogtaan, bahallada ka cararaaye. Dh: caydhsasho, eryasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faarsasho
m.f.dh eeg faarso. la-mid: faarsad, faarsi
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maarsasho
(Maarsasha-da)
1. (wax ka maarsasho) cabsasho, biqid.
2. Ka fursasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maarsasho
m.f.dh eeg maarso².
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg maarsad.
maarsasho -da: (magac, dhedig, keli) ka cabsi maarsasho ayaa ku jirta wiilka yar. Dh: bigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raabsasho
(Raabsasha-da)
Baryaqaadid; calalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raabsasho
m.f.dh eeg raabso. la-mid: raabsi, raamsasho, raamsi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raabsasho
f. n. act of chewing
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax afka ku jira calalsasho. Dh: raamsasho, raabsi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raabsasho
de: act of chewing
lx: raabsasho
pd: (/da)
ps: n6-f
key: raabsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raadsasho
m.f.dh eeg raadso. la-mid: raadsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax magan ama loo baahan yahay raadcaysasho. Wax gacanta saaxiibkaa ku jiraa raadsasho uma baahna. Dh: raadsi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raagsasho
(Raagsasha-da)
Wax raagey la noqosho; daahsasho; dhererid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raagsasho
m.f.dh eeg raagso. la-mid: raagsad, raagsi, raagsiino, raagsiinyo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raagsasho
vl. n. impatience
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raagsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax dherersasho oo sugiddiisa ka daalid. Wax gacan la hubo ku jiraa raagsasho ma leh. Dh: daahsasho.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raagsasho
de: impatience
lx: raagsasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
see: raagso
key: raagsasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamsasho
m.dh la-mid: raabsasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax afka ku jira in badan gawsaha ku ridgid. Dh: calaalin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaracsad
m.l la-mid: raaracsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaracsan
raaracsan¹: f.mg1 (-amay, -antay) Wax meel ka soo laallaada noqosho. la-mid: raaracan¹.
raaracsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax meel ka soo laallaada ahaansho. la-mid: raaracan².
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raaracsan
raaracsan¹: f.mg1 (-amay, -antay) Wax meel ka soo laallaada noqosho. m.f.dh, raaracsamid. la-mid: raaracan¹.
raaracsan²: f.mg4 (-naa, -nayd) Wax meel ka soo laallaada ahaansho. m.f.dh, raaracsanaan. la-mid: raaracsan².
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rafacasho
m.f.dh eeg rafaco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Saarsasho
(Saarsasha-da)
Wax dhacay eeddood ama sababtood, wax kale ama cid kale korka ka saarid, ku malayn; halrarasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saarsasho
m.f.dh eeg saarso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saarsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax hoos yaalay meel kore dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanaysasho
m.f.dh eeg aanayso. la-mid: aanaysad, aanaysi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg aanaysad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
afraysasho
-da: (magac, dhedig, keli) tiro saddex afar ka dhigasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baayacasho
m.f.dh eeg baayoco. la-mid: baayacad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baayacasho
-da: (magac, dhedig, keli) qiimaha shayga weydiisasho oo ka gorgortamid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
balacsasho
m.f.dh eeg balacso. la-mid: balacsad, balacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
balacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) eeg balacsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
cararsasho
m.f.dh eeg cararso. la-mid: carareysad, carareysasho, carareysi, cacarsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daalacasho
(Daalacasha-da)
1. Wax dadka kale ka qarsoon, daawasho.
2. Kitaab ama wax la mid ah, iyadoo la aammusan yahay, isha iyo uurka ka akhrisasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daalacasho
m.f.dh eeg daalaco.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daalacasho
-da: (magac, dhedig, keli) isha oo lagaga bogto akhris aamusnaan ah. Duruusta waxaa lagu fahmaa daalacashada badan. Dh: raacasho.
daalacasho -da: (magac, dhedig, keli) wax dadka kale qarsoon daawashadii. Daalacasho ayaan xalay ku arkay sheekhii dhintay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dararsasho
m.f.dh eeg dararso.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dararsasho
-da: (magac, dhedig, keli) neef irmaan dararin oo caano badan u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Ganacsasho
(Ganacsasha-da)
Wax iib ah, rogrogasho; ganacsi samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
ganacsasho
m.f.dh eeg ganacso. la-mid: ganacsad, ganacsi (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ganacsasho
-da: (magac, dhedig, keli) shaqaysiga wax iibinta. Dh: ganacsi, baayacmushtarnimo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garabsasho
(Garabsasha-da)
Garab iyo tiir ka dhigasho; kaalmaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garabsasho
m.dh eeg garabso. la-mid: garabsad, garabsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garabsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, kaalmaysasho. Dh: gargaarsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Garaysasho
(Garaysasha-da)
In arrini gar tahay ama gar ku dhacday u qaadasho; garaysad; garaysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
garaysasho
m.f.dh eeg garayso. la-mid: garaysad, garaysi.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
garaysasho
vl. n. acceptance of a verdict
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
garaysasho
-da: (magac, dhedig, keli) inay wax sidaa yihiin, aqoonsasho. Dh: garaysad, garaysi.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
garaysasho
a: garaysad (ka) [vn2-m], garaysi (ga) [vn2a-m]
de: acceptance of a verdict
lx: garaysasho
pd: (/da)
ps: vn6-f
key: garaysasho
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
gawracasho
m.f.dh eeg gawraco.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
halacsasho
m.f.dh eeg halacso. la-mid: halacsad, halacsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
harawsasho
-da: (magac, dhedig, keli) cid kale, been u sheegid oo ku khiyaamayn. Dh: harawsad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Jaraysasho
(Jaraysasha-da)
1. Fardo la leeyahay jarabbarid.
2. Shaxda, jare yeelasho, samaysasho; jaraysad.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaraysasho
m.f.dh la-mid: jaraysad, jaraysi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
karahsasho
m.f.dh eeg karahso. la-mid: karah-sad, karahsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
karahsasho
-da: (magac, dhedig, keli) wax ama tii, nicid. Dh: samaynkarahsad, karahsi, kahasho, goonsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maragsasho
m.dh la-mid: maragsiin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraqsasho
m.dh la-mid: marqasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maraxsasho
(Maraxsasha-da)
Wax dhaqaalaysasho, dib u dhigasho, tashiilasho, kaydsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maraxsasho
m.f.dh eeg maraxso. la-mid: maraxsad, maraxsi.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maraxsasho
-da: (magac, dhedig, kell) eeg madhaxsasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Mayracasho
(Mayracasha-da)
(xoolo) Qabowga galab-gaabka iyo fiidka hore ku daaqid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
mayracasho
m.f.dh eeg mayraco. la-mid: mayracad.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
mayracasho
-da: (magac, dhedig, keli) daagista xooluhu maqribka ka hor meelaha reerka u dhaw ay daaqaan. Neefka mayracashada ku raagaa dugaag buu halis u yahay.