raandee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raandee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Alwaax raando ku simid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raandee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Alwaax raando ku simid. m.f.dh, raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacdee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Nafley daba ordid. 2. Xoolo lumay raadin. 3. Nafley meel ka cayrin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raacdee
f.g2 (-deeyay, -daysay) 1. Nafley daba ordid. 2. Xoolo lumay raadin. 3. Nafley meel ka cayrin. m.f.dh, raacdayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raacdee
v. chase, pursue
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
raacdee
-yey / raacdeysay: (v) 1. chase away, drive away, pursue (peer-suu) ~ cayri, eri. 2. go after a lost animal (livestock) trace
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacdee
(fal) baadi maqan raadi. Raacdee geela lumay. Dh: raadcee, doondoon.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raacdee
de: chase, pursue
lx: raacdee
pd: (raacdeeyey)
ps: v2b=tr
key: raacdee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raandayn
m.f.dh eeg raandee. la-mid: randays.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Gurada raandada
Cufadda raandada. Duleelka middidu ka gudubto isla markaana dufulka laga raandeeyey looxu soo galo.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Xaadboob
Raandada lagu faaradeeyo xaad-xaadinta dambe ee looxa hore loo raandeeyey ee laga doonayo simid sulubsan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandhee
f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) Turub, baandho ku samayn.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
baandhee
f.g2 (-dheeyay, -dhaysay) Turub, baandho ku samayn. m.f.dh, baandhayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
baandhee
v. shuffle (cards)
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baandhee
-yey say: (v) reshuffle (riishafal). Ex: turubka baandhee; reshuffle cards
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhee
(fal) turub isku laaq oo is dhex geli si aan loo kala naqaysan karin. Dh: baandhay.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
baandhee
de: shuffle (cards)
lx: baandhee
pd: (baandheeyey)
ps: v2b=
key: baandhee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iraahdee
v., sg., opt. form: suppose I say; what if I say ...
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iraahdee
de: suppose I say; what if I say ...
lx: iraahdee
pd: (idhaahdee)
ps: v4a-1sg-pot
key: iraahdee
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandeeq
m. n. beautiful person
Qaamuuska Magacyada Soomaalida: Soomaali-Ingiriis - Anwar Maxamed Diiriye [2006]
Maandeeq
name-m/f handsome, beautiful; gratifying
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maandeeq
(adj) beautiful, attractive, appealing; interesting, heartwarming
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
Maandeeq
magac loo bixiyo gabadh qurux badan oo uu qalbigu daawideeda ku xasilo.
Maandeeq: magac sarbeeb ahaa oo xilligii gobannimada caan ku ahaa 'dalka iyo madaxbannaanidiisa'. Aan maallo hasheenna Maandeeq.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandeeq
de: beautiful person
lx: maandeeq
pd: (-a ~ -da)
ps: n2a-m/f
key: maandeeq
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadadee
(fal) raad u yeel ama u samee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taandhee
(fal) cid kale, dacwad u soo taag oo ku soo oog.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanee
f.g/mg2 (-neeyay, -naysay) 1. (f.g) U aa.: cid, cid kale oo dakano ka gashay ka gudid. 2. (f.mg) U aa.: wax dhacay cid ku tuhmid. Tusaale: 'Waxyeelada baabuurka gaartay waxaa loo aaneynayaa taxaddar la'aanta shufeerka'.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
aanee
f.g/mg2 (-neeyay, -naysay) 1. (f.g) U aa.: cid, cid kale oo dakano ka gashay ka gudid. 2. (f.mg) U aa.: wax dhacay cid ku tuhmid. Tusaale "Waxyeelada baabuurka gaartay waxaa loo aaneynayaa taxaddar la'aanta shufeerka". m.f.dh, aanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aanee
v. blame, accuse, resent, hold responsible for; charge with; seek revenge
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
aanee
-yey / aaneysay: (v) [ with preposition u ] hold liable to; desire revenge; to spite; accuse (akiyuus)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanee
(fal) wax dhacy, cid ama wax kale ku sababee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
aanee
de: blame, accuse, resent, hold responsible for; charge with; seek revenge
lx: aanee
pd: (aaneeyey)
ps: v2b=
key: aanee
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aadee
de: suppose I am / so he may be ...
lx: -aadee
ps: v5a-1sg/3m-pot
xe: What if he becomes tall?
xv: Show dheeraadee!
key: -aadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Caano wax ku darid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
caanee
f.g2 (-neeyay, -naysay) Caano wax ku darid. m.f.dh, caanayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanee
v. put milk into something, whiten with milk
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanee
(fal) cunto, shaah ama wax kale, caano ku dar. Waar! shaaha noo caanee. Dh: caanay, caddee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanee
de: put milk into s.t., whiten with milk
lx: caanee
pd: (caaneeyey)
ps: v2b=
xe: She put milk into her tea.
xv: Shaaheedii bay caaneysey
key: caanee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maadee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) (riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo sheegid.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maadee
f.mg2 (-deeyay, -deysay) (riw.) Hadal ama sheeko lagu qoslo sheegid. m.f.dh, maadeyn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maadee
v. make jokes, say something funny
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maadee
-yey / maadeysay: (v) make one laugh; make a funny remark; be great fun; be witty; joke (jowk)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadee
(fal) maad samee oo dad ka qosli. Sidii Boon Xirsi iyo miicaad miiggane u maadee. Dh: majaajillee, maadey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maadee
de: make jokes, say s.t. funny
lx: maadee
pd: (maadeeyey)
ps: v2b=intr
key: maadee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamee
f.g2 (-meeyay, -maysay) Wax raan u yeelid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raamee
v. have matted ~ tangled hair
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamee
(fal) raamo ka dhig: timaha ha feedhin si ay isugu marmaan oo raamo u yeeshaan. Dh: marmar.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raamee
de: have matted ~ tangled hair
lx: raamee
pd: (raameeyey)
ps: v2b=intr
key: raamee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raando
m.dh Qalab ka kooban alwaax bir af dhexda ku leh oo lagu simo alwaaxda.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raando
m.dh Qalab ka kooban alwaax bir af dhexda ku leh oo lagu simo alwaaxda.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raando
-da: (magac, dhedig, keli) qalab ka kooban alwaax bir af dhexda ku leh oo lagu simo alwaaxda.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Raando
Faarad. Qalabka looga shaqeeyo farsamda looxa ee xalleefin iyo xaad-dhawrid looxa ku sulbisa.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxee
f.mg2 (-xeeyay, -xaysay) 1. U r.: cid nolol raaxo leh ku noolaysiin. 2. U r.: qof niyaddiisa farxad gelin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raaxee
f.mg2 (-xeeyay, -xaysay) 1. U r.: cid nolol raaxo leh ku noolaysiin. 2. U r.: qof niyaddiisa farxad gelin. m.f.dh, raaxayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
raaxee
v. give pleasure
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxee
(fal) (u ~) u suurageli in uu raaxaysto; u raaxee. U raaxee waalidkaaga oo cagaha u duug.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
raaxee
de: give pleasure
lx: raaxee
pd: (raaxeeyey)
ps: v2b=
key: raaxee
Qaamuus Faransiis-Soomaali - Maxamed Cabdi Maxamed [1985]
rangée
rangée, n.f. - taxan; saf
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
-aannee
de: suppose we may be ..., what if we are ...?
lx: -aannee
ps: v5a-1pl-pot
xe: Suppose we like it?
xv: Sow jeclaannee?
key: -aannee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanyee
f.g2 (-eeyay, -eysay) 1. Harag caano ku jilcin. 2. Ma daroorsha ka dhigid, agloolid. 3. Waxyaabo aan islahayn isku qasid (arrin). 4. Qof si xun ula dhaqasho.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
caanyee
v. do something poorly, awkwardly ~ imperfectly; treat someone badly
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanyee
(fal) calali; calaanji.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
caanyee
bw: calaanji
de: do s.t. poorly, awkwardly ~ imperfectly; treat s.o. badly
lx: caanyee
nt: caanyeys (ka) [vn-m]
pd: (caanyeeyey)
ps: v2b=
key: caanyee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daangee
f.g2 (-geeyay, -gaysay) Badar daango ka dhigid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
haansee
f.g2 (-seeyay, -seysay) Wax qurxin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
haansee
(fal) wax qurxin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maandhe
u.j Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: maandhow.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maandhe
u.j Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. la-mid: maandhow.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maandhe
n. phr. son!
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maandhe
(ereydhawaaq) qof labood ah oo lala. hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. Dh: maandhow, wiiloow.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maandhe
de: son! {C & S}
lx: maandhe
pd: (maandhow)
ps: np-voc
key: maandhe
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maansee
f.mg2 (-seeyay, -saysay) Maanso tirin.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
maansee
f.mg2 (-seeyay, -saysay) Maanso tirin. m.f.dh, maansayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maansee
v. compose verses, write poetry
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
maansee
-yey / maanseysay: (v) put to poetry; write or create poem ~ maansood
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maansee
(fal) tixo suugaanaysan ku luuqee ama allif. Bal maansee aan codkaaga maqallee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maansee
de: compose verses, write poetry
lx: maansee
pd: (maanseeyey)
ps: v2b=
key: maansee
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maanyee
f.mg2 (-yeeyay, -yeysay) Hees ugareed tirin.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
maanyee
v. recite ~ compose a hunting ~ fishing song
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanyee
(fal) maanyo samee. Carruurta u maanyee.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
maanyee
de: recite ~ compose a hunting ~ fishing song
lx: maanyee
pd: (maanyeeyey)
ps: v2b=
key: maanyee
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadcee
(fal) wax maqan raadi oo kolba meel ka day. Nabsiguna ma raagee, raadcee ninkii galay. Dh: raadi, goob.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandheer
f. n., [compound] strong camel of the herd
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandheer
-ta: (magacwadareed) magta dhagarta lagu baxsho, geela inta aan lammaanayn oo aan rimmanayn ee galoofta ah. Waxa middii ba loo xisaabiyaa sagaal ama lix laxaad. Li: uurrey.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
daandheer
de: strong camel of the herd
lx: daandheer
pd: (-ta)
ps: n2-f-cmp
key: daandheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dabandeeb
(Dabandeeb-ka)
Noqnoqod badan; socsocod.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dabandeeb
dabandeeb¹: m.l Socod dan la'aan ah oo la iska daba noqnodo. la-mid: dabandeebid.
dabandeeb²: f.mg1 (-bay, -btay) Si dan la'aan ah isaga daba noqosho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
dabandeeb
m.l Socod dan la'aan ah oo la iska daba noqnodo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
dabandeeb
v. walk back and forth; come and go; go to and fro; keep saying the same things
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dabandeeb
-ka: (magac, lab, keli) noqnoqod badan; socsocod noqnoqod badan. Dabandeeb baa ku dili haddaad dabadhoontahaye.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
dabandeeb
de: walk back and forth; come and go; go to and fro; [fig.] keep saying the same things
lx: dabandeeb
pd: (dabandeebay)
ps: v1=
key: dabandeeb
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
iraahdeen
v., sg.,neg. condition: I would not say / have said
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
iraahdeen
(v) [Past] they said (seedh) yiraahdeen. Ex: waxay iraahdeen; they said
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
iraahdeen
de: I would not say / have said
lx: iraahdeen
pd: (idhaahdeen)
ps: v4a-1sg-neg-cond
key: iraahdeen
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
jaandheer
m.dh Ciyaaraha jiibta iyo jaanta leh oo la dheelo mid ka mid ah.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
jaandheer
m.dh Ciyaaraha jiibta iyo jaanta leh oo la dheelo mid ka mid ah.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
jaandheer
f. n. kind of traditional dance (folklore dance)
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
jaandheer
-ta: (magac, dhedig, keli) ciyaar jiib iyo jaanba leh oo laga ciyaaro sanaag.
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
jaandheer
de: kind of traditional dance (folklore dance)
lx: jaandheer
pd: (-ta)
ps: n2-f
key: jaandheer
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laandheer
f.mg4 (-raa, -rayd) L. ah: qabiil tira badan ama gobnimo ku faano.