raandayn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raandayn
m.f.dh eeg raandee. la-mid: randays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raacdayn
(Raacdayn-ta)
1. Wax lala tegey ama la dhacay, raacdo ahaan uga dabategid.
2. Ceyrin; eryid; cagaajin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacdayn
m.f.dh eeg raacdee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacdayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wax maqan doondoonid. Dh: raadcayn, doondoonid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raandays
m.l la-mid: raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raandaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax raando lagu simay ahaansho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raandaysan
f.mg4 (-snaa, -snayd) Wax raando lagu simay ahaansho. m.f.dh, raandaysnaan.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raandee
f.g2 (-deeyay, -deysay) Alwaax raando ku simid. m.f.dh, raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Baandhayn
(Baandhayn-ta)
(turub) shaandhayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandhayn
m.f.dh eeg baandhee. la-mid: baandhays (2), baandho.
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
baandhayn
-ta: (n) shuffle (shafal); reshuffle (riishafal) ~ baandhada turubka
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) isku hagaajin iyo isku habaynta turubka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taandhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid kale, dacwad ku soo oogid oo maxkamadda taagid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Aanayn
(Aanayn-ta)
Aano ku raadin ama darteed wax ku yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
aanayn
m.f.dh eeg aanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
aanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) «u ~» fal cid kale u tiirinta, si loo muujiyo in uu sababtiisa lahaa. Aanaynta gabay fidnadeed oo aanay lahayn Caasha, waa xadgudub loo gaystay xuquuqda qoraalka.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) caad yeelashada cirka.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
caanayn
m.f.dh eeg caanee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cunto, shaah iyo la mid ah, caano ku darid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) maad iyo maaweelo lagu qoslo samayn. Boon Xirsi waa xiddigga maadaynta Soomaalida.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raamayn
(Raamayn-ta)
Raamo u yeelid, u samayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raamayn
m.f.dh eeg raamee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raamayn
-ta: (magac, dhedig, keli) timo ama wax la mid ah raamo dhaadheer u yeelid: raamo u samayn. Raamaynta timaha Rooble isagaa raba.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raanaan
-ta: (magac, dhedig, keli) wax meel kore saaran ahaan. Raanaan baan ku ogaa kubbaddee yaa soo dejiyey. Dh: laallaan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Raaxayn
(Raaxayn-ta)
(u raaxayn) raaxo siin, u yeelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raaxayn
m.f.dh eeg raaxee. la-mid: raaxo (2).
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raaxayn
-ta: (magac, dhedig, keli) (u ~) cid kale raaxo u suurtagelin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
caantayn
-ka: (magac, lab, keli) lacag yar oo qadaadiic ah oo u dhiganta labaatan senti; labo kumi.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Daandaan
(Daandaan-ka)
Wareer iyo tabaryari in lala dhaco lagu sigto; dhacdhaca haya; dalanbaabbi: sirinsirqo.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
daandaan
daandaan¹: m.l 1. D. ah: nafley tabar daran oo dhaadhacaysa. 2. la-mid: daandaamid.
daandaan²: f.g1 (-aamay, -aantay; -aami) Tabardarro awgeed dhicdhicid.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
daandaan
v. feel dizzy
daandaan vl. n. dizziness
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
daandaan
-ah: (adj) dizzy (diisi) ~ dhawakhsan
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daandaan
-ka: (magac, lab, keli) wareer iyo miyir-doorsoon in lala dhaco lagu sigto. Dh: dalanbaabi, sirinsirqo, wareer.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
maansayn
m.f.dh eeg maansee.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Maanyayn
(Maanyayn-ta)
Hees gaar ah (maanyo) tirin, qaadid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) biyo aad u butaacid; mawjado waawayn kicin. Maanyyntiisa kolba moojad kicintiisa.
maanyayn -ta: (magac, dhedig, keli) carruur bidhibidhi ciyaarsiin. Maanyaynta waan ka daallee dhuumaalaysi aan ciyaarno. Dh: bidhibidhayn.
maanyayn-ta: (magac, dhedig, keli) sida sagaarada samayn. Maanyaynta iska daa. Dh: sagaarayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raacdays
-ka: (magac, lab, keli) eeg raacdayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raadcayn
-ta: (magac, dhedig, keli) baadi magan doondoonid. Dh: raadin, goobid, raacdayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raynrayn
-ta: (magac, dhedig, keli) farxad iyo niyadsami lala birinbirgoodo. Raxmaddii Allaa da'doo raynrayn ayaa lagu jiraa.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
yaanbayn
-ta: (magac, dhedig, keli) eeg yaambayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
lacanadayn
m.dh la-mid: nacaladeyn.
Ereybixinta Qalabka Farsamada Gacanta - Maxamuud Iimaan Aadan [1975]
Raandoweyn
Faaradda ugu weyn faaradaha farsamada looxa oo middida iyo birshakaalka mooyee inta kale ka samaysan tahay loox geed adayg ah.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaandhayn
(Shaandhayn-ta)
1. (turub) waraaqaha isku qasid; baandhayn, bawisid.
2. Isku celcelin; isku bedbeddelid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
shaandhayn
m.f.dh eeg shaandhee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaandhayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waraagaha turubka isku qasid. Dh: baandhayn, bawisid.
shaandhayn -ta: (magac, dhedig, keli) arrin inta dib loogu noqdo sii'hufid iyo isku celcelin lagu sameeyo; shaandhays.
shaandhayn -ta: (magac, dhedig, keli) isku bedbeddelka xubnaha dawladda; shaandhays.
shaandhayn -ta: (magac, dhedig, keli) waxyaabo isku dhexjira, isku celcelin, shaandho ku kala safayn.
shaandhayn -ta: (magac, dhedig, keli) wax isku jiray kala gurid oo inta wanaagsan kala bixid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
walaandayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shalwin oo meel sare hoos uga soo qululin.
walaandayn -ta: (magac, dhedig, keli) wada qaadid oo wax culus isla qabasho. Walax culus walaandayn ayaa lagu qaadi karaa. Dh: waldaafin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
baandhays
m.l 1. Dhar ay askartu kubabka ku duuban jirtay. 2. la-mid: baandhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhays
-ka: (magac, lab, keli) baandhayn ku samayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daafadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qof qof kale garbis xoog leh ku jiidha. Markuu i garbiyey ayaan daafadayntiisii la dhacay.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Dhaantayn
(Dhaantayn-ta)
Dhaanto tumasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
dhaantayn
m.f.dh eeg dhaantee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
dhaantayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dhaanto ciyaarid. Tartan dhaantayn ah ayaa la qabanayaa. Dh: dhaantays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faa'idayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faa'ido soo kordhin. Dh: faa'iidays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Faaradayn
(Faaradayn-ta)
Faarad marin, ku sinsimid; raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
faaradayn
m.f.dh eeg faaradee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
faaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) loox, faarad marin.
faaradayn -ta: (magac, dhedig, keli) looxaan, faarad kaga shaqayn oo ku hagaajin. Dh: raandayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Falanqayn
(Falanqayn-ta)
(hadal, arrin) caddayn; kala saarsaarid; kala dhigdhigid; ka faallayn; gelid; gorfayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
falanqayn
m.f.dh eeg falanqee. la-mid: falanqo.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
falanqayn
f. n. explanation, analysis
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
falanqayn
-ta: (magac, dhedig, keli) faaqidaadda xog la helay. Dh: faallayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
irmaanayn
m.f.dh eeg irmaanee. la-mid: irmanin.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
irmaanayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xoolo, caano u yeelid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
kaabadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel godan, kaabad u samayn; buundo u samayn oo dhisid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
laqanyayn
m.f.dh eeg laqanyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
laqanyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) laqanyo ku ridid; liidaanyayn; ladaadyeyn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
maanshayn
-ta: (magac, dhedig, keli) barwaaqayn oo wax ka farxiya wada gaadhsiin. Maanshaynta Eebbaa abkoow meel walliba gaadha. Dh: nicmayn, maanshayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaaradayn
-ta: (magac, dhedig, keli) qaarad qaarad u qaybin. Nimankii badmareennada ahaa ayaa qaaradaynta soo saaray. Dh: qaaradays.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
raabacayn
-ta: (magac, dhedig, keli) afar ka dhigid. Dh: afrayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacdaysi
m.l la-mid: raacdaysasho.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
raacdayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Nafley cayrsasho. 2. Wax raadsasho.
Qaamuus-Dugsiyeedka Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2022]
raacdayso
f.g3 (-stay, -satay) 1. Nafley cayrsasho. 2. Wax raadsasho. m.f.dh, raacdaysasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragandaad
-ka: (magac, lab, keli) fadhi keli meel la kuudado oo murug tusa. Dh: barraaq, habac.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
ragcadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) meel daloosha ragcad ku dhejin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Rasaasayn
(Rasaasayn-ta)
1. Rasaas ka dhigid.
2. Xabbado ama saanad ku ridid.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
rasaasayn
m.f.dh eeg rasaasee. la-mid: risaasayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
rasaasayn
-ta: (magac, dhedig, keli) rasaas ku aa'id. Rasaasayn baa libaaxii lagu dilay. Dh: xabbadayn.
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Raxanweyn
f. n. major Somali clan
Qaamuuska Fiqi: Soomaali-Ingiriis - Cabdiraxmaan C. Xaashi, Cawil Cali Xaashi [1995]
Raxanweyn
(n) name of a Somali tribe; Rahanweyn
Qaamuus Soomaali-Ingiriis - Madiina Cismaan, R Deefid Zork [1993]
Raxanweyn
de: major Somali clan
lx: Raxanweyn
pd: (-ta)
ps: n0-f
key: Raxanweyn
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Yaasiin Cismaan Keenadiid [1976]
Shaanbayn
(Shaanbayn-ta)
Shaanbo ku dhufasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
taandhays
-ka: (magac, lab, keli) eeg taandhayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
wadaadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) wadaad isku ekeysiin. Wadaadayn wadaad lagumo noqdo. Dh: wadaadays. Li: waranlayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
waranlayn
-ta: (magac, dhedig, keli) waran ku dagaallamid.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
xadantayn
-ta: (magac, dhedig keli) jidh faraha gamcaha caaradooda si aayar aayar ah u dul marmarin; xadanto ku samayn. Dh: xadantays xoodaamin.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
xanantayn
m.dh la-mid: xadatayn.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
baandhaysan
(tilmaame) turub is dhexgashan oo isku dhafan.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
daraasadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) samaynta baadhis cilmiyaysan.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
farajannayn
m.f.dh eeg farajannee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
farajannayn
-ta: (magac, dhedig, keli) xunbaha faraha isku jebintooda si ay u codeeyaan 'qac'.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
hayaanadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) cid la diririd oo u hanjabid afka uun ah. Dh: hanjabid, diririd, guhaadin.
hayaanadayn -ta: (magac, dhedig, keli) qof u soo baahday wax aad leedahay, si xun ula dhaqmid. Dh: hayaanadays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
qaraaxadayn
m.f.dh eeg qaraaxadee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
qaraaxadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) dacaayadayn oo hadal dheeldheel ah cid kale ku dhihid. Qaraaxadaynta ka jooji wiilka. Dh: dacaayadayn.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
saandambayn
m.f.dh eeg saandambee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
saandambayn
-ta: (magac, dhedig, keli) saaddanbe ka dhigasho.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
shaanbadayn
-ta: (magac, dhedig, keli) shaanbad ku dhufasho; shaanbadays.
Qaamuuska Af-Soomaaliga - Cabdalla Cumar Mansuur iyo Anariita Bugliyelli [2012]
tiiraanyayn
m.f.dh eeg tiiraanyee.
SOO MAAL: Qaamuus Af Soomaali - Aadan Xasan Aadan [2013]
tiiraanyayn
-ta: (magac, dhedig, keli) tiiraanyo ku ridid; caloolxumayn.
Qaamuuska Ereybixinta: Juqraafi (Soomaali-Ingiriis) - Xarunta Horumarinta Manaahijta [1987]
Aadan
Correspond
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
Aadan
name: Adam
Qaamuuska Afmaal: Soomaali-Ingiriis - Saciid [2013]
aadan
vl. pron., neg. you ... not